Halgan Legal Platform

Halgan Legal Platform Halgan is a legal platform that works on issues related to the law and its development and raises public awareness about the law.

Until there is a society that understands law and order and rule of law, we will continue this effort.

Eid MubarakCiid wanaagsan dhamaan umadda muslimiinta gaar ahaan ummdda soomaaliyeed waxaa hawada umarsiineenaa farxadda ...
05/06/2025

Eid Mubarak

Ciid wanaagsan dhamaan umadda muslimiinta gaar ahaan ummdda soomaaliyeed waxaa hawada umarsiineenaa farxadda munaasabada ciid-weyneda, waxaa leenahay farxad iyo baraaro kuwada ciida.


๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐˜€, ๐Ÿฏ-๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฏ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—น ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ.Kulankii sanadlaha ahaa ee Halgan Legal Platform  ayaa si guul ah u qabsoomay, waxaana ka soo ...
04/04/2025

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐˜€, ๐Ÿฏ-๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฏ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—น ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ.

Kulankii sanadlaha ahaa ee Halgan Legal Platform ayaa si guul ah u qabsoomay, waxaana ka soo qaybgalay dhammaan xubnaha sare ee hayโ€™adda. Guddoomiyaha hayโ€™adda, Mudane Abdikarim Moktar , ayaa shirguddoomiyey kulanka, isagoo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda isbeddel muuqda iyo baahida loo qabo qorshe cad oo lagu shaqeeyo.

Kulankan muhiimka ah wuxuu si gaar ah diiradda u saaray dardargelinta howlaha hayโ€™adda iyo dejinta qorshaha sanadlaha ah ee 2025โ€“2026. Waxa uu sidoo kale noqday fursad lagu falanqeeyo waxqabadkii h**e, laguna xoojiyo qorshayaasha mustaqbalka si loo gaaro himilooyinka iyo yoolalka Halgan Legal Platform.





CIID WANAAGSANDhammaan umadda islaamka ah iyo ummada Soomaaliyeed gaar ahaan sharci-yaqaanada waxaan ugu hambalyeynaynaa...
29/03/2025

CIID WANAAGSAN

Dhammaan umadda islaamka ah iyo ummada Soomaaliyeed gaar ahaan sharci-yaqaanada waxaan ugu hambalyeynaynaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Fidriga, annaga oo Alle ka baryayna in uu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii Ramadaan.

Waxaa idin leenahay farxad iyo nabad nagula ciida dhamaantiin.



Ramadan kariim dhamaan ummadda muslimiinta gaar ahaan umadda Soomaaliyeed. Alle ayaa mahad leh oo si nabad inagu gaarsii...
28/02/2025

Ramadan kariim dhamaan ummadda muslimiinta gaar ahaan umadda Soomaaliyeed.

Alle ayaa mahad leh oo si nabad inagu gaarsiiye bilashada bisha barakeysan ee Ramadan, sidoo kale waxaan Alle ka baryaynaa in uu Nabad, caafimaad, iimaan iyo cibaado suuban noogu dhameeyo dhamaanteena bishan barakeysan.

Waxaan sidoo kale Alle ka baryayaynaa in uu nawada waa fajiyo qeeyrka ku dhex sugan bishaan barakeesan.
Ramadan wanagsan jaallayaal.๐ŸŽ‰



๐Ÿ“Œ OGEYSIIS MUHIIM AH! ๐Ÿ“ŒMudane/Marwo,Waxaan ku ogeysiineeynaa in uu bilaaban doono tababar heer sare ah oo ku saabsan  (ู...
09/02/2025

๐Ÿ“Œ OGEYSIIS MUHIIM AH! ๐Ÿ“Œ

Mudane/Marwo,

Waxaan ku ogeysiineeynaa in uu bilaaban doono tababar heer sare ah oo ku saabsan (ูู‚ู‡ ุงู„ู…ุนุงู…ู„ุงุช ุงู„ู…ุงู„ูŠุฉ ุงู„ู…ุนุงุตุฑุฉ)/ Fahamka Mucaamalaatka Maaliyadeed ee Casriga, kaasoo uu bixin doono Dr. Avv. Abdulkadir Osman Baar.

