Somaliland Law Development-SOLAD

Somaliland Law Development-SOLAD Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somaliland Law Development-SOLAD, Legal Service, Hargeisa.

"We work to strengthen justice, legal education, and public awareness to support a fair and informed society in Somaliland"

_____________________________________________
𝙃𝙖𝙧𝙜𝙚𝙞𝙨𝙖-𝙍𝙚𝙥𝙪𝙗𝙡𝙞𝙘 𝙤𝙛 𝙎𝙤𝙢𝙖𝙡𝙞𝙡𝙖𝙣𝙙

Hambalyo Ku Saabsan Curashada Sanadka Cusub ee 2026. Somaliland Law Development (SOLAD) waxay hambalyo iyo tahniyad u di...
31/12/2025

Hambalyo Ku Saabsan Curashada Sanadka Cusub ee 2026.

Somaliland Law Development (SOLAD) waxay hambalyo iyo tahniyad u diraysaa dhammaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan xirfadlayaasha sharciga, hay’adaha cadaaladda, ardayda iyo dhallinyarada ku hawlan horumarinta nidaamka sharci ee dalka.
Sanadka cusub waxaan rajaynaynaa inuu noqdo mid ku dhisan nabad, caddaalad, wada shaqayn iyo horumar waara, isla markaana xoojiya kalsoonida bulshada ee nidaamka cadaaladda iyo ku dhaqanka sharciga.
SOLAD waxa ka go’an inay sanadkan cusub la timaaddo dedaallo ballaadhan oo lagu xoojinayo wacyigelinta sharciga, iyada oo qorshayaasheedu ka mid yihiin in la gaadho dhammaan gobollada dalka si aqoonta sharcigu u noqoto mid bulshada u wada furan.
Sanad cusub oo wacan, cadaalad iyo horumar waara Eebbe ha i nooga yeelo.
Somaliland Law Development (SOLAD)

Happy New Year 2026
Somaliland Law Development (SOLAD) extends its warmest New Year greetings to the people of Somaliland — especially legal professionals, justice institutions, students, and young people dedicated to strengthening the rule of law.
We hope the New Year brings peace, justice, collaboration, and sustainable progress, while further enhancing public trust in fairness, accountability, and the justice system.
SOLAD is committed to expanding its efforts in 2026, with renewed initiatives to promote legal awareness across the nation. Our plans include broad legal education and outreach programs aimed at reaching communities in all regions of Somaliland, so that legal knowledge becomes more accessible to everyone.

Happy New Year — May 2026 be a year of Justice, Progress & Shared Success.
Somaliland Law Development (SOLAD)

Dhambaal HambalyoAqoonsiga Jamhuuriyadda SomalilandSomaliland Law Development (SOLAD) waxay shacabka Jamhuuriyadda Somal...
27/12/2025

Dhambaal Hambalyo
Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland

Somaliland Law Development (SOLAD) waxay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladdeeda u diraysaa hambalyo iyo bogaadin qarannimo oo ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Go’aankan taariikhiga ah waxa uu ka tarjumayaa halganka dheer ee shacabka Somaliland ku dhiseen nabad, madax-bannaani siyaasadeed, nidaam sharci iyo dawladnimo xasilloon. Waxa kale oo uu caddeyn u yahay sida ay muhiimka u tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, cadaaladda iyo sareenta sharciga

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Dawladda Israa’iil, oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah u aqoonsada. Tani waa talaabo xidhiidh saaxiibtinimo iyo isfahan ku dhisan sharci, nabad iyo wada-tashi.
Waxaan rajaynaynaa in guushan taariikhiga ahi ay horseeddo mustaqbal wanaagsan, horumar iyo cadaalad loo wada siman yahay.

Hambalyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Hambalyo shacabka Somaliland.
Somaliland Law Development (SOLAD)

Congratulatory Message

Recognition of the Republic of Somaliland
Somaliland Law Development (SOLAD) extends its heartfelt congratulations to the people and Government of the Republic of Somaliland on the occasion of the international recognition of Somaliland.

