Jama Talehi

Jama Talehi kusoo dhawaaw halkani waa degalka rasmiga ah ee Jama Timo-weyne.

LULA DA SILVA : BAALASHLIHII BARAASIIL BADBAADIYEY – ===========~ Aniga oo madaxweyneyaashii h**e  kula dagaalamay in xu...
05/11/2022

LULA DA SILVA : BAALASHLIHII BARAASIIL BADBAADIYEY –
===========

~ Aniga oo madaxweyneyaashii h**e kula dagaalamay in xukunka ay dheeraystaan. Maanta anigiina muddo xileedkayga sharciga ah ka badan joogi maayo"
***

Lula Da Silva, waa hoggaamiye halgamaa bulsho ah oo laba xilli madaxweyne ka noqday dalkiisa Baraasiil. Waa siyaasi aaminsan aragtida bidixda u janjeedha oo taageero caalamiya dunida oo dhan ku leh.

Qoys danyar ah ayaa uu ka dhashay sannadkii 1945, saboolnimadii adkayd ee uu carruurnimadii soo maray ayaana la aaminsanyahay in ay samaysay aragtiyihiisa siyaasiga ah ee markan dambe uu ku socday.

In kasta oo uu Lula goor h**e waxbarashada bilaabay, laakiin dhaqso ayuu toban jirkiisiiba uga dhacay, kaddib markii saboolnimadii adkayd iyo silici nololeed ee qoyskiisu u saamixi waayeen.
dhallaannimo ayaa uu ku bilaabay shaqooyin muruqmaal adag ah oo uu illaa dhalinyaranimadii waday; Baalashle muddo dheer ka shaqaystay jidadka magaalada São Paulo, kaalin shidaal oo uu bamka hayey, geerash baabuurta lagu dayactiro oo uu bira garaac ka ahaa iyo khudrad uu jidadka la wareego ayaa ka mid ah shaqooyinka uu soo maray.

Aqooni waa sad ee, mar dambe oo uu is badh qabtay ayuu muddo saddex sanno ah baranayey Qodista macdanta, kaddib waxa uu shaqo ka helay mid ka mid ah godadka macdanta laga qodo ee dalkiisa. Waxaa la odhan karaa waa shaqadii iyo waxbarashadii u furtay albaabka geeddiga dheer shaqooyinkiisii bulsho, waxaa ka mid ahaa kaalmihii hoggaamineed iyo hawlihii firfircoonaa ee uu ku lahaa iskaashatooiyinka muruqmaalka, iyo noloshiisa siyaasadeed ee dambe. Waxa uu ku biiray iskaashatadii muruqmaalka birta oo uu guddoomiye ku xigeen ka noqday 1967 kii, kaddibna uu guddoomiye ka noqday. Waxa ay ahayd iskaashato ballaadhan oo sannadkii 1978 kii xubnaha ka tirsan lagu qiyaasi jiray 100 kun oo xoogsade.

Dibadbaxyo badan oo siyaasi ah ama xuquuq rayid ah lagu raadinayo ayaa uu hoggaamiyey, xukuumaddii milateriga ahayd ee dalka ka talinayey ayaana marar badan xabsiga u taxaabtay. Arrintaas oo ugu dambayntii ku qancisay in uu siyaasadda ka badheedho, 1980 kii ayaa uu ka qaybgalay aasaasii xisbiga shaqaalaha ee hantiwadaagga. Xisbigaas oo dhinaca bidixda u janjeedhay ayaa calanka u qaaday halgan adag oo kelitaliska lagu diidanyahay.

Waxa uu ahaa siyaasi hadhi waa ahaa oo diiday in uu mar keliya ka tanaasulo himiladiisii ahaa in uu dalkiisa caynaanka u qabto. 1989 kii ayaa uu isu sharraxay madaxweyne waa se uu ku guuldarraystay, saddex doorasho oo xigayna wuu tartamay, laakiin oo cidi codkii uu u baahnaa ma’ay siinin. Ugu dambayntii 2002 dii ayaa uu ku guulaystay doorashadii madaxweynaha, xilkaas oo uu hayey illaa 2011 kii, kaddib markii uu labadii xilli ee madaxtinimadaba ku guulaystay.

HOGGAAMIYIHII DHAQAALAHA IYO CADAALADDA BULSHADA
=====

Lula Da Silva waa hoggaamiye garanaya sababta uu halganka adag ugu soo galay xilka umadda, taas oo aan ahayn in uu ka tanaado iyo in uu awoodda ka dhigto shaabuug uu dadkiisa ku addoonsho.

