Mohamed Abdi Kadiye

Mohamed Abdi Kadiye Ku Soo dhowoow Pageka

01/11/2023
11/05/2023

Haddii aanay jirin hay'ado ilaalin adag oo kor taagan xafiisyada Dowladda,
isla xisaabtan la'aantu waxay noqotaa aasaaska nidaamka musuqmaasuqa lagu dhiso.

Haddii aan isla xisaabtan la'aanta la dumin, dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro musuqmaasuqa waa wax aan waxba tarayn.


Muwaadin ma ogtahay in uu jiro , SOO BAXAY 2023, oo ah xeerka xukuunadda ansixisay soo saaray xafiiska Raisulwasaaraha.
Qodobkiisa 4aad, wuxuu farayaa in wasaaradda caddaalada si dhaqso ah ku soo saarto xeer ah-
- In ay dhaqangeliso habkastoo ugu fudud uu muwaadib kastaa ku soo wargelin karo haduu arko musuq laseemeynayo una soo gudbiyo hay,adaha đźš” policeka iyo xeer ilaalinta.

Ma ogtahayna haddii laguugu soo eedeyo Eed aadan gelin
_In aad xaq u leedahay in aad hesho Qareen ku difaaca.

Mohamed Abdi Kadiye Abdi

Halkaan Ka dhageyso Qaraamigii h**e.
10/05/2023

Halkaan Ka dhageyso Qaraamigii h**e.

Listen to Mohamed Abdi Kadiye | SoundCloud is an audio platform that lets you listen to what you love and share the sounds you create.

23/04/2023

Aqoonta waxaa lagu bixiyaa waqti, lacag iyo maskax,
Ujeedkuna waa in dadku kala duwanaadaan, qof wax bartay iyo qof wax aan baran.

Qur,aanka waxaa ku jirta aayad oraneysa
__ miyey siman yihiin mid wax bartay iyo midaan wax baran?

Somalia dadka waxay u badan yihiin Celmi dhagood, oo kii sheygaa celmiga u lahaa oo waqti soo geliyay waxaa la murmaya mid aan weligii buug qaadan oo kula doodaya arrin celmi gaar u baahan.

Arrinta dooda Guddoomiye ee ah in uu gacantiisa uu ula tagay dad lagu sheegay in ay fal qaldan gacanta kula jiray, oo ah sax miyaa ama Qalad,

Doodaas si toos ah ugama doodi karaan dadkoo dhan, waa arrin u baahan celmi gooni ah oo ah.

Su,aalaha sharciyan ayaa ah
1. Maxay tahay falka la sheegay?
2.Maxay tahay CIQAABTA FALKAA?
3. Yaa u keh SHARCIYAD in falkaas laga hor tago?

Waxaa jirta Aayad qur an oo leh
_hadaadan celmi u laheyn shey weydiiya dadka ehelka u ah.

Xadiithka lasoo daliishaday waa cad yahay oo waa in qofka sida uu u awoodo u suuliyo xumaanta.

Ujeeddada dooda ayaa aheyd in loo dhigo.
1. Falka iyo shaqsiga falceliyay kee ahaa in laga doodo
2. Habraacee loo maray?.

Hadii maamulkii uu go,aan gaaro
Haddi uu isagii xukmiyo.
Hay adii garsoorka maxay qabanayaan?

Sida saxda waxay aheyd in Guddoomiyaha adeegsado ciidankiisa lana soo xiro, sidoo kale goobta la xiro dadkii lahaana lasoo xiro, kadib uu ku wareejoyo hay adihii shaqada ku lahaa.

Adduunyada dowladnimada way nooga h**eysay Muslims iyo Gaalo, qaab dhismeydka dowladahana waa lagu hor mwray.

Annaga ma duul gooni miyaan ka nahay Adduunyada inteeda kale?

Sharcigeenu way ku qoran yihiin shey kastaa oo xal ayuu u yeelay oyadoo la ilaalonaayo xuquuqda dadkoo dhan.

Sharciga cidna k**a sareyso.

Celmiga haluguu dhigee caqliga kaasho.

Qareen Mohamed Abdi Kadiye Abdi

Waddada ugu dheer adduunka ee lagu safri karo, waxay ka timaadaa Cape Town (Koonfur Afrika) ilaa Magadan (Ruushka). Loom...
15/04/2023

Waddada ugu dheer adduunka ee lagu safri karo, waxay ka timaadaa Cape Town (Koonfur Afrika) ilaa Magadan (Ruushka).

