Century Law Firm

Century Law Firm Century Law Firm (CLF) waa hay’ad sharciyeed madax-bannaan oo fadhigeedu yahay Hargeisa, Somaliland.

CLF waxay u heellan tahay difaaca xuquuqda muwaadiniinta, kor u qaadidda cadaaladda, iyo ilaalinta madax-bannaanida sharciyeed ee Somaliland. Legal services and professional lawyers have more experience and knowledge of the administration of the justice system and legality in Somaliland and consultants of the Company and industrial.

It is a great honor for the Republic of Somaliland that the State of Israel 🇮🇱 has officially honored an official repres...
19/05/2026

It is a great honor for the Republic of Somaliland that the State of Israel 🇮🇱 has officially honored an official representing the Republic of Somaliland, and that for the first time the National Anthem of the Republic of Somaliland was played. This is a historic event marked by respect, recognition, and clear support from the State of Israel toward the people and cause of the Republic of Somaliland.
Thirty-five years after the Republic of Somaliland restored its independence, significant diplomatic steps are now becoming visible—steps that bring hope, dignity, and pride to the people of Somaliland. We also give thanks to God for the momentous development of the Republic of Somaliland opening its Embassy in the holy city of Jerusalem, a move that symbolizes a new historic relationship and the confidence that Israel places in the Republic of Somaliland.
This development demonstrates that Somaliland has become one of the few nations with diplomatic representation in the holy land of Jerusalem. Therefore, the people of Somaliland have a duty to thank God for this blessing and for the diplomatic progress their nation has achieved.
Those who have misunderstood this embassy and the relationship surrounding it should understand that the support and solidarity the Republic of Somaliland has received from the State of Israel is historic and deserves appreciation, respect, and gratitude toward both the Government of Israel 🇮🇱 and its people.
We say a thousand times thank you to the State of Israel 🇮🇱 and the honorable people of Israel for the support, respect, and solidarity you have shown to the Republic of Somaliland and the people of Somaliland.

Warbixinta iyo digniinta ay dawladda UK 🇬🇧 ku sheegtay qaar kamid ah gobollada ugu amniga wanaagsan Jamhuuriyadda Somali...
14/05/2026

Warbixinta iyo digniinta ay dawladda UK 🇬🇧 ku sheegtay qaar kamid ah gobollada ugu amniga wanaagsan Jamhuuriyadda Somaliland waxay shacabka ku abuurtay walaac cusub oo muujinaya inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ay abaabulayaan kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo kuwa nabad-diidka ah ee Gobolka Geeska kuwaas oo qorshaynaaya falal amni-darro, iyo qaraxyo waaweyn in ay ka geystaan gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland ama qaar kamid ah gobolladeeda muhiimka ah sida lagu sheegay warbixintan amni ee UK Arrimahan ma aha kuwo la iska indho tiri karo, gaar ahaan marka la eego xaaladaha amni ee Gobolka Geeska Afrika iyo dhaq-dhaqaaqyada sii kordhaaya ee kooxaha xagjirka ah.

Waxaa lagama maarmaan ah in laamaha amniga qaranku, gaar ahaan Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Booliska JSL iyo hay’adaha kale ee amniga ay si degdeg ah uga hawlgalaan xogahan iyo digniinahan soo baxaya, islamarkaana bulshada siiyaan warbixino cadcad oo ku saabsan xaaladda amni iyo tallaabooyinka la qaaday.

Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland waxaa looga baahan yahay feejignaan dheeraad ah iyo inay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, maadaama amniga qaranku yahay masuuliyad wadajir ah xiliyada munaasibadaha qaranka sida 18 ka May.

Waxaan shacabka reer Somaliland ugu baaqaynaa haddii ay dareemaan ama arkaan wax kasta oo shaki leh, dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn ama xog kasta oo la xidhiidha amniga inay si degdeg ah ula xidhiidhaan laamaha amniga iyaga oo adeegsanaya numberada degdegga ah sida 999, 9000 iyo adeegyada kale ee loo asteeyey badbaadada bulshada. Adkaysi iyo Aqoonsi, Feejignaan, wada-shaqayn iyo xog-wadaag joogto ahi waa tiirka lagu ilaalin karo xasilloonida iyo amniga Jamhuuriyadda Somaliland.

Gacana amniga atnu ku ilaashano takakena calanka ku qaado oo ku dabaaldeg muwaadinaw.

14/05/2026

Hogaamiye Garyaqaan Mukhtar Daahir Jibriil oo u digay Cidkasta oo Suldaan Wabar Meel kaga dhacda sharftiisa iyo argtidiisa, ama mawqifkiisa siyaasiga ah iyo Wax aanu Mudnayn Cidii talaabo noocan oo kale kula kacdana waxay ka dhiganatahy inuu Wax ka sheegay Dhamaan Beel-waynta Jibriil Yoonis ee Degta Labada Dal Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia 🇪🇹 madaxdhaqameedkuna waxay dhaman mudanyihiin sharaf iyo ixtiraam.

Bulshooyinka horumara laguma dhiso oo keliya dhaqaale, awood ciidan ama dhismayaal dhaadheer, balse waxa lagu dhisaa cad...
13/05/2026

Bulshooyinka horumara laguma dhiso oo keliya dhaqaale, awood ciidan ama dhismayaal dhaadheer, balse waxa lagu dhisaa caddaalad, sinaan iyo nidaam qof walba dareensiin kara inuu leeyahay qiimo iyo xuquuq uu dalkiisa ku leeyahay
Dadka Jamhuuriyadda Somaliland maanta waxay u baahanyihiin in ay fahmaan farqiga u dhexeeya sinnaanta, eex-la’aanta iyo caddaaladda dhabta ah, maadaama saddexduba yihiin tiirarka lagu gaadho qaran adag oo waara.

Sinnaantu waa in shacabka oo dhan loo arko muwaadiniin siman, oo aan lagu kala sarrin qabiil,( ina hebel hebel) mansab, dhaqaale ama deegaan. Dawladdu marka ay adeegyada shacabka buxinayso ama shaqo qaybinayso ama fursado kale abuurayso, waa in aanay cid gaar ah u xaglin, si qof walba u dareemo in dalkan lawada leeyahay. Hase yeeshee, mararka qaarkood dadka oo dhan in wax isku mid ah la wada siiyo kuma filna, maxaa yeelay bulshada dhexdeeda waxaa jira dad duruufo gaar ah qaba, sida kuwo nugul, dhalinyaro shaqo la’aan ah, haween fursado kooban haysta iyo deegaano dhanka adeegyada ka liita kuwa kale. Halkaas ayey eex-la’aantu ka bilaabmaysaa, taas oo ah in qof walba la siiyo taageerada uu dhab ahaan u baahan yahay si uu ula tartami karo dadka kale ee dhigiisa ah.
Laakiin heerka ugu sarreeya waa caddaaladda dhabta ah, taas oo aan ku koobnayn gargaar ama taageero kumeelgaadh ah, balse meesha ka saaraysa caqabadaha asal ahaan dadka dib u dhigaaya sida haddii musuqmaasuq jiro, cadaalad dhabi ma jiri karto, haddii qof xil lagu siiyo qaraabo ama qabiil, ama in hebel, cadaalad ma jiri karto. Haddii muwaadin sabool ahi aanu helin waxbarasho, caafimaad iyo garsoor uu qofka taajirka ahi helo, bulshadu weli may gaadhin caddaalad dhab ah.

