20/08/2017
Maan ba idin la wadaago qormo yar oo aan ka soo xigtay (guri
waa haween) ee uu qoray maxamed baashe x xasan ee ka
hadlaayey kartida haweenka soomaaliyeed. Waa wada
quuddirayn(raadin) doontaan buugga...................................................................................
Karen Blixen waa haweeney qoraa ahayd oo u dhalatay asal
ahaan waddanka Denmark. Sannadkii 1937kii ayay buuggeeda
la magac baxay Out of Africa wax kaga qortay nolosha iyo
kartida haweeneyda soomaalida. Karen Blixen waxa ay
ninkeeda oo Ingiriis ahaa kula noolayd intii aanay kala tegin
waddanka Kenya wakhtiyo ka mid ah intii u dhaxaysey labadii
dagaal ee adduunka. Ninkeeda ayaa beero bunku ka baxo ka
sameeyey xilligaas kuraha loo yaqaan Ngong Hills oo ku yaalla
meel Nairobi duleedkeeda ah. Shaqaalaha beerta bunka waxaa
ka mid noqday nin soomaali ah oo Faarax Aadan la odhan
jirey. Faarax markii uu muddo u shaqeeyey qoladii beerahaas
lahayd, ayuu sida qoraalka Karen Blixen ka muuqata
Somaliland ka soo kaxeeyey xaaskiisa, hooyadeed,
walaasheed oo xaaskiisa hoos uga yar, ina adeerkeed iyo
gabadh yar oo rajo ah (aan hooyo lahayn) oo ay Faarax isku laf
hoose yihiin. Karen Blixen waxaa ay buuggeeda ku
tilmaamaysaa haybadda, sumcadda, milgaha iyo sharafta,
hanka iyo qabka, kartida iyo aqoonta haweenka soomaalida.
Waxaa ay la saaxiibaysaa oo wada sheekaysi joogta ah iyo
nolol wadaag la yeelanaysaa haweenkii qoyska Reer Faarax,
gaar ahaan inantii yarayd ee rajada ahayd. Waxa ay Karen
qoraalkeeda ku tilmaamaysaa in inantaas yari ahayd
shaaddirad, fariid cirka laga soo hindhisay oo nool nool.
Waxaa xiiso lahayd bay Karen leedahay in hoos loola socdo oo
la sokeeye daymoodo sida ay inantaas yari u korayso. Karen
Blixen waxa ay qortay: Way ila rafiiqi jirtey inantaasi yari, waxa
ay jaraha iigu soo taxaabi jirtey oo ii soo hoggaamin jirtey
faraskayga yar, waxaanay ii qaadi jirtey qorigayga. Waxa ay
xilliyada qaarkood la tartami jirtey Tikuyu Totos, si ay
kalluunka ugala soo jillaabato hara
biyeedda yar. Tafta googaraddeeda yar iyada oo haysa, ayay
gucle iyo kadlayn ku Karen Blixen waxaa kale oo ay
tibaaxaysaa in hablaha soomaalidu marka ay yar yar yihiin ay
timaha iska mudhxiyaan marka laga reebo dhoor wareegsan
oo madaxa badhtankitaasi waa arrin faashin (fashion) ah oo
qurux badan, hayeeshee inanta foodleyda ah ee soomaalidu
xilligan way ka caaggan tahay ina-rag iyo la sheekaysigiisaf
oodleyda ahi sida la og yahay wax dan iyo muraad ah ragga
k**a yeelato, ragguna dumarnimo k**a quuddarreeyaan.
Karen weli qoraalka way sii ambaqaadaysaa oo waxa Xilli
dambe markii inanta yari ay sii kortay, waxaa saamayn
qalbigeeda ku raadeeyey hablaha kor uga sii weyn, waanay is
beddeshey. Culays ayaa ku soo kordhay oo indhaha ayay hoos
u rogtaa ama way hogataa marka ay nin aragto, haddii qof aan
qoyska ka tirsanayn guriga yimaaddana way dhuumataa oo is
qa Xilligii gashaantinnimada ayay inantu u sii xuub siibanaysaa,
waana xilligii laaca iyo labeenta quruxdeedu muuqan
lahaayeen ee nin waliba ku baraarugi lahaa, joog iyo jookh
wanaagga shacnigeeda, feedhashadeeda iyo rableynta
timaheeda kala rogan ee hal-qooqa leh. Ugu dambayn waxa ay
Karen Blixen tilmaamaysaa in inantaasi leedahay hab-dhaqan
anshax iyo asluub sare leh, dhacdhacna aan lagu ogayn.
Gashaantinnimadeeda ama gabadhnimadeeda oo guur hortiis
ka jabtaa ama ka luntaana waxa ay inantaasi mar kasta ka
xigtaa geeri ama gabow!