Abukate timowayne

Abukate timowayne this page concerns only law

Ogaysiis Muhiim ah.======================Ururka YAADOL wuxuu qabanayaa Tababar Muhiim ah oo ku sabsan Habka Qaadista Dac...
24/11/2022

Ogaysiis Muhiim ah.
======================

Ururka YAADOL wuxuu qabanayaa Tababar Muhiim ah oo ku sabsan Habka Qaadista Dacwadaha Maamulka. Tababarkan oo u jeedadiiso tahay in ardayda barata Sharciga iyo kuwa bartay ay ka faa'iidaystan si aqoonta iyo Faham ugu helaan hannaanka qaadista dacwadaha Maamulka.

Tababarkan waxa bixin doona Avv Daahir Mohamed Ali oo ah khabiir Arrimaha Sharciga

Si aad iska diwaan galiso raac linkigan hoose oo buuxi foomka ku hoose ku qoran

Wixii faahfaahin ah kala xiriir
1. 0618977169 _whatsapp
2. 0616130270_ Whatsapp
3. 0 61 7151703_ whatsapp

09/09/2022

Victim's rights

26/08/2022

Qodobada ay ka midaysanyihiin Dacwadaha ciqaabta iyo dacwadaha Madaniga.

1.Kiisasku ama ciqaab ha ahaadeen ama madani ha ahaadeen dhibanuhu waa isku mid ama shaqsi ayuu noqonkaraa ama hay’ad ama wixii lamid ah.

2. Dhamaan kiisaska ciqaabta iyo kuwa madaniga go’aanada waxaa gaara garsoorayaasha.

3. Kiisaska ama madani ha ahaadeen ama ciqaab ha ahaadeen waxaa ka furan racfaan.

4. Madaniga iyo ciqaabtaba labada dhinacba dhinacyadu waxay xaq uleeyihiin lawyer.
Adna ku darso …………………………………………………….

19/08/2022

Umadda Allah badbaadiyo.

14/07/2022

No man is above the law and no man is below it: nor do we ask any man's permission when we ask him to obey it.

Defamation
13/06/2022

Defamation

  is the term used to describe proceedings initiated between two or more opposing parties to enforce or defend a legal r...
12/06/2022

is the term used to describe proceedings initiated between two or more opposing parties to enforce or defend a legal right and it has various types such as criminal, civil, administrative and constitutional litigations.

litigation is a legal process in which criminal charges and penalties are not at issue. It is, when two or more parties become embroiled and involved in such a non-criminal legal dispute, the case is presented at a trial where plaintiffs seek compensation or other
damages from defendants.

litigation refers to the process of trying a criminal defendant in a court of law. Criminal litigators come from in two variations; criminal prosecutors, who present the government's case against the defendant and criminal defense attorneys, who represent the interests of the defendant, while the judge sitting in the court is panel
referee who finally decides in one side.

Morality of the law Qormadaan aad ayay u koobantahy waxaana oogu talaglay ardayda barata sharciga gaar ahaan qaanuunka D...
10/03/2022

Morality of the law

Qormadaan aad ayay u koobantahy waxaana oogu talaglay ardayda barata sharciga gaar ahaan qaanuunka

Dadku waxay uqaybsanyihiin kuwo Islam ah iyo kuwo aan Islam ahayn

Islamku wuxuu leeyahay mabaadii ugaar ah iyo sharciyo ugaar ah.
Sharciyada Islamku waxay uqaybsamaan
1. Mid waajib ah
2. Mid suno ah( waajib ahayn)

Waajibaadku waa shay ama wax lagaa rabo inaad sida samee laguu yiri and usamayso adigoon waxna ku darin waxna ka jarin.

Sunadu waa waxii ka sugnaaday Nabigayna suuban (صلي الله عليه وسلم) ama qoowl ah ama ficil ah ama taqriir ah

Sunadu waxay kaamishaa aqlaaqda iyo dhaqanka suuban.
Sunadu ma ahan morality ee waa sharci larabo inuu fuliyo qofwalba oo rumaysan sunadaas.
ku darso oo sharcigu wuxuu u qaybsamaa mid waajib ah iyo mid aan waajib ahayn sidaan horay u sheegay.

Hadaba ayadoo taas ay jirto ayaa dadka aan Islamka ahayn waxay bilaabayn in ayaguna dhankooda ay u degsadaan sharuuc ugaar ah waxayna samaysteen
Law and morality.

Law-ga waxay ku tilmaamayn sharci ayaga udegsan qofkii ku xadgudbana laciqaabayo.

Halka morality ay ku micneyeen inay tahay ixsaan qofku uu sameeyo taas oo waajib ku ahayn inuu sameeyo

Halkaan waxaan ka ogaanaynaa in lala dagaalamaayo sunada badalkeedina lageliyay morality of the law.

Maxaa lagudboon ardayga soomaliga ah ee baranaayo qaanuunka?

