ELMI LAW FIRM

ELMI LAW FIRM XAFIISKA ADEEGYADA SHARCI EE CILMI ugu kaalay adeegyo sharci oo laguugu fulinayo qiimo jaban iyo qaa

MURANKA DOORASHOOYINKA: 4 XAQIIQO OO RUN OO U BAAHAN IN LA WAAJAHO IYO XALKOODA?Xaqiiqooyinka runta ah ee aynu u baahana...
11/09/2022

MURANKA DOORASHOOYINKA: 4 XAQIIQO OO RUN OO U BAAHAN IN LA WAAJAHO IYO XALKOODA?

Xaqiiqooyinka runta ah ee aynu u baahanahay in sharci ahaan la wajaho oo xalkooda laga shaqeeyaa kuma koobna afartan qodob ee hoos ku faahfaahsan, balse iyagu keliya kuwa ugu culus ee in la dul istaago mudan:-.

1) DOORASHADA MADAXTOOYADU FARSAMO AHAAN UMA QABSOOMI KARTO SANNADKAN 2022 sababtoo ah 66 maalmood ayaa innaga xiga maalinta ugu dambeysa (13/12/2022) wakhtiga uu sharcigu waajibiyey in ay dhacdo Doorashada Madaxtooyadu, waxaana waajib ahayd in KDQ ay cayimaan maalinta Doorashadu qabsoomayso 120 maalmood kahor maalintaas. 54 maalmood kahor - bishii Julaay badhtankeedii - ayey ahayd in la cayimo maalinta doorashadu dhacayso. Sidaas darteed, haddii aanay doorashada Madaxtooyadu farsamo ahaan u qabsoomi karin wakhtigii loo asteeyey in ay qabsoonto. iyadoo xitaa aanay jirin xaaladdaha ku xusan Qod. 42aad iyo 83aad ee dastuurka, wuxuu xeerku waajibinayaa in Golaha Guurtidu uu Muddo-xileedka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka kordhiyo kuna saleeyo wakhtiga ay KDQ soo jeediyaan in ay ku qaban karaan doorashada sida ku cad Qod. 6(3) Xeer Lr. 91/2020. Taasi waa mid kamid ah xaqiiqooyinka runta ah xalkeeduna waa muddo-kordhintaas uu waajibiyey Qod. 6(3) Xeer Lr. 91/2020.

2) DOORASHADA MADAXTOOYADU MA QABSOOMAYSO ILAA LA HELO 3 XISBI OO ANSAX AH sababtoo ah sida ku cad Qod. 62(10) iyo Qod. 63(2) Xeer Lr. 91/2020 shuruudaha Murashaxiinta Doorashada Madaxtooyada waxa kamid ah oo shardi u ah in qofku uu xubin ka yahay iskana soo sharaxay xisbi ansax ah, waxaana liiska murashaxiinta Doorashada Madaxtooyada gudbin kara oo ka qaybgeli kara oo keliya xisbi ansax ah. Xaqiiqada runta ah waxay tahay in 26ka Diisambar 2022 ay dhacayso ruqsada 3da Xisbi oo aanay jirayn Xisbiyo Ansax ah oo ka qaybgeli kara Doorasho Madaxtooyo. Xalkeeduna waa in la helo Xeer Jideeya Doorashada ururrada Siyaasaddeed oo kadibna doorashadaas la qabto. Macnaha waa in marka h**e la qabtaa doorasho ay urrurada/xisbiyadu ku tartamaan oo 3 kamid ah ay Xisbinimo u soo baxaan. 3daas xisbi ee ansaxa noqda uun baa murashaxiintooda Madaxweynenimo iyo kuxigeennadoodu ay u tartami karaan Doorashada Madaxtooyada

