Wali mohamud hinaagow

Wali mohamud hinaagow πŸ™πŸ™πŸ™

04/08/2026

WAR DEG DEGA.
Waxaa la shaaciyay natiijada ardayda u fadhiistay imtixaanka fasalka 6aad iyo 8aad. Hoos ka akhriso.

Fasalka 6aad:
Ardayda fadhiistay: 32,487
Ardayda gudubtay: 29, 879

Fasalka 8aad:
Ardayda fadhiistay; 28, 275
Ardayda gudubtay; 23,939

04/08/2026

Waxaa jirtay xog ilaa shalay dadka lagu dhex tuuray oo tibaaxaysa in Wasiirka Qorsheynta DDS Cumar Faaruq, uu is casilay. waxaan eegayna siddey ku timid iyo halka laga soo riixay.

Dhawaan waxaa socotay qorsheynta Miisanniyada Deeganka. Xafiisyada wasiirada jooge waxay badi isku hawlayeen in dhaqaalle xooggan loo qabto xafiskiisa iyo meesha uu ka soo jeedo- tuulladooda Arrintas waxay keentay in qof walba Loby- sameysto oo uu madaxwaymaha la hoos ordo qorshe u gaar ah.

Wasiir Faaruq, oo xafiiska qorsheynta haysta ayaa hawshaas ka biyo diidday. Shir la galay ayuu soo jeediyay in qorshe lagu salleeyo miisanniyada- oo aan ergooyin iyo masuul masuul loo O'lalaysan. Wuxuu tilmaamay in xafiiskoodu hayo qorshihii baahida Deeganka iyo jihada ay tahay in loo qoondeyo Miisanniyada. Cumar, wuxuu tallo u soo jeediyay in Deeganku yeesho jiho miisanniyada loo qoondeyo oo ku salleysan baahida.
Kulankas wasiiro arrintas ka biyo diidsanaa ayaa dooddo ka keenay. Faaruq, ayaa se doodda kuleelayay oo dhahay ma aha in ay Loby ku salleyno miisanniyada.

Dooddas gudaha Kaabinega ah markay dhacday ayaa waxaa bannaanka u baxday xog tibaaxaysa inuu shaqadii ka tagay. Lama garan karo cidda suuqa gelisay, laakin waxaa la hubaa in ay jiraan wasiiro waawayn oo ay ku kala arragti duwan yihiin qorsheynta Miisanniyada. Ilaa hadama ma jirto meel uu isku casilay sidda Ilo-xog ogaal ah noo xaqiijiyeen.

04/08/2026

Address

Jigjiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wali mohamud hinaagow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Wali mohamud hinaagow:

Shortcuts

Share