09/05/2026
Dadka ku nool caasimada Hargeisa tiro ahaan waxa lagu qiyaasaa in ka badan 3.5 milyan hadaanay ka badnaynba waxaan xasuustaa xiliyadii Mayirada ay ka ahaayeen Mayor Cawul Cilmi Cabdala AHN iyo Mayor Jiciir caasimadu way koobnay waxaana lagu qiyasayey dadka ku nool ilaa 500,000k ilaa 700,000k dakhliga so galaana wuu iska yaraa hadana waxa muuqday waxay qaban jireen dadkuna way iskaga qanacsanayeen xabada iyo foostada daamurka ah ee tamarta dawlad hoose ee xiligaa ahayd.
Maantase wax qabadkii Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa keliya wuxuu ku soo ururay qiiro iyo hadal siyaasadeed oo keliya dadkuna kuma qancaan, sababtoo ah bulshada Hargeisa ku nooli waxay si fiican u fahamsan tahay waxa waajib sharci iyo maamul ahaan ay u xilsaaran tahay dawlad hoose hadii aynu eegno dunida horumartay, dawladaha hoose ma aha hay’ado magac uun leh ama ku kooban cashuur ururin iyo dhawr waddo oo laami ah balse waa laf-dhabarta adeegyada bulshada iyo maamulka magaalada. Xataa magaalooyin badan oo caasimado ahi waxay gaadheen heer ay dhaqaale ahaan isku filnaadaan, mararka qaarna ay ka kaalmeeyaan dawladaha dhexe wax yaabo badan sababtoo ah waxay si nidaamsan u maamulaan dakhliga magaalada, adeegyada, maalgashiga iyo qorshaynta horumarka.
Dawladaha hoose ee caasimadaha casriga ahi waxay si toos ah masuul uga yihiin qorshaynta magaalada, dhismaha iyo dayactirka waddooyinka, bullaacadaha, maaraynta biyaha roobka, nadaafadda guud, ilaalinta deegaanka, nidaaminta suuqyada, iftiiminta waddooyinka, xarumaha dab-demiska, jardiinooyinka, gaadiidka dadweynaha, xarumaha caafimaadka, garoomada, gacan ku haynta iskuulada hoose, kuwa sare iyo dhaman adeegyada bulshada, maktabadaha, goobaha dalxiiska, xakamaynta dhismayaasha sharci darrada ah, maaraynta qashinka, iyo dejinta qorsheyaal lagu hagayo koboca magaalada tobannaanka sano ee soo socda.
Magaalooyin badan oo dunida ah dawladaha hoose waxay dhisaan garoomo ciyaareed, hoolal waaweyn, xarumo dhaqameed iyo goobo ay ku marti geliyaan ciyaaraha maxaliga ah ee heer qaran iyo heer caalami, sababtoo ah horumarka magaalada waxa lagu cabbiraa adeegyada ay bulshada siiso, maaha hadallada siyaasadeed.
Laakiin marka aad si dhaba u eegno xaaladda Hargeisa, bulshada intooda badan waxay is waydiinaysaa halka ay ka muuqdaan adeegyadaas aasaasiga ahi. Magaalo si xawli ah u koraysa oo ay ku nool yihiin 3.5 milyan ilaa 4 milyan oo qof ayaa wali la daalaa dhacaysa waddooyin roobku si fudud u burburiyo, bullaacado la,aan ama liita, xaafado aan lahayn qorshe magaalo, qashin iyo adeegyo hoose oo aan la jaanqaadi karin culayska caasimadda cashuur joogto ah oo la sheego inaynku baxdo mushahar iyo guno sido kale Buuro iyo duleedyo badan ayaa manata isku beddelay xaafado aan lahayn kaabayaashii lagama maarmaanka u ahaa nolol magaalo casri ah.
Taasi waxay dadka ku dhalinaysaa inay dareemaan in dakhliga magaalada iyo waxqabadka muuqdaa aanay is lahayn.
Waxaa kale oo muuqata in doodda siyaasadeed ee gudaha mararka badan lagu qariyo qiiro, taageero shaqsiyeed iyo qabyaalad, halkii laga geli lahaa dood dhab ah oo ku saabsan adeegyada iyo isla-xisaabtanka. Hase yeeshee, nasiib wanaag maanta bulshada reer Somaliland, gaar ahaan shacabka Hargeisa, aad bay uga duwan yihiin sanadadii h**e waayo waxay u so joogeen qiirooyin badan iyo balanqaadyo been beenoobay waxayna noqonaysaa in aan la tilmamayn manata Dadku maanta waxbay-barteen, waanay fahmeen xuquuqdooda muwaadinimo, waxayna si cad u garanayaan waxa ay xaqa ugu leeyihiin dawladaha hoose iyo waxa waajibka ku ah masuuliyiinta ay doorteen.
Bulshadu maanta waxay fahamsan tahay in cashuurta laga qaadaa aan loogu talagelin keliya mushahar iyo qurxinta xafiisyo, balse loogu talagalay adeeg bulsho oo muuqda, qorshe magaalo oo waara iyo horumar si siman u gaadha dhammaan xaafadaha magaladu ka kooban tahay iyo kuwa kubso biirayaba.
Sidaas darteed, dadka dhaliilaya maamulka maanta jira ma wada aha dad naceyb ama mucaaradnimo ku hadlaya kuwa taageersana sido kale lknse qaar badan waxay ka hadlayaan farqiga u dhexeeya awoodda iyo dakhliga caasimadda maanta jira iyo heerka adeegyada ay shacabku dhab ahaan helaan.
Doodda maanta taaganina way ka gudubtay qiiro iyo sacab waana dood ku saabsan maamul wanaag, hufnaan, adeeg bulsho iyo isla-xisaabtan ay bulshadu si dhab ah u fahamsan tahay.
Waxaan hanbalyeynayaa Mayor Abdikarim Ahmed Mooge inuu ka dhabaynaayo balaqaadkii ololihiisa ee ahaa maalin dhaafin maayo 5 ta sano ee lay dooraty waana ficil ku cusub dadka reer Somaliland waxaanu se manata haynaa natiijo waxaanu sugaynaa natiijada kordjiska ah ee 27 ka bilood ee so socda iyo wixii dhici doona inchalah Guul iyo Gobanimo