03/11/2024
Doorashada Somaliland waxa ka hadhsan toban cisho, cidii doonaysa inay wax ka bedesho nidaamka hadda jira waa inay ku baraarugaan hadafka doorashada oo aanay ku mashquulin arrimo kale oo ka jeedin kara hadafkooda ,waxaan ugu baaqayaa shacabka inay ucodeeyaan isbadddel -doonka oo u ballan qaaday barwaaqo,horumar, walaaltinimo iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada soomaliland
Badbaadada dalka iyo shacabku waxay ku jirtaa in nidaamka hadda jira la iskugu tago oo wadanka la dhaafiyo ,dhallinyaro ,waayeel iyo aqoonyahan ba waxaa nala gudboon in aan ka shaqeeyno midnimada ,wadajirka iyo isku haynta bulshadda sidoo kale waa in aan ka fogaanaa wax kasta oo khalkhal ku keeni kara geeddi socodka doorashooyinka dalka .
Soomaliland waxay ka horeeysa wadamo badan oo Geeska Africa ku yaala dhanka doorashooyinka horta ah iyo isku wareejinta tallada wadanka si nabad ah .
Somaliland allow usiyaadi nabadda,xasilloonida, barwaaqada iyo wada-jirka ummadda .