18/11/2022
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEY GEERIDA ALLAH HA U NAXRIISTEE GARAAD SALEEBAAN
Muqdisho November 18,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxriistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa Alle uga bar yay marxuumka inuu jannadiisa Firdowso ka waraabiyo.
"Waxaan dhammaan ehelka, qaraabada, isimada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe."
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Garaad Saleebaan uu ka mid ahaa garaadada ugu da'da weyn guud ahaan Soomaaliya, Isla markaana marxuumka uu ahaa mid kamid ah aasaasayaasha maamulka Puntland, isagoo wakhtigiisa inta ugu badan geliyey nabada iyo xasiloonida deeganada uu ku noolaa ee Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn dhammaan ehelada iyo qoyska iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland oo Alle uga baryay I uu samir iyo Iimaan ka siiyo.
DHAMMAAD