Hadaba Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waxaa saaran masuuliyadaas oo dhan masuulkii raba taariikhdu inay qorto waa inuu dhisaa ama dhisaan nidaam qof walba fursad siinkara kana duilaan 3 dan kelmadood ee kala duwan macnawiyan yagoo ka duulaya shuruucda dalka.
Shacabka reer Somaliland-na waxaa saaran waajib ah inay ilaashadaan wadajirka, sharciga dalka iyo qarannimada. Dalkeennu wuxuu horumar gaadhi karaa marka aynu ka gudubno danaha gaarka ah, kana shaqayno danta guud ee qaranka.
Qaran xooggan wuxuu ka dhashaa marka qofka danyarta ahi dareemo in codkiisu qiimo leeyahay, marka dhalinyaradu helaan rajo iyo shaqo, marka garsoorku noqdo mid madax-bannaan, iyo marka khayraadka qaranku si caddaalad ah loogu qaybiyo bulshada oo dhan qof qof ilaa heer deegaan.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay mudan tahay inay noqoto dal ay dadka oo dhami si sharaf leh ugu wada noolaadaan, laguna dhiso aqoon, caddaalad, karti iyo isku duubni aan dhamaan oo cadaalad dhaba ku dhisan Waayo ummaddu ma horumarayso marka dadka qaar keliya ay wax arkaan, balse waxay horumartaa marka caqabadaha laga dulqaado dhammaan bulshada si qof walba u helo fursad uu ku gaadho himiladiisa.

Lawyer Eid Abdi Siciid

Dadka ku nool caasimada Hargeisa tiro ahaan waxa lagu qiyaasaa in ka badan 3.5 milyan hadaanay ka badnaynba waxaan xasuu...
09/05/2026

Dadka ku nool caasimada Hargeisa tiro ahaan waxa lagu qiyaasaa in ka badan 3.5 milyan hadaanay ka badnaynba waxaan xasuustaa xiliyadii Mayirada ay ka ahaayeen Mayor Cawul Cilmi Cabdala AHN iyo Mayor Jiciir caasimadu way koobnay waxaana lagu qiyasayey dadka ku nool ilaa 500,000k ilaa 700,000k dakhliga so galaana wuu iska yaraa hadana waxa muuqday waxay qaban jireen dadkuna way iskaga qanacsanayeen xabada iyo foostada daamurka ah ee tamarta dawlad hoose ee xiligaa ahayd.

Maantase wax qabadkii Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa keliya wuxuu ku soo ururay qiiro iyo hadal siyaasadeed oo keliya dadkuna kuma qancaan, sababtoo ah bulshada Hargeisa ku nooli waxay si fiican u fahamsan tahay waxa waajib sharci iyo maamul ahaan ay u xilsaaran tahay dawlad hoose hadii aynu eegno dunida horumartay, dawladaha hoose ma aha hay’ado magac uun leh ama ku kooban cashuur ururin iyo dhawr waddo oo laami ah balse waa laf-dhabarta adeegyada bulshada iyo maamulka magaalada. Xataa magaalooyin badan oo caasimado ahi waxay gaadheen heer ay dhaqaale ahaan isku filnaadaan, mararka qaarna ay ka kaalmeeyaan dawladaha dhexe wax yaabo badan sababtoo ah waxay si nidaamsan u maamulaan dakhliga magaalada, adeegyada, maalgashiga iyo qorshaynta horumarka.

Dawladaha hoose ee caasimadaha casriga ahi waxay si toos ah masuul uga yihiin qorshaynta magaalada, dhismaha iyo dayactirka waddooyinka, bullaacadaha, maaraynta biyaha roobka, nadaafadda guud, ilaalinta deegaanka, nidaaminta suuqyada, iftiiminta waddooyinka, xarumaha dab-demiska, jardiinooyinka, gaadiidka dadweynaha, xarumaha caafimaadka, garoomada, gacan ku haynta iskuulada hoose, kuwa sare iyo dhaman adeegyada bulshada, maktabadaha, goobaha dalxiiska, xakamaynta dhismayaasha sharci darrada ah, maaraynta qashinka, iyo dejinta qorsheyaal lagu hagayo koboca magaalada tobannaanka sano ee soo socda.
Magaalooyin badan oo dunida ah dawladaha hoose waxay dhisaan garoomo ciyaareed, hoolal waaweyn, xarumo dhaqameed iyo goobo ay ku marti geliyaan ciyaaraha maxaliga ah ee heer qaran iyo heer caalami, sababtoo ah horumarka magaalada waxa lagu cabbiraa adeegyada ay bulshada siiso, maaha hadallada siyaasadeed.

