Shirkadda Qareennada Deegaan

Shirkadda Qareennada Deegaan Shirkadda Qareennada Deegaan waxeey diyaar kula tahay adeeg sharci oo dhameestiran

12/05/2021
13/04/2021

Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco.

14/02/2021

Kiiska Badda.
Waxaan u baahannahay in aan jawaabo u halno su;aalahaan:
1. ilaa intuu gaarsiisanyahay diyaargarowgeennu?
2. yaa u xilsaaran kiisan?
3. waayo qareennada Soomaaliya Difaacaaya?
4. ma runbaa in qareenndii dacwadda bilaabay ay kiiska uga tageen Xushmaddii qareennada oo loowaayay?
5. ma runbaa in qareennada hadda Soomaaliya Difaacaaya ay ku jiraan kinyaati?
6. yaa u xilsaaran in ay bulshada la wadaagto sida wax u jiraan?
7. yaa u xilsaaran in ay dunida ka gadaan in aan kinyaatiga ka saxannahay?
8. yaa u xilsaaran in ay qareennada ka caawiyaan dhinaca farsamada’xogsiinta iyo caddaymaha.waxaan u baahannahay in su'aalahaan iyo kuwa kale oo ka guuxaaya maskaxdeenna u helno jawaabo.
Xigasho: Daahir Ali

Qodobada Dastuuriga ah ee uu jabinayo xeerkaan1.   Xeerkaan wuxuu kasoo horjeedaa qodobka 71 aad gaar ahaan faqrada(i) e...
13/02/2021

Qodobada Dastuuriga ah ee uu jabinayo xeerkaan

1. Xeerkaan wuxuu kasoo horjeedaa qodobka 71 aad gaar ahaan faqrada(i) ee Dastuurka kmg ee Soomaaliya 2012 oo qeexaya awoodda Aqalka sare ee ka qaybqaadashada magacaabista xubnaha hoos ku xusan ee Hay'adaha Dawladda.

Sidaan ayuu qodobku uqoranyahay : Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:
(i) Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan: 1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka; 2. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah; 3. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka; 4. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; 5. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka).

2. Sidoo kale xeerkaan wuxuu ka hor imaanayaa qodobka 112 aad ee Dastuurka oo cadaynaya in loo gudbinayo magacyada Gudiyada heer federaal Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) si ay u ansixiyaan

Sidaan ayuu qodobku uqoranyahay ( Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro).

28/01/2021

Xukunka Maxkamadda Sare ee Xukun Lr 7 ee 1962
Waxaa Maxkamadda Dagmada Hargeisa ka furtay dacwad madani ah oo la xiriirta dhaqan, gaar ahaan Diyo si waafaqsan farqadda sadaxaad ee qoddobka 2aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 3 soona baxay 1962, oo tilmaamaysa in dacwadaha dhaqanka ay awood u leedahay ka garnaqistooda Maxkamadda Dagmada.
Dacwaddaan waxay u dhexaysay qabaa’ilka Cabdalle Sacad iyo Arab, nuxurka doodda dhinacyadu waxay ahayd laba arrimood oo kala ah:
1- In Maxkamadaha Soomaaliya ay awood u leeyihiin ka garnaqista arrintaas iyo inkale, maadaama falku uu ka dhacay gudaha Jabuuti oo xiligaas hoostagaayay maamulka gumaystihii Faranca.
2- Arrinta kale waxay ahayd, maadaama qiimaha diyada ee Hargeisa iyo jabuuti ay kala duwanyihiin, ma waxaa la qaadanayaa qiimaha Jabuuti mise Qiimaha Hargeisa.
Maxkamadda darajada koowaad iyo Maxkamadda Darajada Labaad ee Hargeisa waxay isku raaceen in Maxkamadda Dagmada Hergeisa ay awood u leedahay ka garnaqista dacwadaas maadaama labada qabiilba ay si wadajir ah u dagan yihin gudaha Jabuuti iyo Hargeisaba, dacwadduna ay dhaqan ku saabsan tahay iyo in qiimaha Diyada lagu salaynaayo kan Hargeisa.
Maxkamadda sare ee dalka oo arintaan cabasho ahaan loogu horgeeyay ayaa ka jawaabtay labada arrimood ee muranku ka taagnaa ee aan sare ku soo xusnay.
Dood dheere kadib, waxaa maxkamadda u cadaaday arrimahaan:
1- In Maxkamadaha Soomaaliya ay awood u leeyihiin ka garnaqista dacwadaas iyo
2- In qiimaha Diyada lagu salaynaayo meesha falku ka dhacay ( Djabuuti).
Maxkamaddu waxay caddaysay in awoodda maxkamadaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee arrintaan ay ku xirantahay Sharciga Caalamiga ah ee Gaarka ah maaddaama dilku ka dhacay dal shisheeye.
Maxkamaddu waxay Xukunkeeda u cuskatay ama ay tixraacday xukunka HOLMES, J., ee kiiska ka dhexeeyay Mareykanka v. Mexican National Railway Co. (1904) '94 US I20, iyadoo laga duulaayo in waajibaadka Mas’uuliyad ka gaabinta lagu fulin karo meel kasta oo qofka laga helo iyo in xadka waajibaadka uu go'aaminayo sharciga goobta falku ka dhacay, sababtoo ah, dacwadda la xiriirta dilka ee lagu dalbanaayo Diyo waxay la midtahay dacwadaha la xiriira mas,uuliyad ka gaabinta ee lagu dalbanaayo magdhawga.
Iyadoo ladabaqaayo mabaadi'da kor ku xusan, maxkamaddu waxay sheegtay in maxkamadda degmada Hargeysa ay awood u leedahay inay gasho dacwadda maadama dhinacyadu joogaan gudaha Soomaaliya , iyo in qiimaha Diyada la bixinaayo lagu salaynaayo goobta uu falku ka dhacay ( Djabuuti).
Source: Somali Republic Supreme Court Author(s): E. Cotran Source: Journal of African Law , Summer, 1964, Vol. 8, No. 2 (Summer, 1964), pp. 139- 141 Published by: School of Oriental and African Studies .w/Q Avv.daahir ali

