Garyaqaan: Ahmed dulyar

Garyaqaan: Ahmed dulyar Welcome to the lawyer Ahmed dulyar

Rule of law.
23/07/2023

Rule of law.

Dadka soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska halgameyaashii SYL iyo dhaxalkii wadaniyadeed ee ay uga tageen umada...
29/04/2022

Dadka soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska halgameyaashii SYL iyo dhaxalkii wadaniyadeed ee ay uga tageen umada soomaaliyeed.

Dhalinyaradii SYL waxay ku guulaysteen in ay dadka soomaaliyeed ay ka dulqaadan heeryada gumaystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaqaaqyadii xoraynta dadalka afrika.

Waxaan bogaadinayaa dhiirinagalinayaa doorka wanaagsan ee dhallinyarada soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynata amniga, xoojinta midnimada iyo wacyigalinta bulsheed .

GARYAQAAN: AHMED DULYARE

Mr: riyo-raac ayaa beeniyey in xilka laga qaaday waxaanu soo saaray warsaxafadeedkan
27/04/2022

Mr: riyo-raac ayaa beeniyey in xilka laga qaaday waxaanu soo saaray warsaxafadeedkan

Warsaxafadeed ay soo saareen komishinka doora shooyinka Somaliland ayaa lagu sheegay in xilkii lagaga wareejiyey gudoomi...
27/04/2022

Warsaxafadeed ay soo saareen komishinka doora shooyinka Somaliland ayaa lagu sheegay in xilkii lagaga wareejiyey gudoomiyihi komishinka mr riyo-raac waxaana si aqlibiyada loogu dòortey kaltuun oo ahayd haweenayda kaliya ee ku jirtey komishinka.

Suxufiga malaxidhi  karaa?       Jawaatu waa maya  waxaana damanaadsinaya xeerka saxafada ee dhaqalgalka ah xeer no: 27/...
15/04/2022

Suxufiga malaxidhi karaa?
Jawaatu waa maya waxaana damanaadsinaya xeerka saxafada ee dhaqalgalka ah xeer no: 27/2004 Ma aha mid jidaynaya ciqaab sida darteed xadhig ma utaysan karo.

Sida oo kale Qod:32 ee dastuurka Somaliland ayaa damaanad qaaday xoriyada iyo madax banaanida saxafada iyo rayi dhibashada .

Waxa kale oo xuquuqda iyo xoriyada saxafada dhawray Qod:19 ee baaqa xuquuqul aadanaha iyo Qod: 19 ee xuqusda siyaasiga iyo madani ee caalamiga ah.

Sida darateed waa meel ka dhac sharafeed iyo bani aadantinimo in ay wali xidhan yihiin suxufiyiintii xirfadooda lagu eersaday.

Qore: Ahmed Dulyar

Uyeedhida gollaha wakiladu ay u yeedhaan masuulka ay u baahdaan waxay la mid tahay, u yeedhida maxak**ada waxaana ka dha...
07/02/2022

Uyeedhida gollaha wakiladu ay u yeedhaan masuulka ay u baahdaan waxay la mid tahay, u yeedhida maxak**ada waxaana ka dhalanaysa amar diidadaa ciqaab waayo waa dastuur jabin cad oo loo badheedhay oo ku talo gal ah.
Sidaas darteed waa in golluhu kalsoonida kala laabta una gudbiyaa xafiiska xeer ilaalinta lanasoo eedeeyaa.

"QAAB NOOCEE AH AYAA LOO SOO   DOORANAYAA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND  ?"Sida uu dhigayo dastuurka jamuriyada Somaliland ...
24/11/2021

"QAAB NOOCEE AH AYAA LOO SOO DOORANAYAA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND ?"

