Afkayga hooyo

Afkayga hooyo Gashan real estate

20/08/2017

Maan ba idin la wadaago qormo yar oo aan ka soo xigtay (guri
waa haween) ee uu qoray maxamed baashe x xasan ee ka
hadlaayey kartida haweenka soomaaliyeed. Waa wada
quuddirayn(raadin) doontaan buugga...................................................................................
Karen Blixen waa haweeney qoraa ahayd oo u dhalatay asal
ahaan waddanka Denmark. Sannadkii 1937kii ayay buuggeeda
la magac baxay Out of Africa wax kaga qortay nolosha iyo
kartida haweeneyda soomaalida. Karen Blixen waxa ay
ninkeeda oo Ingiriis ahaa kula noolayd intii aanay kala tegin
waddanka Kenya wakhtiyo ka mid ah intii u dhaxaysey labadii
dagaal ee adduunka. Ninkeeda ayaa beero bunku ka baxo ka
sameeyey xilligaas kuraha loo yaqaan Ngong Hills oo ku yaalla
meel Nairobi duleedkeeda ah. Shaqaalaha beerta bunka waxaa
ka mid noqday nin soomaali ah oo Faarax Aadan la odhan
jirey. Faarax markii uu muddo u shaqeeyey qoladii beerahaas
lahayd, ayuu sida qoraalka Karen Blixen ka muuqata
Somaliland ka soo kaxeeyey xaaskiisa, hooyadeed,
walaasheed oo xaaskiisa hoos uga yar, ina adeerkeed iyo
gabadh yar oo rajo ah (aan hooyo lahayn) oo ay Faarax isku laf
hoose yihiin. Karen Blixen waxaa ay buuggeeda ku
tilmaamaysaa haybadda, sumcadda, milgaha iyo sharafta,
hanka iyo qabka, kartida iyo aqoonta haweenka soomaalida.
Waxaa ay la saaxiibaysaa oo wada sheekaysi joogta ah iyo
nolol wadaag la yeelanaysaa haweenkii qoyska Reer Faarax,
gaar ahaan inantii yarayd ee rajada ahayd. Waxa ay Karen
qoraalkeeda ku tilmaamaysaa in inantaas yari ahayd
shaaddirad, fariid cirka laga soo hindhisay oo nool nool.
Waxaa xiiso lahayd bay Karen leedahay in hoos loola socdo oo
la sokeeye daymoodo sida ay inantaas yari u korayso. Karen
Blixen waxa ay qortay: Way ila rafiiqi jirtey inantaasi yari, waxa
ay jaraha iigu soo taxaabi jirtey oo ii soo hoggaamin jirtey
faraskayga yar, waxaanay ii qaadi jirtey qorigayga. Waxa ay
xilliyada qaarkood la tartami jirtey Tikuyu Totos, si ay
kalluunka ugala soo jillaabato hara
biyeedda yar. Tafta googaraddeeda yar iyada oo haysa, ayay
gucle iyo kadlayn ku Karen Blixen waxaa kale oo ay
tibaaxaysaa in hablaha soomaalidu marka ay yar yar yihiin ay
timaha iska mudhxiyaan marka laga reebo dhoor wareegsan
oo madaxa badhtankitaasi waa arrin faashin (fashion) ah oo
qurux badan, hayeeshee inanta foodleyda ah ee soomaalidu
xilligan way ka caaggan tahay ina-rag iyo la sheekaysigiisaf
oodleyda ahi sida la og yahay wax dan iyo muraad ah ragga
k**a yeelato, ragguna dumarnimo k**a quuddarreeyaan.
Karen weli qoraalka way sii ambaqaadaysaa oo waxa Xilli
dambe markii inanta yari ay sii kortay, waxaa saamayn
qalbigeeda ku raadeeyey hablaha kor uga sii weyn, waanay is
beddeshey. Culays ayaa ku soo kordhay oo indhaha ayay hoos
u rogtaa ama way hogataa marka ay nin aragto, haddii qof aan
qoyska ka tirsanayn guriga yimaaddana way dhuumataa oo is
qa Xilligii gashaantinnimada ayay inantu u sii xuub siibanaysaa,
waana xilligii laaca iyo labeenta quruxdeedu muuqan
lahaayeen ee nin waliba ku baraarugi lahaa, joog iyo jookh
wanaagga shacnigeeda, feedhashadeeda iyo rableynta
timaheeda kala rogan ee hal-qooqa leh. Ugu dambayn waxa ay
Karen Blixen tilmaamaysaa in inantaasi leedahay hab-dhaqan
anshax iyo asluub sare leh, dhacdhacna aan lagu ogayn.
Gashaantinnimadeeda ama gabadhnimadeeda oo guur hortiis
ka jabtaa ama ka luntaana waxa ay inantaasi mar kasta ka
xigtaa geeri ama gabow!

