Hassan Tarsad

Hassan Tarsad Ku xigeenka Xeerilaaliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida Somaliya

08/12/2025

Waxaa lagu eedeeyay Dhaawaca Saaxbiibadood Maxkamadda Ciidamada .

 . Fulinta Xukun.Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo Afgarasho u aheyd Cali & Siyaaf iyo C/qaadir Abuukar Axmed oo Afgarasho u...
20/08/2025

. Fulinta Xukun.
Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo Afgarasho u aheyd Cali & Siyaaf iyo C/qaadir Abuukar Axmed oo Afgarasho u aheyd Nasru-diin & Saabir, ayaa lagu wada fuliyay Dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, labadadooda oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa dilal horay uga gaystay Caasimadda.

24/07/2025

Garmaqalka Askar Ku Eedeysan inay geeysteen Dhac & Dhaawac Culus+Khabiir Dhaqtar.

17/07/2025

Waxaa lagu soo eedeeyay Tolida Saababka cagagta biyaha lagu qaato iyo Basaasida goobaha Qaraxyada ay ka fuliyaan argagaxisada. Maxkamadda Ciidamada المحكمة للقوات المسلحة Abdirahman Gacan

15/07/2025

Garmaqalka Xukunsane Maqane ahaa oo lagu soo qabtay Miino Maxkamadda Ciidamada المحكمة للقوات المسلحة Abdifatah Akhyaar

13/07/2025

Xabad & Jirdil ka dhalatay Musqul Loo Diiday Darteed - Abdirahman Gacan

12/07/2025

Garmaqalka Arday Garaacday Macalinkii Qishka Ka Qaaday Maxkamadda Ciidamada المحكمة للقوات المسلحة Isse

09/07/2025

Garmaqalka Dilkii Taliye AUN G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale Maxkamadda Ciidamada المحكمة للقوات المسلحة

08/07/2025

Dilka Engneer ay duubtay Bar lagu hubiyo gaadiidka. Maxkamadda Ciidamada المحكمة للقوات المسلحة

Xukunka Horgoogiihii Tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay.Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” ayaa lagu soo ee...
05/06/2025

Xukunka Horgoogiihii Tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay.

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku Tashkiilin jiray inay ku biiraan kooxdaasi iyo Marin habaabin caruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.

Horjoogahiisa Xuseen Fiidoow ayaa u Magacaabay Marin habaabinta Jufada Hoose ee uu ka dhashay Eedeysane Horjooge Daqare, waxaana Ka mid noqoshada Khawaarijta uu ku tashiiliyey Ex Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego) iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow.

Shariif Cagaweyne oo Qeybta Dhagaraha ka tirsan ayaa isna ahaa Horjoogihii uu Daqare ku wareejiyay Jeego iyo Biyamaloow oo markii danbe geystay Qaraxyadii Muqdisho Mall 2019, Baar Cagaweyne oo ku yaalla agagaarka Hotel Wehliye 2019 iyo weerarkii Dabley Khawaarij ah loogu dusiyay airport ka Aden Cade 2022.

Horjooge Daqare Dadkii Kale ee uu ku biiriyay Khawaarijta, Jufadiisana ahaa kadib Tahskiilintiisa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xiggeenkii h**e ee Arrimaha Bulshadda Degmadda Hodon Shariif Nuur Cali Awliyo oo lagu helay la shaqeynta Khawaarijta, uuna u ahaa Basaas iyo Dhagarqabe Maxamed Cali Kaahiye oo wali la shaqeysta Khawaarijta, kana tirsan Duur ku jirta ku dhuumaaleysta Gobolka Mudug.

Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo Sargaal Xiggeen ka ahaa Xoogga Dalka, ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray Khawaarijta, kadib Tashkiilinta Abtigiis Hooyadii la ina Adeera, waana Horjooge Daqare.

Waxaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta Caasimada Gawaarida Qaraxyada Lagu Diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada Ciidamada Amniga, iyaggoo xittaa raran, Madaama u heystay Aqoonsiga Ciidamada.

Hay’adaha Amniga oo si hoose ula socday dhaqdhaqaaqa Dhagarqabe Daqare ayaa gacanta ku soo dhigay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishii May ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare Xabsi Daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale(Wadne) isna lagu xukumay Afar Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

03/06/2025

Markay Miinada Qaraxday ayaa la soo qabtay. Maxkamadda Ciidamada المحكمة للقوات المسلحة

Xukunka Dil ka dhaxcay Isgooska Tarabuunka oo ay Duubta  .Dable Xoogga Maxamud Xasan Xagaf iyo Dable Xoogga Buulle Xasan...
03/06/2025

Xukunka Dil ka dhaxcay Isgooska Tarabuunka oo ay Duubta .

Dable Xoogga Maxamud Xasan Xagaf iyo Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan, ayaa loo heystaa in isgoyska Tarabuunka Xilli uu ka jiray Jaam inay ka dhex rideen Xabado lagu cabsi gelinayo Kumanaanka Isticmaalaya Waddadaasi, waxaana rasaastaasi ka dhalatay dhimashada Labo Muwaadin.

Dable Xoogga Maxamuud Xasan Xagaf Xaayow (Baasto) ayaa lagu soo eedeeyay Dil Bareer ah, Caadeystanimo Dembi iyo Baxsasho, Kadib markii isaggoo jooga Isgoyska Tarabuunka oo Saxmad ah xabado uu furay ay ku geeriyodeen Marxuum Xuseen Maxamed Maxamuud iyo Marxuumad Laylo Cali Hilowle oo ah hooyo Todobo Caruur Agoon ah korineysay, falkaan ayaana dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sagaalkii Bishii April ee Sanadkaan.

Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan ayaa isna lagu soo eedeeyay Qal-qal gelin Amni, kadib markii uu si bareer ah rasaas uu ugu furay isgoyska Tarabuunka.

Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo Tobankii bishii May ee Sanadkaan.

Askar isku shaqo ay ahayeen Eedeysaneyaasha iyo qaar kale oo ku Qornaa Shaqada Amniga ee isgoyska Tarabuunka, ayaa Marag ahaan loo dhageystay, maadaama ay Goob joog ahayeen.
CCTV Camera oo duubtay Fal-dambiyeedkaan Ayey Xafiiska Xeer ilaalinta Ku\soo Bandhigeen Maxdarka, waxaana Tilmaamo looga bixiyay Sida loo kala leeyahay Dembigii dhacay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Ex- Dable Xoogga Maxamuud Xasan Xagaf Xaayow (Baasto) Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuumiinta kala ah, Laylo Cali Hilowle iyo Xuseen Maxamed Maxamuud, Halka Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan isna ay Maxkamadda u diratay Hal sano oo Feercelin ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Address

Martiini Rowd
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Tarsad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Hassan Tarsad:

Share