Laakiin marka aad si dhaba u eegno xaaladda Hargeisa, bulshada intooda badan waxay is waydiinaysaa halka ay ka muuqdaan adeegyadaas aasaasiga ahi. Magaalo si xawli ah u koraysa oo ay ku nool yihiin 3.5 milyan ilaa 4 milyan oo qof ayaa wali la daalaa dhacaysa waddooyin roobku si fudud u burburiyo, bullaacado la,aan ama liita, xaafado aan lahayn qorshe magaalo, qashin iyo adeegyo hoose oo aan la jaanqaadi karin culayska caasimadda cashuur joogto ah oo la sheego inaynku baxdo mushahar iyo guno sido kale Buuro iyo duleedyo badan ayaa manata isku beddelay xaafado aan lahayn kaabayaashii lagama maarmaanka u ahaa nolol magaalo casri ah.
Taasi waxay dadka ku dhalinaysaa inay dareemaan in dakhliga magaalada iyo waxqabadka muuqdaa aanay is lahayn.

Waxaa kale oo muuqata in doodda siyaasadeed ee gudaha mararka badan lagu qariyo qiiro, taageero shaqsiyeed iyo qabyaalad, halkii laga geli lahaa dood dhab ah oo ku saabsan adeegyada iyo isla-xisaabtanka. Hase yeeshee, nasiib wanaag maanta bulshada reer Somaliland, gaar ahaan shacabka Hargeisa, aad bay uga duwan yihiin sanadadii h**e waayo waxay u so joogeen qiirooyin badan iyo balanqaadyo been beenoobay waxayna noqonaysaa in aan la tilmamayn manata Dadku maanta waxbay-barteen, waanay fahmeen xuquuqdooda muwaadinimo, waxayna si cad u garanayaan waxa ay xaqa ugu leeyihiin dawladaha hoose iyo waxa waajibka ku ah masuuliyiinta ay doorteen.
Bulshadu maanta waxay fahamsan tahay in cashuurta laga qaadaa aan loogu talagelin keliya mushahar iyo qurxinta xafiisyo, balse loogu talagalay adeeg bulsho oo muuqda, qorshe magaalo oo waara iyo horumar si siman u gaadha dhammaan xaafadaha magaladu ka kooban tahay iyo kuwa kubso biirayaba.

Sidaas darteed, dadka dhaliilaya maamulka maanta jira ma wada aha dad naceyb ama mucaaradnimo ku hadlaya kuwa taageersana sido kale lknse qaar badan waxay ka hadlayaan farqiga u dhexeeya awoodda iyo dakhliga caasimadda maanta jira iyo heerka adeegyada ay shacabku dhab ahaan helaan.

Doodda maanta taaganina way ka gudubtay qiiro iyo sacab waana dood ku saabsan maamul wanaag, hufnaan, adeeg bulsho iyo isla-xisaabtan ay bulshadu si dhab ah u fahamsan tahay.
Waxaan hanbalyeynayaa Mayor Abdikarim Ahmed Mooge inuu ka dhabaynaayo balaqaadkii ololihiisa ee ahaa maalin dhaafin maayo 5 ta sano ee lay dooraty waana ficil ku cusub dadka reer Somaliland waxaanu se manata haynaa natiijo waxaanu sugaynaa natiijada kordjiska ah ee 27 ka bilood ee so socda iyo wixii dhici doona inchalah Guul iyo Gobanimo

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu si cad u dhigayaa in awoodaha dawladdu ay ku salaysan yihiin kala-sooc iyo isla...
08/05/2026