21/02/2016

Hodan weeye afkeenu u hur hiil iyo hoo ha meel mare

Waxaan ku farax sanahay in aan qayb libaaxa ka qaato baraaruga bilawga ah, ee lugu dardar gelinaayo horumarka afkeena, Oo bulshadeenu maanta soo fahmayso qiimaha u leehay afka.
Waxa is waydiin mudan waa maxay af? Inta aan tibaaxin qormadayda qiimaha badan oo aan ku muujinayo ka qayb noqoshada baraaruga bulshadeenna.

Waa maxay af?
Waxa ugu horayn lafaguraynaa erayga af. Erayga af waa eray saleed guun ah oo soo jiray in badan. waxa nala wadaaga oo isticmaala erayga af, afafka kush*tica ah sida oromad…..
Waxa ka ogaanaysaa in eraygaan af uu yahay eray soo jireen ah, oo waliba muujinaya fac weynida afkeena iyo sida ay afafku bah wadaagta u yihiin. aan ku horeeye intee jeer ban eraygaan isticmaalnay oo boos muuqda inoo galay.
1.Af(ka)- xubinta nafleydu cunnada ka cunto oo bushimaha iyo carrabka iyo ilkuhu ku yaalliin.
2. af- dhinaca birtu wax ku goyso.
3. af- hadal dhan oo tol isku af garto oo ku wada hadlo.
ma si ka duwan bay u qeexeen afafka qalaad, aan ku hormaro afka carabiga iyo erayga af.
1.اللغة_أصوات يعبر بها كل قوم أغراضهم
aad bay isugu dhawnahay oo waa labo micne oo isu dhigma.
muxu ku qeexay af ingiriisku
1_ language who body of words and methods of combination of words used by a section or a group.
afafka aduunka maanta waxa lugu qiyaasa 6700 oo af. waxa afku qiimo leeyahay inta ay dadkiisu qiimo u yeelaan oo ay baaraan,uruurshaa, ku kaydsadaan kasmo iyo aqoon waxa alle ka garan siiyey aqoonta adanahu maanta ku hayo dunida.


faa’idada afka
1. waa wax la isku af garto.
2. waa waxa isku xiraa bulshada.
3. wax baa lugu gudbiyaa sida dhaqan, sooyaal, aqoon….
4. waa astaan umad lugu garto.

afka soomaaligu waxa u hogaan u yahay in la hello ilmo fikir, dareen iyo shaqsiyad leh.
*Fikir – ilmo fikirkiisa soo gudbin kara oo awooda in uu afkiisa si wanaagsan ugu hadlo.
*Dareenkiisa cabiri kara, oo erayada ku haboon nabada, colaada, dhiilada, hambalyada, bogaadinta garanaya.
*Shaqsiyad leh oo og in uu soomaali yahay dhaqan iyo hidde lugu naaloon karo leh.