This historic development reflects the long-standing efforts of the people of Somaliland in building peace, democratic governance, the rule of law, and a stable state founded on justice and respect for human rights. It further demonstrates the value of lawful governance and responsible nation-building.

SOLAD wishes to express its sincere appreciation to the State of Israel, which has become the first country to formally recognize the Republic of Somaliland. This milestone symbolizes mutual understanding, friendship, and cooperation grounded in peace and the rule of law.

We hope that this recognition will pave the way for greater progress, justice, and prosperity for all citizens of Somaliland.
Congratulations to the Republic of Somaliland.
Congratulations to the people of Somaliland.

Tobabarkii Maalinimaddii Shalay inoo Qabsoomay.
05/12/2025

Tobabarkii Maalinimaddii Shalay inoo Qabsoomay.

Waxaa inoo hadhay muddo Kooban is diiwaan galinta Tobabarkii aynu Maalmo ka hor Halkan ku baahinay."Shaping the Future E...
03/12/2025

Waxaa inoo hadhay muddo Kooban is diiwaan galinta Tobabarkii aynu Maalmo ka hor Halkan ku baahinay.

"Shaping the Future Electoral Lawyers:
The Role of Lawyers in Elections — Practical Skills & Competencies"

Wali waxaad haysataa Fursad.

TRAINING“Shaping the Future Electoral Lawyers:The Role of Lawyers in Elections — Practical Skills & Competencies”Bahda S...
28/11/2025

TRAINING

“Shaping the Future Electoral Lawyers:
The Role of Lawyers in Elections — Practical Skills & Competencies”

Bahda Somaliland Law Development(SOLAD), iyada oo ka duulaysa himiladdeeda ah kor u qaadista wacyiga bulshadda ee dhinaca sharciga, isla markaana dhiirigalinaysa fahamka sharci ee bulshada, waxay idiin soo agaasintay tababar gaar ah oo noociisu ku cusub yahay saaxadda sharciga, kaas oo diiradda saaraya doorka qareennadu ku leeyihiin doorashooyinka, xirfadaha lagama maarmaanka u ah shaqada doorashooyinka, iyo sida loo noqon karo electoral lawyer xirfad sare ku gaashaaman.

Anagga oo ogsoon caqabadaha ay dhalinyarada sharciga baratay kala kulmaan helitaanka khibrad ku saabsan sharciga doorashooyinka, waxaanu doonaynaa in tababarkan uu noqdo fursad wax ku ool ah oo kor u qaadi doonta diyaar garowga xirfadeed ee qareenada doorashooyinka ee mustaqbalka.

Jeediyaha Tababarka;

Waxaa inoogu Casuuman Tababarkan Garyaqaan
Hibak I. Gamute
Attorney | Electoral Expert | 15+ Years Legal Practice
Director of Legal Affairs, Somaliland NEC (2024 Elections)
Former Law Lecturer, University of Hargeisa.

Haddaba, waxaanu si rasmi ah idiinku wargelinaynaa in ay furantahay is diiwaangelinta ka qaybgalka tababarkan, muddo koobanna ay furnaan doonto.
Tirada loogu talo galay way koobantahay, sidaas darteed waxaanu idin ku boorinayna in cidii danaynaysaa is diiwaangeliyaan,
Iska diiwaan geli link hoose:

https://forms.gle/KTP2URo84dt437yf6

📅 Taariikhda: 04-12-2025 (Khamiis)
📍 Goobta: Hiraal Youth Center
🕐 Waqtiga: 4:00pm Galabnimo

TOBABARKII SHALAY INOO QABSOOMAYTobabarkii aanu toddobaadkii h**e ku baahinay, ee ciwaankiisu ahaa "How to Start and Dev...
14/11/2025

TOBABARKII SHALAY INOO QABSOOMAY

Tobabarkii aanu toddobaadkii h**e ku baahinay, ee ciwaankiisu ahaa "How to Start and Develop a Successful Legal Career," ayaa shalay galinkii dambe si guul leh inoogu qabsoomay.

