Garyaqaan Xuseen Dahir Page

Garyaqaan Xuseen Dahir Page Qareenka ugu wanagsani waa ka horemariya danta dadka uu matalo, un ilaaliy dacwadood.

Page waxa kale socodoontaa barashada sharciga aasaasiga u ah nolosha bulshada somaliyee, waxa ku lafo guridoonaa dhacdooyinka sharci ee aad markasta u bahan tahay inaad ogaatida.

Dacwadii George Floyd ayaa ka bilaamantay magaalada Minneapolis.Labada dhinaca waxa ku kale doodayeen doodahan iyada oo ...
20/04/2021

Dacwadii George Floyd ayaa ka bilaamantay
magaalada Minneapolis.
Labada dhinaca waxa ku kale doodayeen doodahan iyada oo maxkamada dhegaystay 45 marag.

ayaa waxa uu ku dooday in macmiilkiisa uu sameeyay wixii uu samayn lahaa askarikasta ee boolis ah ee mas'uuliyad leh, waxa ku doodeen in macmiikood uu racay hanaankii tobabarka la siiyay.

oogah ayaa waxa uu xeer-beegtida ka codsaday inay maskaxdooda adeegsadaan. Waxa aynu arkaanna rumaynaynaa. Waxa aad aragtay waad aragtay, isagoo markaas ula jeeday muuqaalka muujinaya Mr Chauvin oo qoorta jilibkiisa kaga haya -Floyd in ka badan 9 daqiiqadood, 25-kii bishii May ee la soo dhaafay.
"Waxaa shaqo boolis ma ahayn, taasi dil ayey aheyd," ayuu ku daray

Waxa dacwada loo balaymay maalinta isniinta

https://www.google.com/amp/s/amp.cnn.com/cnn/2021/04/20/us/derek-chauvin-trial-george-floyd-deliberations/index.html

Joe Ligon: waxa la xidhay isaga oo15 sano jir ah wax  dib xoriyadiis u helay isaga oo 83 sano jiro ah. 68 sanadood ayuu ...
20/04/2021

Joe Ligon: waxa la xidhay isaga oo15 sano jir ah wax dib xoriyadiis u helay isaga oo 83 sano jiro ah. 68 sanadood ayuu ku xidhanaa Ameerika waxa uu noqday maxbuuska ugu da’da yar uguna mudada dheer Ameerika.
warbaahinta caalamku waxa si weyn u lafo-guraysaa qisada maxbuuska ugu mudad dheer Ameerika 68 sanadood ayuu xabsiga ku qaatay:
https://www.washingtonpost.com/lifestyle/2021/02/19/joe-ligon-release/

{{{Waajibaadka Garyaqanka }}}Garyaqaanka waxa ku waajib ah in uu ilaaliyo xaqa dacwoodaha ama dacwadaysanaha ama eedaysa...
15/04/2021

{{{Waajibaadka Garyaqanka }}}
Garyaqaanka waxa ku waajib ah in uu ilaaliyo xaqa dacwoodaha ama dacwadaysanaha ama eedaysanaha. Waa in markas ilaaliyaah qodobada soo socda:-
1. Waa in garyaqaanku yahay mid aan ka habsaamin fadhiga dacwada ama aan ka maqnaan.
2. Waa in garyaqaanku yahay mid mar walba horowmarinay danta qofka uu matalo.
3. Waa in garyaqaanku yahay mid daacada ah raacan sharciga.
4. Waa in garyaqaanku yahay mid karti iyo hufnaan ku dheehan yahay adeegiisa.
hadii aad u bahan tahay adeeg sharci fadlan nagal soo xidhidh Tilifoonka ama 063-4185580,📲📲📱

Dastuurka Jamuuriyada Somaliland barashadiisu waxay ku waajib tahay  qof  kasta oo ku nool dhulka Somaliland{ Muwaadin i...
08/01/2021

Dastuurka Jamuuriyada Somaliland barashadiisu waxay ku waajib tahay qof kasta oo ku nool dhulka Somaliland{ Muwaadin iyo Ajanabi sharci ku joog dalka}. Waxan halkan kugula wadaagdoonaa 5 qodob oo aad u muhiim, sida aad waxa ugu barato xuquuqah uu Dastuurku ku damaanad qaaday.
QODOBKA 24AAD
XAQA NOLOSHA, NABAD GALYEYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA
1) Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2) Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabadgaliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo waxyeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4) Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la‟aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.
QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA
1) Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
2) Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.
3) Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
4) Dhammaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
QODOBKA 26AAD
CIQAAB IYO DEMBI
1) Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.
2) Mas‟uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.
3) Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.
QODOBKA 27AAD
XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
1) Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddii kale ee uu codsado.
2) Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay. 3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka-soo qaad ma laha.
3) Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.
4) Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.
5) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in go‟aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa.
6) Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo siihayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.
7) Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xil baa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.
8) Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya.
QODOBKA 28AAD
XAQA DACWADDA & ISDIFAACA
1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u leh.
2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.
3) Xaaladaha xeerku tilmaamayo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa in uu bixiyo difaac lacag la‟aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda

TIIRARKA HESHIISHKA {{{{{Heshiisku waxa ku dhismaa qodobada soo socoda.}}}}}}1)   Heshiishku wuxuu ku guntamayaa isla ma...
06/01/2021

TIIRARKA HESHIISHKA
{{{{{Heshiisku waxa ku dhismaa qodobada soo socoda.}}}}}}
1) Heshiishku wuxuu ku guntamayaa isla marka labada dhinac isdhaafsadaan rabitaan ay ku caddeynayaan oggolaanshahood iyadoo la ilaalinayo wixii qaab ah ee uu sharcigu dhigayo.
2) Rabidda waxa lagu sheegi karaa af, qoraal ama tilmaamaha caadiga ah ee la isla yaqaano.ama waxa lagu muujin karaa mawqif aan shaki ku jirin ee cadayna ul jeedada dhinacyada sida lagu garan karo.
3) Cadaynta rabidda wey noqon kartaa mid ku timaada aamusnaanta hadii uusan xeerku si kale u sheegin ama ayna dhinacayadu isku waafaqin in uu noqdo si qayaxan.

{{{{Furista Dacwadaha Madaniga.}}}}Marka  aad dacwada madani ah ka furanayso Maxkamada ama Gudida dacwadaha dhulka/gudid...
06/01/2021

{{{{Furista Dacwadaha Madaniga.}}}}
Marka aad dacwada madani ah ka furanayso Maxkamada ama Gudida dacwadaha dhulka/gudida xalinta khilafa shaqada, waxa u bahan tahay inaad ogaato Afar qodob.
1. In aad ogaato Maxkamada ama gudida awood u leh dacwada aad doonayso inaad furato.
2. In aad qorato arji dacwada furasho oo aad ku faah-fahinayso waxad ku dacwoonayso . arjiga dacwada furasho Waxa muhiim ah in laga helo.
 Tilmaaha Maxkamadda horteeda dacwadda la geeyay.
 Magaca oo dhan iyo meesha uu deggan yahay Dacwuudaha iyo Dacwaysanaha.
 Xaddidaad dulucda Dacwadda. Tilmaanta qodobka sugidda ee uu dacwooduhu doonayo inuu ku isticmaalo iyo Dukunmentooyinka uu soo Dacwadda.
 Magaca wakiilka iyo tilmaanta Wakaaladda, haddii wakaalasho ay jirto.
3. In aad bixiso cashuurta ku waajibtay dacwada, kuna bixiso xafiiska wasarada maliyad ee maxkamada ama gudida ku dhex yaala.
4. Inaad qoraalkii aad qoratay dhigto xafiiska Kaaliyaha Sare ee Maxkamada ama Gudida, si lagugu qoro garsoor ka garnaqa dacwadada.

Wixii aad adeeg ugu bahan tahay waad nagal soo xidhidh kartaa Tilifoonka 063-4185580,065-9103311.

03/01/2021

Talo~sharci

Qofkasta waxa uu xaqa u leeyahay in uu qabsado qareen uu asagu doortay si ugu difaaco eedda loo haysto ama uu difaaco ha...
03/01/2021

Qofkasta waxa uu xaqa u leeyahay in uu qabsado qareen uu asagu doortay si ugu difaaco eedda loo haysto ama uu difaaco hantidiis si wafaqsan sharciga.

Dacwadda ciqaabtu waxay ku oogantaa labada xaaladood ee  soo socdo. 1: Marka la helo warbixin danbi2: Marka la helo Caba...
03/01/2021

Dacwadda ciqaabtu waxay ku oogantaa labada xaaladood ee soo socdo.
1: Marka la helo warbixin danbi
2: Marka la helo Cabasho ama ashtako gaar ahaan xaaladaha dacwadda Ciqaabta ah lagu dhaqaajiyo codsiga dhibbanaha.

( MUHIIMADA WAA INAAD BARATO OO AAD AQOON U YEELATO OOGITAANKA DACWADAH CIQAABT)

Qaybaha dacwadah maxkamadu ka garnaqaan, waxa ka mid ah dacwadah Madaniga ah, dacwadah Ciqaabta iyo dacwadaha Qoyska. Iy...
03/01/2021

Qaybaha dacwadah maxkamadu ka garnaqaan, waxa ka mid ah dacwadah Madaniga ah, dacwadah Ciqaabta iyo dacwadaha Qoyska. Iyo dacwadaha kale ee xeerku u jideeyey ka qaybgalkooda.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garyaqaan Xuseen Dahir Page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Garyaqaan Xuseen Dahir Page:

Share

Category