Koboca fikirka
Waxa aan hadalka u arkaa isgaariinta ugu muhiimsan ee loo gaar yeelay adanaha.afafka adanahu ku hadlo waxa loo tiiriya shaam iyo xaam ilma adan.hadase waxa tiro ahaan la gaarsiyey tiro ka badan 6700 oo af. Afkeenu waa mid ka mid ah afafkaa aan tiradooda xusay.
Afafku waa dhaqmaan, waa dhimaan, waa dhintaan. Waxa ku xiran tahay bulshada,qiimaha iyo aqoonta u agtooda ku kale leeyahay. U fiirso fikiradaan ku leh saata soo socota.
• Haddii la yiri difaaca jirka ilmaha waxa kobciya oo qayb weyn ka ah caanaha hooyadii. waxa u dhigma oo taala mid ah qofku ma baran karo afaf qalaad ilaa uu tiisa hanto oo uu meel saaro. Tusaalle- manhajkii raashka waxa u maray isbadalo badan waxa ogtihiin in manhajka waxa lugu daro marna waxana laga saaro.markii 51 aad aya soomaalida loo turjumay oo la baray waa markii uu raashku ka yaabay awooda ardayda soomaalida.
Ma iswaydiisay waxa keenay awooda intaa leg? Waa soomaalida oo ahayd dad la kobciyey oo wata labo shahaado oo la yiraahdo af iyo dhaqan oo u dhigmaayey heerka sare ee wax barashada.
• Afka markii uu dhimaal yeesho oo uu ka hagaaso bulshada waxay ka dhiganyihiin jiil wada wax dhiman. afkuna waa qaybaha dhaxal gala ee uu adanahu isu gudbiyo. Dhaxalku waa muhiim in la ilaasho oo jiil ba jiil u gudbiyo. waxa muhiim ah in aan qaadno dhanbaalada dhaxaleed ee afku mid ka yahay. una gud bino jiilasha danbe. ku samayno afka joogtayn iyo kobcin.
• Labaatan soomaali ah oo ku hadlaya af qariban. waxa ka wanaagsan labo ku hadlaysa af baraxan oo erayo xul ah leh.
Haddii afka uu dhagadhan yahay oo u ku jiro maan iyo maqaal.waxa hubaal ah in afku uu heli karo joogtayn iyo kobcin.
Sida ka soo hor jeedkeeda labo aan u dhalan afkeena oo si wanaagsan ugu hadla. waxa dhaama labaatan isaga oo qariban ku hadla. waayo waxa muhiim ah in afku baaho oo u gaaro dadka aan u dhalan. waxa fududaanaysa in xiriir la sameeyo.

Barashada afka
Af waxa lugu bartaa afartaan soo socda:
• Dhagaysi( listening).
• Hadal (speaking).
• Aqrin(reading).
• Qorid(writing).
Ilmaha afkiisa hooyo wuxu ku bilaaba dhagaysi wax u ku xejiyaa hadal. ma dhihi karnaa waa kale duwan yihiin labada qaab ee ah barashada afkaaga iyo kan qalaad?


Kobaca afka
Afku si uu u kobco oo uu u noqdo mid taba gal ah, kaas oo matali kara bulsho waa in uu helaa:
1. joogtayn.
2. kobac/kordhin.
3.cilmi baaris.
4.dhiri gelin.

Yaa ka qayb qaata kobaca afka.
1. dawlada.
2. abwaanada.
3. saxafada.
4. aqoon yahaynada.
5.dhaqalaha.

Qoraa-cabdi qaadir warsame maxamed(gaashaan)

03/10/2015

shaqsi cajiib ah!
inankii reer booland, waa bank gii jeclaa af iyo
suugaanta soomaalida.
qof aan ka sheekay naynaa waa bogumil witalis
andrzejewsk. oo ay soomaalidu u la baxday
macalin guush.
waxa u ku dhashay poland 1922, waxa u ka
tagay dalkiisa isaga oo 18jir ah. oo aan
dhamaysan wax barashada, ka dib markii u
dalkaas u qabsaday jarmalku. waxa u soo maray
wadano badan waxa ugu danbaystii tagay dalka
falastiin, oo u marka u xukumayey boqortooyada
ingiriiska.
waxa u ku biiray ciidamada poland ee xorta ah
(polish free force) waxa u maray wadamo badan
inta uu ku jiray dhaqdhaqaa. waxa u tagay
waqooyiga africa oo u ku bartay afka ingiriiska,
carabiga iyo dhaqamada islaamka.
1944 waxa u helay deeq wax barasho oo u ka
helay maxmiyada ingiriiska, oxford university taas
oo u ku bartay kasmada iyo afka ingiriiska.
1946 waxa u guursaday shiela oo dhalashadeedu
tahay ingiriis.
1948 waxa u macalin guush ku biiray khuburada
afka ingiriiska, jamacada london(SOAS)
waxa u helay deeq wax barasho oo u ka helay
xafiiska maxmiyadaha ee ingiriiska, taas oo isugu
jirtay barasho iyo baaris afka soomaaliga,
waqtigaa oo dhamaa saddex sanno.
1950 waxa u degay iyo xaaskiisa shiela magalada
sheekh ee dalkeenna.
1952 waxa u buug la soo saaray muuse x.
ismaaciil galaal oo aad garanaysaan. buugga
magaciisa waxa la yidhaahda xigmad.
waxa u ka mid ahaa macalinku shaqsiyaadkii ay
u xil saratay hay'ada aduunka u xilsaaran afafka
iyo dhaqanUNSCO ay ka soo war bixi yaan farta
ugu macquulsan ee af soomaaliga lugu qori karo.
1988 waxa u qaatay abaal marinta shanta
soomaaliya( somali start aword) taas waxa u
macalinka taas lugu siiyey waxa u aduunka baray
muhiimada afka soomaaliga.
waxa u baaris ku sameeyey naxwaha afka
soomaaliga, oo ogaalkay aan garanayn qof ku
sameyey baaristaas oo kale waxa ku hawlanaa
muddo dhan 40sanno.
waxa dhaxal , aqoon iyo kasmo ahayd ku kayd
saday india university. maxa ka baratay macalin
guush?
- in uu ahaa shaqsi jecel barashada afafka
aduunka.
-in haddi aad dalkaaga ka baxdo loo soo halgamo
loona raadsho xal, si ubadka kale eedalka jooga
dhibta ugu baxaan.
- shaqsi aad ugu weyn samayna ku leh afka
ingiriiska iyo afka soomaaliga.

