AVV Guutaale

AVV Guutaale Halkaani Waa Barta rasmiga ee Abukaate Guutaale.

10/09/2025

YAA QADAYA MASULIYADA QASARAHA OO GEYSTO QOFKA SHAQALAHA đź‘€. MUQAALKAN KA DAAWO

17/10/2024

“Dowlada waa fashilante” hadii qofka muwadinkaaa dhaho qasab ma ahan inoo cadeeyo ama cadeyn u keeno inee dowlada fashilantahe.

Muwadinkaaa kaliya fakirkiisa iyo xaquuqdiisa oo ku dhiibankaro afkaartisa ama ra’yigiisa ayuu isticmaale.

Qanuunka wadanka ayaana u ogolaana.

Aqri qodobka 18 aad Dastuurka 2012

BILAAL BULSHAAWI VS JAAMACADA IYO BAHDA WAXBARASHADAFG: Qoraalkaan dhinac lama jiro kaliya xagga sharciga ka fiirineena ...
16/10/2024

BILAAL BULSHAAWI VS JAAMACADA IYO BAHDA WAXBARASHADA

FG: Qoraalkaan dhinac lama jiro kaliya xagga sharciga ka fiirineena dooda ah “BILAAL BULSHAAWI MA DHALIILI KARAA JAAMACADA DALKA TAYADOODA”.?

Maxaa u ogalaanaayo bilaal bulshaawi in fikirikiisa ku dhaliilo jaamacada wadanka iyo hannaanka waxbarashada.?
Qodobka 18-aad Dastuurka Kumeel Gaarka ah 2012:
- XORIYADA RA’YIGA IYO AFKAARTA -
1- Qofkasto wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in u doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa , xog ama afkaar si kastaba

Qodobkaas wuxuu si cad u sharaxaa qofka muwaadinka in afkaartiisa wax ku dhaliili karo qaab warbaahinta, Elektaroonikada iyo internet kaba.

Qofkasta og jamacadaha wadanka in dib u habees balaaraan u bahaanyihin ma ahan wax qarsoon , in bilaal bulshawi lagu xero afkaar caam ah oo qofkasto aaminsanyahay wax sal sharci ah maleh .

Jaamacadaha waakilo haso dirsadaan goob fagaaro ah haku duraan afkaarta Bilaal Bulshawi laakin xarig maya❌

Bilaal Bulshaawi

Hormuud vs Hay’ada nabad sugidda (NISA)Yaa qaldan.??Sharcigana muxuu ka qabaa.??Sharciga wadaanka ku dhaqmo aad ayuu u x...
15/01/2024

Hormuud vs Hay’ada nabad sugidda (NISA)
Yaa qaldan.??
Sharcigana muxuu ka qabaa.??

Sharciga wadaanka ku dhaqmo aad ayuu u xushmeeya xogta muwaadinka in la ilaaliyo loono maro wadooyinka sharciga tilmaame hadii dowlada rabto xogtaaas.
Tusaale: Hadii qof muwaadina looga shakiyo in uu argagaxisada la shaqeeyo( ha ahaato mid maaliyadeed ama si kale ba) hay’ada nabad sugida waaku waajib inee baritaan ku sameeso kuna soo cadeeso falkaas.

Lakiin wadadee lo maraa:
1) hay’aad waa iney warqad waaran ka codsataa garsoorka (ha ahaato mid so xerid ah ama mid ah in akoonkiisa la fatasho)
Hada mida la isku heysto waa “Fatashaad akoon”
2) Codsiga warqada waa inoo ku lifaaqnado sababto baarista, sababta akoonka loo fatashayo, hadii akoonka looga shakisanyahay lacag argagaxisada lagu tageerayo ine ku jirto iyo astaamoyin ku dhaliye hay’ada qofkaan inoo aragagaxisada lacag u haayo

Kadib hay’ada hadee waaran kaas soo hesho wajib keeda toos u gudanee , ayadoo ku amreeso shirkadaha ama bank yada akoonadaas hayo inee ku wareejiyaan hay’ada.
Shirkadahaas waxaa qasab ku ah inee amarkaas raacaan.

Hadii hay’ada nabad sugida tilaaboyinkaas raaci weyso shirkadaha waxee xaq uleeyihin inee difacaan xogta muwadinka aaysana bixin, hadee bixiyaana ayaga dambi laguso oogi karo.

Hormuud iyo Nisa hadaa qilaafka horyaala xaqiiqoyinka dhabtaa wali lama haayo .
Dhinackasto eed buu sheganayaa inee runtahay ama beentahayna lama oga.

Hay’ada nisa inee xerto xarumo shirkada leedahay ma ahan hool fudud, waxaan qasaba inee cadeen shaki la’aana wataan.
Hadii kale waxey isku furayaan dacwad dheer.

