Moha Sultan Realty

Moha Sultan Realty Nairobi Rentals & Sales Expert 🏡🇰🇪
✅Specializing in Kilimani, Parklands, Westlands, Kileleshwa, Lavington, South C
✅DM for apartments & shops

Guri Villa ah oo kiro ah xaafada Parklands Nairobi
16/01/2025

Guri Villa ah oo kiro ah xaafada Parklands Nairobi

TikTok | Make Your Day

13/11/2024

Maal gashi ku samayso guryaha Nairobi, gaar ahaan iibso labo qol iyo hal qol iyo fadhi, si aad u hesho il dhaqaale oo joogto.

30/06/2023

Nasiibku waa marka gabar aad jeceshahay ay iyaduna aad kuu jeceshahay. Gabadha aabaheed baad saaxiibo tihiin, oo wuxuu kuu arkaa wiil uu dhalay oo kale. Kuma uu oga in aad gabadhiisa jeceshahay, iyaduna kuma oga in aad aabaheed saaxiibo tihiin. Waxay maalin kugu tiri: aabahay waxaan ka baqayaa in uu ku waydiiyo lacag badan oo aadan bixin karin.

Gabadha aabaheed idinkoo galab meherad shaah ka cabbaya buu isna kugu yiri: waxaa ii joogta gabar aan dhalay. Nin wanaagsan baan uraadinayay, ka warran haddii aan kugu daro. Odaygii wuxuu kuu sheegay in uusan kharash iyo waxba kugu xujaynayn, marba haddii ay iyadu ku aqbasho ama ay iydu kugu qanacdo.

Ugu dambayn odaygii wuxuu utagay gabadhii, oo uu usheegayaa in uu soo helay wiil aad u wanaagsan oo isagoo kale ay adag tahay in la helo sabankaan. Gabadhii way ku gacan sayrtay, iyadoo usheegaysa aabaheed in ay wiil kale xiriir la leedahay. Odaygii oo ka xun diidamadeeda baa usheegay gabadhiisa in ay la kulansiiso wiilka ay iscalmadeen, si uu uqiimeeyo.

Gabadhii qaday gurigooda ugu samaysay wiilkii ay caashaqday. Odaygii iyo gabadhii siday usugayeen wiilkii martida ahaa, hal mar buu iridda ka soo galay. Waa isla adigii. Odayga saaxiibkiis iyo gabadha jacaylkeeda. Isku hal qof baad noqotay. Odaygii iyo gabadhii baa is dhugtay yaab dartii. Mid kasta wuxuu u haystay in uu riyoonayo. Yaab iyo amakaag kaddib, odaygii baa usheegay in wiilka uu usheegayay uu kan yahay. Nasiibku waa midkaas. Gabadha aad la sheekaysatid aabaheed saaxiib la noqo, si uu nasiibkaas oo kale kuu soo maro.

28/06/2023

Xaqul ciidka meel aan idiinku soo hagaajiyo ii sheega saaxiibayaal.

27/06/2023

Ciid mubaarak walaalayaal.

27/06/2023

Maanta waa maalin aad uqiimo badan. Qofkeenna ma hubo in maalintan maalinteeda uu gaarayo, sababtoo cidna damaanad inooma aysan siin gaariddeeda. Sidaa awged, qofkii maanta soomay intii karaankiisa ah ha uga faa'idaysto. Hurdada badan hala iska daayo, sababtoo ah hurdo habar ma koriso. Beenta, xanta, khiyaanada iyo hadallada maalaayacniga ahna sidoo kale.

26/06/2023

Cuqdadda iyo nacaybku waa maxsuulka iyo natiijada ka soo baxda filashada badan ee qofka. Qofku in uu naftiisa nacayb uqaado waxay sababtaa kalsooni darro iyo in qofku uu hoosayn dareemo. Waxay keentaa In qofku uu naftiisa ku cadaabo isbarbardhigga dadka iyo canaan joogto ah. In ugu dambayn qofku uuba aamino in uusan wax qiime ah lahayn, oo dadka uu ka hooseeyo.

Sababtuna waa in uu qofku naftiisa nacayb iyo cuqdad uqaaday. Nacaybka iyo cuqdaddana waxaa keena filashooyinka badan. Qofku in uu naftiisa wax badan ka fisho; in uu ka fisho in ay markasta saxsanaato, in ay cid kaste jeclaato, in ay dhammaaystirnaato iyo filashooyin kale oo badanba.