29/07/2015

waxaan idin ku soo gudbin doona: afka
-asalka afka.
- taariikha iyo qorista afka.
- cilmi baarista aan ku samay nay
-heerka u marayo iyo in afku dhaqmo, dhimo dhinto
- baarista iyo heerarka afafka aduunka ee ay ku sameeyeen khuburada afaka aduun iyo hay'aad ka qaabil san sida UNESCO.
waxa kale oo ka dalacan kartaa page keena afka hooyo:
-suugaanta
-qayb sanka iyo sida loo hormarin karo loona casriyeyn karo
- saad ku ogaan ka dhid suugta iyo taariikhda abwaanka, munasibada IWM....
waxa intaa dheer sida uu afku u kobco iyo barnaamijyo taxanayaal ah. baahida bulshadeena, kobaca fikirka, yaa kugu baahi badan afka iyo wax yaalo kale oo casri ah. si aad afku u noqdo mid dhaqma ee aan dhiman

27/06/2015

U FIIRSO!
waxa si kooban ugu faaloon doonaa, erayga af ee afka qalaad lugu yiraahdo
1.carabiga (اللغه)
2.ingiriiska(language)
maxaa lugu micneeyey oo lugu qeexay?
afku intaa ka jooga aduunka?
ugu horayn aan ka hormaro agka aduun ka waxa uu ka jooga meesha ugu saraysa af la'aanti ma sootoobayso in xiriir la sameeyo, waxa dhihi karnaa maanta waa dhaafay baahidii ahayd in lugu xiriiro oo kaliya waxa uu maanta afka lugu kaydiyaa aqoonta iyo kasmada aadanaha, waa jiritaanka umad.
aan u soo gudubno halkaa u socdo oo ah, erayga af waxa ka keenay afka waa eray saleed guun ah, erayga af waxa ku ogaan kartaa afka oromada ee aan wadaagno kushiitiga ayyaa ku arkaysaa (affaan) AFFAAN OROMAAN IN BEEKHU. oo ay ula jeedaan (ma garanaayo afka oromada) erayga af in uu guun yahay kalkaa ka garo.
inagu dhawr jeer baa isticmaalnay oo erayga af
1.afka_ oo ah xubinta adanu wax ku cuno.
2_af oo ah dhanka ay wax ku goyso mindida ama toorayda
3_ erayga af waa hadal dhan oo tol isku garto oo ku wada hadlo
saddex daa eray bixinood hadaa ka fiiriso buugga eray bixinta erayada afka soomaaliga ee la daabacay 1976 waa ku arkaysaa.
ma si ka duwan bay u qeexeen afafka qalaad aan ku hormaro afka carabiga iyo erayga af
1.اللغة_أصوات يعبر بها كل قوم أغراضهم
aad bay isugu dhawnahay oo waa labo.micne oo isu dhigma
muxu ku qeexay af ingiriisku
1_ language who body of words and methods of combination of words used by a section or a group.
afafka aduunka maanta waxa lugu qiyaasa 6700 oo af waxa ku qiimo af leeyahay inta ay dadkiisu qiimo u yeelaan oo ay baaraan,uruurshaa, ku kaydsadaan kasmo iyo aqoon waxa alle ka garan siiyey aqoonta adanahu maanta ku hayo dunida
la socod wacan qabta danbe

