17/01/2024
Faalo sharci oo ku saabsan Madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland
Madax-banaanida Somaliland waxay ku salaysan tahay xuduud taariikhi ah oo ay xoriyada dawladnimo kaga qaadatay gumaystihii ingiriiska 26kii June 1960kii, sida wadamada qaarada Africa oo kale ay xuduudahoogu ku salaysan yihiin kuwii maxmiyadihii gumaysiga ee ay xoriyadaha ku qaateen, muddo kooban oo ay Somaliland dawlad ahayd kadib markii ay xornimada qaadatay 1960-kii, waxa dhacday in jibo somalinimo oo jirtay wakhtigaa oo gumastuhu sababteeda lahaa in ay dawladii Somaliland ee xornimada ka qaadatay maxmiyadii ingiriiska ay si aan kutalo gal ahayn ula midawday Somalida koonfureed oo wakhtiga ahaa Somali Italian Trustee Administration oo talyaanigu xoriyada ismaamulkooda ku wareejiyay 1dii July 1960kii, iyadoo ujeedada isku biirku ahaa in la helo shantii dal ee somaalidu lahayd oo ku kala jiray maxmiyado kala duwan, balse may dhicin ujeedadii midawga labada dal ee bilawgii iskugu biireen, waxana waxba k**a jiraan ka dhigay israacii Somaliland iyo Somalia dhowr arimood sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba. Arimhaasi waxa ka mid ah kuwan:
1. Marka h**e sadexdii dal ee somalidii kale may ogalaan midawga waxanay Doorteen somalidii NFD in ay ku biiraan Kenya halka ay somali-galbeed iyaguna dorteen in ay ku biraan Ethiopia, halka Somalidii jabuuti markii ay xoriyada qaateen ku dhawaaqeen dawlad gaar ah in ay ahaadeen. Waxana meesha ka baxday bilawgiiba ujeedadii iyo hadafkii laga lahaa israacii labadii dal ee Somaliland British Protectorate iyo Somali Italian Trustee territory.
2. Arinka labaad ee israacii labada dal ka dhigaya mid aan hirgalin aan sax noqon waa sharcinimada sidii layskugu daray ee ay u midoobeen labada dal, sababta oo ah habkii iyo nidaamkii sharci ee isku biirida labada dal ee Somaliland iyo Somalia ay iskugu biireen may waafaqsanayn sharuucda caalamiga ah gaar ahaan waxay ka hor imanaysa oo ay khilaafsan tahay sharciga caalamiga ah ee loo yaqaan Vienna Convention of the Law of Treaty 1948, Qodobada 11aad, 12aad, sababta oo ah marnaba k**ay helin ogolaansho (Consent) dhinaca Somaliland xeerkii midawga ee ay ansixiyeen barlamaankii koonfurta Somalia..
3. Arinta sadexaad ansaxnimada Sharciga Midowga ee 1960 waxa laysku raacsan yahay in anu sharci ku dhisnayn, sababtuna waxay ahayd, Bishii Juun 1960-kii, wakiillo ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya mid kastaa wuxuu saxeexay Xeerar Midnimo oo kala duwan - iyagoo dhinac waliba soo gudbiyay xeer midnimo oo wata shuruudo kala duwan oo midnimo. Sidoo kale Midowgii Soomaaliya iyo Somaliland waxa u ku guul-darreysteen inay buuxiyaan ama waafajiyaan shuruudaha sharciga gudaha ee labada dal lahaayeen iyo kuwa caalamiga ah ee khuseeya habraaca samaynta heshiisyada noocan oo kale ah, isla markaana Xeerkii Midowga labada dal ayaa ahaa mid aan lagu dhisin shuruudaha sharci ee lagu tilmamay Axdiga Vienna Convention law of Treaty ee heshiisyada caalami ah lagu dhiso.
4. Arinta Afraad, waxay ahayd Aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Dawladdii Soomaaliyeed ee bishii Juun 1961kii, kadib markii ay xeerkii israaca barlamaankii koonfurta Somalia ay kaligood ansixiyeen iyadoo anay qayb ka ahayd barlamaankii Somaliland, waxa shacabkii Somaliland Aftidii la qaaday kaga horyimadeen diidmo wayn dhokumentigii Dastuurka oo dadkii reer Somaliland kaga codeyeen diidmo ka badan 83%, halka inta ay ogolaanshaha ka heleen ahayd 17%, taasina waxay Muujisay oo ay aduunyada u cadeeysay sida aan dadka reer Somaliland ugu qanacsanayn una doonayn midowgii 1960kii. Balse la muquuniyay xaquuqdoodii dawladnimo.