Tababarkan oo si qoto dheer u falanqeynaya mabaadiโ€™da sharci ee dhaqaalaha casriga ah, wuxuu fursad gaar ah u yahay sharci-yaqaanada iyo dhammaan dadka xiiseynaya fahamka mucaamalaatka maaliyadeed.

๐Ÿ“ข Hadafka Halgan Legal Platform waa in aan iftiiminno fahamka mucaamalaatka maaliyadeed ee casriga ah, si aad u hesho aqoon sax ah oo la jaanqaadaysa waaqiciga maanta.

Fursaddani waa mid qaali ah,! Ha seegin.
Isdiiwaangeli si aad uga mid noqoto ka-qaybgalayaasha tababarkan qiimaha leh.๐Ÿ‘‡๐ŸŽฏ
https://forms.gle/8H4VnwqkYzfaPKga9

Wuxu bilaabanayaa 20-25.Feb.2025 oo shan habeen ah.
Waqtiga: Bacdal cisha.
Goobta: Telegram.

Tababarka waxa uu leeyahay shahaado.
Waxaa kuu rajeeneynaa nasiib wanagsan.

.
Email: [email protected]

Xalay waxaa noo qabsoomay seminaarkii ku saabsanaa hab-qoraalka maqaalada (Essay Writing), kaas oo ay si weyn uga faaโ€™ii...
06/02/2025

Xalay waxaa noo qabsoomay seminaarkii ku saabsanaa hab-qoraalka maqaalada (Essay Writing), kaas oo ay si weyn uga faaโ€™iideen ardayda jaamacadaha dhigata ama dhammaysay, iyo dhammaan daneeyayaasha qorista maqaallada.

Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa soo-jeediyeyaasha:

Abdifatah Sheikh Ahmed
Ebrahim Abdullahi

Halgan Legal Platform ๐™ฌ๐™–๐™ญ๐™–๐™ฎ ๐™™๐™š๐™™๐™–๐™–๐™ก ๐™ช๐™œ๐™ช ๐™Ÿ๐™ž๐™ง๐™ฉ๐™–๐™– ๐™๐™ค๐™ง๐™ช๐™ข๐™–๐™ง๐™ž๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™™๐™๐™–๐™ข๐™ข๐™–๐™–๐™ฃ ๐™—๐™–๐™๐™ž๐™ฎ๐™–๐™๐™– ๐™จ๐™๐™–๐™ง๐™˜๐™ž๐™œ๐™– ๐™š๐™š ๐™—๐™ช๐™ก๐™จ๐™๐™–๐™™๐™– ๐™Ž๐™ค๐™ค๐™ข๐™–๐™–๐™ก๐™ž๐™ฎ๐™š๐™š๐™™.




๐๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐ฑ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ˆ๐Ÿ๐ข๐ฒ๐ž.Axad, ๐—™๐—ฒ๐—ฏ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜†๐—ผ 2,  ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, Madasha Sharciga ee Halgan Legal Platform waxay booqasho rasm...
03/02/2025

๐๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐ฑ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ˆ๐Ÿ๐ข๐ฒ๐ž.

Axad, ๐—™๐—ฒ๐—ฏ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜†๐—ผ 2, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, Madasha Sharciga ee Halgan Legal Platform waxay booqasho rasmi ah ku tagtay xafiiska
Garyaqan Abdirizak H. Omar, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira horumarinta sharciga iyo doorka ay dhallinyarada sharciga barata/baratay ka qaadan karaan kobcinta garsoorka dalka.

Intii kulanku socday, waxay si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha hortaagan xirfadlayaasha sharciga iyo sida xal waara loogu heli karo. Sidoo kale, waxaa la isla meel dhigay muhiimadda uu sharcigu u leeyahay xasilloonida iyo horumarka bulshada.