Sida uu dhigayo dastuurka jamuriyada Somaliland waxa lagu soo dooranayaa xubnaha gollaha guurtida "HAB XULASHO AH" oo aan hahayn doorasho toos ah.
Sida ku cad Qodobada:_

●Qod: 62 aad; Fadhiga ugu h**eeya ee golaha guurtidu waxa uu qabsoomayaa 30 maalmood gudohood ka dib maalinta la soo dhamaystiro XULASHADOODA.

●Qod; 68 aad (farqada 1aad). Xubinta golaha guurtidu waxay waayi kartaa xubinimadeeda hadii ay burto shuruud ka mid ah shuruduhii lagu soo XUSHAY.

●Qod 70 aad: xubinta golaha guurtida uma banaana in ay qabato xil kale oo qaran iyada oo xilkii loo XULAY HAYSA.

Sida daraadeed dhamaan qodobadaasi waxa ay cadaynayaan habka loo soo dooranayo xubnaha gollaha guurtidu in ay tahay XULASHO.
Qodobka 58aad ee dastuurka jamuuriyada Somaliland waxa uu si cad u sheegayaa in uu xeer qeexi doono habka loo soo dooranayo xubnaha gollaha guurtida Somaliland, xeer kaasna k**a hor iman karo qodabada dastuurka ee 62aad, 68aad, iyo 70aad.

ALLA MAHAD LLEH
QORE: Ahmed Awil Farah (Dulyar)

"Awoodda Golaha Wakiillada Ee Waxka-beddelka  Xeerka dhaqan-gal ah"Awoodaha waaxaha kala duwan ee dawladda ma isugu ware...
23/11/2021

"Awoodda Golaha Wakiillada Ee Waxka-beddelka Xeerka dhaqan-gal ah"

Awoodaha waaxaha kala duwan ee dawladda ma isugu wareejin karaa xeer?
marka h**e awoodaha waaxaha dawladda waxaa jideeyay dastuurka oo mid walba faahfaahiyay awooddeeda, laakiin awoodaha aan dastuurku si gaar ah u cayimin ama aanu u reebin in aanay u wareegi karin waax kale iyada oo aynu mabda’a ahaan kor ku tilmaannay in awoodaha waaxaha dawladdu is-dhammaystiraan, haddaba, xeer gaar ah waa lagu tilmaami karaa haddii waax si gaar ah xeer waajib u saaray ay u gudan waydo si waafaqsan xeerka in waaxda kale dhammaystirto si aan xaaladda qodobku meesha uga bixin, tusaale haddii ay timaaddo khatar amni oo baahsan ama cudurrada faafa isla markaana aanau madaxweynu ka gudan waajibkiisa ku tilmaaman qodobka 92aad ee dastuurka, golayaasha xeer-dejinta waxaa u bannaan in ay xeer deg-deg ah ka soo saaraan, xeerkaasi oo dabci ahaan la mid oqonaya xeerarka kale ee dhaqan-galka ah.

Go’aanka golaha wakiillada ee ay ugu codeeyeen waxka-beddelka iyo kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka gaar ahaan qodobbadiisa 10(1aad iyo 5aad) iyo 12aad wuxuu marayaa hab-raacii xeer-dejinta wuxuuna u gudbayaa golaha guurtida si waafaqsan qodobka 78(1aad) ee dastuurka wuxuuna dhaqan-gal noqonayaa marka uu jaran-jarada xeer-dejinta wada maro.

Gebagabadii, Xafiiska Garyaqaanka Guud oo aan ku aasaasnayn xeer gaar ah isla markaana aan lagu xusin waajibaadkiisa qodob gaar ah oo ku jira xeer dhaqan-gal ah, wuxuu leeyahay dabci maamul shaqadiisuna waxay ku kooban tahay la-talinta xukuumadda iyo laamaheeda kala duwan, sidaa awgeed waxaa habboon in xafiisku ku koobnaado hawshiisa, xafiisku wuxuu u tallaabay awooddii xeer-dejinta ee golayaasha iyada oo aan waxka-beddelka iyo kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka aanu ka gudbin golayaasha xeer-dejinta isla markaana aanu gaadhin madaxweynah JSL.

