Avv: Abdulfatah Isa

Avv: Abdulfatah Isa Lawyer,Activist,Interntional news writer,Voice of the voiceless advocate,LLB&LLM. I’m here to help you. Welcome. Waxaan diyaar u ahay inaan ku caawiyo. Soodhawoow.

This page opens to anyone who oppressed or discriminated against law, anyone who doesn’t get his\her legal rights, anyone needs his/her right under proceeding or reinstated. Contact us Brother/Sister, I’m stand to publish your legal claims in this page in order to know and see the whole community for your legal rights and finally you will get a fair go judgment and jurisdiction. Page kan wuxuu u f

uranyahay qofkasta oo u dulman ama ka eexday sharciga, qofkasta oo aan xukun sharciyeed u helin dhibtiisa, qofkasta oo rabo in uu xaqiisa helo ama dib loogu xukumo. Nala soo xiriir Walaal waxaan daabici doonaa sheegashadaada sharci si xaqqa sharci ee aad leedahay bulshada oo dhan u arkaan ugu danmbeyn-na aad u hesho xukun ama marin cadaaladeed oo sax ah.

Mid faqiir ah oo kac kac wareejinaa ayaa wuxuu ku soo dhowaaday milyuneerkii reer giriig ee Onassis kaas oo hantida uu h...
17/06/2025

Mid faqiir ah oo kac kac wareejinaa ayaa wuxuu ku soo dhowaaday milyuneerkii reer giriig ee Onassis kaas oo hantida uu haystay ay u badnayd mid qamaar ku soo gashay, wuxuuna ka codsaday inuu kackaca ka iibsado. Onassis wuxuu soo bixiyay shilin oo inta kor u tuuray ku yiri midkii kackaca wareejinayay " xarash mise madax?"
Haddii aad jawaabta saxidid waxaad qaadanaysaa dhammaan waxa jeebabkayga lacag ku jira waxaana kuu saxiixayaa xattaa jeegag lacag ah, balse haddii aad guul darraysatid waxaa miiska ii soo saaree dhammaan kackaca aad wadid waadna iska baxee.

Kii kackaca wareejinayay wuxuu ku cataabay " ma samayn karo oo haddii aan guul darraysto ilmahayga ayaa maanta qadaya"

Onassis wuu iska tegay isagoo leh " waxaad dhalatay adigoo kackac wareejinaya, waxaadna dhimanee adigoo kackac wareejinaya"

Dulucda sheekadu waa in noloshu ay mar mar u baahantahay qamaartan.

" Haddii aad rabtid in aad noqotid wax aadan ahayn waa in aad sameysaa wax aadan h**e u sameyn jirin"

Diyaarad Air India ah oo ku burburtay Ahmedabad xilli ay u socotay LondonAhmedabad, Hindiya – Diyaarad ay leedahay shirk...
12/06/2025

Diyaarad Air India ah oo ku burburtay Ahmedabad xilli ay u socotay London

Ahmedabad, Hindiya – Diyaarad ay leedahay shirkadda Air India oo si toos ah uga ambabaxday garoonka Sardar Vallabhbhai Patel International Airport kuna sii jeeday magaalada London ayaa ku burburtay meel u dhow garoonka, iyadoo ay saarnaayeen ku dhowaad 242 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sawirro laga helay goobta shilka ayaa muujinaya qiic weyn oo cirka isku shareeray, iyadoo shan baabuur dab-demis ah iyo kooxaha gurmadka degdega ah ay haatan ka howlgalayaan halkaasi.

Diyaaradda ayaa ku wajahneyd garoonka Gatwick ee magaalada London, sida lagu sheegay war kasoo baxay Air India. Booliiska deegaanka ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday meel ay dad shacab ahi ku noolyihiin oo u dhow garoonka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo sheegaya tirada dadka ku dhaawacmay ama ku dhintay shilka, iyadoo wararka hordhaca ah aysan xaqiijin khasaaraha dhimasho ama dhaawac ee dhacay.