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu si cad u dhigayaa in awoodaha dawladdu ay ku salaysan yihiin kala-sooc iyo isla-xisaabtan u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee qaranka JSL si aanay hal meel ugu ururin awoodu ama mas’uuliyada qaranku oo aanay si khaldan u shaqaynin marka laga hadlayo dib u dhaca doorashooyinka iyo xil gudasho la’aanta hay’adaha kala duwan, waxaa muhiim ah in si siman loo eego masuuliyadda saaran dhinac kasta halkii hal lagu eedayn lahaa hal hay’ad oo keliya.

Golaha Wakiillada waxaa saaran mas’uuliyadda sharci-dejinta iyo kormeerka hay’adaha fulinta. Waxay sameeyaan xeerarka lagu maamulo doorashooyinka, waxayna dib u eegaan ama wax ka beddeli karaan sharciyada doorashoyinka haddii loo baahdo. Haddii Golaha Wakiilladu ku guuldareysto inuu waqti ku filan ku soo saaro ama ku hagaajiyo xeerarka doorashooyinka, ama uu ka gaabiyo kormeerka xukuumadda iyo Komishanka, waxa iska cad in taasi qayb ka noqonayso caqabadaha nidaamka doorashooyinka dib u dhaca ku keena qaranka wiba si joogto ah?

Dastuurku wuxuu qeexayaa in xukuumaddu ay tahay tan fulisa siyaasadda guud ee dalka, isla markaana ay mas’uul ka tahay diyaarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay ka mid yihiin miisaaniyadda doorashooyinka, sugidda amniga iyo abuuridda shuruudaha ay ku qabsoomi karaan doorashooyinku.
Marka xukuumaddu ku guuldarreysato diyaarinta miisaaniyada ay ku qabsomi karayaan doorashooyinku ama sugida amniyaadka guud ee dalka dhankasta min bari, ilaa galabeed, konfur, ilaa waqoiyi, DR. Guuleed Dafac taasi miyanay keenayn dib u dhac wayn oo dastuur jebin ah.?

Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo ah hay’adda farsamo ee mas’uulka uga ah qaranka qabashada doorashooyinka, waxaa saaran waajibaad ah inay si xirfadle islamarkana waqtiyeysan u qorsheeyaan, una diyaariyaan una fuliyaan hawlaha doorashooyinka intaan lagadhin xiliga doorashadu dhacayso.
Haddii Komishanku ku guuldareysto inuu qorsheyo ama diyaar-garow ku filan samayn waayaan oo ku aaddan jadwalka doorashooyinka, taasi ma keenayso miyaa dib-udhac doorasho oo ma waxad ku racsantihiin inay iska fadhiyaan oo malinta lagaadho uun ku war helaan miyaad kubracsantihiin sidaas ? Miyanay ahayn in lala xisaabtamo islamrkana cid hawsha ka so bixi karta loo asteeyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka?

Dhammaan arrimahan marka la isku wadda geeyo, waxaa muuqata in dib u dhaca doorashooyinku aanu ahayn masuuliyad ku kooban hal hay’ad oo keliya, balse uu yahay natiijo ka dhalata isku dheellitir la’aanta shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee qaranka iyo heshiisyo ka muuqda dhexdooda marka hoos losii dhaadhaco.

Guurtida marka la eego, dastuurka iyo dhaqanka siyaasaduba waxay siiyeen door dhexdhexaadin ah oo hay’adaha qaranka lagaga ilaaliyo firaaq sharci ama xaalado aan caadi ahayn, si aan dalku ugu dhicin (vacuum) sharci ama firaaq dawladeed taso horseedi karta nidaamyo keeni kara fadqalalooyin buuxa iyo dawlad la aan toosa Taani waxay keenatay in marar badan lagu noqdo Golaha Guurtida si loo ansixiyo kordhin muddo xileedyo sharciyeysan, lagagana baaqdo beelayoyin aan dhicin xaaladaha caadiga ah balse muwadiniintu dareeman siyaasadd xumo buuxda markaa yaa leh cananata kowaad ? Sidee arimahan loo xalin karaa? Se hay’adaha dawladda ee waajib koodii dasturiga ahaa ka gaabiyey malala xisaabtami karaa ? maxaynu kaga cararnaa afrtan raqayo team ee qaranka inoo astura ama inoo noqda miciin aynu ku sii jirno qaran ahaan?