Waxa uu ku guulaystay horukac dhaqaale oo aan noociisa h**e looga arag dalkaas, kaddib markii uu raacay qorshe isu dheellitiran oo isku xidhaya barnaamijyo lagu taageerayo qoysaska saboolka ah, isla markaana lagu horumarinayo warshadaynta iyo wax dhoofinta.
Waxa ay xukuumaddiisu ku guulaystay Barnaamijka la dagaalanka saboolnimada, waxa aanu awooday in 20 milyan oo muwaadiniin ah laga soo saaro nolosha Khadka ka hooseeya saboolnimada. 8 sanno oo uu xilka hayey ayaa uu dalka Baraasiil gaadhay in uu kaalinta siddeedaad ka noqday liiska dalalka dunida oo dhan ugu dhaqaalaha badan.
Dhinacaas oo keliya ma’aha ee waxa kale oo uu ku guulaystay, in uu casriyeyn yaab leh ku sameeyo ciidamada difaaca ee Baraasiil, muddadaa uu xilka hayeyna waxa uu ka dhigay ciidanka ugu weyn uguna casrisan qaaradad Koonfurta Ameerika oo dhan.

MABDA’U ISLAMA BEDDELO KURSIGA
========

Xawaaraha yaabka leh ee uu ku socday horumarka dhinac kasta ah ee Lula uu dalkiisa ka hirgeliyey, waxa uu sababay in la dhaadi waayo dhammaanshiyaha siddeeddii sanno ee uu dastuurku u ogolaa. Dad ogaa waxa la soo maray iyo halka xaal marayo, ayaa uu walaac ka galay mustaqbalka dalka, markii xilligii sharcigu ogolaa ka dhammaadya Lula Da Silva.

Taageereyaashiisa oo aad u badnaa ayaa abaabulay dibadbaxyo iyo ololeyaal ay ku cadaadinayaan in uu dastuurka dalka beddelo oo afti loo qaado in uu mar saddexaad isa soo sharrixi karo, laakiin buuq badan iyo dadaal dag oo ay sameeyeen kaddib waxa uu jeediyey hadal uu arrintaas warkeeda meel ku tiirinayo, “Labaatan sanno ka hor waxa aan u halgamayey oo xabsiga aan u galay, sidii aan madaxweyneyaasha ugu diidi lahaa in ay xukunka iska joogaan muddo ka badan waqtiga sharciga ah. Sidee ay iga suurtageli kartaa, in maanta aan naftayda u ogolaado arrintaas” Tiisii ayaanu soocdsiiyey oo Lula Da Silva waxa uu ka degey xukunkii, kaddib markii uu dalka doorasho madaxtooyo ka qabtay.

Muddadii dheerayd ee uu halganka ku jiray, cidda ugu badan ee ay Lula coloobeen waxa ay ahaayeen ganacsatadii waaweynayd ee dhaqaalaha dalka h**e u jiqi jiray iyo siyaasiyiintii ay beerteen. Waxa uu dagaalka ugu adag ka dhexeeyey dabaqadda ladan ee doonaysay in aan la xorayn muruqmaalka iyo beeraleyda, xuquuqdoodana la barin. Sidaas awgeed markii uu xukunka ka degey kooxihii ayaa helay.

TURAANTURRO AANU KUFIN KADDIB, HADDANA WAA KAAN LULA:
===============

Sannadkii 2017 kii ayaa maxkamad lagu dhaliilay in ay siyaasadaysantahay, waxa ay Lula ku xukuntay 9 sanno oo xabsi, kaddib markii ay sheegtay in ay ku heshay dembi ah lunsi xoole dadweyne iyo wax isdabamarin maaliyadeed. Muddo sannad iyo badh ka badan ayaa uu eeddan u xidhnaa, laakiin markii dambe maxkamadda racfaanka oo dacwaddiisa dib u qiimaysay ayaa ogaatay in aanu wax dembi ah gelin. Xabsiga ayaa ay ka sii deysay waxa aanay u fasaxday in uu shaqadii siyaasadda wadan karo.

77 jirkan aan dalka aqoonin, si uu taageereyaashiisa u tuso in uu weli ku taaganyahay axdigii dib u saxa hoggaaminta dalkiisa, duniduna u aragto in sababta loo xidhayna ay tahay u quudhi waaga jacaylka dadkiisa, ayaa uu 18 bilood kaddib xabsigii waxa uu isu soo sharraxay doorashadii dalkiisa. Dastuurka ayaa u ogol in uu mar kale oo muddo u dhexeyso labadii jeer ee h**e uu soo noqon karo.
Lula Da Silva doorashadii October 2022 ee toddobaadkan lagu dhawaaqay, ayaa uu mar kale ku noqday madaxweynaha dalka Baraasiil.

