06/11/2025
Haddii aadamuhu u wada noolaan lahaa si caddaalad ah, oo uu qof kastaa waxa uu naftiisa la jecelyahay uu la jeclaan lahaa walaalkii, ama waxa aanu doonayn in uu qof kale ku sameeyo, isaguna aanu qeyrkii ku sameyn lahayn, looma baahdeen Garsoor. Mar haddii aynaan ahayn malaa'ig dhulka joogta, waxa uu Garsoorku noqday Marjaca koowaad ee Caddaaladda nolosha/adduunyada. Garsoorku waa geedka cabashada, waana geed u furan qof kasta oo ka cabanaya qof ama wadar sida hey'ad dawladeed, shirkad, urur iwm. Haddii aanu garsoorku awood u lahayn in uu soo fadhiisiiyo cid kasta oo laga cabanayo ama marag ka ah waxa la isku hayo (habeaus corpus writ), waxa uu waayayaa sifaha garsoornimada, xataa haddii uu isku sheego in uu Garsoor yahay. Sidoo kale haddii aanu awood u lahayn in uu waxa uu u xukumay ciddaasi usoo cabatay uu u fuliyo inta aanu quusan, waxa uu waayayaa sifaha Garsoornimada, xataa haddii uu isku yaqaano garsoor.
Sidoo kale haddii aan Garsoorka gudihiisa loo sii kala caban karin (rafcaan-qaadasho) oo uu noqdo koox kor-illaa-hoos isla sii og tallaabo kasta oo ay qaadayaan iyo cabasho kasta oo hortaalla, isna ma noqon karo Garsoor, xataa haddii ay sidaasi isku haystaan. Ma jiri karaan danoyaal kooxeed oo kale oo mideeya maxk**adaha iyo garsoorayaasha uu Garsoorku ka koobanyahay, oon ahayn xaqiijinta ujeeddada Caddaaladeed ee ay darteed u wada joogaan. Kan ujeeddo taas ka duwan lagala hadlaana haddii aanu iska dhegomarin karin, waa in uu ka nafiso xilkan iyo culayskiisa oo uu iskaga tago. Waayo isaga oo dantiisa gaarka ah ilaashanaya iyo waxa uu xilkaasi ku qabo, daw u noqon mayso in uu awooddiisa xaq kale iyo xaqiiqadaba ku duudsiyaa.
By Garyaq. Mohammed Ahmed Bacaluul