Waa in qofku uu hoos udhigo filashooyinka uu naftiisa ka qabo. Filashada naftaada aad ka qabtid oo aad yaraysid waxay sare uqaadaysaa jacaylka iyo ahmiyadda aad naftaada u haysid. Isku daygaagu wuu badanayaa, sababtoo ah naftaada k**a filanaysid natiijo dag dag ah. Marka aad khaldantid waad isku cududaaraysaa, sababtoo ah naftaada k**a filanaysid in ay markasta saxsanaato. Wixii aadan aqoon ulahayn cilmigoodaad raadsanaysaa, sababtoo ah naftaada k**a filanaysid in ay su'aal kasta jawaab u hayso.

25/06/2023

Ninka ragga ah marka uu dareenkiis galmo iyo shahwadiisa ka adkaado oo uu xakameeyo, wuxuu ogaanayaa in dumarka qaar ay xambaarsan yihiin tayooyin iyo hadiyado rabbaani ah oo ka baxsan muuqaalkooda, quruxdooda iyo jirkooda. Dumarku in aysan ahayn wax galmo kaliya loo abuuray ee ay yihiin awood iyo qurux muhiim u ah jiritaankeenna. Dumarka qaar waxay xambaarsan yihiin hadiyado lagama maarmaan u ah helidda xiriir qoto dheer oo raaxo iyo quruxba leh.

Hadiyadahaas waxaa kamid noqon kara caqliga, garashada, fahamka, naxariista, qiyamka, wehel yeelidda, caawinta, taageeridda, naf hurnimada, dhiirri-galinta, aaminaadda iyo intimacy-ga. Hadiyadahaasi waxay muhiim u yihiin ninka ragga ah ruuxdiisa, ahdaaftiisa iyo horumarkiisaba.

Sida kaliya ee ninku uu tayooyinkaas iyo hadiyadaas ku heli karo waa in uu dareenkiisa iyo qooqiisa xakameeyaa oo aysan ka tan badin, oo muuqaalka iyo quruxda dumarku aysan indha sarcaadin. Waxaa jira wax ka weeyn kana nacfi badan muuqaalka iyo quruxda oo gabadhu xambaarsan tahay.

23/06/2023

Waxaan bartay in nolosha wax kasta suuragal yihiin, sidoo kalana, aysan jirin nolosha wax damaanad leh. Xittaa caafimaadkeenna, lixaadkeenna iyo nolosheenuba damaanad maleh. Saacad kaste baynu dhiman karnaa. Saacad kaste baynu caafimaadkeenna waayi karnaa. Saacad kaste baynu dhibaatoon karnaa. Waxa kaliya ee damaanadda leh nolosha waa geerida, oo aysan shaki ku jirin in aynu maalin un dhiman doonno.

Badanaa nimcooyinka uu Ilaahay ina siiyay waan is lahay siinnay. Waxaan ka dhiganay wax aynu waligeen haysan doonno. Sidaas awgeed waxaynu raadinaynaa dheeri. Aynu raadinno ma xuma, laakiin waxaynu hilmaamaynaa wixii aynu haysannay. Waxaynu qanaaco darro ku dareemaynaa nolosha, innagoo uu Ilahay nimcooyin badan ina siiyay. Sababtu waa in aynu aaminnay in waxa aynu haysanno ay damaanad leeyihiin, oo aynaan waligeenba waayi doonin. Waa muhiim in ay ku baraarugsanaano, in nolosha aysan jirin wax damaanad leh, oo la inoo ballan qaaday in aynu waligeen haysan doonno.

21/06/2023

Khaladka ugu weeyn ee aynu samayno marka aynu dadka la macaamilayno waa in aynu dadka qaar u aragno kuwo wada wanaagsan, qaar kalena kuwo wada xun. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay in uusan jirin qof wada xun iyo qof wada wanaagsan.

Qof kastaa wuxuu leeyahay dhinac xun oo shar ah iyo dhinac wanaagsan oo khayr ah. Waa in aynu qof kasta ka dhex aragno sharta iyo khayrka ku dhex kaydsan, oo aynaan dhinacna ubadan. Taasna waa astaan muujinaysa qofku in uu banii'aadam yahay. Waa xaqiiqo la doonayo in aynu dadka iyo nafaheennaba ku qaabilno.

Waa in aadan isku arkin qof wada wanaagsan, ama qof wada xun. Waayo waxaad leedahay dhinac wanaagsan oo khayr ah, iyo dhinac xun oo shar ah. Waxaad leedahay dhinac dabiib ah oo dadka waxtar uleh, iyo dhinac toxic ah oo dadka dhaawaca. Dadka kale oo dhanna waa sidaas.

Address

Lenana Road
Kilimani

Opening Hours

Monday 09:00 - 22:00
Tuesday 09:00 - 22:00
Wednesday 09:00 - 22:00
Thursday 09:00 - 22:00
Friday 07:00 - 22:00
Saturday 09:00 - 22:00

Telephone

+905523466735

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Moha Sultan Realty posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category