Looma baahna diyaarado ama doonyo, waxaa jira buundooyin.

Waa 22,387 kiiloomitir (13911 mayl) waxayna kugu qaadaneysaa 4,492 saacadood in aad safarto.
Waxay noqoneysaa 187 maalmood oo socod joogsi la,aan ah, ama 561 maalmood oo socod iyo 8 saacadood nasasho maalintii ah,

Safarkaaga waddada, waxa aad dhex maraysaa 17 waddan, lix wakhti iyo dhammaan xilliyada sannadka.

Isku day Daljir dalxiisa.

Afurka waxaa nooga dhiman 23 daqiiqo.
Afur wanaagsan.

Mohamed Abdi Kadiye Abdi

28/02/2023

DIYADU MARKA AY TAHAY DIL KAS AH AMA DIL K**A, AH :

Maxey Shareecadu ka qabtaa xaqiijinteeda?

Kiisaska nuucaan ah waxay badanaa ku soo noqnoqdaan doodooda maxk**asah.

Caddeymaha koobaad
Waxaa mas,uuliyada xaqiijinta cadeymaha kala ah
1. In uu falku dhacay
2. Dhibanuhu isla falkaa dhibku kasoo gaaray
3. In uu eedesanuhu yahay qofka falkaa geystay.
Seddexdaas caddeynta Asalka ah ayaa dusha ka saaran Xafiiska xeer ilaalonta (State prosecution) oo ah Dacwo oogaha.
Waxaa qasab ah in uu soo raaciyo cadeymaha xoojinaya walxihii falka lagu geystay, waqtiga, managed muujinta, maqattiyo, iyo wax alasle wixii xiriir la leh dhacdadaa.
NB: Dacwo oogaha waa waajib in %100 ay cadeymihiisu ahaadaan kuwa xaqiiqo la taaban karo in uu eedesanuhu yahay qofka falkaa geystay.

Cadeymaha labaad
Waxaa itana qasab ah marka lacadeeyo kadib in eedesanuhu yahay kii fakaa geystay waxaa hadana Qasab ku ah Dacwo oogaha in uu cadeeyo waqtiga uu falku dhacayey in uu ogaado xaalad maskaxeedka eedesanaha,
Waa tan ugu muhiimsan cadeynta faldambiyeedka kadib.
Tan waaye tan muranka badan dhalisa IN FALKU AHAA KAS iyo K**A.

Odayaasha dhaqanka ayaa iyaga oo doonaya in ay kaga faa ideystaan KU GUMEYSIGA XAL RAADINTOODA waxay ku doodaan in DIYO LAKAOA QAATO

Haddaba Dacwaddii ugu horresay waxaa lagu qaaday khilaaf ka dhashay xeerka dhaqanka iyo common lawga ee la xiriiray denbi ciqaab ahaa.

Maxk**adda sare ee Hargeysa ayaa tijaabadii ugu h**eysay ku sameysay in xeerar dahqameedku uu waafaqsan yahay qodobbada dastuurka iyo inkale.

Waxaa lagu qaaday kiiskii Xuseen Xirsi iyo Axmed Aadan v. Yusuf Deria Ali ee tirsiga Supreme Court Civil Appeal, No. 5 of 1962: Somali Law Reports-Hargeysa and Burao Regions, (1961-1963); I6o,
[1964] J.A.L.

Maxk**adda sare ayaa sheegtay in xuquuqda sheegashada magdhowga diyada ay tahay ciqaab,
lana raacayo kaliya qodobka dastuurka oo sheegaya:
• Ciqaabtu waa mid shaqsiyadeed,ciqaabta guud waa la reebay.

Sida ku cad Qodobka 43 ee dastuurka 1961kii27, Qodobkaa, hada waxaa sidoo kale xoojinaya Qod: 35 (12) Dastuurka 2012.

Intaa ka dib, Maxak**adda sare ayaa ku go’aamisay kiiskaa kore in diyada ay
tahay ciqaab.

Fasiraadda sare ku xusan ee ay maxk**addu sheegtayayaa lagu ayiday dooddii ka
dhex dhacday Golaha Shacabka ee xilligaas ee Soomaaliya ee la xiriirtay Qodobka 43aad dastuurka 1961kii.

