07/02/2023
Garnaqsi Advocate and legal Consultants
Mohamed Abdi Kadiye
DHULKA XEEBAHA IYO XAQA LAHAANSHIYAHA
Dhulka
ADR PROGRAM
XAQA DHUL XEEBEEDKA,
Dhul aan cidna laheyn
Xilligii Gumeysiga iyo Xeerarkii h**e
Maamulkii wisaayada talyaaniga AFIS 1952
AMAR KASOO BAXAY OO Numberkisu ahaa
AMAR MAAMUL 12,
Waxaa lala wareegi karaa hanti maguurto ah HADDII LOO ARKO LAGAMA MAARMAAN, uu amarkaas oo kasoo baxo cidda ay quseyso,
Hanti qaran waxaa noqon kara WAXYAABAHA LAGU KEYDIIYO TAARIIKHDA, HIDAHA IYO TACLIINTA SARE,
Waxaa qiimeynaya MAGDHOWGA guddi loo xil saaro inay soo ogaadaan qiimaha,
XEER NO 67, 1970, DAAQSIINTA XOOLAHA DUURKA
XEERKA ILAALINTA BULSHADA EE ka ilaalinaya, DAMBIYADA, LIDKA KU AH NOLOSHA, HANTIDA.
QOD: 3aad, ayaa IN DHULKA, BERIGA IYO BIYAHA kastaa ay leedahay DOWLADA,
Qod: 4aad, waxaa lagu mamnuucay BOQOR IYO SULTAAN in lagu maamulo QAAB QABIIL ah oo lagu kala qeybsanaaye DHUL DAAQSIIN AHAA.
Soomaaliya waxay soo saartay dhowr Qaanuun ay ku maamulato BADEHEEDA, sida:-
1. Qaanuun L.1 ee 21 Febrayo 1959kii
2. Qaanuun L.7 ee 1 November 1966 oo beddel ku sameeyey Dhowr Qodob ee Qaanuun
L.1 ee 21/02/1959kii
3. Qaanuun L.37 ee 10 September 1972kii iyo
4. Qaanuun L.5 ee 26 Jannayo 1989kii (waa kan) oo ah midka Rasmiga oo wada
beddelay (Nasakhay Qawaaniintii ka horreysay).
SHARCIGA BADDA (L.5, 25 JENAAYO 1989)
QODOBKA 11-AAD
HAY’ADDA MAAMULKA
CADDEYNTA QAYBAHA KU DHEX JIRA DHULKA XEEBAHA IYO
XEERKA LAGU XADEYNAYO
QOD: 11 ee xeerka BADA 1989,
Awoodda maamuleed ee dhulka Xeebaha, oo ay ku jirto xadeynta qaybaha, soo
saarista Xeerarka lagu xadeynayo, bixinta dhulka iyo maamulka hawlaha la xiriira
dhulka xeebaha waxaa iska leh Wasaaradda arrinta khuseysa, hase yeeshee, waa
inay isla kaashadaan Wasaaradda Kalluumeysiga &Gaadiidka Badda,Macdanta iyo
Biyaha
Xadeynta qaybaha gaar ahaaneed ee dhulka xeebaha oo la xiriira hantida dawladda
iyo dadweynaha oo lagu tilmaamay qodobka 10-aad ee kor ku xusan, waxaa
caddeynaysa Waaxda Badda markii loo baahdo iyo wakhtiga habboon. Xadeynta,
hase yeeshee, waxaa kaloo warsan kara mulkileyda jaarka ah ee arrintu khuseyso.
Xadeynta h**eysa, kadib markii uu oggolaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga
&Gaadiidka Badda, waxaa caddeynayaa Agaasinka Waaxda Badda.
Khilaafaadka ka dhex dhasha xadeynta waxaa go’aan ka gaaraysa Wasaaradda
Kalluumeysiga &Gaadiidka Badda ayadoo la kaashaneysa Wasaaradda Maaliyadda.
Markii la isku dacweynayo hay’adda Garsoorka horteeda, daaficidda hantida la
xiriirta dhulka xeebaha, waxaa iska leh Garyaqaanka guud ee dawladda.
4. Xadeynta dhulka xeebaha waxaa lagu caddeynayaaXeer ay soo saarto Wasaaradda
Kalluumeysiga & Gaadiidka Badda ayadoo la tashanaysa Wasaaradaha kale ee ay
arrintu khuseyso.
5. Qofkaan u soo dacwoonin maamulka ilaa 180maalmood, laga bilaabo maalinta la soo
ogeysiiyay lana faafiyo Xeerka xadeynta, waalaga mamnuucayaa inuu warsado in
xadeynta laga joojiyo ama laga beddelo. Hase yeeshee maamulka wuxuu tixgelin
karaa dacwo ku saabsan khasaaro ama magdhow oo ka iman karta Xeerka xadeynta,
ayadoo la bixinayo magdhow u dhiganta qiimaha macquulka ah ee suuqa, lana tixgelinayo hantida dacwoodaha ama xuquuqdiisa iyadoo laga qiyaas qaadanayo
salghigna laga dhigayo xaaladda ay ku sugnayd ka hor intuusan soo bixin Xeerka
xadeynta.
6. Ka reebidda dhulka Xeebaha, Qaybaha, aysan isticmaali Karin dadweynaha iyo ku
tilmaanta qaybo ka mid ah dhulka Xeebaha loo siiyey isticmaalka dadweynaha ka
duwan kuwo h**e waxa lagu caddeynayaa Xeerka Wasiirka Kalluumeysiga iyo
Gaadiidka Badda.
Qodobka 26aad DKMG Hantida
(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama
iska wareejiyo markuu doono.
(2) Dawladdu waxay si qasab ah hanti ula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud. Qof kasta oo
hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu Dawladda xaq ugu leeyahay magdhaw caaddil ah
oo lagu heshiiyey ama ay maxk**adi go’aamisey
Dhulka iyo Qodobka 43 DKMG,
(1) Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.
(2) Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsadaa, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar
waarana leh.
(3) Xukuumaddu Federaalku waa inay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto ah dib-u eegis loogu sameeyo. Siyaasaddaasi waa in ay xaqiijiso:
U sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa ;
Damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta;
Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyadoon
dhibaato loo geysan.
In si deg deg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo
hantida.
In la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan;
In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda
xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dejinayaan siyaasad-dhuleed oo heerkooda ah.
(4) Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalku soo saaro ayaa xaddidaya baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda.
(5) Dawladda Federaalku iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Federaalka iyo ciddii kale oo ay quseyso, waxay dejineysaa siyaasadda dhulka iyo qaab lagu koontaroolo, laguna isticmaalo dhulka.
Hadey noqoto DACWO
Dacwadaha danta guud waxaa mas uul ka ah Garyaqaanka Guud ee dalka Sida uu qabo
Garyaqaanka guud ayaa wakiil uga ah hantida dowladda ee dacwo ka socoto, Qod: 3 Xeer no 8,
29 January 1976.
Caddeymaha waxay noqonoyaan kaliya yaa ku soo h**eeyay
Ee maaha yaa milkiyadda leh,