Somaliland Lawyers Association - SOLLA

Somaliland Lawyers Association - SOLLA A leading organization that unites over 90% of Somaliland’s legal professionals.

We champion human rights, legal reform, and the advancement of justice through strong, ethical legal practice. Somaliland lawyers association is non-political, non-profit making human right and legal professional association, which unite 90% of the Somaliland lawyers including law professors of Hargeisa University faculty of law, other law colleges, legal advisors

Guddoomiyaha Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA), Garyaqaan Xasan Cali Xasan, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan hoggaank...
31/05/2026

Guddoomiyaha Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA), Garyaqaan Xasan Cali Xasan, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan hoggaanka sare ee Ururka Qareenadda JSL (SOLLA), iyo kan dhamaan qareennada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu duco iyo tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Cabdisalaan Yuusuf Faarax ( Abdisalam Y. Farah ) geerida ku timid Hooyadi Caasha Ibraahim Oo ku geeriyoo tay laguna aasay magaalad Hargeysa waxa aanu illaahaya uga baryaynaa inuu samir iyo iiman ka siiyo Qoyska Ilma Yuusuf Faarax,Ehelada iyo Qaraabada ay ka baxday marxuumadu uu ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo. Hooyadaasi qaaliga ahayd ee geeriyootana Illaahay haa dhigo mid Janada gasha oo naxariista Illaahay hesha. Illaahaw u danbi dhaaf Janadii Fardousa ka waraabi. Aamiin Aamiin. Hooyo Caasha Ibraahim waxaa caruurteeda kamida C.Salaan Yuusuf Faarax oo ah sarkaal sare ee ka tirsan Hay’adda UNDP isagoo mudo dheer la soo shaqaynayey qareenada Somaliland oo abaal badan ku leh waxaanu ugu ducaynaynaa isagana inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

The Chairperson of the Somaliland Lawyers Association, Advocate Hassan Ali Hassan (Banfas) expressed his honor and privi...
26/05/2026

The Chairperson of the Somaliland Lawyers Association, Advocate Hassan Ali Hassan (Banfas) expressed his honor and privilege in participating in the farewell luncheon held in recognition of Lionel Lauren, acknowledging his valuable support and contribution to the successful implementation of the Project on the Provision of Legal Aid and Representation Services in Somaliland under the Joint Rule of Law Programme.
He further conveyed sincere appreciation to Samira Hassan for her continued leadership, dedication, and commitment to advancing access to justice, the rule of law, and legal empowerment initiatives in Somaliland.
Special recognition was also extended to Abdisalan Farah for his close collaboration, hard work, and dedicated support throughout the implementation of the programme, which greatly contributed to its success and impact.
The Chairperson also commended the efforts of United Nations Development Programme in Somalia/Somaliland for its ongoing partnership and support in strengthening legal aid services, institutional capacity-building, and inclusive justice initiatives across Somaliland.
UNDP in Somalia

Ururka Qareennada Somaliland Ee (SOLLA) ayaaMaalintii labaad ee tababarka lagu horu-marinayo adeegyada kaalmada sharciga...
24/05/2026

Ururka Qareennada Somaliland Ee (SOLLA) ayaa
Maalintii labaad ee tababarka lagu horu-marinayo adeegyada kaalmada sharciga oo ka socday Hotel EMPIRIAL Hargeysa si rasmiya u gabagabeeyay maanta
Tabarkaas oo diiradda lagu saarayay horumarinta xirfadaha qareennada, kaaliyeyaasha sharciga iyo dhiirrigeliyeyaasha caddaaladda si loo xoojiyo adeegyada Legal Aid-ka ee bulshada loo fidiyo.
Tababarka oo ay wado Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ayaa lagu falanqeeyey hababka casriga ah ee adeegyada sharci loogu gaadhsiin karo dadka danyarta ah, iyadoo la adkaynayo wada shaqaynta hay’adaha caddaaladda iyo kor u qaadista aqoonta ka qaybgalayaasha. https://www.facebook.com/share/p/18HgHtH3Hm/

23/05/2026
Maamulka Ururka Qareenada Jsl Solla waxan halkan kula wadaagaya Qarankayga Jsl  Hambalyada xuska Sanad Guurada 35aad ee ...
17/05/2026

Maamulka Ururka Qareenada Jsl Solla waxan halkan kula wadaagaya Qarankayga Jsl Hambalyada xuska Sanad Guurada 35aad ee Qaranimada Jsl 18may 2026.