3) MAJIRTO DOORASHO SI TOOS AH URRURO LOOGU DOORTO OO XEERARKEENU DOORASHADU AY JIDEEYEEN oo ay xitaa meel keli ah ku xuseen. In Ururro ku tartamaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka ayey xeerarkeenu jideeyeen kumana ay qeexin umana aqoonsana wax ka baxsan doorashada Goleyaasha Deegaanka oo ay ururro ku tartamaan. Doorasho Toos ah oo urrurada lagu kala doorto loona codeynayo ururka laftiisa waa wax qurux badan oo aynu ku kordhin karno xeerarkeena haddaynu danteena u aragno oo ay inna cajabisay. Waxay keliya u baahan tahay waxkabadel lagu sameeyo xeerarka doorashooyinka si loo helo xeer jidaynaya in ay urrurada siyaasaddu ku tartamaan doorasho toos ah oo lagu kala doorto ururrada laftooda. Xaqiiqada runta ahna waa in ilaa waxkabadel iyo kaabis lagu sameeyo xeerarkeena doorashooyinka oo lagu kordhiyo in ururrada siyaasaddu ay ku tartamayaan doorosho toos ah oo loogu kala coddaynayo aanay sharci ahayn doorashadan tooska ah ee ay hadda ururradu isku diiwaangeliyeen. Xalkuna waa in Goleyaasha Xeerdejintu ay wax ka badel iyo kaabis ku sameeyaan xeerarka doorashooyinka kadibna sidaas lagu galo doorashada urrurada markaas kadibna la qabto Doorashada Madaxtooyada.

4) DOORASHADA MADAXTOOYADA IYO TARTANKA URURRADA SIYAASADDA LAYSKUMA SIDKI KARO

Waa run in sida ku cad Qod. 6aad Xeer Lr.91/2020 sharci ahaan ay KDQ mar wada qaban karaan laba doorasho iyo ka badan sida Madaxtooyada iyo wakiillada, Madaxtooyada iyo Deegaanka wakiillada iyo deegaanka ama xitaa Madaxtooyada, wakiillada iyo deegaanka ba isku hal mar ayaa la wada qaban karaa haddii ay haboonaato. Haseyeeshee, xeerarkeena doorashada hadda meelna kagama jirto oo ma aqoonsana doorasho la yidhaa DOORASHADA TOOSKA AH EE URURRADA SIYAASADDA oo 3daas doorasho ee aan sheegay ka baxsan weliba labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiillada marnaba lalama qaban karo ama laguma sidki karo tartanka ay ururradu ugu tartamayaan xisbinimada sababtuna waxay tahay in xeerarka doorashooyinku ay imika dhigayaan in labadaas doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiillada ay ku tartami karaan xisbiyo qaran oo ansax ah. Macquulna maaha in tartankii xisbinimada iyo Doorashooyinkaas ay xisbiyadu ku tartamayaan hal mar la wada qabto. Doorashada keliya ee ay hadda xeerarkeenu bannaynayaan in lagu sidko tartanka ururradu waa Doorashada Goleyaasha Deegaanka. Haddii la maarmi waayo oo ay khasab noqoto se xalka keliya ee la heli karaa waa in wax laga badelo xeerarka doorashooyinka oo la banneeyo in ururada siyaasaddu ay u tartami karaan Doorashada Madaxtooyada, markaas kadib waa laysku sidki karaa doorashada madaxtooyada iyo tartanka ururrada loomana baahanayo urur la doorto ee ururka ku guuleysta Madaxtooyada iyo labada urur ee ku soo xiga codadka – saddexda urur ee ugu codka bata – ayaa noqonaya 3da Xisbi Siyaasaddeed ee dalka 10 sanno ee socda.

DANNEEYEYAASHA IYO DHALIISHOODA

Sida aan kor ku sheegay ee ku cad Qod. 9aad ee Dastuurka JSL “Nidaamka siyaasaddeed ee dalka waxa saldhig u ah NABAD, TALO-WADAAG, DIMUQRAADIYAD iyo HANNAANKA XISBIYADA BADAN” Waxaad moodaa danneeyeyaasha siyaasadda iyo goleyaasha qaranku ba in aanay sidaa u fahamsanayn oo aan afartaas mabda’a marnaba la wada xasuusnayn in ay nidaamkeena siyaasaddeed saldhig u wada yihiin oo inta badan ay dhacdo in dhinac isagoo mid difaacaya uu inta kale ka talaabsado, dhinaca kale sidaas si lamid ah uu u dhaqmo.