Alaha unaxariisto janadi fardowsona alaha kawarabiyo ader cabdulahi xasan oo ah qareen isxaaq cabdulahi xasan aabihi ana...
21/01/2021

Alaha unaxariisto janadi fardowsona alaha kawarabiyo ader cabdulahi xasan oo ah qareen isxaaq cabdulahi xasan aabihi anagana gadashi ala nama fidneeyo

16/01/2021
08/01/2021

W/Q. Avv. Daahir Ali
=======================
Shaqsiyaadka aan qayb ka noqo Karin ololaha Doorashooyinka’Guddiyada doorashooyinka iy Axsaabta siyaasadda
Xubnaha hoos ku qoran waxaa ka reeban in ay ka mid noqdaan guddiyada doorashooyinka, ololaha murashixiinta iyo xubin in ay ka noqdaan axsaabta siyaasadda’ Xubnahaas waxay kala yihiin
A- Ciidamada Qalabka Sida noocyadooda kala duwan
B- Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka qaybahooda kala gedisan
c. Hawlwadeennada Safaaradaha (Diplomaasiyiinta)
d. Dhammaan Shaqaalaha dawladda ee riyidka ah
Xubnahaan dhammaantood waxaa ka reeban in ay ka mid noqdaan guddiyada doorashooyinka’ ololayaasha murashixiinta’ xubin ka noqoshada asxaabta siyaasada iyo sidoo kale in ay muujiyaan ujanjeersig xisbi siyaasadeed oo gaar ah’ ama murashax gaar ah si oraah ama qoraal ah oo wax u dhimi karta dhexdhexaadnimadooda .
Waxaa kale oo Xusid mudan in Xubnahaan aysan noqo Karin murashixiin haddii aysan keenin istiqaalo rasmo ah oo ay shaqadii ay haayeen uga tagayaa.
fiiri qoddobka 118aad ee Dastuurka FKMG’’ qoddobka 25aad ee XNG’ qoddobka 11aad ee sharciga asxaabta siyaasadda’iyo qoddobka 24aad ee sharciga Doorashooyinka qaranka ee heer federa

27/12/2020

Kaalinta Qareenka: Qareenka ma waxaa laga rabaa Natiijo mise dadaal?
Waxaa jirto aragti qaldan oo dad badan ay qabaan oo ah in Qareenka laga rabo natiijo oo micnaheedo yahay in uu muwakilkiisu ka sugaayo in uu xaqiijiyo natiijada uu isagu rabo, kuna guuleysto dacwadda uu u haayo maadaamaa uu qareenku ka qaatay xushmad qareen, aragtida noocani ah waa aragti qaldan oo aan ka tarjumeyn kaalinta Qareenka, qareenku ma aha cida go’aanka gaaraysa hese yeeshee wuxuu kaalin ka qaataa in garsooruhu uu qaato go’aan muwakilkiisa dan u ah, waajibka qareenku waa inuu dadaal xoogan ku bixiyaa sidii muwakilkiisu uu ugu guulaysan lahaa dacwadda uu u haayo.
Qareenno badan waxay muwakilintooda u balan qaadaan in ay ku guulaysanayaan qadiyada ama dacwadda ay u hayaan, marka ay guulaysan kari waayaan ama laga xukumo ruuxa ay dacwadda u hayeen ayaa dadka u sheego in qareennaadu ay mar walbo been sheegaan, balan qaad beene ay sameeyaan, sidaa awgeed qareenku waa in uusan balan qaadin in uu hubo in uu ku guulaysanayo dacwadda uu haayo, waana in uu muwakilkiisa u sharaxaa kaalinta Qareenka in ay tahay in qareenku uu gacan ka geysto sida garsooruhu ku gaari lahaa go’aan muwakilkiisa u wanaagsan iyo in uu bixiyo dadaal intii suurtagal ah.
Qareenku muwakilkiisa wuu u sheegi karaa in uu ku qanacsan yahay in uu ku guuleysan karo dacwadan, laakin uusan balan qaadi Karin mar walbo in ay isaga guushu raaceyso, Qareenka muwakilkiisa u balan qaadayo in uu dacwadda ku guuleysan doono waa qareen aan kaalintiisa aqoon,
Qareen: Daahir maxamed Cali
Waa Qayb Ka mid Ah Buugga Mihnadda Qareennimada iyo Tabotuska Guusha oo uu qoray Qareen dahir ali

Maxaa idinkaga baxay
25/12/2020

Maxaa idinkaga baxay

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 14:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252617346400

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shirkadda Qareennada Deegaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Shirkadda Qareennada Deegaan:

Share