20/01/2024
Nabi Nuux Cs ayaa arkay haweeneey Ooyaysa. Markaas ayuu waydiiyay Sababta ay La Ooyayso. Waxay ugu jawaabtay “Waxaa iga dhintay ilmahaygii yaraa!" Wuxuu waydiiyay “Immiso sano ayuu jiray?” Waxay ugu jawaabtay “Saddex boqol oo sano (300)!”
Isaga oo Nabi Nuux doonaya in uu haweeneyda muragada ka kala yareeyo, ayuu ku yiri “Ka warran haddii aad noolaan lahayd, samanka ay nool yihiin ummad cimrigeeda 60 sano yahay?”
Waxay waydiisay “Ma 60 sano oo kaliya? Ma jiri doonaa waqtigaas qof ilaahay ku caasiya?” Wuxuu ugu jawaabay “badankood ilaahay ayay ku Caasinayaan. In yar ayaa ilaahay ka cabsanysa, una caabudaysa sidii uu u faray?”
Waxay waydiisay “Ma noqon doonaan kuwo adduunyo raac ah, oo maalmaha noloshu ku kad sooma?” Wuxuu uga jawaabay “Haa, hammigooda ugu weeyn ayaa adduunyo ah. In yar oo kamid ah ayaa aakhiro ka fakaraya.”
Waxay waydiisay “Ma noqon doonaan kuwo ku dooda wax aan macna lahayn?”
Wuxuu ugu jawaabay “Iskaddaa in ay doodaane, waxay isku dili doonaan arrin midda ugu Fudud!”
Waxah waydiisay “Ma waxay dhisan doonaa cooshado iyo cariishyo yar yar, si ay ugu nagaadaan muddadaas yar?
Wuxuu ugu jawaabay “ Iskaddaa in ay cariishyo dhistaane, waxay dhisan doonaan oo cammiran doonaan qasriyo waaweeyn, iyagoo ugu dambaynta sanooyin kooban kaddib ka dhiman doona kana safri doona!”
Haweenaydii inta ay yaabtay, oo muragadii haysay cabsi isku cadashay bay tiri “Hoogaye haddii aan ummaddaas ka mid noqon lahaa, cimrigayga oo dhan waxaan ku dhammaysan lahaa geed hoostiis,
Qabrigayga waxaan ka qodan lahaa gurigayga dhiniciisa, waxaana muddadaas baaqi ku ahaan lahaa sujuudda iyo cibaadada Alle.”
Ma garanysaa ummaddaas? Waa annaga! Waa ummadda Nabi Muxammad SCW!
DUCUCDA: Innagoo laga yaabo xittaa cimrigeennu in uusan 60 sano gaarin, haddana waa in aynaan isku mashquulin adduunyo kafan cad iyo magaca Marxuum aan kala tagayno.
Waa in muddadaas kooban ee xittaa qaarkeen aysan gaari doonin, waa in aysan ina illoowsiin aakhiro oo aan waligeed dhammaanayn! Wa in aynaan salaadaha iyo cibaadad rabbi dayyicin.
Waa in aynaan aakhiradeenna ku iibsan wax aan waxba inoo tarayn. Ugu dambayntii, waa in aan xasuusnaano mar walba adduunyada in aan ku nahay gelti ku hakaday deegaan uu birri ka safrayo.
Haddii aad soo gaartay dhammaadka qormadan, usii gudbi walaalaha aanan qisadan akhriskeeda nasiibka uhelin, ama halkan uga yeer si ay kuula akhristaan.
Ilaahoow hammigeenna ugu weeyn adduunyo ha ka dhigin! Aamiin soo qor: