26/09/2023
Shirkadda De La Rue ee Bangiga Dhexe siiyay qandaraaska qiimihiisu dhan yahay $9.6 milyan, waxa h**e loogu soo jeediyay eedaymo faro badan oo la xidhiidha musuqmaasuq. Xafiiska Serious Fraud Office, oo Ingiriiska u qaabilsan baadhista dembiyada musuqa iyo laaluushka, ayaa tiraba laba jeer baadhis geliyay shirkaddan.
Ta h**e waxay ahayd musuqmaasuq lacago Koonfurta Suudan loo soo daabacay, ta kalena shaqaalaha De La Rue oo sameeyey wax is-daba marin iyo khiyaamo. Xafiiska dambi baadhista dalka Indiya ayaa isagu na dacwad ku oogay wasiirkii h**e ee maaliyadda kadib markii uu qandaraas shirkaddan si khiyaamo ah ku siiyay. Sidoo kale, xafiiska baadha qandaraasyada dalka Kiiniya ayaa isaguna h**e u joojiyay qandaraas ay shirkaddan siiyeen markii ay caddaatay in 15% ay ka qaalisanayd shirkadaha kale ee la tartamay ee ay qandaraaska ka heshay.
Haddaba, dhammaan arrimahani waxay keenayaan isweydiinta ah sababta iyo cidda ku talisay in la soo daabaco lacago cusub oo shilin ah wakhtigan, kuwaas oo u dhigma $38 milyan. Lacagtani waxay qiyaas ahaan labanlaab ka dhigaysaa lacagta imika wareegeysa. Waxa kale oo isweydiin leh, sababta loo oggolaaday kharashka xad dhaafka ah ee lagu soo daabacayo oo dhan 25% qiimaha shilinka la soo daabacayo, marka sarrifka maanta la isticmaalo.
Dhanka kale, digniinaha shakhsiga ah ee Radio Hargeysa iyo baraha bulshada laga sii daayay aniga iguma cusba. H**e ayaa UNDP oo aan ka shaqaynayay iigu gooddiyeen in aan ku shaqobeeli doono haddii aanan ka aamusin qaladaadka aan arkayey. Waxba hanjabaaddaasi k**a beddelin go’aankaygii wakhtigaasi, imikana ka beddeli mayso. Ugu dambayn, waxa aan leeyahay haddii aan arrinkan hay’adaha guduhu si degdeg ah wax uga qaban waayaan, waxa qasab noqon doonta in SL debeddeeda xal laga raadiyo.
theguardian.com/law/2019/jul/2…
thisismoney.co.uk/money/markets/…
theguardian.com/business/2010/…
ft.com/content/8805cc…
Copyright ©️ Ismail Ahmed.