5. Arinta shanaad, waxa jiray guux badan oo dhinaca somaliland ah oo lagu diidan yahay israaca laguna doonayo in dib loola soo noqdo dawladnimadii Somaliland waxanay koox dhalinyaro ahayd oo aqoonyahan kii Somaliland ahaa isku dayeen in ay sameeyeen afgambi aan dhiig ku daadan oo lagu xoraynayo dhulkii Somaliland ee xoriyada dawladnimo helay 26june 1960, si ay dawladnimadii dib ula soo noqdaan hasayeeshee arintaasi may guulaysan oo wuu ka fashilmay isku daygaasi. Taasina waxa ay muujinaysa sida anay u jirin wax israac la yidhaa oo sharci ah oo labada dhinac ku heshiiyeen.
6. Arinta lixaad, waxay ahayd, Iyadoo dadka reer Somaliland ka xunyihiin sida loogu khiyaameeyay israaca aya hadana waxa dhacday in 1969kii ay afgami sameeyaan saraakiil military oo uu hogaaminayay kalidii taliyihii la odhan jiray Maxamed Siyaad bare, oo afgami military ku qabsaday labadii dal ee sida sharci darada ah layskugu daray, waxanu bilawgiiba meesha ka saaray dastuurkii dhinaca kaliya ahaa ee lagu ansixiyay israaca labadii dal ee Somaliland iyo Somalia, taasina waxay meesha ka saartay jiritaanka israacii (midawgii) labada dal ee kala ahaa Somaliland (British Protectorate) iyo Somalia (Italian Trustsheep administration), oo muddo dheer oo 21 sano ah uu awood ciidan ku haystay rajiimkii Maxamed Siyad Bare.
7. Arinta dodobaad: markii uu xukunka qabsaday keligii taliyihii Siyaad Barre, 21kii October 1969kii, xaaladdu way ka sii dartay; Dadka reer Somaliland waxa ay la kulmeen dhibaatooyin isugu jira jidh dil, kufsi, dhac, hayb qabiil, xadhig sharci-darro ah oo lagu beegsanayo hal doorka iyo aqoonyahanka reer Somaliland, xasuuq baahsan oo shacabka loo gaystay iyadoo aan loo eegayn caruur, haween iyo arday iwm, xaaladdan xanuunka badanina waxay keentay in reer Somaliland ku dhawaaqaan jabhadii SNM, oo dagaal jabhadaysan kala hortimid dawladii military-ga ahayd ee awooda ciidan ku haysatay dawladii iyo dhulkii Somaliland ee xornimada qaatay 1960kii, waxanay Jabhadii SNM dagaal kula jirtay muddo 10sano ah akhirkiina waxay ku guulaysteen in ay dib u xoraystaan Jamhuuriyaddii Somaliland ee uu awooda ciidan ku haystay taliskii Maxamed Siyaad Barre bishii January 1991-kii.
8. Markii lagu guulaystay in laga xoreeyo Kalidii Taliskii M.Siyaad Bare dhulkii ay xornimada dawladnimo ku qaadatay Jamhuuriyada Somaliland, waxa Bishii May 18kedii 1991-kii magaalada Burco ee caasimadda labaad ee Somaliland lagu qabtay shirweyne ay isugu yimaadeen cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta, Somaliland, kaas oo lagaga arrinsanayay sidii loogu dhawaaqi lahaa dib u lasoo noqoshada dawladnimadii Somaliland ee 1960kii ay heshay, doodo sharci iyo mid aqooneed oo wufuudii shirkasi iskugu timid dhexmaray isla-markaasina la dhagaystay aragtiyo kala duwan oo ay soo jeediyeen hal-doorkii iyo labeentii reer Somaliland ee kasoo qayb galay shirkaas, waxa ay dhammaan ergadii beelaha Somaliland ku heshiiyeen go’aan rasmi ah oo ay ku dhawaaqeen inay Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale, isla markaana ay dib ula soo noqdeen dawladnimadooda ay heleen markii ay xornimada ka qaateen Maxmiyaddii Ingiriiska 26june 1960kii kadib 31 sano oo ay ku hoos noolaayeen midowgii aan sharciga ahayn ee lagu khiyaameeyay.