Laba buug oo uu qoray Lula Da Silva midkii dambe oo soo baxay jeenaweri 2018 kii, waxa uu kaga warramayaa sababta xabsiga loogu taxaabay. Buuggaas oo lagu magacaabo ‘Truth Will Prevail: Why I Was Condemned’ ayaa xiise aad u badan kala kulmay akhristayaasha dunida oo dhan. Hadallada lagu xasuusto ee uu qoray marka uu xaalkiisa ka hadlayana waxaa ka mid ah,

“Haddii la i xidhay, lama xidhin afkaartaydii. Ma xidhayaan riyooyinkaygii, haddii ay socod ii diidaan, lugihiina [Taageereyaasha) ayaan ku socon. Hadday hadalka ii diidaan, afkiina aan ku hadli. Haddii wadnahaygu garaaca joojiyana, wadnihiina ayaa uu ka dhex garaacmi”

✍ Xigasho.

26/10/2022

Muuqaalkan markaan arkey waxaan hoosta ka xariiqay in uu cunugan yar (Ilmahan yar) aad loo tababarey. Hal daqiiqo ayaa la odhanayaa ha taaban, si wacan buu uga soo baxayaa oo taaban-maayo ilaa loo fasaxo.

How is it.

Dayax madoobaadka 25/10/2022 ee ku beegan maanta.Waxaa laga arki doonaa dowlado badan.Waxa uuna meelaha qaar ka bilaaban...
25/10/2022

Dayax madoobaadka 25/10/2022 ee ku beegan maanta.

Waxaa laga arki doonaa dowlado badan.
Waxa uuna meelaha qaar ka bilaaban doonaa 12 ka duhurnimo illaa 15 ka casirnimo.

Qorax madoobaadka waxaa ka dhasha in ay qoraxdu soo dayso shucaac indhaha qatar weyn ku ah oo haddaa fiiriso kugu sababi kara inaa wayso aragaaga.

Waxaa uga digtaan caruurtiina in aysan fiirinin qoraxda xiliga uu jiro qorax madoobaadka, sidoo kalana ka xareya banaanka si aaney u fiirin.

عن عائشة رضي الله عنها أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «إنَّ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ آيَتَانِ مِنْ آيَاتِ اللهِ، لَا يَخْسِفَانِ لِمَوْتِ أَحَدٍ وَلَا لِحَيَاتِهِ، فَإِذَا رَأَيْتُمْ ذَلِكَ فَصَلُّوا» متفق عليه
Caaisha radiyallaahu canhaa waxaa laga wariyay in Nabiga salla laahu caleyhi wasallam uu yiri:
(Qorax madoobaadka waa 2 aayadoo(calaamadood) oo aayadaha alle kamida, uma madoobaadaan qof dhimashadiisa iyo qof noolaanshadiisa, haddaa aragtaan aayadahaas dukada)

🌿Salaadda qorax madoobaadka:

1. Malahan aadaan iyo aqim balse dadka waa leyskugu yeerayaa si ay uga soo qeyb galaan salaadda.
2. Waa laba ragco: tan 1aad waxaa la aqrinayaa faataxo iyo suurad kale.
3. Waa la rukuucayaa rukuuc dheer lamana sujuudayo.
3. Waxaa la sitaagayaa mar kale isla sidi ayaa faataxo iyo suurad kale loo aqrinaa.
4. Mar kale ayaa la rukuucayaa.
5. Kadibna waa la sujuudayaa 2 sujuud oo dhaadheer.
6. Ragcada 2aad ayaa haddana loo istaagayaa oo ayadana 2 jeer inta la istaago faataxo iyo suurad kale la aqrinayo sidi ragcadi 1aad kadibne waa la sujuudayaa oo la ataxayaadsanayaa oo la salaama naqsanayaa.

Sidoo kale aan badino istiqfaarta oon alle xagiisa u orodno, ood dambi dhaaf weydiisano, qur'aankana aqrinno.

Alle ha inoo dambi dhaafo 🤲🤲🤲

~Xigasho.

21/10/2022

Maasha allah.

Albert Einstein ayaa yidhi "Ninka wax akhriya ee aad u isticmaala maskaxdiisa waxa ku dhaca caadooyin caajis ah oo uu ku...
20/10/2022

Albert Einstein ayaa yidhi "Ninka wax akhriya ee aad u isticmaala maskaxdiisa waxa ku dhaca caadooyin caajis ah oo uu ku fikiro, si la mid ah ninka wakhtiga badan ku qaata masraxa waxa uu u daneeyaa in uu ku qanco nolol liidata halkii uu naftiisa ku noolaan lahaa. .” – Albert Einstein

24/05/2022

Badhan dhawaaqan ayaa ka yeedhaya maanta oo dadkii waxay leeyihiin [ AllA Haraad, haraad ] duco , gar-gaar iyo garab istaagba in aynu siino ayaay mudanyihiin maanta .

