25/04/2024
Maanta oo Taariikhdu tahay 25/04/2024, waxaa Imtixaanka Soogelidda Mihnadda Qareennimada u fadhiistay tiro dhan 2018 Garyaqaan oo ka soo qalinjebiyay Kulliyadaha sharciga ee Jaamacadaha Dalka iyo dibadda , Garyaqaannadaas oo muddo sanad ah tababar u socday.Qaadista Imtixaanka waxaa iska kaashaday Guddiga talobixinta iyo diiwaangelinta Qareennnada iyo Ururka qareennada Soomaaliyeed.
Dhamaantood waxaan u rajeyneynaa guul inshaallaah.