1. Waxaa lagudboon in aan loo hoos galin wax walba oo ka hor imaanaayo diintiisa.
2. Inuusan rumaysan wax walba ee loo sheego balse uu iska fiiriyo waxa loo sheegaayo.
3. Inuu barto diinta islamka madaama uu baranaayo qaanuunka si uu uga badbaado waxyaabaha qaarkood

Madooyinka inta badan la isku hoos galiyo waxaa ka mid ah
1. Insurance law
2. Company law
3. Criminal law
4. Human rights law
5. Comparative law
Iyo madooyin kale ee badan kuwaas oo larabo in uu ardaygu iska fiiriyo ka hor intuusan aminin oo uusan qqadan.


Abukate timowaye

DHAGAYSIGA, KA BAARAAN-DAGISTA IYO XUKUNKA____________________________________________________Sida uu dhigayo qodobka 96...
03/03/2022

DHAGAYSIGA, KA BAARAAN-DAGISTA IYO XUKUNKA
____________________________________________________
Sida uu dhigayo qodobka 96aad ee XHC, dhagaysiga dacwadahu waa inay noqdaan kuwo u furan ka soo qayb-galka dadwaynaha. Isla qodobkaasu wuxuu dhigayaa in xaaladaha qaar dhagaysiga loo qaadi karo si ka daahan dad-waynaha.

Garsoruhu marka uu ogaado inay joogaan XI iyo eedaysanaha oo waliba qareen loo yeelay hadduu xaq u lahaa, ayuu eedaysanaha u akhriyayaa waxa loo haysto (Q. 103(1) XHC). Qodob-qodob ayuu garsooruhu si la fahmi karo ugu sheegayaa xubin kasta oo ka mida eedda loo haysto. Sidoo kale, waxuu u sheegayaa inuu kala doorto seddexdan jawaabood isagoo sharxaya mid walba natiijada ka dhalan karta (Q. 103(2) XHC):
1. Wax diidmo ah inuu ka qabo dacwadda/ dood sharci inuu ka qabo.
2. Inaanu Dambiga qabin/ uusan galin
3. Inuu Dambiga qabo/galay

Diidmada Dacwadda: Marka uu dacwadda dhagaysto waxaa eedaysanuhu xaq u leeyahay inuu diidmo ku dhawaaqo. Qodobka 105 ayaa taxaya sababaha uu ku diidi karo eedaysanhu. Sababahaas waxay la kala xidhiidhaan shakhsiyadda eedaysanaha, maxkamadda iyo dadkeeda, nooca dambiga iyo duruuftiisa, dacwadda sida loo qoray iyo waliba qofka laga galay dambiga.Saas darteed, hal diidmo ka badan ayaa laga keeni karaa dacwadda.

Haddii Eedda la Qirto: Haddii eedaysanuhu eedda qirto taasoo ciqaabteeda ugu badani ka yartahay 10 sano, maxkamaddu xukunn ayay markiiba ridi kartaa (Q. 108(1)(a)(i) XHC). Balse hadday maxkamaddu u malayso in qirashadaasu aanay sax ahayn, waxay sii wadaysa dhagaysiga dacwadda (Q 108(1)(a)(ii) XHC).Haddii ciqaabta dambigu ka badan karto 10 sano, maxkamaddu waxay amri in la sii wado dhagaysiga dacwadda (Q. 108(1)(b) XHC) .

Marka XI dooddiisa rito ayaa, haddii aanay maxkamuddu xidhin kiiska, eedaysanaha fursad loo siin inuu soo bandhigo caddaymaha uu isku difaacayo iyo inuu dooddiisa dhiibto isagoo ku ladhaya ama aan ku ladhaynin dhaar.Haddii hal eedaysane wax badan yihiin, maxkamadda ayaa samayn nidaamka eedaysane kasta uu difaaciisa u wadanayo (Q.116 XHC).Haddii eedaysanuhu soo bandhigo caddaymo aanay macquul ahayn in XI sii maleeyo, maxkamaddu waxay XI u fasixi kartaa inuu keeno caddayn uu ku burinayo (Q. 117(1).

Marka XI keeno caddayn burinaysa, eedaysanaha ayaa soo bandhigi kara caddayn dheeriya oo uu isku difaacayo (Q. 117(2).Maxkamaddu waxay si iskeed ah u amri kartaa in la soo bandhigo caddaynta ay u aragto mid habboon oo wax-tar leh si runta loo gaadho (Q. 118, XHC)Marka caddaymahu soo dhammaadaan XI ayaa soo gunaanadi dooddiisa isagoo fikirkiisa ka dhiibanaya wixii xeer iyo dhacdo ah ee uu rabo in maxkamddu ka aqbasho (Q. 119(1)(a), XHC).Waxaa uga dambayn eedaysanaha ama qareenkiisa. Mar walbana eedaysanaha ayaa leh hadalka u danbeeya (Q.119(1)(b) & (3), XHC).

N.B: Haddii dhinacyada midkood si xun u adeegsado xaqiisa dood dhiibasho oo uu galo khudbad aan muhiim ahayn, garsooraha ayaa ilaa laba goor siinaya diginin; haduu u hogaansami waayo wuxuu ku waayayaa xaqiisa dood wadashada (Q. 119(4), XHC).Marka dhinacyadu maxkamadda u sameeyaan soo gunaanadkooda waxaa loo arkayaa in dhagaysigii dhammaaday (Q. 119(5), XHC).