31/03/2015

U FIIRSO!!!
waxa oghanay in afku yahay noolle ku tiirsan adanaha, meel afku waxa kuu ka saaweeya noolasha, haddii uu noolashu u bahan tahay 1.hunguri, 2.hu' 3.hooyo, 4.hooy...... afku isna wuxu doona 1.hadal 2. dhagasi 3. qoris 4. akhri
waxa ugu muhiinsan hadalka iyo dhagaysiga oo waxa ilaa maanta jira afaf aan wali la qorin akhrina warkeedda.
afku meel waxa uu ka saaweeya aqoonta aduunka, waxa ognahay in aqoonta la 1.kobciyo,2. baaris lugu sameeyo, 3.la kordh...iyo, loo sameeyo dhiri gelin iyo been lugu buun buuniyo aqoontaa
afku waa
1.waxa lugu kobciya
b. in lugu hadlo
t. waxa loo isticmaala howl maalmeedka
j. waxa loo isticmaala wax barashada I.W.M
2. waxa lugu sameeya baaris isirka, waxa arkaysaa in afafka aduunka la qaybiyo oo bah bah laga dhigo( afka soomaaliga waxa lugu dara bah weynta afroasaitic gaar ahaan cush*tic bari afirika.
3. waxa lugu kordhiyaa in la turjumo aqoonta iyo xadaradaha adanaha.
4. waxa la sameeya dhiiri gelin lugu abaal mariyo dadka wax ku soo kordhiya af. iyo been lugu buun buuniyo afafka aduunka kuwa dadkiisu soo jeedo sida af ingiriiska oo lugu leeyahay waa af caalami ah waa waxa ku xiran shaqada, wax barashada IWM

u fiirso fikiradaan?waxa aan hadalka u arkaa isgaariinta ugu muhiimsan ee loo gaar yeelay adanaha, afafka adanahu ku had...
11/03/2015

u fiirso fikiradaan?
waxa aan hadalka u arkaa isgaariinta ugu muhiimsan ee loo gaar yeelay adanaha, afafka adanahu ku hadlo waxa loo tiiriyaa shaam iyo xaam ilma adan. hada se waxa tiro ahaan la gaar siyaa tiro ka badan 6700 oo af.
afafaka waa dhimaan, waa dhintaan, waa dhaqmaan oo koboc baa gala makii ay u kacaan dadkiisa, ka soo gudub
afkeenu waa mid ka mid ah afafkaa aan tiradooda xusay u fiirso weerahaan
1.hadii la yiri difaaca jirka ilmaha waxa kobciya oo qayb weyn ka ah caanaha hooyadii, waxa u dhigma oo taa la mid ah qofku ma baran karo afaf qalaad ilaa uu tiisa hanto oo uu meel saaro tusaallle manhajkii raashka waxa uu maray isbadlo badan waxa ogtihiin in manhajka wax lugu daro marna wax laga saaro, markii 51 aad ayaa soomaalida loo jurjumay oo la baray waa markii uu raashku ka yaabay awoooda ardayda soomaalida, ma iswaydiisay waxa keenay awoodaa intaa leg? waa soomaalida oo ahayd dad la kobciyey oo watay labo shahaado oo la yiraahdo af iyo dhaqanoo u dhigmaayey heerka sare ee wax barashada
2. AFKA markii uu dhimaal yeesho oo uu ka hagaaso bulshada waxay ka dhigan yihiin jiil wada wax dhiman afkuna waa qaybaha dhaxal gala ee uu adanahu isu gudbiyo
3. labaatan qof oo sooomaali ah oo ku hadlaysa af qariban waxa dhamaa labo ku hadlaysa afka baraxan oo erayo xul ah leh.
sidaa ka soo hor jeed keeda labo aan u dhalan afkeena oo si wanaagsan ugu hadla waxa dhama labaatan isaga oo qariban ku hadla MAXA U FAHAN TAY?! bal adba

Address

Garowe
00252907007965

Telephone

+252907007965

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Afkayga hooyo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Afkayga hooyo:

Share

Category