Guddoomiyaha Air India: Xarun degdeg ah ayaa loo furay qoysaska rakaabka

Guddoomiyaha Air India, Natarajan Chandrasekaran, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Tata Group, ayaa sheegay in xarun degdeg ah loo furay si loo taageero qoysaska rakaabka diyaaradda.

“Xilligan, diiradda ugu weyn waxay saaran tahay taageeridda dadka ay saameynta ku yeelatay shilka iyo qoysaskooda,” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa X (h**ey Twitter) soo dhigay.

“Wax kasta oo aan awoodo waan sameyneynaa si aan u caawinno kooxaha gurmadka iyo inaan siino taageero buuxda dadka ay shilku saameeyeen. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la bixin doonaa marka xogta la xaqiijiyo. Xarunta gurmadka ayaa la hawlgeliyay, waxaana la diyaariyay kooxo taageero oo u fududeeya qoysaska helidda wararka.”

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo sheegaya tirada dadka wax ku noqday shilka. Wararka cusub ayaa la filayaa in la shaaciyo marka baaritaannada horudhaca ah la dhameystiro.

Source:- yahoo! news

31/05/2025

“Hadafka weyn”

26/02/2024

Qu’aan is the treatment of Soul.

shirkadaha technologyada aduunka shirkad walbo waxay isticmaasha nidaam la dhaho GTS  Go to market strategy shirkada igu...
05/02/2024

shirkadaha technologyada aduunka shirkad walbo waxay isticmaasha nidaam la dhaho GTS Go to market strategy
shirkada igu yabka badneyd ayaa aheyd shirkad lagu magacabo Neighbor waa shirkad marketplace ah waa goob ad kuso bandhigi karto hadii gurigaga qeyb ay ka banan tahay ad doneyso in lagu kireyso si dad kale u isticmalaan

si macmiil ay u helaan waxay sameeyeen warqad yar in ay u dadiyaan guryaha ayago ku qoraya hadii gurigaga space ama qol ka banan yahay wan ku kireyneynaa

lakiin waxa dhacday warqadahii intoda badan in la turay oo fariinti ay xambarsaneyen aysan garin dadki logu tala galay

kadib waxay la yimadeen strategy cusub ah in warqada lagu daro hal dolar laguna qoro ( ‘this is the first dollar you’ll make renting out your space on neiybor.com) si ay uso jiitaan attentionka dadka
halka waxay ku heleen 100 qof ee ugu h**eysay ee macmiil u noqdo

maxaa kaga baxay??

10/01/2024

Young Somali boy is engrossed in reading the Quran.

MASKAXDA:Maskaxda dadka miisaankeeda ama culayskeedu waa 1200-1400GRM (2-kiiloo oo rubuc la')  laakiin culayska intaa le...
31/12/2023

MASKAXDA:

Maskaxda dadka miisaankeeda ama culayskeedu waa 1200-1400GRM (2-kiiloo oo rubuc la') laakiin culayska intaa le'eg in uu madaxaaga kor saaranyahay marnaba ma dareentid! Sababtu waa maxay?

Sababtu waxa weeye ilaahay SWT wuxuu ugu talo galay in maskaxdu dul fadhido dareerahaas sawirka kaaga muuqda, kaasoo miisaanka badan maskaxda kaa kala yaraynaya. Isla markaana kuu suuro-gelinaya in aad dareentid culays dhan 50GRM oo keliya.

Haddaba kolka uu qofku sujuudayo, marka kor u toosayo dareerahani wuxuu bilaabaa in uu maskaxda qaboojiyo, isaga oo marka aad sujuudidna kor u gororaya oo maskaxda dul maraya, marka aad kor u toostidna hoos u gororaya.

Waana sababta markasta oo aad tukatid keddib aad u dareentid nafis & degganaan.