MADAXWEYNAHA IYO XUKUMADIISA – Sida ku cad Qod. 90aad ee Dastuurka JSL “Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda” Si uu xilkaas u gudan karo ayaa loo siiyey dhammaan awooddaha kale ee uu dastuurku jideeyey. Waa in uu ogaadaa in TALOWADAAGU uu yahay mabda’ dastuuri ah oo weliba kamid yahay mabaadi'da aasaasiga u ah nidaamkeena siyaasaddeed. Haddii uu TALO-WADAAG la iman waayo oo aanu cidna tallo ka qaadan ha ogaado in uu dastuurka khilaafay oo aanu dadka u sheegi karin in uu sharciga ku dhaqmayo.. Madaxweyne aan TALOWADAAG lahayn.ama ogolayn nabad baan ilaalinayaa ma odhan karo, dimuqraadiyad baan ku dhaqmayaana cid ka rumaysanaysaa majirto. Xaaladan oo kalena waxaa sharci ah oo wax walba ka sarreeya wixii TALOWADAAG lagu go’aamiyo – Ilaahayna SWT wuu ammaanay kuwa TALOWADAAG wax ku go’aamiya “wa amruhum shu’raa baynahum.”

LABADA XISBI MUCAARAD – Ha xasuusnaadaan in mabaadi'da dastuuriga ee nidaamkeena siyaasaddeed saldhiga u ah ay ugu h**eyso uguna mudan tahay NABADU. Waa in ay adeegsadaan nidaamka dawladnimo ama Goleyaasha Qaranka marka ay doonayaan in ay xukumada dariiqa saxda ah ku korjoogteeyaan. Qabsoomida Doorashooyinka waxa ugu muhiimsan in loo adeegsado awoodda iyo kantaroolka Goleyaasha sharci dejineed oo khasbi kara in doorasho ay wakhtigeeda ku dhacdo balse doorasho kuma qabsoomi mayso in hab qabiileysan dadka ay u kiciyaan, carruur iyo haweena bileyska laga horkeeno – NABADA ayuun baa ku wiiqanta, doorashooyinkuna dib ayuun bay u dhacaan. In ay si fiican u adeegsadaan goleyaasha sharci dejinta oo wixii ay ka hortagayaan xeer kaga hortagaan, wixii ay doonayaana xeer ku dhigtaan ayay xukumada ku kaantarooli karaan oo ay mucaaradnimadooduna macno ku samaynaysaa. Haseyeeshee, nasiib-darro intaas xukumadda ayaa fahamsan oo iyaga u adeegsanaysa balse iyagu ma fahamsana.

XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA – Xisbi, qabiil iyo qoys midna k**a wakiil aha, umana ay dhaaraan. Ha ogaadeen in sida ku cad Qod. 39aad Dastuurka JSL ay yihiin “Xubno ka wakiil ah dadweynaha; oo ah Xeer-dejinta dalka, ansixiya xeerarka, oggolaada oo ilaaliya siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka” Xilka saarani waa mid ka culus makarifoonka oo laga hadlo iyo warbaahinta oo laga muuqdo. Mustawahoogu muu ahayn in ay ku sifoobaan Maanta diidda berrina ogolaada, waa ceeb sidaasi. Waa ayo cidda ay ka sugayaan xeerar lagu kala baxo oo xal u noqda muranka siyaasaddeed? Xeerkii Doorashada Ururrada lagu galayey ma qaraarkii Maxk**adda Dastuuriga ayey u aqoonsadeen? Miyaan iyaga laga sugayn? Miyaanay iyaga ahayn kuwii keeni lahaa xalka doorashooyinka Madaxtooyada, Guurtida iyo Tartanka ururrada oo dhammaantood muddo dhaaf noqonaya haddii la gaadho January 2023? Mise xaalkoodu waa ILAAHAYOOW J8D U BIXI? Ha fahmaan in 1) cid aan iyaga ahayni aanay xeer dejin karin 2) Siyaasad guud oo aanay iyagu ogolaana aan dalka lagu hoggaamin karin. Hadday intaas fahamsan yihiin qaraarka maxk**adda dastuuriga ah k**a ay aamuseen, iyadoon xeer jideeyey ba jirin ururro siyaasaddeedna doorasho toos ah oo lagu kala doorto isuma diiwaangeliyeen, xubin ay cod ku diiddeen laguma soo celiyeen oo aqlabiyad kuma ay ansaxiyeen. Markaa iyaga waxaan keliya leeyahay WAX FAHMA WAX BAA HORTA LA FAHMAAYE kahor intaan makrafoon la qabsan, shaashadna aan laga muuqan.