Waxaanu u mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii codsaday tobabarkan, gaar ahaan intii nasiib u heshay inay ka faa’iideystaan. Sidoo kale si gaar ah ayaanu ugu mahadcelinaynaa Garyaqaan Hon Mohamed Hassan , oo ahaa ustaadkii bixiyay tobabarkan, ugana mahadnaqeyna doorka shariifka ah ee uu ka qaato kor u qaadista wacyiga iyo aqoonta sharciga ee dhalinyarta.

Ugu dambayntii, Somaliland Law Development (SOLAD) waxay idin ogaysiinaysaa inay halkii ka sii waddo dadaalka ay ugu jirto garab istaagga iyo dhisidda wacyiga sharciga ee guud ahaan bulshada, gaar ahaan dhalinyarta ku abtirsata saaxadda sharciga. Waxaana sii ballaadhin doona dhawaan barnaamijyadan oo aanu gaadhsiin doono goboladda Dalka.

Gabagabadii:
“Wax badan baa hawada ku soo jira.”

WAR-GELIN MUHIIM AHWaxaanu ku wargelinaynaa dhammaan dadka is-diiwaangeliyey tababarkii aanu toddobaadkan h**e halkan ku...
12/11/2025

WAR-GELIN MUHIIM AH

Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan dadka is-diiwaangeliyey tababarkii aanu toddobaadkan h**e halkan ku soo baahinay, in uu berri si rasmi ah u qabsoomi doono, sida qorshihii h**e uu ahaa.

Sidoo kale, dadka cusub ee doonayey inay is-diiwaangeliyaan, waxaanu ku wargelinaynaa in wakhtigii is-diiwaangelintu dhammaaday.

Haddaba, mar labaad waxaanu si gaar ah ugu adkaynaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha h**e isu-diiwaangeliyey, gaar ahaan kuwa magacyadooda ku jiro WhatsApp Group-ka Somaliland Law Development, inay berri waqtigii loogu talagalay yimaadaan, isla markaana goobta h**e u soo gaadhaan.

Goobta: Hiraal Youth Center
Tilmaan: Waqooyiga Masjidka Ibraahim Dheere,ka soo hor-jeedka Star Guluf Hotel
Wakhtiga: 4:00 galabnimo

TRAINING“Sidee loo bilaabaa loona dhisaa hayaan sharciyaqaan oo guulaysta”Bahda Somaliland Law Development (SOLAD), iyad...
06/11/2025

TRAINING

“Sidee loo bilaabaa loona dhisaa hayaan sharciyaqaan oo guulaysta”

Bahda Somaliland Law Development (SOLAD), iyada oo ka duulaysa himiladeeda ah kor u qaadista wacyiga bulshada ee dhinaca sharciga, isla markaana dhiirigalinaysa heerka aqooneed iyo wacyiga dhalinyarada ku jirta iyo kuwa ka baxay kulliyadaha sharciga ee dalka.

waxay idiin soo agaasintay tababar gaar ah oo noociisu ku cusub yahay saaxadda sharciga, kaas oo diiradda saaraya sidii loo bilaabi lahaa loona dhisi lahaa hayaan sharciyaqaan oo guulaysta.

Anagga oo ogsoon caqabadaha waaweyn ee dhalinyarada sharciga baratay ay kala kulmaan suuqa shaqada iyo helitaanka fursadaha xirfadeed ee suuqa, waxaanu doonaynaa in tababarkan uu noqdo fursad wax ku ool’ ah oo gacan ka geysan doonta sidii ay dhalinyaradu ula qabsan lahaayeen nolosha xirfadeed ee sharciga.