Somalia mexey ka faa'idi doontaa ku biirista ururka East Africa Community?Horta waayo ururka bulshada bariga Afrika?Waa ...
25/11/2023

Somalia mexey ka faa'idi doontaa ku biirista ururka East Africa Community?

Horta waayo ururka bulshada bariga Afrika?

Waa urur ka dhisan bariga Afrika waxaana ku mideysan dalalka kala ah:
Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Ururka Bulshada Bariga Afrika wuxuu hoy u yahay qiyaastii 283.7 milyan oo muwaadiniin ah, kuwaas oo in ka badan 30% ay yihiin dad ku nool magaalooyinka.
Sidoo kale baaxadda dhuleed eey dadkaas daganyihiin baa ah 4.8 milyan kiiloomitir oo laba jibbaaran.
isku-darka wax-soo-saarka guud ee bulshadaasi sanadkii waa US$ 305.3 bilyan.

Hadaba Somalia mexey ka faa'idi doontaa ku biirista ururkan?

1) Muwaadinka heysta Baasaboorka Somaliyeed ma u baahan doono dal ku gal (Visa) marka uu aadayo dalalka kor ku xusan,
Wuxuuna xaq u yeelan doomaa helista Baasaboorka la yiraahdo East Africa Community Passport, iyadoo magaca dalka soo saaray hoos looga qori doono.

2) Qofka Soomaaliyeed kuma adkaan doonto inuu helo shati ganacsi hadii uu u baahdo inuu ganacsi ka sameysto dalalkaas.

3) Xuduudaha wadamadaas si xor ah ayuu uga gudbi doonaa hadii uu wato gaari, moto, baaskiil ama haduu lugeynayo.

4) Mustaqbalka dhaw dalalkan wexey yeelan doonaan lacag mid ah taasoo dhaqaalaha dalka Somalia ee wareersan wax ka badali doonta insha Allah.

5) Is-dhexgalka Dhaqaalaha: Ku biirista EAC waxay Soomaaliya siin doontaa faa'iidooyin dhaqaale oo badan. Waxay kordhin doontaa gelitaanka suuq weyn oo ka kooban 7 waddan, oo ay ku jiraan Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, iyo South Sudan iyo Dr Congo. Tani waxay u sahlaysaa somalia kor u kaca ganacsiga iyo maalgashiga, taasoo horseedaysa kobac dhaqaale, kor u kaca fursadaha shaqo, iyo kor u qaadida hab-nololeedyada dadka Soomaaliyeed.

6)Nabadda iyo xasilloonida: Xubinnimada EAC waxay leedahay awood ay si togan uga qayb-qaadato nabad-dhisidda iyo xasilloonida, Soomaaliya-na marka ay ka qayb-qaadato wada-hadallo joogto ah, wada-xaajoodyo, iyo hababka xallinta khilaafaadka ee EAC u dagsan, waxay xoojin kartaa xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka deriska ah waxayna abuuri kartaa kalsooni iyo iskaashi. Habkan iskaashiga ah ayaa ka caawin kara Somalia wax ka qabashada caqabadaha caadiga ah iyo horumarinta amnigeeda gudaha.

F.G:
- Midowga uruukan bulshada bariga Afrika ma ahan in dhulka leys-la leeyahay ee waa midow sahlaya is dhaxgal bulsho iyo mid dhaqaale lana fududeeyo isu socodka iyo ganacsiga wadamadaas ka dhexeeya.
- Heshiisyada ururkan wuxuu leeyahay faahfaahin badan mana saamexeyso hal qoraal in lagu soo koobo.
- Caqabado aan badneen oo Somalia soo wajahaya wey jiraan iyagana qormo kale ayaan ugu hadli doonaa

22/07/2023

Soomaali Baan ahay🇸🇴

Address

Mogadishu
WADAJIR

Telephone

+252615965829

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Avv: Abdulfatah Isa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Avv: Abdulfatah Isa:

Share