24/05/2022

Markii la soo xidhaayeyna looma soo xidhin sifo sharciga waafaqsan. Waxaan ku baaqayaa in ninkaas dib xuriyadiisa loogu soo celiyo .

Dastuurka ayaa u damaanad qaadey oo xaqna u siiyey in uu la kulmo qoyskiisa , qaraabadiisa iyo cida uu codsado isaguba .

Dadka reer Gabiley waan ku bogaadinayaa sida ay u soo garab istaagen wiilkaas sharci darada ku xidhan .

Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland ayaa cambaraysay xadhiga loo gaystay Aare Saleebaan Cowleed Aare ...
21/05/2022

Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland ayaa cambaraysay xadhiga loo gaystay Aare Saleebaan Cowleed Aare oo ah Muwaadin Jabuutiyaan ah.

War-saxafaaddeed kasoo baxay xarunta ayaa u dhignaa sidan;

"Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si xoogan u cambaraysa xadhiga lagula kacay Arreh Suleyman Awled Arrehoo booliska Somaliland 20/05/2022, Gebilay ku xidheen.​

Aare waa muwaadin Jabuutiyaan ah balse hadda degan oo ku nool Somaliland gaar ahaan magaalada Gebilay. ​
Aare xadhigiisa looma marin sifo sharciga waafaqsan.​
Sida ay eheladiisu xarunta u sheegeen xadhigiisa waxa uu la xidhiidha haddalo uu maalmahan baraha bulshada u marinaayey madax weynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.​


Xaruntu waxa ay ka walaacsan tahay xadhiga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xidhan, arrinkaas oo ahaa mid bini’aadanimada ka baxsan.​


Dhanka kale majiro wax mucaahado caalami ah oo dhex maray Somaliland iyo Jabuuti oo ku saabsan isu celinta eedaysanayaasha iyo danbiilayaasha toona.​

Sidoo kale Qodobka 35 (3) ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa “Jamuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa danbiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamuuriyadda Somaliland iyo dal ka waydiistay celintiisa”​

Ugu danbayn xaruntu waxay dowladda jamuuriyadda Somaliland ugu baaqaysaa in ay si dhaqso ah xoriyadiisa ugu soo celiso Aare Saleebaan Cowleed Aare, isla markaana xaqdhowrto oo tixgaliso dastuurka dalka u yaala.​

Yaasmiin Cumar ​ Xaaji Maxamuud​
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana​


------------------------------------------------------------------​

Press Release ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ 21/05/2022 ​ ​

The arrest of a Djiboutian Citizen in Gabilay Arreh Suleyman Awled Arreh​

Aare is a social activist who lives in the city of Gabilay, a Djiboutian national for four years. He is a social activist whose primary work elucidates the problems in Djibouti at the hands of the president of Djibouti, Ismail Omar Geele. His work highlights socio-political issues of the Djiboutian government, specifically human rights issues in the country. ​

Human Rights Center was able to get in contact with his family and can report that he was arrested without proper procedure and without a warrant as indicated in Somaliland constitution, nor charges that he is accused of. ​ ​


HRC is concerned the previous history where Somaliland government handed over to the Djiboutian government a Somaliland citizen on June 11, 2014, will repeat itself here. We are requesting that the same actions are not applicable to this case and are requesting the government to follow the constitution, specifically article 35(3) which states “The Republic of Somaliland may extradite to their countries convicted or accused foreigners if there is a treaty between the Republic of Somaliland and the country requesting their extradition.”​

We have reason to be concerned as Abdullahi Sheik Abdirahman Ibrahim is still in prison in Djibouti presently. Therefore, we are urgently requesting that Somaliland authorities follow proper procedure in a fair and justified way and be reminded that Somaliland government does not have any treaty with Djibouti in place regarding accused citizens. It will be morally unethical if the Somaliland government hands over Aareh Suleyman Awled Arreh. ​ The center would like to request his immediate release and freedom. ​


Yasmin Omar Haji Mohamoud​
The Chairperson of Human Rights Centre

1950 kii  diyaaraddii Cadan Airways si joogta ah bay u iman jirtay Ceerigaabo. Waregaysaydii kala ahaa Liwa, Qarni iyo S...
21/05/2022

1950 kii diyaaraddii Cadan Airways si joogta ah bay u iman jirtay Ceerigaabo. Waregaysaydii kala ahaa Liwa, Qarni iyo Shacabba si maaliln leh baa loogu akhrisan jiray Ceerigaabo. Ogow magaca makhaayada caanka ah ee Qarni in uu ka yimi waregayska Al Qarni oo ahayd goobtii uu ku soo degi jiray.