URURRADA SIYAASADDA – Annaga (dadweynaha) ayaad naga mid tihiin, xaq baynu u leenahay in aynu siyaasadda ka qayb-qaadano – la inna doorto, waxna aynu doorano. Waa run saddexdan xisbi ee qaarkood 20 sanno ay ummadda soo hortaagaanaayeen way ka leexdeen nidaamkii sharci ee dalka. Waa xusbiyo reereed oo wakhtigoodii dhacay, ka yeeli mayno in ay iyaga u sii xidhnaato saaxada siyaasaddeed. Hal su’aal ayaan se idinka idin weydiinayaa Maxaad kaga duwan tihiin oo aad soo kordhinaysaan hadday daan goboleysigii iyo qabyaaladii uu dastuurku reebay ka tegin? Doorashadan se Xukumaddu idin tidhi waad ku tartamaysaan xeerkee jideeyey oo loo raacayaa? Xeerarka Doorashooyinka se miyey ka horimanaysaa mise way waafaqsan tahay? Haddaanu jirin xeer doorashada ururrada jideeyey isla markaana aanay waafaqsanayn xeerarka doorashooyinka maxaad yeelaysaan? Miyaad iska gelaysaan? Iyagana waxaan leeyahay Alif koow ku xumaaday, albaqruu ku dhibaaye, waxa maanta innoo daran doorasho aan darjeexahayn oo xeerarkeenu dejiyaan, doorasho loo diyaar yahay, doorasho aan dirsooc jirin, doorasho aan innooga sii darin, isku soo ururriyoo WAXAYNU DOONAYNAA DOORASHO, DOORASHO DHAANTA KUWII H**E. Waxa la idinka rabaa in aad daartaan oolkii ragga idinka dambeeyaa ninba dogob uu kor dhigi lahaa.

QORAALKA OO DHAMMEYSTIRAN KA AKHRI LINKAGAN HOOSE

“Malafsade ha dhaco! Xalaal-maal ha jiro! Dadku waa masee, ha mudh-baxo cadligu!” - Gaarriye (AHUN)

09/10/2021

WAXA DASTUURI AH IN NOOCA DOORASHADA XUBNAHA GOLAHA GUURTIDU AY TAHAY XULUSHO.

Sida ku cad Qod. 58aad ee Dastuurka "Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa
doorasho, habka doorashadana waxa nidaaminaya xeer." Qodobkan waxa ku cad oo keliya in xubnaha Golaha Guurtida la dooranayo, habka ay doorashadaasi u dhacaysana lagu nidaamin doono xeer.

Haseyeeshee, nooca doorashada lagu dooranayo xubnaha Golaha Guurtidu in ay tahay XULASHO oo aanay ahayn doorasho TOOS ah tiraba 3 Qodob oo dastuurka kamid ah ayaa lagu caddeeyey. Waa marka kowaade, Qod. 62aad ee dastuurku marka uu ka hadlayo fadhiga ugu h**eeya ee Golaha Guurtida, wuxuu dhigayaa: "Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 30 maalmood gudahood ka dib maalinta la soo dhamaystiro XULASHADIISA;"

Waa marka labaade, Qod. 68aad ee dastuurku marka uu ka hadlayo waayida xubinnimada Golaha Guurtida, wuxuu dhigayaa: "Xubinta Golaha Guurtidu waxa ay waayi kartaa xubinnimadeeda haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii lagu soo XUSHAY".