Abukate Timawayne
Qaabka xukunka casharka dambe ayaan ka dhigi doonaa inshaa allah

14/02/2022

1. \Waa maxay Xilalka xeer Ilaalinta?

Xilalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa ay ku tilmaaman yihiin Qodobka 8aad ee Xeer Sharci Dejineed L. 3 ee 12kii Juun 1962 (Xeerka Nidaamka Garsoorka).Sida qodobkani jideynayo, Xafiiskani waxa uu u xilsaaran yahay Ilaalinta shuruucda dalka iyo daryeelka xquuqda dowladda, hay’adaha guud iyo maatida.

Si’ haddaba, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu xilalkiisa u guto, waxa uu meelmariyaa hawlaha soo socda:
1. Dhaqaajinta dacwadda ciqaabta oo uu u xilsaaran yahay Xeer Ilaaliyaha Guud oo kaashnaya Ku Xigeennadiisa , Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada ka tirsan Boliiska Garsoorka. Hawlaha dhaqaajinta dacwadda ciqaabta waxa ay isugu jiraan baarista dembiyada iyo ka qeyb galka dhegeysiga dacwadaha ciqaabta.

2. Dhaqaajinta iyo soo dhexgalka dacwadaha madaniga ah marka ay muuqaneyso in dan guud ay jirto.

3. Rafcaan ka qaadashada go’aannada iyo xukunnada madaniga iyo kuwa ciqaabta hadba sida uu sharcigu qabo.

4. Hoggaaminta iyo hagidda hawlaha hubinta iyo cadaadinta dembiyada ee uu Boliisku meelmariyo (Fiiri Tirsiga 4aad ee Qod. 12 XHC).

5. Ilaalinta xabsiyada iyo xaruma ciqaabeedka kale. Si waafaqsan qodobka kor ku xusan, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud waxa uu awood u leeyahay in uu ku tallaabsado dhammaan wixii hawlo ah ee lagu xaqiijinayo gudashada saddexda xil ee kor kutilmaaman. Xafiiskan, oo ka mid ah garsoorka, waxa uu u xilsaaran yahay dacwad oogista, halka maxkamaduhu ay u xilsaaran yihiin dacwad qaadista.Waqtigan xaadirka ah, tirada Ku Xigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud waa 28 Xeer Ilaaliye oo uu ku jiro Ku Xigeenka Koowaad ee Xeer Ilaaliyaha Guud. Xeer Ilaaliyayaashu waxey ku habeysan yihiin qaab xoogag shaqo sida Xoogga Shaqo ee Dembiyada Lidka Ku ah Jinsiga, Xoogga Shaqo ee Xabsiyada, Xoogga Shaqo ee Xiriirka Boliiska, Xoogga Shaqo ee Dacwad Oogista. Waxaa kale oo uu Xafiisku leeyahay Xafiiska Diiwaniyaha Guud. Sidoo kale, wuxuu Xafiisku leeyahay Kaaliyayaal, Gaarsiiyayaal iyo Hawlwadeeeno kale oo Xafiiska gacan siiya sida: Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Waaxda Shaqaalaha, Waaxda Internetka iwm.

11/02/2022

HABRAACA SHARCI EE HELISTA XOGTA FALDANBIYEEDKA.

Hadii faldanbiyeed dhaco yay tahay in la gaarsiiyo

marka faldanbiyeed dhaco waxa la gaarsiinayaa:
1- GarsooreGarsoore waxaa loo la jeedaa xubin kasta oo ka tirsan garsoorka ee ka haya shaqo garsoor mid ka mid ah Maxkamadaha. Fiiri qodoka 3 aad XHC.

2- Dacwad ooge waxa loo la jeedaa Xeeriaaliyaha guud ama mid ka mid ah ku xigeenadiisa si waafaqasan qodobka 8 ee XNG iyo qodobka 12 XHC.

3- Sargaal Boolis. boolis waxa loo la jedaa askari kasta ee ka tirsan ciidan booliska . Eeg qodobka 23 aad ee XHC, iyo qodobka 2-aad ee sharci lambar 84 ee soo baxay 12/12/1972, wax kabdalka XHC.(Qodobka 17aad ee XHG).

07/02/2022

GARSOORAHA
MAXAA LA
GUDBOON HADDII
UU SOO GUDBIYO
XOGTA FALKA

Hadii garsooruhu soo gudbiyo xogta faldanbiyeed
dhacay waxaa qasab ku ah in uu ka istaago galista
dacwada uu soo gudbiyay xogteeda.

Isaga oo u sheegaya guddoomiyaha Maxakadda uu
ka shaqeeyo si uu ugu gudbiyo Maxkamadda ka
sareeysa si ay iyadu ugu warejiso garsoore kale ama
maxkamad kale.
Fiiri qodobada 10(,C)(2), 11(3) XHC.

Address

Mogadisho

Telephone

+252616130270

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abukate timowayne posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abukate timowayne:

Share