Waxa Cadan si joogta ah uga iman jiray alaabaha ugu dambeeya ee laga keenay dhanka Ingriiska. Sidoo kale waxa furnayd marsada Maydh oo iyana Doomuhu ku soo xidhan jireen. Taas waxa ka sii darnayd in magaalada Laasqoray ay Lixadkii ilaa siddeetankii ahayd tii ugu camirnayd ee xeebaha bari ku taalley. Danjire Peter Bridges oo badhtamaha siddeetameeyadii booqday Ceerigaabo iyo Laasqoray wuxu sheegay in ay Ceerigaabo ku noolaayeen dad kor u dhaafayey 40 kun oo qof! Halka ay Laasqorayna kaga noolaayeen 10 kun oo ruux. Maagalada maanta cammiran ee Boosaasa ayuu sheegay in ay ku noolaayeen 2 kun oo qof oo keliyi! Isu eeg maanta farqiga saddexdaa magaalo u dheexeeya?

Garan maayo nasiib darro ka weyn in 1950 kii oo diyaaraduhuba yaareeyeen ay Ceerigaabo ahayd ta Hargeysa ka horraysa maanta lagu faraxsan yahay diyaarad baa guuxeeda la maqlay.

Qisooyin buugaag laga qori karo ayaa ku duugan Sanaag.
Dib u dhaca intaa leegi iskumuu imane wuxu lee yahay sababo.

Mararka qaarna waxad is odhanaysaa waxani waa arrin xagga Rabbi laga wato oo sidii Boqortooyadii Saba ayaa dhulkan la halaagay oo waxani waa aayad samada ka timi.

Xigaasho ~ Jama shube .

21/05/2022

Ninkaasi waa idiin magan ee yaan la maagin oo dhexdiina yaana lagu dulmiyin. Wuxuu sheegay sababta uu somaalinad u yimid iyo wanaaga uu ka filanaayo in ay u sameynayaan .

Ninkaas ha garab istaagan xaqu-dirirku oo yaan dhexdiina lagu dhiibin oo lagu dhirbaaxin xitaa .

20/05/2022

Hadaad garanaysaan qur'aan i sheega fasilaada ayaadahan, ayuu leeyahay hugaamiyihii labaad ama madax-weynihii labaad ee jamuuriyadda mudane Maxamed Ibrahim xaaji cigaal .

Kaalaya oo ila niqaasha ayuu leeyahay , aniga ayaa gogosha casumaad idin fidinayaa diyaar baan idin ahey ee kaalaya ila ( Niqaasha ) .

Marka loo eego manta iyo maalintaas waxaan odhan karaa farqi weyn baa u dhaxeeya adiga qudhaadu waa suurta gal in aad igu waafaqsan tahay sidaas .

Hugaamiye mar ina soo maray buu ahaa alle ha u nuuriyo qabriga .

Shalay iyadda oo loo dabaal deg sannad guuradii 31aad ee 18-ka may ayaay xabsiga ku jireen saxafiyintan oo qaarkood si h...
19/05/2022

Shalay iyadda oo loo dabaal deg sannad guuradii 31aad ee 18-ka may ayaay xabsiga ku jireen saxafiyintan oo qaarkood si heer sare ah ay u soo tabin jireen maalintaas qaran .

Waxaana xusid mudan in masuuliyinta qaranka ugu sar sareeyaa ay fagaarayaasha ka sheegen in sababta loola soo noqday madax-banaanida ay ahyed in lagu sameeyay Cabudhin, xuquuqda siyaasadeed, dhaqaale iyo hadalba in laga hor istaagay loona diiday . Cabdudhin , cabsi galin xadhig , dilal qorsheysan iyo kuwo toos ah oo loo beegsanaayayey cidii ka aragti duwaanata waxa h**e u sameeyay siyaad bare xukumadii uu ka ahaa gadhwadeenka wixii uu ka dhaxley wakaas aynu ka wadda dharagsanahay .

Dastuurka ayaa damaanad qaaday xaqa iyo xaquuqda muwaadinka iyo saxafiga waa in la dhowraa si xil-kasnimo ku jirto.




Address

Erigavo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jama Talehi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Jama Talehi:

Share