Somalia VS Somaliland & Ethiopia iyo Heshiiska MoUSida ognahay bilawgi sanadkaan cusub 01/01/2024 waxaa si official uso ...
08/01/2024

Somalia VS Somaliland & Ethiopia iyo Heshiiska MoU

Sida ognahay bilawgi sanadkaan cusub 01/01/2024 waxaa si official uso baxay heshiiska is afgaradka ah ee ka dhaxeeya gobolka ictiraaf doonka ah somaliland iyo Ethiopia, waxey wada galeen heshis is afgarad ah “Memorandum of Understanding” oo qodobadiiso ahaa
✔️ In Ethiopia laga kireeyo 20Km biyaha bada somalia
✔️ Somaliland lasin doono Saami/Shares kamida diyaarada Ethiopia Airline oo dhaqaalo badan so xareesa sanadkasta iyo in Ethiopia aqoonsato Somaliland.

Dhinacyada heshiiskaan aan kala qaadno , aan ka fiirino dhinaca Somaliland, 1988 xukumadi kaliged taliska aheed ee siyad barre waxee xasuuq ba’an ka geysteen Hargeisa taaso ku baaba’en shacab gaaraya 500k qof iyo barokacayaal malaayin kor u dhaafaya, tani iyo markaas Somaliland waxeey go’aankedu ahaa inee ka go’do somaliya noqotana wadan gooni , 32 dii sano u dambeese dowlad ayada is wadee eheed, lagumana eedeyn karo taas somaliland , iska soo qaad booskoda adiga.? Mala heshiin laheed dadkii dile awooweyaasha iyo adeerada .? Somaliland ma donneyso markale inee ku dhacdee wixii ku dhace 1988 waana ku saxanyihiin lagumana eedeyn karo.
Maxaa ku kalife heshiiskan somaliland .?
Dhaqaalo awgeed , ictiraafka ama aqonsiga waa iska siyaado lakiin sababto ugu weyn heshiiskan ku riixayo somaliland waa dhaqaalo iyo daqliga kaso gali donna heshiiskaan kaaso wali faahfahintiisa aan laso bandhigin.
Shacabka somaliland dhaqalaha ugu weyn so gala wuxu ka yimada lacagaha diyaasbarada dibadaha kaso diraan, taasina ma ahan wax la joogteyn karo waqti dheer oo dowlad lagu dhisi karo, sidaa awgeed waxeey u bahanyihin ilo cusub oo dhaqaalo kaso galo.
Ilahaasna waxaa kamida Nimcada bada eey heystaan.

Dhinaca labaad : Ethiopia jaabkii kaso gaaray dagalkii eey la galeen Eritrea 1998 kadib waxeey aheyd wadan “Landlocked” ah oo bad la’aana taaso caqabad weyn ku eheyd dhaqaalaha ethiopia.
Maxaa ku qasbe ethiopia inee heshiskan la gasho somaliland .?
Sido kale Danno dhaqaalo awgeed .
2021 Ethiopia Waxey dhoofise badeeco qiimaheda gaaraya $4 Billion ayago isticmaalaya dekedaha Djibouti.
Ethiopia ma dooneso in kaliya Jabuuti isku haleeso sababto ah hal wadan in dhaqalahaaga qeybtii ugu muhimsaneed gacanta ku hayo waa qatar weyn oo waxkasta isbadali kara,

Dhinaca saddexad Dowlada federaalka somaaliya, sidaa xeerka calamiga qabo dhamaan bada iyo bariga ku yaala xuduudaha calamiga ee la aqonsanyahy ee somalia taaso kamid ah somaliland waxaa masuul ka ah dowlada Federaalka somaliya, heshiiskan hada wada galeen somaliland iyo ethiopia waa mid “Null and Void” ah ama waxba k**a jiran sido xeerka calamiga qabo.

Talaaboyinka ku haboon dowlada somaliya inee qaado maxee tahay.?
Horta dagaal = Maya, sababto ah wax faa’iido ah oo nogu jiro maleh ( maraa isdifaceno haa laakin anaga ina bilawno dagaal sidii 77-kii ma fiicno)

Talaabada koowad waa in Ethiopia culees diplomaasiyadeed la saaro si heshiiska uga laabtaan.
Hadii taas lagu guleesto kadib boos fiican oo somaliland lagula gorgortami karo ayeey tagee Dowlada Federalka somalia

Mida laabad in Somaliland miiska wada hadalka dib looguso celiyo lana fuliyo
1. In loo aqoonsado Somaliland “Special administrative region (SAR) of Somalia, taaso ka dhigan In dowlada Somaliland isku filnaasho la siiyo xukumadeedan dhisnaato balse shurudooyin qaas ah lagu xeero tusaale : in heshiisyo caalamiya gali karin ayadoon la tashan Dowlada Federaalka somalia.