Waa marka saddexaade, Qod. 70aad ee dastuurku marka uu ka hadlayo reebannaanta in xubinta Golaha Guurtidu ay qabato xil kale wuxuu dhigayaa: " Xubinta Golaha Guurtida uma bannaana in ay qabato xil kale oo Qaran iyadoo xilkii loo XULAY haysa."

Sidaas darteed, wax madmadow ku jiro oo lagu murmi karo ba maaha in nooca doorashada xubnaha Golaha Guurtida ee dastuuriga ah ay tahay DOORASHO NOOCEEDU YAHAY XULASHO oo aanay ahayn DOORASHO TOOS AH. Habka ay u dhacayso doorashadaasi lagu xulayo xubnaha Golaha Guurtidana sida ku cad Qod. 58aad ee dastuurka waxa lagu nidaaminayaa xeer. Waxaana arrimaha xeerkan lagu faahfaahin doono kamid ah saami-qaybsiga; gobolada ama beelaha kolba midkii lagu saleeyo saamiga, cida xulaysa iwm.

03/10/2021

Labada mooshin ee Golaha Wakiillada maanta la horkeenay ee la taliyeyaasha sharci ee Golahu midna jabiyeen midna ansaxiyeen Golahuna ansaxiyey labadu ba way jabnaayeen oo sharciga ma waafaqsanayn sababtoo ah:

Mooshinka ay la taliyeyaasha sharci iyo Golahu ba ay ansaxiyeen waxa lagu soo jeediyey:

1) wax-ka-badelka Qod. 10aad ee Xeer Lr.23/2019 faqraddahiisa (1,3) iyo (5,2&3) oo dhigaya in derejooyinka degmooyinka Baligubadle, Caynabo iyo Taleex oo ahaa (C) loo dalacsiiyo (B).

Ugu h**eyn, Xildhibaannada Golaha wakiilladu mooshin kuma keeni karaan in degmo la magacaabo ama la dalacsiiyo oo derejadeeda kor loo qaado ama lama dhimo sababtoo ah: waxay khilaafsan tahay mabaad'ida dastuuriga ah ee ku cad Qod. 109 (3) iyo Qod. 112 (3) Dastuurka dalka iyo Qod. 7 iyo 12 ee Xeer Lr. 23/2019 oo dhammaantood waajibinaya in magacaabida, kala xadaynta, wax ka badelka iyo derejooyinka degmooyinku ay ku yimaadaan qiimeyn lagu sameeyo arrimaha ay kamid yihiin baaxada degmada iyo isku filnaanshaha dhaqan-dhaqaale ee degmo kasta oo uu golaha Xukummadu marka h**e ansaxiyo kadibna uu u gudbinayo Golayaasha Baarlamaanka gaar ahaan Wakiillada. Sidaas darteed, haddaanay qiimeyntaasi jirin oo aan la sameyn ba, Golaha Xukumaduna aanu ansaxin una soo gudbin warbixintaas Golaha Wakiillada mooshin laguma keeni karo wax ka badelka derejada degmo lagu dalacsiinayo ama lagu dhimayo. Labada mooshin ee dalacsiinta degmooyinka khuseeyayna sidaas ayaanay sharciga u waafaqsanayn.
2) Arrinta kaabista Qod. 12aad ee xeerka oo mooshinka la ansaxiyey oo ah in kaabis lagu sameeyo Qod. 12aad ee xeerka oo khuseeya qiimeynta iyo wax ka badelka derejooyinka Degmooyinka oo la soo jeediyey in lagu kordhiyo faqrad 3aad oo odhanaysa "haddii Golaha Xukumadu uu Golaha Wakiillada ugu soo gudbin waayo dib u qiimeynta derejooyinka degmooyinka B iyo C muddada 2 sanno ah ee ay waajibisay faqradda 2aad ee qodobkani, Golaha Wakiilladu wuxuu awood u yeelanayaa in uu wax ka badel ku sameeyo derejada degmooyinkan, iyadna laguma kordhin karo Qod. 12aad ee xeerka iyadoo aan la soo jeedin waxna laga badelin faqraddaha 1aad iyo 2aad ee Qod. 12aad oo waajibinaya in wax ka badelka derejooyinka degmooyinka lagu saleeyo loona raaco qiimeynta iyo asbaabahaha ku cad Qod. 109aad Dastuurka JSL iyo Qod. 7aad ee xeerkan sababtoo ah iyadoo faqraddahaasi ay sidaas waajibinayaan dabada lagagama dari karo Golaha Wakiillada ayaa iska kordhin kara derejada degmo asbaab la'aan iyadoo aanay qiimeyni jirin oo waajib gudasho la'aanta Golaha Xukumada laguma xalaalayn karo awood asbaabtaas iyo deraasad technical ah u baahan sababtoo ah Golaha ayey waajib ku tahay oo ay awooddahiisa kamid tahay in uu waajibaadkaas kula xisaabtamo Golaha Xukumada - haddaanu awooddaas ku dhaqmi karin, tu kale oo technical ah isma siin karo.