Abuukate Abdirizak H. Omar ayaa dhiirrigeliyey dedaalka ay Halgan Legal Platform waddo, isaga oo ku booriyey inay sii xoojiyaan wacyigelinta sharciga iyo kobcinta aqoonta dhallinyarada.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is fahan, iyada oo la filayo in iskaashi dhow uu ka dhex maro Halgan Legal Platform iyo xafiiska Abuukate Abdirizak H. Omar.

๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐.

๐Ÿ“ŒOGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS.๐Ÿ“Œ Waxa ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ป ๐—ผ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ฎ sharci yaqaanada qiimaha badan in aan ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ผ ๐˜๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ku saab...
28/01/2025

๐Ÿ“ŒOGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS.๐Ÿ“Œ
Waxa ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ป ๐—ผ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ฎ sharci yaqaanada qiimaha badan in aan ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ผ ๐˜๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ku saabsan ๐—˜๐˜€๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฟ๐—ถ๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด.
๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ ๐—ฑ๐—ผ๐—ป๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ ๐—ณ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ด ๐—ฎ๐—ต (๐—š๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—น๐—ฒ ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด), ๐˜๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป oo muhiim u ah ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฐ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฐ๐—ถ๐—ฑ ๐˜„๐—ฎ๐—นi๐—ฏ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒne๐˜†๐˜€๐—ผ ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐˜† ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐˜๐—ผ
๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ผ warqadaha
๐—˜๐˜€๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฟ๐—ถ๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด-๐—ธ๐—ฎ.
๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—น๐—ด๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐—น ๐—ฝ๐—น๐—ฎ๐˜๐—ณ๐—ผ๐—ฟ๐—บ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฒ๐˜† ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ป ๐—ผ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป lajogo ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—˜๐˜€๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฟ๐—ถ๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด-๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ๐—ป ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป.
T๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ธ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ'๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ถ๐—ณ๐˜๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—˜๐˜€๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฟ๐—ถ๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด-๐—ธ๐—ฎ aad ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ ๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป ugu qorto iyo
๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ผ, ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ oo ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ธ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ผ warqada badan oo Essay Writing, ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—ณ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—˜๐˜€๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฟ๐—ถ๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด-๐—ธ๐—ฎ.

๐—™๐˜‚๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—น๐—ฎ-๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ด ๐—ฎ๐—ต, ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ท๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜‚ ๐˜‚๐—ด๐—ฎ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ'๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ผ.
what's app; https://chat.whatsapp.com/Erh8XV6KqPG1I95qBL5cmR


Email: [email protected]

Bismillaahi waxa ay mahad oodhan u sugnaatay Allaah SUBXAANAHU WATACAALAA. Waxaa shalay si qurux badan noogu qabsoomay s...
03/01/2025

Bismillaahi waxa ay mahad oodhan u sugnaatay Allaah SUBXAANAHU WATACAALAA.

Waxaa shalay si qurux badan noogu qabsoomay siminaarkii Nidaamka Fedraalaynta Garsoorka, uu soo jeediyey Osman Aded Osman, oo ay ka soo qaybgaleen arday ka socotay jaamacado kala duwan.

Waxay madashu rajaynaysaa inay qaban doonto siminaaro kale oo ay ugu iftiiminayso hadba meeshii ay mugdi aqoonayd uga jirto ardada sharciga dhigato ee soomaaliyeed.

Waxaan si isku duuban ugu mahadcelinaynaa maamulka Kuliyada sharciga ee jaamacada Banadir oo doorwayn ka qaatay qabsoomida siminaarkaan.

Mahadsanidiin.
Birmad Production ๐Ÿ“ธ

.

OGEYSIIS   OGAYSIIS   OGAYSIIS.Mudane/ Marwo waxaa ku ogeeysiineeynaa in aan qabaneyno Siminaar ciwaankiisu yahay  NIDAA...
30/12/2024

OGEYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS.