System kaan wax cusub ma ahan dowlado badan aa kuwada nool waxaana kamid Wadanka China iyo Hong Kong.

Heshiiskan hadii dowlada somaliya ku guulesato waa “Win Win situation” somaliland ictiraafke raadinese 30kii sano u dambese heele, Dowlada Federaalka somaliya na waxee ku guulesane dagalka siyaasada juqaraafi eey kula jirto Ethiopia.
Heshiis kasto Ethiopia la gasho somaliland nah dowlada federal ka somaaliya qeyb bee ka ahaane iyado eegesa danaha qaran.

Intaas waa fikirkeyga nala wadaag adiga kaaga

FG: Qoraalkaan ma ahan mida ku taagerayo Muusa biihi iyo xukumadiisa waa ognahy waana maqalne dhibaatade xukumadiisa u geysteen shacabka reer laas canood iyo degenada ku hareeresan.. shacabka somaliland sababta kaliya u tageran Muusa bihi ma ahan jaceel u qabaan asiga ee waa cabsida iyo naceebke u qabaan Koonfurta soomaliya ama dowlada dhexe.
Hadii cabsidaan laga saaro shacabka somaliland muusa biihi sabab kalo xilka kusii hayo maleh waqtigiisa iska dhamaade ba.

16/07/2023

Number one Problem uugu weyn hanaanka dowladnimadeena heysta waa shaqaalo badan oo tayo laheen.

Hay’ad kasta waxaa ka shaqeeya ugu yaraan 10 qof dheeradiya oo wax qiimo leh aan kuso kordhin oo culees ku ah habsami socodka howlaha hay’adaas qaban laheed.

Maxaa xal ah.?
Mid waa in shacabka soo dortaan qofkee hogaamin lahaa ilaa iyo heerka ugu hooseyo ee matalada.
Xalka kaliya macquul waa kaas.

Deenta Madaxweyne Xasan sheikh uu wadanka uuga soo qadayo ha’aada IMF(international monetary fund) wax faa’iido wadanka ...
09/12/2022

Deenta Madaxweyne Xasan sheikh uu wadanka uuga soo qadayo ha’aada IMF(international monetary fund) wax faa’iido wadanka ma ugu jirta.?

Deen in wadanka soo qaato kadib na lagu maal galiyo waa wadooyinka ugu fudud ee wadamada tabartoooda dhaqaale yaryatahay lagu dhiso karo, somalia oo kale.
Balse Deentan waa mid seef labo afle ah, hadii sida saxda loo isticmaali waayo waxey keenesa in eey deyn ku gasho kadib na ha’adahaan deemaha bixiya gacantooda wadanka oo galo kadib na siyaasad ahaan maamulan wadanka.

Wadanka deyn ma u baahanyahay si loo dhiso .? Jawabteedo waa haa 100% balse waxaan rajeenaya madaxweyne xasan sheikh in maalgalin wadanka gudahiisa deyntas kula sameeyo aanan ilo qasaaro ah eeysan ku bixin.

 .Ciyaal weero maxaa lagu xalin karaa.?Dhibaatada ciyaal weero aayku heyso bulshada soomaliyeed gaar ahaan muqdisho ayaa...
16/04/2022

.

Ciyaal weero maxaa lagu xalin karaa.?

Dhibaatada ciyaal weero aayku heyso bulshada soomaliyeed gaar ahaan muqdisho ayaa aad uso badanese billooyinkii u dambese.
Iyado falal dambiyeed waa weyn oo dil ah eey maalmihi u dambeeye geesten ciyaal weero.
Waxaana qasab ah falaalkaas dambiyada waa weyn oowgeed in dawlada eey soo faro galiso dhibaatadan si xal dhameystiran looga gaaro .

Hadaba maxuu Qanuunka iyo dowlada ka qaban karaan si dhibaatadaan loola tacaalo.?
1) in qodobo sharci qoran uu baarlamaanka kaso saaran "ciyaal weeero" qudobadaas oo si faahfaahsan u sheegaya cinqaabta la maarsiin doonno dadka faldambiyeedka weerada laguso qabto.
2) in xeer-ilaalinta iyo police ka dagmooyinka si wada jir ah ugu wada shaqeeyan fulinta sharuucdaas.
3) in si public ah bulshada loo ogeysiiyo shuruucdaas cusub oo laga soo saare ciyaal weero kadib na la dhaqan galiyo.

Address

Wadnaha Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AVV Guutaale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to AVV Guutaale:

Share