Hadday dhacday ba oo la ansaxiyey awooddaas goormaa lagu dhaqmayaa oo ay Xildhibaannada Golaha Wakiilladu mooshin ku keeni karaan arrinta ay awoodda u siinayso faqraddan 3aad ee ay soo jeediyeen ee maanta la ansaxiyey? Wixii ka dambeeya Jeenawari 2022-ka sababtoo ah weli may dhammaan muddadii 2 sanno ahayd ee uu Golaha Xukumadu xaqa u lahaa in uu qiimeynta u soo gudbiyo Golaha oo ka bilaabantay 4tii Jeenawari 2020 oo uu xeerku dhaqangalay faafinta rasmiga ahna lagu soo saaray sida waafaqsan Qod. 75 iyo 76 Dastuurka kadib markii uu Madaxweynu saxeexay December 2019, kuna eeg 5ta Jeenawari 2022ka. Sidaas darteed, iyadoo marka h**e mabda'iyan aanay sax ahayn awooddaas uu Golahu isa siiyey, waxa khalad labaad ahayd in aanay xitaa iyadii sideeda ugu dhaqmin oo aanay sugin ba in ay dhammaanayso muddadan 2 sanno ahayd oo ay 3 Bilood hadhsan yihiin, isla maantana ay wax ka badeleen derejooyinkii saddexdaas degmo.

Sidaas darteed, labada mooshin ba qayrul dastuuri iyo sharci-darro ayey ahaayeen, go'aankaas Golahu uu maanta ku ansaxiyey Mooshinkaasna sidaas ayuu u yahay Hal xaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho oo uu sharci ahaan u jaban yahay.

27/10/2020

Elmi Lawfirm is seeking a full-time Office Secretary

24/11/2019

“Malafsade ha dhaco! Xalaal-maal ha jiro! Dadku waa masee, ha mudh-baxo cadligu!” - Gaarriye (AHUN)

19/11/2019

“Malafsade ha dhaco! Xalaal-maal ha jiro! Dadku waa masee, ha mudh-baxo cadligu!” - Gaarriye (AHUN)

09/10/2019

Fadlan Ilaali Xuquuqda Muuqaalkan Dibna Ha U Upload Garayn Hadaanad Amar Ka Haysan Maamulka STAR TV. Hadii Kale STRIKE Ayaa Kugu Dhici Doonta

Address

Afgooye Street
Burco

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ELMI LAW FIRM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to ELMI LAW FIRM:

Share

Category