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.Waxaa si murugo leh loo xaqiijinayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Qaree...
13/05/2026

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

Waxaa si murugo leh loo xaqiijinayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Qareen Ibraahin Siciid (Aw Salawad) oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Burco.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa bahda sharciga iyo qareennada bulshada ugu adeegayay aqoon, hufnaan iyo damiir wanaagsan. Geeridiisu waa tiiraanyo iyo khasaare ku yimid qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan bahda qareennada Somaliland.

Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu marxuumka naxariistiisa janno ka waraabiyo, dembigiisana dhaafo, kana yeelo kuwa Janatul Firdowsa lagu mannaysto. Ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan bahda qareennadana waxaan uga baryaynaa samir iyo iimaan.

Qareennada gobolka Togdheer, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Burco, waxaa laga codsanayaa inay ka qayb qaataan hawlaha aaska iyo garab istaagga qoyskii marxuumka.

Tacsi tiiraanyo leh waxaa diraya:
Xoghayaha Guud ee Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA)
Saciid Cabdillaahi Geeljire

Wasaaradda Caddaaladda JSL ayaa maanta lagu qabtay fadhigii ugu horreeyey ee Guddida Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Q...
10/05/2026

Wasaaradda Caddaaladda JSL ayaa maanta lagu qabtay fadhigii ugu horreeyey ee Guddida Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareennada JSL, kaas oo ay si wadajir ah u shir-guddoomiyeen Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Yoonis Axmed Yoonis iyo Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland, Garyaqaan Xasan Cali Xasan.

Intii uu socday fadhigaasi, waxa cod aqlabiyad leh Guddoomiyaha Guddida Ruqsad-bixinta loogu doortay Qareen Cabdiraxmaan Cali Maxamed.

Doorashadan iyo dhismaha guddidani waxa ay ku salaysan yihiin Qodobka 16-aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Qareennada Somaliland, Xeer Lr. 30/2004, kaas oo qeexaya habraaca ruqsad-bixinta iyo anshax-marinta qareennada Somaliland.

Munaasabadda Daahfurka Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaalad...
07/05/2026

Munaasabadda Daahfurka Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci

Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabatay munaasabadda daahfurka Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci, xeer muhiim ah oo lagu xoojinayo helitaanka caddaalad loo siman yahay iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Munaasabadda ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, isaga oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in xeerkani yahay mid laf-dhabar u noqon doona horumarinta nidaamka caddaaladda dalka iyo ballaarinta adeegyada kaalmo sharci ee bulshada.

Madasha daahfurka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Shuruucda ee Golaha Wakiillada, wakiillo ka socday hay’adda UNDP, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta, xubno ka socday Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, iyo bahda garsoorka oo ay ku jiraan qareenno iyo khubaro sharci.

Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) ayaa isaguna si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda, waxaana ka socday laba xubnood oo muhiim ah. Garyaqaan Aamina Xasan oo ka tirsan Guddida Agaasinka (BoD) ee SOLLA ayaa madasha ka jeedisay hadal ay ku matalayso ururka, iyadoo xustay muhiimadda uu xeerkani u leeyahay horumarinta adeegyada kaalmo sharci iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay. Sidoo kale, Madaxa Barnaamijyada ee Xafiiska SOLLA ayaa ka mid ahaa ka qaybgalayaasha, isaga oo door firfircoon ku lahaa arrimaha la xidhiidha hirgelinta iyo wacyigelinta xeerkan.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, gaar ahaan Ururka Qareennada Haweenka Somaliland (SWLA), lataliyeyaal sharci, iyo masuuliyiin ka socday waaxyaha xuquuqul insaanka iyo horumarinta garsoorka.

Daahfurka xeerkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam caddaaladeed oo casri ah, daahfuran, isla markaana si siman ugu adeegaya bulshada. Waxa uu sidoo kale muujinayaa sida ay Wasaaradda Caddaaladdu uga go’an tahay xoojinta kalsoonida dadweynaha iyo hufnaanta hay’adaha garsoorka.

Gabagabadii, munaasabaddani waxay iftiimisay jihada cusub ee horumarineed ee caddaaladda dalka, taas oo ku dhisan iskaashi, wada-tashi iyo aragti fog, kuna wajahan dhismaha bulsho ku dhisan caddaalad, nabad iyo horumar waara.
https://somalilandbarassociation.org/munaasabadda-daahfurka-xeerka-adeegga-kaalmo-sharci/

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland Lawyers Association - SOLLA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Somaliland Lawyers Association - SOLLA:

Share