9. Sidoo kale waxa Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii lagu qabtay magaalada burco 1991kii ayaa haddana lagu ansixiyay shirwaynihii labaad ee ka dhacay magaalada Boorama horraantii 1993kii. Waxana lagu soo doortay madaxwaynihii h**e Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal oo isna soo dhisay golihiisii Wasiirada. Waxa kale oo ay Somaliland samaysay afti loo qaaday dastuurka Jamhuuriyada Somaliland 31kii bishii May sanadkii 2001dii, kaasi oo si buuxda u dhamaystiraya dib u lasoo noqoshada dawladnimadii Somaliland ee ay heshay 26kii June 1960kii, waxanay af-tidii dadwaynaha Somaliland laga qaaday ee Dastuurka lagu ansixiyay loogu codeeyay Madax-banaanida iyo hirgalinta dawladnimadii Somaliland 97% codadkii aftida, Labadaasi shirwayne ee ka kala qabsoomay Burco iyo Boorama ee lagu go'aamiyay masiirka iyo dib ulasoo noqoshada dawladnimadii Somaliland iyo aftidii shacabka laga qaaday ee Dastuurka jsl waxa uu waafaqsanaa oo la waafajiyay Qodobka 1aad ee Xeerka Qaramadda Midoobay (UN Charter) iyo Qodobka 20aad ee xeerka bayaanka Midawga dalalka Africa( AU Charter), Sidoo kale waxa xaq u siinaya oo uu waafaqsan yahay Qodobka 1aad ee bayaamada caalamiga ah ee la yidha : the International Covenant on Civil and Political Rights: ( 1- Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan. Xuquuqdaas awgeed waxay xaq u leeyihiin in ay si xor ah u go'aamiyaan maqaamkooda siyaasadeed, islamarkasina xaq u leeyihiin in ay si xor ah u raadiyaan horumarkooda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan) iyo Qodobka 2aad ee Bayaanka caalamiga ah ee layidha: the International Covenant on Economic, Social and Cultural Rights: ( 2-Dhammaan shucuubta dunida danahooda gaarka ah waxay xaq u leeyihiin in ay si xor ah u hantiyi karaan hantidooda dabiiciga ah iyo kheyraadkooda iyadoon waxba loo dhimayn waajibaad kasta oo ka dhasha iskaashiga dhaqaale ee caalamiga ah, kuna salaysan mabda'a faa'iido wadaaga ee uu xaqa u siinayo sharciga caalamiga ah. Marnaba ma dhici karto in dadka laga duudsiyo wixii ay xaqa u leeyihiin ee nolashoodu ku dhismayso).
10. Xaquuqahan sharci oo ujeedada loo dejiyey tahay sidii mabaadii'da sharciga ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) kusoo saaray Qaraarka lambar 1803 ay umadaha gumaysiga ku jira u heli lahayeen xornimo iyo dawladnimo buuxda.
11. Madax-banaanida Somaliland waxay soo celinaysaa xuduudihii gumaystaha ee Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland ku qaadatay xornimada markasi oo ay dawlad Madax-banaan u aqoonsadeen in kabadan 35 dawladood , xuduudahasi oo ah kuwa u tilmamay Qodobka: 2aad xubintiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka jsl oo ah sidan: ( 1- Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii la odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8 degree ilaa 11 degree 30' degree Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42 degree 45' degree ilaa 49 degree Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga, jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf), 2- Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.), sidaa awgeedna kuma xad-gudbayso mabda’a uti Possidetis ee ahaa in xuduudihii h**e ee gumaystuhu sameeyay ee xoriyada dawladnimo ku qaateen dalalkii la gumaystay ay waajib tahay in dal waliba ilaaliyo laguna xadgudbin marka dal waliba qaato xornimadiisa, waxanu xuduudka Jamhuuriyada Somaliland waafaqsan yahay Mabda'a Uti possidetis ee uu tilmaamayo Qodobka 4aad xubintiisa b ee Xeerka axdiga Midowga Afrika.
12. Madax-banaanida iyo dib ulasoo noqoshada dawladnimadii Somaliland ee ay heshay 26june 1960kii ee ay kala soo noqotay midawgii ay la midawday Somalia waxa ay lamid tahay oo tusaale loogu soo qaadan karaa dawladihii xoriyada dawladnimo helay 1958kii ilaa 1960kii oo ay Somaliland ka mid ahayd ee markii ay xornimada ka qaateen wadamadii gumaysanayay isku biiray ee hadana kala noqday oo maanta ah mid waliba dawlad gaar ah oo la aqoonsan yahay. Waxana ka mid ahaa dawladaha isku biiray ee inta ay midoobeen hadana kala noqday kuwan:
• Dawlada Masar iyo dawlada Suuriya waxay isku biireen markii ay xornimada mid waliba qaadatay sanadkii 1958kii waxanay samaysteen Jamhuuriyaddii Carabta, hasayeeshee waxay midawgii ay midoobeen ku kala noqdeen sanadkii 1971kii.
• Senegal iyo Mali waxay ku midoobeen oo ay samaysteen Jamhuuriyaddii la odhan jiray Federation du Mali sanadkii 1959kii, waxanay hadana kala noqdeen sanadkii 1960kii.
• Senegal iyo Gambia aya hadana isku biiray sanadkii 1982kii waxanay ku midoobeen Jamhuuriyaddii la odhan jiray Confederation Sénégambia, waxnay hadana kala noqdeen oo mid waliba gaar u istaagtay sanadkii 1989kii.
• Eritrea waxay si rasmi ah uga go'day Itoobiya sannadkii 1993-kii. Kadib markii ay isla fahmi wayeen midawgii ay samaysteen.
• Sidaasi si lamid ah ayay Somaliland midawgii ay la midawday Somali Italian Trustsheep Territory 1960kii inkasoo sharci ahaan anu ahayn mid sax ah, hadana waxay kala soo noqotay dawladnimadii ay lahayd sanadkii 1991kii.
Qaybta 2aad la soco ...........