Xafiiska Benadir Law Office

Xafiiska Benadir Law Office waxaan diyaar unahay inaan umadda soomaliyeed ugu adeegno si sharciga waafaqsan Sharciga aya ka sareeya cidkasta asaga ayaana hogaamiya

Talo Sharciyeed Kooban: Ka Hortagga Mamnuucidda Qareenada si ay ula kulmaan Maxaabiista XabsiyadaIn qareenada laga horjo...
02/09/2025

Talo Sharciyeed Kooban:
Ka Hortagga Mamnuucidda Qareenada si ay ula kulmaan Maxaabiista Xabsiyada
In qareenada laga horjoogsado inay la kulmaan macaamiishooda ku jira xabsiyada, waxay si cad uga hor imaanaysaa dastuurka iyo xeerarka dalka:
1. Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee 2012
• Qodobka 34: Xuquuqda Helitaanka Maxkamad iyo Qareen – Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad ka furo maxkamad iyo inuu qareen doorto oo matala.
• Qodobka 35: Xuquuqda Eedeysanaha – Waxaa dammaanad ah xaqa lagu difaaco qareen iyo in lagu xiriiro si qarsoodi ah dhammaan marxaladaha dacwadda.
• Qodobka 15: Xorriyadda iyo Ammaanka Shakhsiga – Xaddididda xorriyadda qofka waa inay ahaataa mid sharci ah oo aan si aan sharci ahayn loo fulin.
• Qodobka 10: Sharafta Aadaminimada – Qof walba oo xiran waa in si bini’aadantinimo leh loola dhaqmo.
2. Dastuurkii 1960 (Mabda’a Hagida)
• Qodobka 7 wuxuu ku waajibinayaa sharciyada Soomaaliya inay waafaqaan Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR), kaas oo dammaanad qaadaya xaqa dacwad caddaalad ah iyo helitaanka qareen.
3. Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (1964)
• Qodobka 1 iyo 2 – Qofna xorriyaddiisa laguma xaddidi karo fal aan sharci si cad u qeexin; tallaabo kasta oo aan sharci lahayn waa mamnuuc.
• Qodobka 3 iyo 4 – Sharciga ciqaabta wuxuu si siman ugu dhaqmaa dhammaan dadka dalka jooga.
4. Xeerka Madaniga Soomaaliyeed (1973)
• Qodobka 50–52 wuxuu xaqiijinayaa difaaca xuquuqda shakhsiga iyo xaqa qofku u leeyahay inuu dacwad raadsado si uu u helo xuquuqdiisa.
Tallaabooyinka ay mudan tahay in si degdeg ah loo qaado:
1. Cabasho Qoran oo Degdeg ah:
o U gudbi cabasho rasmi ah Maamulka Xabsiyada iyo Wasaaradda Caddaaladda, kuna celi qodobada 34–35 ee Dastuurka si loo xaqiijiyo xuquuqda qareenada iyo maxaabiista.
2. Raadinta Go’aan Maxkamadeed:
o Codso amar maxkamadeed degdeg ah (habeas corpus) ama go’aan waajib ah oo ku qasbaya maamulka inuu oggolaado qareenada inay la kulmaan eedeysanayaasha.
3. La Xiriir Hay’adaha Kormeerka Xuquuqda:
o U gudbi arrinta Guddiga Xuquuqda Aadanaha Qaranka (Qodobka 41 ee Dastuurka) iyo Xafiiska Odayga Qaranka (Ombudsman).
4. Tallaabo Wadajir ah oo Ururka Qareenada:
o Ururka Qareenada Soomaaliyeed waa inuu soo saaraa bayaanno rasmi ah, isla markaana ka shaqeeyo codsi wadareed iyo taageero caalami ah.
5. Ololaha Wacyigelinta iyo Saxaafadda:
o Arrinta loo soo bandhigo bulshada iyo saxaafadda, iyadoo lagu tilmaamayo jebinta dastuurka iyo dhaawaca nidaamka caddaaladda dalka.

12/11/2024
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐝𝐞𝐠-𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡Muqdisho, Axad, 11 Nofeembar 2024: — Golaha Wasiirrada Xukuumadd...
10/11/2024

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐝𝐞𝐠-𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡

Muqdisho, Axad, 11 Nofeembar 2024: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhinaca kale looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo dardargalinta howlaha Xukuumadda iyadoo goluhu uu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangalinta Mulkiilaha shirkadaha iyo Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo ku saabsan horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga.

15/09/2024
14/09/2024
Waxaan dhammaan umadda soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta adduunka ugu hambalyeynayaa Dhalashada Nabigeena Suuban e...
14/09/2024

Waxaan dhammaan umadda soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta adduunka ugu hambalyeynayaa Dhalashada Nabigeena Suuban ee Muxamed NNKH.

Dhalashadda Nabi Muxamed (NNKH) adduunkan wuxuu u ahaa waa cusub oo u baryay, Suubanaha waxa uu na dhaxalsiyay Wanaag fara badan iyo wadiiqooyin suuban oo ku dayasho mudan.

Waxaan ku baraarujinayaa umadda Soomaaliyeed in fursadan qeymaha leh in ee uga faaideystaan barashadda Soyaalkii Subanaa ee nabigeenna Muxamed (NNKH).

Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa.

08/09/2024
14/08/2024
30/07/2024

Address

Hamar Weyne
Mogadishu
25261

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252618225222

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Benadir Law Office posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Xafiiska Benadir Law Office:

Share