29/12/2022
QAREEN.
"Maalin kasta waa maalin kaloo cusub"
Isticmaalka ereyadaasi waa maaxdo aan dadkoo idil isku si' u saameyn, balse xaqiiqdu waxa weyaan in dadka ku shaqeeya mihnadda sharciga ay yihiin kuwa ay Maalin kasta u tahay Maalin cusub, tusaale:- Ma jirto maalin kaliya oo ay Qareennadu libin ama guulo kasoo hoyaan xarumaha sharciga, Qareen guuleystay ayaad arkeysaa, saacad kadibna isagoo ay boqoni jaban tahay ayuu eedayaa wixii uu ku guuleystay, waayo kiisaska uu maamulayo ayaa sidaasi ah, ma jirto maalin uu ku garaad noqdo kiis uu dhinac ka yahay, mar kastaa waa un jab u joog, maantood is leedahay Aleylahee waad ku haysatay ayaa fadhiga kale ee maxkamadda ay xujjo kugu noqdaan wixii aad shaley eersaneysay, isna ciil kaambisaa.
Doodaha is rog roga ayuu xakameyn weeyaa, Dukumintiyada ayaa isaga darsama, Cilmi aanu garaneyn ayaa fooraha ka soo dhaca, Awoodda ka dhaadhicinta Garsooraha ayuu la naf dhacaa, Xujooyinka Qareenka kale ayaa qaraar ku noqda, wixiiba inta ay xariga goostaan ayuu aakhirka wajahaa xanuuno xagga nafsadda ah, kadibna kharka kaga sii dhacaa, khaarkood ayaa subaxnimada inta uu dhiigoodu cusub yanay kasii hullabta oo iska sii daaya ku shaqeynta mihnadda sharciga.
Adiga kuweed ka mid tahay ma kuwa ku dhiban misse kuwa shaqadooda ku raaxeysta?