Haddaba, waxaanu si rasmi ah idiinku wargelinaynaa in ay furantahay is-diiwaangelinta ka qaybgalka tababarkan muhiimka ah, muddo koobanna ay furnaan doonto.
Tirada ka qaybgalayaashu way koobantahy, sidaas darteed waxaanu idin ku dhiirigelinaynaa inaad si degdeg ah isku diiwaangelisaan, si aanay fursaddan qiimaha badan idiin seegin.

Iska diiwaan geli link hoose.
https://forms.cloud.microsoft/r/qtPWzdvypY

📅 Taariikhda: [13-11-2025 Khamiis]
📍 Goobta: [Hiraal Youth Center]
🕐 Waqtiga: [4:00pm Galabnimo]

Faahfaahin dheeraad ah:
📧 [email protected]
📞 63 8708329

TACSI TIIRAANYO LEHINNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNBahda Somaliland Law Development (SOLAD) waxay tacsi tiiraany...
12/07/2025

TACSI TIIRAANYO LEH

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Bahda Somaliland Law Development (SOLAD) waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka, asxaabta iyo qaraabada ay ka baxday Allaha u naxariistee Marxuumad Ismahaan Axmed Xasan, oo ku geeriyootay dalka Jarmalka.

SOLAD waxay si gaar ah uga tacsiyeynayaan Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Mudane Cabdi Qawdhan Cabdi, oo ay marxuumaddu ahayd xaaskiisa.

Bahda Somaliland Law Development waxay Illaahay uga baryayaan marxuumadda inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo qaraabada ay ka baxdayna uu ka siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

HAMBALYO IYO TAHNIYADWaxaan hambalyo iyo bogaadin diirran u diraynaa dhammaan ardayda reer Somaliland ee maanta u fadhii...
21/06/2025

HAMBALYO IYO TAHNIYAD

Waxaan hambalyo iyo bogaadin diirran u diraynaa dhammaan ardayda reer Somaliland ee maanta u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee Qaranka.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul, fudayd iyo in dadaalkiinnu midho dhalo, mustaqbalkiinnuna u iftiimo si ka wanaagsan sidii aad ku riyoonayseen.

Ilaahay ha idin waafajiyo natiijo kheyr qabta oo qalbiyadiinna farxad gelisa waalidkiina ka farxisa.

Somaliland Law Development (SOLAD)Waa Madal u heellan dhiirrigelinta cadaaladda, kor u qaadidda wacyiga sharci, iyo ilaa...
10/06/2025

Somaliland Law Development (SOLAD)

Waa Madal u heellan dhiirrigelinta cadaaladda, kor u qaadidda wacyiga sharci, iyo ilaalinta xuquuqda bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
SOLAD waxay aaminsan tahay in fahamka sharcigu uu yahay saldhigga ay ku taagan tahay nabadda iyo cadaaladda bulsho ku dhaqanta.

Marka dadku fahmaan shuruucda dalkooda, waxay helaan awood ay ku ilaashadaan xuquuqdooda, ku gutaan waajibaadkooda, kuna dhisaan bulsho xasilloon oo xaq iyo sinaan lagu wada noolaado.
Bulsho aan sharcigeeda aqoon waa bulsho nugul oo khataro badan u bandhigan balse bulsho sharcigeeda taqaan waa mid adkeysata oo dhista kalsoonida dadweynaha, kobcisa nabadda, una horseeda horumar waara.
SOLAD waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii wacyiga sharciga ee bulshada loo gaadhsiin lahaa meel sare oo leh faham wanaagsan, iyadoo u adeegsaneysa afar tiir-dhexaad oo ah udub-dhexaadka hawlaheeda:

• Tababar Sharciyeed
SOLAD waxay bixisaa tababbarro shariciyeed oo heer sare ah oo diiradda lagu saarayo ardayda sharciga, dhalinyarada, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si ay u noqdaan difaacayaal cadaaladeed oo aqoon iyo karti leh bulshadana sii gaadhsiiya aqoonta sharciga ee ay qaataan.