ALLA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Hirad Jaamac
La-taliyaha Sharci Ee Golaha Wakiillada JSL

DHAMAAD

Heshiishyada shaqaalaha ( Employment Contracts ).Sida uu dhigayo xeerka shaqaallaha rayidka ah ee Somaliland xeer no:31/...
23/11/2021

Heshiishyada shaqaalaha ( Employment Contracts ).

Sida uu dhigayo xeerka shaqaallaha rayidka ah ee Somaliland xeer no:31/2020 waa in shaqeeyaha iyo loo shaqeeyuhu wada gallaan heshiish (contract) sida ay qeexayaan qodobada :_

■ Article 27 : heshiishyada shaqada ( contract employment ).

■Article 28 : Nooca heshiishyada shaqo (types of employment contracts).

■ Article 29 : Burinta heshiishyada shaqo (annulment of the employment contracts ).

■ Article 30 :Nuqulka heshiishyada shaqo (copies of the employment contract)

■ Article 31 :shuruudaha iyo waqtiga farsamo baradka (conditions and period of apprenticeships training).

■ Article 32 : Shuruudaha heshiishka farsamo baradka (conditions of apprenticeships contract ).

■ Article 33 : diwaangalinta shaqaallaha iyo heshiishka shaqo (registration of employees and employment contracts ).

●Hadaba shaqaallha rayidka ah iyo loo shaqeeyayaashu ma ku wacyi gashan yihiin xeerkan ?

Qore: Ahmed Awil Farah {dulyar}

"Awoodda Golaha Wakiillada Ee Waxka-beddelka  Xeerka Dhaqan-gal ah?Faqradda 1aad ee xeerku waxay si guud uga hadlaysaa q...
21/11/2021

"Awoodda Golaha Wakiillada Ee Waxka-beddelka Xeerka Dhaqan-gal ah?

Faqradda 1aad ee xeerku waxay si guud uga hadlaysaa qaab-dhismeedka guud ee dalka JSL, halka faqradda 2aad ee Isla qodobku, waxay tilmamaysaa in xeer lagu jidaynayo qiimaynta iyo beddelida darajooyinka, xeeraaksi oo ah isla xeerka goluhu ku sameeyay waxka-beddelka iyo kaabista ee ah waxka-beddelka xeerka Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer.Lr/23/2021 isaga oo ka duulaya qodobbada 74aad, 77aad iyo 78aad ee dastuurka iyo hab-raaca xeer-dejinta ee xeer-hosaadka Xeer.Lr.01/2021 ku tilmaaman.

Faqradda 3aad, waxay si guud u tilmaamaysaa in xukuumaddu qiimayso waxka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka iyo xududahooda isla markaana ay golayaasha xeer-dejintu ka ogolaadaan.

Sidaa awgeed, Qodobka 109aad ee dastuurku muu jaangoyn hannaanka lagu qiimaynayo darajada degmooyinka iyo awoodda golayaasha xeer-dejinta haddii xukuumaddau ku qiiman waydo muddada xeerku siiyay, waana sababta keentay in Qodobka 12aad ee Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer.Lr.23/2021 lagu kaabo faqrad u dhigan sidan,

Haddii xukuumaddu ku qiimayn waydo derajooyinka degomooyinka B iyo C muddada faqradda 2aad ku tilmaaman, golaha wakaiilladu wuxuu awood u leeyhay in uu derejo beddel ku samayn karo degmooyinka B iyo C haddii sidaa ay soo jeediyaan mudanayaal aan tiradoodu ka yarayn 11 mudane, iyada oo soojeedinta mudanayashu ay ku ansaxayso cod hal-dheeri ah.

Laa soco qaybta sadexaad iyo habeen danbe.

"Awoodda Golaha Wakiillada Ee Waxka-beddelka  Xeerka Dhaqan-gal ah?Ugu horrayn Golaha Wakiilkada oo leh tilmaamaha ku fa...
20/11/2021

"Awoodda Golaha Wakiillada Ee Waxka-beddelka Xeerka Dhaqan-gal ah?

