Midowga Ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda SIMAD

Midowga Ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda SIMAD Ku soo dhowaada, barta Midowga Ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda SIMAD (MAKSHA).

02/05/2026

Kalmada Gudoomiyaasha ardayda kulliyadda Qaanuunka ee jaamacadaha Gobalka Banaadir.

30/04/2026

Kalmada,Awkaate Ali Ahmed Ali oo ka mid ah qalin-jabiyaasha Kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda SIMAD.

30/04/2026

Kalmada: Garsoore Abdirahman Dahir Sulub oo ka hadlay dabaqaadda xeerka ciqaabtaโ€ฆ

29/04/2026

Key moments from the event.

Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda SIMAD ayaa qabatay bandhig aqooneed loogu talagalay ardayda kuliyadda, kaas oo diiradda...
27/04/2026

Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda SIMAD ayaa qabatay bandhig aqooneed loogu talagalay ardayda kuliyadda, kaas oo diiradda lagu saaray โ€œ๐—›๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ.โ€ Bandhiggan waxaa soo jeediyey Xeer Ilaaliye ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜‡๐—ถ๐˜‡ ๐—ข๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต oo ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay habraacyada sharciyeed ee loo maro baarista dambiyada, muhiimadda ururinta caddeymaha saxda ah, iyo doorka hayโ€™adaha kala duwan ee nidaamka caddaaladda.
Intii ay socotay muxaadaradu, ardaydu waxay heleen fursad ay ku weydiiyaan suโ€™aalo cilmiyeed Xeer ilaaliyaha, taas oo kordhisay fahamkooda mowduuca.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday si guul leh, iyadoo kuliyaddu mar kale muujisay doorkeeda ku aaddan horumarinta xirfadaha iyo aqoonta ardayda.


Kulliyadda Qaanuunka ee jaamacadda SIMAD waxa ay martigelisay bandhiggeeda maxkamadeed ee sanadlaha ah kaas oo ah madal ...
25/04/2026

Kulliyadda Qaanuunka ee jaamacadda SIMAD waxa ay martigelisay bandhiggeeda maxkamadeed ee sanadlaha ah kaas oo ah madal aqooneed lagu mideeyo barashada iyo ku-dhaqanka sharciga.

Bandhiggan, ardaydu waxay si xirfadeysan oo matalaad ah ugu soo bandhigaan aqoontii ay barteen, iyagoo isu beddelaya qareenno, garsoorayaal iyo baarayaal, kana shaqeynaya dacwado u eg kuwa dhabta ah ee maxkamadaha.

Ujeeddadu waa in ardaydu horumariyaan fahamka habraacyada maxkamadeed, xirfadaha dood sharciyeed iyo kalsoonida ay ugu diyaar garoobayaan ka shaqeynta nidaamka caddaaladda.

ุฅูู†ู‘ูŽุง ู„ูู„ู‘ู‡ู ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽู€ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽWaxaan ka tacsiyeynaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariist...
23/04/2026

ุฅูู†ู‘ูŽุง ู„ูู„ู‘ู‡ู ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽู€ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ

Waxaan ka tacsiyeynaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Aabbe Tahliil Xaaji Axmad, oo ah aabbaha Cabdiwaaxid Tahliil oo ka tirsan ardayda kulliyadda sharciga ee jaamacad SIMAD.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelka, iyo qoyska uu ka baxay aabbe Tahliil. Waxaanna u rejeynaynaa samir iyo iimaan.

21/04/2026

Ma ka Mid tahay dadka Isku diyaarinaya iney Kaso qeyb-galaan Bandhig Maxkamadeed Sanadlaha ah ee Kuliyadda Sharciga SIMAD University.
Muuqaalkan ayaa soo koobaya goorta iyo goobtaba....................๐Ÿ‘€

15/04/2026
Midowga Ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda SIMAD ayaa Maalinta isniinta Soo qaban qaabiye tartan dood-cilmiyeed u...
15/04/2026

Midowga Ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda SIMAD ayaa Maalinta isniinta Soo qaban qaabiye tartan dood-cilmiyeed u dhaxeeya fasallada kullyada sharciga ee jaamcada SIMAD. wareegga Labaad ee tartanka dood-cilmiyeedka fasallada waxuu dhex maray BLAW15 iyo BLAW16, kuwaas oo muujiyey diyaargarow heer sare ah, fikir qoto dheer oo wanaagsan.

Kadib dood xiiso leh oo tartan adag ah, guusha waxaa lagu abaalmariyey fasalka BLAW15 oo soo bandhigay waxqabad aad u heer sarreeya.

Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka qaybgalayaasha iyo Garsoorka , Hambalyo BLAW15.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda SIMAD posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share