• Wacyigelin Sharci oo bulsho
Bulshada waxaa lagu baraarujinayaa xuquuqda iyo masuuliyadda ka saaran ilaalinta sharciga, iyadoo loo marayo warbaahinta, kulamada dadweynaha iyo ololayaal wacyigelin oo la taaban karo.

• Doodo iyo Falanqeeno Bulsho
SOLAD waxay fureysaa oo xoojinaysaa sidoo kale hir gelinaysaa wakhtiyadda dhaw madallo doodo furan oo dadku aragtidooda ku cabbiraan, si kor loogu qaado ka qaybgalka muwaadiniinta ee arrimaha sharciga,garsoorka iyo maamulka cadaaladda.

• Cilmi-baadhis iyo Dib-u-habeyn Sharciyeed
Madasha Somaliland Law Development waxay sameenaysaa daraasado iyo soo-jeedimo sharci oo marka ay dhamees tirto ay la wadaagi doonto hay'daha garsoorka si loo helo nidaam garsoor oo hufan, casri ah, kuna saleysan baahida dhabta ah ee bulshada.

SOLAD waxay rumeysantahay in fahamka sharcigu yahay furaha xorriyadda, garsoorka iyo horumarka bulsheed. Bulsho sharcigeeda fahamsan waa bulsho ka fog dulmi,tacadi iyo wax kasta oo shariciga baal marsan kuna dhaqanta sinaan,cadaalad kana qaybqaadata dhismaha mustaqbal ummadeed oo wanaagsan.

Solad waxay u furantahy cid kasta oo maskax,iyo fikrad ba ku biirinaysa waad nala wadaagi kartaa noo so gudbin kartaa wakhti kasta iyo goob kasta.

[email protected]
252 63 8708329

Mahadsanidiin.

Hambalyadda Munaasibadda Ciidul-ADHABahda Somaliland Law Development (SOLAD) waxa ay munaasibadda barakaysan ee Ciidul-A...
05/06/2025

Hambalyadda Munaasibadda Ciidul-ADHA

Bahda Somaliland Law Development (SOLAD) waxa ay munaasibadda barakaysan ee Ciidul-ADHA awgeed u diraysaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasibaddan qaaliga ah dhammaan bulshada Muslimiinta ah, gaar shacabka jamhuuriyadda Somaliland.
Ciid Mubaarak!

Ciiddu waa maalin farxadeed oo muujinaysa midnimo, naxariis, iyo wada-jir. Waa fursad aan isku hambalyeyno, isu ducayno, una mahadcelinno Alle SWT, isaga oo ina gaadhsiiyey dhammaadka bisha barakaysan ee DUL-XIJJAH . Waxaan Alle ka baryaynaa in uu naga aqbalo cibaadadeennii iyo soonkeennii, isla markaana uu inagu daro kuwa ku guuleysta naxariistiisa iyo dambi-dhaafkiisa maalinka carafa.

Bahda SOLAD waxa ay hambalyo gaar ah u diraysaa dhammaan bah-wadaagta ka shaqeysa kor u qaadista wacyiga sharciga, difaaca xuquuqda bulshadda, iyo horumarinta nidaamka cadaaladda. Waxaan rajeynaynaa in maalmahan farxadda ah ay idiin noqdaan kuwo barako iyo badhaadhe leh, idinka iyo qoysaskiinna.
Ugu dambayn, waxaan Alle ka baryaynaa in uu inoo sugo xasilloonida,cibaadada'xaqa, cadaaladda, iyo horumarka qarankeena Somaliland, isla markaana uu inoo fududeeyo hawlaha sharciga iyo horumarinta nidaamka cadaaladeed.

Ciid Wanaagsan! Ciid Mubaarak!

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland Law Development-SOLAD posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category