Ugu horrayn Golaha Wakiilkada oo leh tilmaamaha ku faahfaahsan qodobka 39aad Ee Dastuurka, wuxuu leeyahay waajibaad dastuuri ah oo u gaar ah, hannaanka xil-gudashadisana waxaa jideeyay qodobbo ku filiqsan dastuurka, isla markaana wuxuu hab-raaca xil-guadashadiisa u maraa si waafaqsan xeer-hoosaadka Xeer.Lr.01/2021, dastuurka iyo xeerarka kale ee dhaqan-galka ah.

Waaxaha dawladda (Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka) mid waliba waxay leedahay awood dastuurku ku waajibiyay oo u gaar ah sida ku xusan qodobka 37aad ee dastuurka, mabda’a ahaan iyada oo la tixgalinayo kala xadaynta awoodaha dastuurku mid walba ku waajibiyay si waafaqsan qodobka kor ku xusan, waaxaha dawladdu waxay leeyihiin is-dhammaystir (Inter-complimentary Point), nuxur ahaanna tilmaamaysa in waajibaadka waax kastaa ka bilaambanto awood u gaar ah isla markaana hay’ad kale ku dhammaato waana sababta awoodo u gaar ah fulinta ay mararka qaarkood timaaddo in garsoorku ama golayaasha xeer-dejintu ku waajibiyaan fuinta awooddii ay h**e u lahayd ee aanay gudan iyada oo raacaysa isla markaana u hoggaansamaysa dabaciga go’aanka danbe ee hay’adda kale soo saartay,

Shuruudaha qiimaynta ee ku tilmaaman qodobka 8aad ee Waxka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer.Lr/23/2021 waxaa xeerku awood u siiyay fulinta iyada oo laga duulayo qodobka 109aad ee dastuurka, oo nuxur ahaan u dhigan sidan.

1. DaIka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka kooban yahay gobollo; gobol kastaana waxa uu u sii qaybsamaa degmooyin.
2. Dhismaha gobollada iyo degmooyinka, xuduudohooda iyo darajooyinkooda xeer baa tilmaamaya.
3. Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda, iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.

La socod qaybta labaad habeen danbe ......................

Ku tacadiga shaqaallah rayidka ah iyo ku  tumashada xeerka shaqaallaha rayidka ah Somaliland waxa ay leedahay xeerka lag...
20/11/2021

Ku tacadiga shaqaallah rayidka ah iyo ku tumashada xeerka shaqaallaha rayidka ah

Somaliland waxa ay leedahay xeerka lagu illaaliyo xuquuqda shaqaallaha rayidka ah (XEER NO:31 /2020 kaas oo damaanad qaadaya xuquuqaadka shaqaallaha, loo shaqeeyaha iyo doorka dawladu ku leedahay goobaha shaqo, taas oo jirta hadana waxa jira dhibaatooyin badan oo haysta shaqaallaha rayidka ah ku waas oo shaqeeya saacado ka badan sacadaha uu xeerku waajibinayo sida:_
●Qod 11aad : sacadaha caadiga ah ee shaqadu waa 8 saac malintii (Normal hour's of work).
●Qod 12 aad : shaqada dheeraadka ah (Overtime work).
●Qod 13 aad : shaqada habeenimo (Night work).
Sidoo kale xeerku waxa uu damaanad qaadayaa xaqa ku biirida urudada shaqaalaha iyo samaysashadooda sida ay dhigayaan
Qodobada 65 iyo 66 ee xeerka shaqaallaha rayidka ah.
Akhriste ma kugu dhaceen dhibaatooyinkan aan ka soo hadalnay ?

Address

Dalwanaaje
Burco
252

Telephone

+252634284095

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garyaqaan: Ahmed dulyar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Garyaqaan: Ahmed dulyar:

Share

Category