Sidaas darteed, haddii isla-xisaabtanka qaranku daciifo, shacabkuna tilmami kari wayaan hay’adaha qaran ee wajibaadkoodii Dastuuriga ahaa ku guuldareystay inaynu si daahfuran u la xisaabtano miyaanay taasi gar ahayn?
waxaase gar-buuxda inoola muuqata inaynu iska laaladino raqayo team aan waxaba ina yeeli karin oo aan in xidhi karin oo xataa iska bilaa liin ah? hhhhhhh

Xalka dhabta ahi wuxuu ku jiraa in la xoojiyo isla-xisaabtanka oo shacabku la xisaabtamaan hay’ada fulinta ee dastuurku awooda badan siiyey Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee dantooda ka shaqeeya la raad raaco jadwalka doorashooyin oo qaranku yeesho hal mar 5tii sanoba isla markaana shacabku hubiyaan in hay’ad kastaa si cad u gudato waajibaadkeeda qaran ee dastuuriga ah si aan dib u dhac iyo firaaq sharci midina u dhicin Guurtiduna aanay shaqadeedan kordhinta ee ay ku caanabaxaday u gudan

Golaha Guurtida hadhaw baynu sixi ee kuwa awooda badan horta ma saxnaa ? ee xawaaraynaya hhhhhhhh?

07/05/2026
Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran jira oo kamida dawladdaha caalamka oo leh dhul, dad, iyo dawlad si buuxda uga shaqays...
04/05/2026

Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran jira oo kamida dawladdaha caalamka oo leh dhul, dad, iyo dawlad si buuxda uga shaqaysa dhuleed oo dhan Tan iyo 18 May 1991-kii, Jamhuuriyadda Somaliland waxay si madax-bannaan u dhisatay hay’ado dawli ah oo dhaba waxay qabsataa doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxayna xaqiijisay amni iyo xasillooni ay ka maqan tahay meelo badan oo gobolka Geeska Afrika ka mid ah.

Taasi waa caddeyn muuqata oo cadaynaysa awoodda dawadnimadeeda waxayna difaacaysaa danaheeda qarannimo dhankstaba cidna ugama baqayso.

Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku dhisan tahay taariikh ka so bilaabantay dal madax-bannaan oo la aqoonsaday 1960-kii ka hor midawgii fashilmay ee ay Somalia lagashay taasina waa saldhiggii sharci ee ay kuso ceshatay madax-bannaanideeda ilaa hadana waxay difaacaysaa rabitaankii shacabka iyo aftidii dastuurka ee 2001kii, waxaana ka dhashay taageero ballaadhan oo ay dadku u hayaan qaranimadooda ku dhisan dhiiga shacabka kuna taagan sharciga shacabka ilaa maanta Sidoo kale, hay’adaha qaranka, ciidammada amniga, iyo nidaamka dawladnimo ayaa u hagar baxa shacabkooda si joogto ah taasina waata keenatay in aan Jamhuuriyadda Somaliland cidna looga biqin marnaba awoodeeduna u sii kordhayso markastaba
Hadaba, maanta ma jirto cid tijaabin karta awooda dawadnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland Cid kasta oo isku dayda inay hoos u dhigto ama tijaabiso jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxay wajihi doontaa dad mideysan iyo dawlad ka ay ka go’an tahay difaaca madax-bannaanideeda iyo jiritaankeeda dalnimo shacabka reer Somaliland ee haysata aqoonsiga dawladnimo ee beesha caalamku waxay gacana ku ilaalinyaan difaaca dalkooda midna waxay ku raadinayaa aqoonsiga dawlado kale.
Waxan hanbalyeynayaa Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dawlada Israel 🇮🇱 Sida fiican ee uu ugu bararugsanyahy dadkiisa markastaba (Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda ayey ugu diyaarsatahy difaaca danaheeda qarannimo hadii la isku dayo in la tijaabiyona way ka jawaabo doontaa) Ambassadore Dr. Mohamed Haji.

