23/03/2023
QEEXIDA SOONKA...........................................................................
Luuqad ahaan waa ka joogsi laga joogsanayo cuntada ama hadalka.
Caddeyntu innagama foga ee waxa weeyaan aayada suuratu maryam ee ALLE isagoo ka sheekaynaya Nebi sakariye CS oo odhanaya alle ayaan ugu nadray inaan soomo.
Erey-bixinta islaamku siisay waa ka joogsi wax kasta oo jabinaya soomka laga bilaabo waabariga illaa cadceed dhaca.
Geed waliba hooskii, hadal waliba madashii, kolkaa dib ayaan ka sheegi doonnaa waxyaabaha jabiya.
Hilaadda qarnigii 2aad, bishii shabcaan ee Hijriga ayaa dhidibbada loo taagay waajibnimada soonka.
Umadihii h**e laftigooda way soomi jireen. Aayada 183aad ee suuratu al-baqra Alle wuxuu sheegay in muslimiinta lagu waajibiyay inay soomaan sidii ummadihii h**e ba ay ugu waajibtay.
Aayada waxa ku jira "kutiba" oo si toos ah u tiraabaysa in ay waajib ku tahay muslimiinta oo dhan inay soomaan haddii aanay cudurdaar rasmi ah haysan (ereyga "kutiba" waajib ayuu sheegaa kolkaa uu ku yimaaddo xogaha sugan ee diinta sida caanka ka dhex ah usuuliyiinta).
Ummadihii h**e waynu kala simannahay ìn la soomo, laakiin waxaan ku kala gedisanahay bishan ramadaan oo ummaddan uun ayay gaar ku tahay. Mar labaad, waxa muslimiinta la faray inay h**e ay ka soomaan kolka bisha ishka ku dhuftaan ba. (al-baqra 185aad). Xogaha sugan waxa ka mid ah hawraaraha aan hallaabi karin ee alag hayo suubbanihii SCW(NNKH) sida xadiiskii sheegayay in islaamka lagu dhisay shan, kan shanaad waxa uu ahaa in la soomo bisha ramadaan (Bukhaari iyo muslim) sidoo kale, ninkii nebiga SCW u yimid ee waydiiyay wixii xaq loogu leeyahay, waxa warcelinta ka mid ahaa inuu soomo bish ramadaan (bukhaari iyo muslim).
Sii socod..........