Markii uu qof dilo qof kale ama dhaawaco qof kale, dhibanaha wuxuu leeyahay (2) xuquuq oo kala ah:
1. xuquuqda uu leeyahay qofka dhibka gaaray(sida kufsiga, iyo hantida)
2. Iyo waajibka dowladda ee ah in la ciqaabo qofka dambiga galay ama sharciga ku xadgudbay sameeyayna ficil sharci darro ah.

Waxaa jirta Shardiyo ah
1. Marka h**e in uu jiro fal dambi sharcigu u aqoonsan yahay in uu yahay fal dambi, sida uu qabo Qod: 1 XCS.
2. In falka dambiga ee la galay ay ka timid batiijo wax yeelo leh dhibna abuurtay, sida uu aqbo Qod: 16 XCS.
3. In lasoo cadeeyay in uu falkaa geystay Dhib geystaha,

Intaa ka dib waxaa loo fiirinayaa KAS am K**A, dambigaa dhacay xaqiinta, Si waafaqasan Qod: 24 XCS.

Markaa kadib hadduu noqdo K**A waxaa axkaamtu shareecadu qabtaa in ehelku ku heshiiyaan mag.
Hadii la soo acdeeyo in uusan falkaa aheyn k**a ee uu noqdo KAS.

Sharcigu waa cad yahay.

DOWLADAA MAS,UULIDEDA LEH,
SHUKRAN.

Mohamed Abdi Kadiye Abdi
Mohamed Abdi Kadiye
Garnaqsi Advocate and legal Consultants

07/02/2023

Garnaqsi Advocate and legal Consultants
Mohamed Abdi Kadiye

DHULKA XEEBAHA IYO XAQA LAHAANSHIYAHA

Dhulka
ADR PROGRAM
XAQA DHUL XEEBEEDKA,
Dhul aan cidna laheyn

Xilligii Gumeysiga iyo Xeerarkii h**e
Maamulkii wisaayada talyaaniga AFIS 1952
AMAR KASOO BAXAY OO Numberkisu ahaa
AMAR MAAMUL 12,
Waxaa lala wareegi karaa hanti maguurto ah HADDII LOO ARKO LAGAMA MAARMAAN, uu amarkaas oo kasoo baxo cidda ay quseyso,
Hanti qaran waxaa noqon kara WAXYAABAHA LAGU KEYDIIYO TAARIIKHDA, HIDAHA IYO TACLIINTA SARE,
Waxaa qiimeynaya MAGDHOWGA guddi loo xil saaro inay soo ogaadaan qiimaha,

XEER NO 67, 1970, DAAQSIINTA XOOLAHA DUURKA
XEERKA ILAALINTA BULSHADA EE ka ilaalinaya, DAMBIYADA, LIDKA KU AH NOLOSHA, HANTIDA.
QOD: 3aad, ayaa IN DHULKA, BERIGA IYO BIYAHA kastaa ay leedahay DOWLADA,
Qod: 4aad, waxaa lagu mamnuucay BOQOR IYO SULTAAN in lagu maamulo QAAB QABIIL ah oo lagu kala qeybsanaaye DHUL DAAQSIIN AHAA.

Soomaaliya waxay soo saartay dhowr Qaanuun ay ku maamulato BADEHEEDA, sida:-
1. Qaanuun L.1 ee 21 Febrayo 1959kii
2. Qaanuun L.7 ee 1 November 1966 oo beddel ku sameeyey Dhowr Qodob ee Qaanuun
L.1 ee 21/02/1959kii
3. Qaanuun L.37 ee 10 September 1972kii iyo
4. Qaanuun L.5 ee 26 Jannayo 1989kii (waa kan) oo ah midka Rasmiga oo wada
beddelay (Nasakhay Qawaaniintii ka horreysay).

SHARCIGA BADDA (L.5, 25 JENAAYO 1989)
QODOBKA 11-AAD
HAY’ADDA MAAMULKA
CADDEYNTA QAYBAHA KU DHEX JIRA DHULKA XEEBAHA IYO
XEERKA LAGU XADEYNAYO

