19/11/2025
GABGABO IYO MAHADCELIN.
Ugu dambeyntii, waxaan maanta halkaan ku soo geba-gabeynaynaa munaasabaddii gudoonsiinta Shahaadooyinka Tababarkii uu bixiyey Xafiiska Xaldoon Advocates & legal Counsultants ee Avv Mohamed Omar Aweis, oo ahayd munaasabad si heer sare ah loo agaasimay lana geliyey dedaal iyo hawlkarnimo.
Sidoo kale, waxaa qayb muhiim ah ka ahaa Tababarka Sharci ee ardayda leyli-qareennada ah, kuwaas oo maanta lagu gudoonsiiyey shahaadooyinkooda, taas oo muujinaysa aqoontooda kobocday iyo u diyaar garowgooda mustaqbalka xirfadeed.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan martida qiimahal lahaa, ka qaybgalayaasha, iyo intii door ka qadatay in munaasabaddan si habsami leh u hirgasho. Abaal-marinta iyo shahaadooyinka la bixiyey maanta waxay u taagan yihiin dhiirrigelin, xasuusin iyo in aynu sii xoojino shaqada wanaagsan, isla markaana aan mar walba u istaagno horumarinta bulshada iyo tayeynta aqoonta.
Gebogabadii, waxaan rajeynayaa in guulaha maanta la arkay ay noqdaan kuwo horseeda kuwo ka weyn berrito. Mahadsanidiin dhammaantiin, waxaana idiin rajeynayaa guul iyo barwaaqo. Ilaahay ha inoo sahlo dhammaan howlaha iyo rajadeenna horusocodka leh.