Abdifitah Tolwaye

Abdifitah Tolwaye وأفوض أمري إلى الله إن الله بصير بالعباد * Ku xirnow Bartaan si aad u hesho warbixin joogta ah.

25/04/2026

Kala nasiib badan Ugaaska Xawaadle iyo Ugaaska Murusade sida loo caleema saaray Labada Ugaas.

Madaxweynihii h**e ee Puntland, Cabdiweli Gaas: "Nidaamka federaalisimka dalka waxa halleeyey maamul-goboleedyada oo noq...
15/04/2026

Madaxweynihii h**e ee Puntland, Cabdiweli Gaas:
"Nidaamka federaalisimka dalka waxa halleeyey maamul-goboleedyada oo noqday maxmiyado, awooddii Xamar laga soo qaaday waxay ku haystaan Garoowe, Kismaayo & Baydhabo; shaqsiyaad ayaa ku tagri falaya dowladnimada, shacabkiina waxay u sheegeen in Dowladda-dhexe cadow u tahay.. hoggaamiyaasha gobolladu keligood baa taliya isla inta ay Xamar kaga cabanayaan ayey samaynayaan."
Waa xaqiiqa dhab ah.

13/04/2026

Waa xaqiiiqa dhab ah

12/04/2026

Dowlada Somalia maanta aduunka waxay tustay Talaabada laqaaday ee dhanka Ciidanka kuwa ay quruxdaasu dhibeyso waxay noogu bedeli lahaayeen hanoosheegaan.?
Guul Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed.

09/04/2026

Saciid Cabdulahi Deni waa murashaxa Madaxweyne Somaliyeed ee aaminsan in Puntland ay leedahay Ciidamo iyo Nadaam ka madax banaan Dowladnimada Somaliyeed isagoo xitaa Aamin in aysan xukumin Dowlada dhaxe.

Waxa layaab ah in uu maanta la waramay ciidama deegaankiisa ah isagoo Cadowga uu ku guubaabinyay ay kamid aheyd waxyaabaha ka socda Somalia in ay ka difaaan Puntland.
Siyaasada Deni ee ku saleysan Coleytanka waxay ka fogeysay Dowlada Federalka Somalia waxay ka diday Shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliyeed waxaana haboon in uu ku milmo siyaasada Somalia sida maamulada kale.

Waa nasiib darro in Hogaamiye deegaan Somaliyeed ku guubaabiyo 2026 Ciidamada Deegaankiisa aragti ka dhan ah Somalinimada iyo wada noolaashaha.

09/04/2026

Dadka Somaliyeed waxay arkayaan barwaaqada Shidaalka Somalia lasoo bixi doonto.
Mahadsanid Tukish Government.

06/04/2026

𝙐𝙟𝙚𝙚𝙙𝙤 𝘽𝙖𝙖𝙛𝙞𝙣 𝘿𝙚𝙜 𝘿𝙚𝙜 𝙖𝙝:
Maxkamadda Gobolka Hiiraan Iyada oo Cuskaneysa Qodobada :108 aad iyo 121 aad ee Xeerka habka madaniga Soomaaliyeed waxay ku wargalineysa 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐓𝐢𝐟𝐨𝐰'Deggan Beledweyne in dacwo madani ah ay ka taalo Maxkamadda Gobolka Hiiraan kalana dhaxeysa dadka kala ah:
1-𝐃𝐚𝐚𝐮𝐝 𝐂𝐢𝐢𝐬𝐞 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤 2-𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐢𝐬𝐞 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐫𝐤'
3-𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 4- 𝐒𝐚𝐱𝐝𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 uu qareen u yahay abuukate:𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗙𝗶𝘁𝗮𝗮𝘅 𝗫𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶 𝗖𝘂𝘀𝗺𝗮𝗻.
Waxay Maxkamaddu fareysa Cumar Cabdi Tifow in muddo 15 cisho gudahood uu ku horyimaado Maxkamada kana bilaabaneysa 05/04/2026 -kuna Eg 20/4/2026.

𝗗𝗛𝗔𝗠𝗔𝗔𝗗.

