18/02/2026
Magacaabista xilka muhiimka ah Madaxwaynaha Somaliland magacaabay. Madaxa unugga xidhidhka iyo dardargelinta Hayaddaha Xukuumada. (Head of the coordination priority and government institutions performance)
Waa boos muhiim u ah dawladnimada wadamo badan oo dunida ah ayaa Nidaamka ku dhisay nidaamka dawligga ah waxaan Tusaale u soo qadanaynaa raysal wasarahii ingiriiska Tolny Blair oo hogaaminayey siyaasada Ingiriiska sanadahii 1997-2007, wuxuu qoray buug la yidhaahdo casharrada Hogaaminta Qarniga 21aad.
Buugaa waxaa uu ku xusay afar arrin ayuu sheegay inay muhiim u tahay Hogaamiye kasta oo dal maamulkiisa gacanta ku dhiga inuu bilowga h**eba sameeyo si uu ugu guulaysto wax qabad la tabaan karo afarta arrin waxa uu ugu magac daray 4PS.
Qodobka afaraad 4aad waxaa ku soo qaatay unuga Qiimaynta Haydahah Xukuumada Qiimaynta Wax qabadka (performance )
Wuxuu Tony Blairy ku taliyey inaad dejisto nidaam aad kula soconayso wax qabadka dadka aad xulatay xilalka iyo siday u fulinayaan Qorshayaasha iyo Siyaasadihii wuxuu buugiisa ku tilmaamayey inuu samaysatay xafiis uu ubixiyey (Delivery unity) oo la socoda in Qorshayaashii iyo siyaasadii u fulayaan xafiiskan wuxuu u xushay khubro Aqoon kala duwan u leh siyaasada, dejinta (strategyada, policy and experts) wada-xidhiidhka (communication Experts ),dhaqaalayahano (economists),maamulka dawladda (public Administration Experts) iyo kuwo kale oo la hal maala, siduu ku xusay buugiisa intuba waxay ka caawiyeen hogaaminta dalka, dejinta Qorshayaasha dawladda iyo isla xisaabtanka masuuluyiinta uu dirsaday.
Shaqada xafiiskan waxaa ugu muhiimsan
1. is waafajinta Qorshayasha Wasaraddaha iyo Qorshaha Qaranka .
2. Fududaynta isku xidhka , Xidhiidhka wasaraddaha iyo madaxtooyada.
3. In siyaasadaha iyo Qorshayasha xukuumada sideeda loo fuliyey.
Aas Aaska Xafiiskan waxaa nidaamka dawliga u horseed karaa horuumar la raaban karo si loo helo halbeegayo lagu cabirayo Waxqabadka iyo qorshayasha Xukuumada.
Waabilaahi Tawfiiq.
Gar. Abdirahman haariye.
Ramadan Mubaarik