QOD: 11 ee xeerka BADA 1989,
Awoodda maamuleed ee dhulka Xeebaha, oo ay ku jirto xadeynta qaybaha, soo
saarista Xeerarka lagu xadeynayo, bixinta dhulka iyo maamulka hawlaha la xiriira
dhulka xeebaha waxaa iska leh Wasaaradda arrinta khuseysa, hase yeeshee, waa
inay isla kaashadaan Wasaaradda Kalluumeysiga &Gaadiidka Badda,Macdanta iyo
Biyaha
Xadeynta qaybaha gaar ahaaneed ee dhulka xeebaha oo la xiriira hantida dawladda
iyo dadweynaha oo lagu tilmaamay qodobka 10-aad ee kor ku xusan, waxaa
caddeynaysa Waaxda Badda markii loo baahdo iyo wakhtiga habboon. Xadeynta,
hase yeeshee, waxaa kaloo warsan kara mulkileyda jaarka ah ee arrintu khuseyso.
Xadeynta h**eysa, kadib markii uu oggolaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga
&Gaadiidka Badda, waxaa caddeynayaa Agaasinka Waaxda Badda.

Khilaafaadka ka dhex dhasha xadeynta waxaa go’aan ka gaaraysa Wasaaradda
Kalluumeysiga &Gaadiidka Badda ayadoo la kaashaneysa Wasaaradda Maaliyadda.
Markii la isku dacweynayo hay’adda Garsoorka horteeda, daaficidda hantida la
xiriirta dhulka xeebaha, waxaa iska leh Garyaqaanka guud ee dawladda.

4. Xadeynta dhulka xeebaha waxaa lagu caddeynayaaXeer ay soo saarto Wasaaradda
Kalluumeysiga & Gaadiidka Badda ayadoo la tashanaysa Wasaaradaha kale ee ay
arrintu khuseyso.

5. Qofkaan u soo dacwoonin maamulka ilaa 180maalmood, laga bilaabo maalinta la soo
ogeysiiyay lana faafiyo Xeerka xadeynta, waalaga mamnuucayaa inuu warsado in
xadeynta laga joojiyo ama laga beddelo. Hase yeeshee maamulka wuxuu tixgelin
karaa dacwo ku saabsan khasaaro ama magdhow oo ka iman karta Xeerka xadeynta,
ayadoo la bixinayo magdhow u dhiganta qiimaha macquulka ah ee suuqa, lana tixgelinayo hantida dacwoodaha ama xuquuqdiisa iyadoo laga qiyaas qaadanayo
salghigna laga dhigayo xaaladda ay ku sugnayd ka hor intuusan soo bixin Xeerka
xadeynta.

6. Ka reebidda dhulka Xeebaha, Qaybaha, aysan isticmaali Karin dadweynaha iyo ku
tilmaanta qaybo ka mid ah dhulka Xeebaha loo siiyey isticmaalka dadweynaha ka
duwan kuwo h**e waxa lagu caddeynayaa Xeerka Wasiirka Kalluumeysiga iyo
Gaadiidka Badda.

Qodobka 26aad DKMG Hantida
(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama
iska wareejiyo markuu doono.
(2) Dawladdu waxay si qasab ah hanti ula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud. Qof kasta oo
hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu Dawladda xaq ugu leeyahay magdhaw caaddil ah
oo lagu heshiiyey ama ay maxk**adi go’aamisey

Dhulka iyo Qodobka 43 DKMG,
(1) Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.
(2) Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsadaa, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar
waarana leh.
(3) Xukuumaddu Federaalku waa inay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto ah dib-u eegis loogu sameeyo. Siyaasaddaasi waa in ay xaqiijiso:
U sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa ;
Damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta;
Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyadoon
dhibaato loo geysan.
In si deg deg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo
hantida.
In la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan;
In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda
xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dejinayaan siyaasad-dhuleed oo heerkooda ah.
(4) Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalku soo saaro ayaa xaddidaya baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda.
(5) Dawladda Federaalku iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Federaalka iyo ciddii kale oo ay quseyso, waxay dejineysaa siyaasadda dhulka iyo qaab lagu koontaroolo, laguna isticmaalo dhulka.

Hadey noqoto DACWO
Dacwadaha danta guud waxaa mas uul ka ah Garyaqaanka Guud ee dalka Sida uu qabo
Garyaqaanka guud ayaa wakiil uga ah hantida dowladda ee dacwo ka socoto, Qod: 3 Xeer no 8,
29 January 1976.

Caddeymaha waxay noqonoyaan kaliya yaa ku soo h**eeyay
Ee maaha yaa milkiyadda leh,

12/12/2022

Ku soo dhowaaw pagekeyga cusub

Address

Mogadishu

Telephone

+252613323723

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Abdi Kadiye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Mohamed Abdi Kadiye:

Share

Category