30/03/2026

Laftagareen siyaasi bisil ma aheyn, laakin waxuu ahaa nin Garanaya sida Qabiilkiisa loo guubaabiyo.
Waxuu ahaa ninka Siyaasiyiinta Raxanweyn dhamaantood weeraray oo Guyahooda ka qaatay waxii agab u yiilay.
Laftagareen waxuu siyaasada ka saaray jilba weyntii Siyaasada Koonfur Galbeed sida Jawaari, Muudeey, iikar iyo Dalxa.
Laftagareen waxuu saaxada ka ilaaliyay rag hada ugu saameynta badan Siyaasada Federalka sida wasiirada Robow, wasiir Cabduqadir, Wasiir Eelay iyo Ilyas oo hada ah safiirka East Africa.
Laftagareen waxuu ku tagay Kursiga dhiig waxaa sababtiisa Xabsi loo dhigay wasiir Roobow walina boogtaas lama daaweyn.
Dhibaatooyinkaas oo is biirsaday Laftagareen waxay ka dhigtay mid beylah siyaasadeed ah balse Hassan Sheikh Mohamud ayaa huwiyay gabaad siyaasdeed mudo dhowr sana ah iyadiina waa uu ka hoos baxay taasina waxay dhigtay halka uu maanta yaalo.
Ugu dambeyn Hassan waa guuleestay hadii dalku aado Doorasho Dadban iyo mid toos ahba.
Mucaarad waxaa horyaala doomaha dootashaad midaa dootaan kala doorta.

28/03/2026

Hadiiba Sharif Sheikh Ahmed iyo Farmaajo doorasha u yaqaanaan waxa Baydhaba ka dhacay waaba wax wanaagsan, Hassan Sheikh Mohamud ayeey u shaqeeynayaan kuna dhiiri geljnayaan in uu sameeyo wax sidaa lamid ah.
Waxaa marqaati madoonta ah in Somalia aysan Dowladnima ka dhalan doonin hadii la aqbalo waxa Baydhaba maanta ka dhacay Reer kasta Tuuladooda ha isku caana shibaan.

Hassan Sheikh Mohamud waxa lagu dooranayaa sida lagu doortay Laftagareen, Deni iyo Ahmed Madoobe mana jiridoonto cid war...
28/03/2026

Hassan Sheikh Mohamud waxa lagu dooranayaa sida lagu doortay Laftagareen, Deni iyo Ahmed Madoobe mana jiridoonto cid war ka keeni karta Sharcida Madaxweynaha Somalia ee soosocda sababtoo ah cida aqbasho doorashadii Deni, Madoobe iyo Laftagareen wey ku qasbantahay in aqbasho Doorsahada nuucaan ah.

Garnaqsi

27/03/2026

Dowlada Somalia waxay naleedahay suura gal maaha in heshiis iyo wada xaajood siyaasadeed dalkoo dhan lagu wada xukumo.
Waa in Dowladnimada ay lahaataa awood wax go'aamisa sida dunidaba ka jirta.
Suasha mudan in leesweydiiyo, Somalia 30 sano waxay ku jirtay siyaasad Farfar ku taag ah, dadka Somaliyeed waxa lagusoo maaweeliyay ereyada kala ah Road map, Chatter, Political transition, incomplete Constitution and inclusive policies waxaas oo dhan waxa injineera ka ahaa Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah siyaasiyiin Somaliyeed oo Somalinimo dooneyn laakin kursi doon ahaa, sidaa daraadeed
Hadaba ma jirtaa hal go,aan masiiri ah o Dowlada Federalka Somalia ku gaartay wada xaajood gudaha ah dalkana ay ku xukunto?.
Jawaabta dadka Somaliyeed ayaa masuul ka ah.
Hada Dowlada Federalka Somalia waxay na leedahay suura gal maahan in dalkoo dhan lagu xukumo wadar ogol waa in ay jiraan go,aanna qaraar oo ay qaadan karto Dowlada Federalka Somalia si ay dalka u xukunto.

Cashar.

Address

Beledweyne Base
Beledweyne
AJIINAREA

Telephone

+252616420280

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifitah Tolwaye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abdifitah Tolwaye:

Share