28/07/2025
Habraaca dastuur qorista waa geeddi-socod u baahan waqti, dulqaad, kalsooni dadweyne, iyo xirfad sharciyeed iyo siyaasadeed. Haddii si wanaagsan loo fuliyo, wuxuu noqon karaa aasaaska nabad waarta, cadaalad iyo dowladnimo hufan.
Habraaca Dastuur Qorista (Constitution-making process) waa hannaan sharciyeed, siyaasi ah, iyo bulsho oo lagu diyaariyo lana ansixiyo dastuur cusub ama lagu cusbooneysiiyo mid h**e. Habraacani wuxuu leeyahay marxalado kala duwan oo muhiim ah si loo helo dastuur ku dhisan caddaalad waarta, sugnaan kuna saleysan rabitaanka shacabka. qorista:
1. Diyaar-garowga H**e (Preliminary Phase)
Ogaanshaha baahida dastuur cusub: Tani waxay lagama maarmaan tahay kadib isbedel dowladeed, dagaal sokeeye, burbur siyaasadeed, ama rabitaanka dowlad cusub oo la dhisayo.
B- Wadahadal iyo la-tashi: La-talin lala yeesho bulshada, siyaasiyiinta, iyo daneeyayaasha kale si loo fahmo waxa la doonayo in dastuurka laga helo.
T- Dhismo Guddiga Dastuurka: Waxaa la magacaabaa guddi madax-bannaan oo khubaro iyo wakiillo bulsho ah isugu jira.
2. Qorista Qabyo-Qoraalka Dastuurka (Drafting Phase)
B- Uruurinta aragtiyaha shacabka: Dadweynaha waxaa laga codsadaa inay gudbiyaan fikradahooda, iyagoo loo marayo shirar dadweyne, qoraallo, ama cod-bixino.
T- Qorista qodobada: Guddigu wuxuu qorayaa qaybo kala duwan oo dastuurka ka kooban yahay: tiirarka dowladda, xuquuqda muwaadiniinta, nidaamka garsoorka, iwm.
J- La tashiyo sharciyeed iyo farsamo: Khubaro qaanuun iyo siyaasadeed ayaa gacan ka geysta saxnaanta iyo u hoggaansanaanta qawaaniinta caalamiga ah.
3. Wadahadal, Dib-u-eegid & Saxid (Review and Consultation Phase)
B- Dood dadweyne iyo wacyigelin: Qabyo-qoraalka waxaa loo bandhigaa shacabka si dood looga sameeyo.
T- Dib-u-eegid: Guddigu wuxuu dib u eegaa qabyo-qoraalka iyadoo la tixgelinayo talooyinka la helay.
J- Heshiis siyaasadeed: Waxaa la gaaraa heshiis siyaasadeed oo lagu qeexayo in dhammaan dhinacyada saamaynta leh ay ogol yihiin waxyaabaha ku jira.
4. Ansixinta Dastuurka (Adoption Phase)
B- Cod-bixin Baarlamaan: Haddii dastuurka loo ansixinayo baarlamaanka, waxaa loo gudbiyaa si loo ansixiyo.
T- Aftida Dadweynaha (Referendum): Haddii loo baahan yahay afti, shacabka ayaa codkooda dhiibanaya si ay u oggolaadaan ama u diidaan dastuurka.
J- Soo saar rasmi ah: Marka la ansixiyo, dastuurka waxaa lagu soo saaraa si rasmi ah wuxuuna noqdaa sharciga ugu sarreeya dalka.
5. Dhaqan-gelinta Dastuurka (Implementation Phase)
B- Soo saarista sharciyo hoosaad: Waxaa la diyaariyaa sharciyo si loogu dhaqo qodobada dastuurka.
T- Dhismayaal dowladeed: Waxaa la sameeyaa hay’ado cusub haddii loo baahdo sida baarlamaan cusub, maxk**ad dastuuri ah, iwm.
J- Kormeer iyo qiimeyn: Waxaa si joogto ah loo qiimeeyaa sida dastuurka loo dhaqan gelinayo.