27/12/2024
waxa aan wacay Tolkii iyo asxaabtii waxaanan u sheegay in aabo geeriyooday asxaabtii iyo tolkiiba imid xabaashii jignayaashii iyo majarafadihii qaadanay xabbaashiina bilawnay aabo oo mayd ah jidhkiisii maydhnay wajigiisa ayaan eegay waxa ka muuqday ragganimo xeel dheer aabahay dhib ayaa uu la kulmay intii uu noolaa laakin isma dhiibin waligii illaa intii ay geeridu u immanaysay waxa aan niyadda iska waydiinayaa maanta waxwalba waad wayday talladiisii saxibtinimadiisii qosalkiisii farxadiisii aabo waxa aan u qaadnnay xaggaa iyo xabbaasha howgiisa dhabta ah illinta ayaa igga sooburtanay dadka waanka qarinayaa illinta" aniga oo arkaaya ayaa aabahay lagaliyay xabaashii iyo iilkii hadii la ii oggolaanlahaa waan raacilahaa aabahy si aan wehel ugu noqda laakin may dhacayntaasi halkaas cidlada ah ayaan kaga soo dhaqaaqnay aabahay xataa daqiiqad lama aanu siijoogin waayo xilli danbe oo habeen ah ayaa ay ahay dhaxan badan ayaa dhacaysay aad ayaan u qadhqadhaayay
waxa aan ahay oggoon dhab ah!