Lawyer Eid Abdi Siciid

Waraysiga Fathia Absie  wuxuu ahaa mid socday in ka badan 3 saacadood hal mar oo aan kala go’ lahayn weligayna maan arag...
04/05/2026

Waraysiga Fathia Absie wuxuu ahaa mid socday in ka badan 3 saacadood hal mar oo aan kala go’ lahayn weligayna maan arag filimaantii Hindiga ahaa ee 90 naadkii moyaane.
Waa Arrin runtii cajiib ah oo dhif iyo naadir ku ah wakhtiyadan danbe Taasi dunida waxay caddeynaysaa inay tahay qof aqoon durugsan u leh waxa ay ka hadlayso islamarkana kaa dhisan dhankasta marka la eego dhankasta oo nolosha ah 24 saacadood gudahoodna waxa daawaday ku dawaad 500,000k oo qof, taas oo muujinaysa saamaynta iyo xiisaha ay waraysigeedan ku dhisan hal-abuurka iyo waayo-aragnimada nolosha ee ay abuurtay.
Waxay ka hadlaysaa nolol, waayo-aragnimo iyo faham ay si gaar ah u leedahay, taas oo ka dhigaysa hadalkeeda mid ka miisaaman dhanksta oo nolsha binu,aadamka ah.

Cid kastaa xor ayey u tahay inay qaadato ama ka tagto aragtideeda, mana aha mid qof lagu khasbayo siday sheegtay.

Aniga ahaan, waxaan ka helay sida ay nolosha u aragto iyo baraaruggeeda qofnimo ee ay leedahay

Guud ahaan, waa waraysi xambaarsan fariimo qof walba wax ka baran karo iyo casharo muhima oo bilaasha ay ku siisay binu,aadmka wax garadka ah

Waxay wayday qaran ku faana balse waxay haystaa dad ku faana nolaw wll.

03/05/2026

Absia Waa Fariid Walahi

MESSAGE OF GRATITUDE AND APPRECIATIONHeartfelt Appreciation to Mr. Mohamed Abdi and Sir Tom WengerI would like to expres...
03/05/2026

MESSAGE OF GRATITUDE AND APPRECIATION
Heartfelt Appreciation to Mr. Mohamed Abdi and Sir Tom Wenger
I would like to express my sincere gratitude for the trust and confidence placed in me through my official nomination as:
🌟 Senior Legal Advisor – ISFA (Israel–Somaliland Friendship Association) 🌟
Dated: 04/05/2026
I am deeply honored by this appointment and extend my heartfelt appreciation to Sir Mohamed Abdi and Sir Tom Wenger for their confidence and support.
This nomination represents a significant professional milestone and reflects a shared commitment to strengthening governance, institutional integrity, and international cooperation.
I am truly delighted by this opportunity and fully committed to serving with Professional excellence
Strong dedication to good governance
Strategic legal insight
Integrity, neutrality, and responsibility
I look forward to contributing meaningfully to ISFA’s mission and supporting its leadership through independent and high-level legal advisory service.
Thank you once again for this honor and trust. I am committed to fulfilling this role with diligence, professionalism, and dedication.
With sincere appreciation,
Lawyer Eid Abdi Siciid
Hargeisa, Somaliland

Address

Hargeisa
00252

Telephone

+252634121529

Website

https://tolelawfirms.com/

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Century Law Firm posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Century Law Firm:

Share