Mudane/ Marwo waxaa ku ogeeysiineeynaa in aan qabaneyno Siminaar ciwaankiisu yahay NIDAAMKA FADRAALAYNTA GARSOORKA, uu soo jeedinaayo Avv. Osman Aded Osman

Siminaarkaan wuxuu muhiim u yahay dhamaan ardeyda barata ama dhameeyey kulliyadaha sharciga, siyaasada, maamulka, xiriirka caalamiga ah iyo inta kale ee daneynaysa in ay wax ka ogaadan, fahmaana NIDAAMKA FADRAALEEYNTA GARSOORKA.

Waxaa si hufan kuugu soo dhaweeyneeynaa siminaarkaan qiimaha badan.

Taariiqda uu dhacaayo; 02. Jan. 2025.
Waqtiga; 03:00.PM.
Goobta; Jaamacada Benadir, qeeybta seybiyaano.

Si aad uga qeeyb gasho siminar-kan fadlan iska diiwan gali form-kaan hoose.

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSfg_Cr1YUtg1x7fk7-dunPzxOT6RuXviAhDl0xVeRMh4wosfA/viewform?usp=pp_url

Ku soo biir whats app guruubkaan;
https://chat.whatsapp.com/BZtHQLjdh8yG3kSZ3Kxpaf

Qormo Hambalyo: Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed โ€“ 21ka Nofeembar 2024.Maalinta 21ka Nofeembar waa maalin gaar ah oo l...
21/11/2024

Qormo Hambalyo: Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed โ€“ 21ka Nofeembar 2024.

Maalinta 21ka Nofeembar waa maalin gaar ah oo loo asteeyay xuska iyo maamuuska macalimiinta Soomaaliyeed. Waa maalin aan ku qadarineyno dedaalkooda joogtada ah iyo kaalin muhiim ah ee ay ka qaataan horumarinta bulshada iyo kobcinta aqoonta jiilasha cusub.

Macalimiintu waa iftiinka bulshada; waa hogaamiyaasha aan muuqan ee hagaya jiilasha mustaqbalka ifaya. Waxay yihiin kuwa ku tabarrucay naf iyo waqti si ay u huriyaan aqoontooda, waxna ugu biiriyaan dhismaha mustaqbalka dalkeenna. Iyagoo ku jira duruufo adag iyo xaalado caqabad badan leh, haddana weligood k**a daalin inay abuuraan jiil waxbartay oo leh hami iyo rajo.

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Mahadsanidiin dadaalkiinna, dulqaadkiinna, iyo dhiirrigelintiinna joogtada ah. Waxaan idin leenahay, ha ka daalin inaad hogaanka u hayaan hormarka iyo aqoonta bulshadeenna.

Sidoo kale, waxaan ku boorrineynaa bulshada iyo hayโ€™adaha dowladda inay macalimiinta siiyaan qadarin, taageero dhaqaale, iyo fursado ay ku horumarin karaan xirfaddooda. Waa in la hubiyaa in macalimiintu helaan xaqa ay mudan yihiin, si ay u sii wataan hawshooda qiimaha badan.

Maalintaan qiimaha badan waxaan u rajeyneynaa dhammaan macalimiinta caafimaad, farxad, iyo guul waarta. Hambalyo Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed!

Qore: Halgan Legal Platform
Taariikh: 21ka Nofeembar 2024

Bahda Halgan legal platform Waxa ay manta oo Tariikhdu tahay, 02-Novem-2024 safar Salaamo leedahay, Axmed Maxamed   oo k...
02/11/2024

Bahda Halgan legal platform Waxa ay manta oo Tariikhdu tahay, 02-Novem-2024 safar Salaamo leedahay, Axmed Maxamed oo ka mid ah, Aas-aasayaashii Halgan legal platform.

Safarkan oo ay ku wehliyaan Saaxibadiisa; Kassim Awow iyo Samira Hanaf
Safarkoda ayaa daran in ay magalada Nairobi kaga qeybg galaan tartanka Calamiga ah ay qabaneesyso haya'adda caalamiga ee laaqeeynta cas oo ku saabsan Jiliin Maxakmadeed.

Kaas oo ay ku matalayan dhamaan ummadda Soomaaliyeed.


Address

Mogadishu

Telephone

+252619030756

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halgan Legal Platform posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Halgan Legal Platform:

Share

Category