Garyaqaan Mohamed Abdirashid Ali

Garyaqaan Mohamed Abdirashid Ali Kusoo dhawoo Boga Rasmiga ah ee Garyqaan M rashiid Ali

09/02/2026
08/02/2026
24/01/2026
24/01/2026

Maansha allah waa shaqo lagu farxo runtii shirkad u taagan u hiilinta iyo garab istaaga bulshada ee dhanka kaalmada sharci👏🏻👏🏻

23/01/2026
23/01/2026
Hussein Moh'ed Samo Talis hambalyo sxb allah ha kuu fududeeyo sxb xilkaas laguu cimaamaday
11/01/2026

Hussein Moh'ed Samo Talis hambalyo sxb allah ha kuu fududeeyo sxb xilkaas laguu cimaamaday

Golaha Guud 'General Assembly' ee Raven Law Firm waxa uu si rasmi ah u magacaabay Garyaqaan Hussien Sulub Abdilahi inuu noqdo Guddoomiyaha Shirkadda (Managing Partner)

29/12/2025
28/12/2025
27/12/2025

Nacabku ha iska ciyaane hawsha inoo wada Reer somalilanoow

27/12/2025

Sharci ahaan muxuu uga dhiganyahay aqoonsigu Somaliland?

Aqoonsiga ay maalinnimadii shalay Dawladda Isra*l ugu dhawaaqday Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ahaa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumaysa fahanka sharciga caalamiga ah ee labada dawladood. Tallaabadani waxa ay dhammaystirtay sharcinnimada xaqiiqda jiritaan ee Somaliland, iyada oo caddeynaysa in ay SL buuxisay shuruudaha dawladnimo ee ku xusan qodobka 1aad ee Mentevideo Convention (1933), kuwaas oo ah in dalku lahaado: dhul cayiman, bulsho rasmi ah oo deggan, xukuumad shaqaynaysa iyo in dalku leeyahay awood oo kula macaamili karo dawladaha kale.

Inkasta oo SL jiritaankeeda sharcinnimo ku xidhnayn aqoonsi ay ka hesho dawlad kale, sida uu qabo isla qodobka 3aad ee Montevideo convention, haddana aqoonsiga ay bixiso dawlad madax-bannaan waxa uu leeyahay miisaan sharci iyo mid siyaasadeed oo dheeri ah. Aqoonsigani waxa uu xoojinayaa awoodda Somaliland ee ku aaddan macaamilka caalamiga ah, gelitaanka heshiisyada caalamiga ah iyo ka qaybgalka nidaamka dawladaha caalamka. Isaga oo hoosta ka xarriiqaya in Somaliland h**e ulahayd dawladnimo dhammaystiran balse ay hadda heshay aqoonsi sii adkaynaya kaalinteeda sharciga caalamiga ah.

Aqoonsigu waxa uu Somaliland siinayaa fursad rasmi ah oo ay ku dhisto xidhiidho diblumaasiyadeed, waxa uu sida oo kale dhiirrigalin u noqonayaa dawladaha kale in ay dib u eegaan mawqifkooda dalka SL, iyaga oo tixgalinaya xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo jiritaanka sharci ee Somaliland. Marka la eego aragtida sharciga caalamiga ah, aqoonsigu ma abuuro dawlad cusub balse waxa uu xaqiijiyaa dawlad h**e u jirtay oo buuxisay dhammaan shuruudihii dawladnimo.
Waxa uu sidoo kale ka turjumaa Mabda’a xaqiiqada (effectiveness doctrine) ee sharciga caalamiga ah, kaas oo mudnaan siinaya jiritaanka dhabta ah ee dawlad kahor intaan la aqoonsan. Sidaas darteed aqoonsiga Isra*l ay siisay JSL waxa uu noqonayaa caddayn kale oo muujinaysa in Somaliland tahay dawlad sharci ahaan u qalanta in ay kamid noqoto dawladaha caalamka, isla markaana leedahay awood iyo karti ay ku gudan karto waajibaad kasta oo ka dhalanaya sharciga caalamiga ah.

Aqoonsigani waxa uu markale xoojinayaa mabda’a is maamul iyo xaqa aadamuhu u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan (right to self-determination), oo kamid ah tiirarka ugu waaweyn ee sharciga caalamiga ah. Somaliland-nna waxa ay si nabad ah oo shuruucda caalamiga ah la jaanqaadaysa u muujisay rabitaanka dadkeeda, iyada oo dhisatay nidaam dimuqraadi ah, dastuur afti ku yimi iyo hay’ado dawli ah oo shaqaynaya. Sidaas darteed, aqoonsiga ay bixisay dawladda Isrel waxa uu noqonayaa mid la jaanqaadaya mabaadi’ida sharciga caalamiga ah, isla markaana xaqiijinaya in rabitaanka shacabka SL ahaa saldhigga sharci ee lagu qiimeeyey jiritaanka qaranka JSL.

Ugu dambayn aqoonsigu waxa uu Somaliland ku waajibinayaa sii adkaynta iyo ixtiraamka sarraynta sharciga gaarka ah iyo ka caalamiga ah, ilaalinta xuquuqda aadanaha, ka qayb qaadashada xasilloonida gobolka iyo caalamka iyo fulinta waajibaadka dawladnimo ee ka dhalanaya kamid noqoshada bulshada caalamka.

Shirka macdanta oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL oo manata hargaysa ma furmay
15/12/2025

Shirka macdanta oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL oo manata hargaysa ma furmay

Address

26 June Omar Hashi Building Flour 5 Room 512
Hargeisa
25

Telephone

+252637221100

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garyaqaan Mohamed Abdirashid Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Garyaqaan Mohamed Abdirashid Ali:

Share

Category