Samadeeq Institute for Studies And Research

Samadeeq Institute for Studies And Research Machadka SAMADEEQ ee Daraasaatka iyo Cilmi baarista ,waa Machad madax banaan oo ka qeyb qaata samayn

Waxaa lagu aasaasay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose, Soomaaliya,bishii July
7-deeda, 2020, feker ka yimid koox
khubaro ah iyo cilmi baarayaal ka socda noocyada kala duwan ee Culuumta; iyadoo ujeedka ugu weyn ee Aasaasidda Machadka SAMADEEQ ay tahay:
● Horumarinta cilmi-baarista iyo daraasaatka lagu sameynayo qeybaha sayniska iyo cilmiga, gaar ahaan dhinacyada: Bani-aadannimada, Arrimah

a bulshada,Sharciga, daraasaynta mustaqbalka, iyo qeybaha kala duwan ee waxqabadyada Aasaasiga ah.
● Taageeridda iyo dhiirro galinta baarayaasha kala duwan, sida: Ardayda, Aqoonyahanada iyo cilmi baadheyaasha kala duwan ee xiisaynaya horumarinta Mashruucyadooda cilmiga, tacliinta iyo cilmi baaristaba.

03/07/2021

Ballanteenu waa ka shaqeynta Samaanta iyo nooleynteedaba!!

Waa qaar kamid ah Boqortooyooyinkii Soo maray Soomaaliya.Waxaan isku dayi doonnaa inshaa allaah inaan wax badan baadhita...
13/09/2020

Waa qaar kamid ah Boqortooyooyinkii Soo maray Soomaaliya.
Waxaan isku dayi doonnaa inshaa allaah inaan wax badan baadhitaan ku samayno sooyaalkooda inshaa allaah

08/09/2020

☆ Qoys hagaagay waa Qaran hagaagay!!

::::: Guryaha Farxadda leh waxaa kasoo baxa carruur faraxsan oo adduunka dhan farxad ku kooba.

Farxaddu waa tiir ka mid ah tiirarka caafimaadka, sidaa darteed haddii ay farxaddu ka maqnaato jawiga guriga, waxaa Jira cudur soo dhex galay gurigaas, oo beddelay farxadda, Cudurkaasoo keeni kara dumidda qoyska- waa cudurka lagu magacaabo: Khilaaf, waxaase muhiim ah in la daba galo waxa keenay cudurkaas, iyo u ded degidda hab xalinta khilaafkaas.
Dunida oo dhan ma jiro meel lala barbardhigi karo guri farxad leh oo qurux iyo raaxo leh, sida uu Andersen ku sheegay buugiisa (Dariiqaaga Caafimaadka iyo Farxaddaada); Meel kasta oo aan safar ku tagno iyo meel kasta oo aan joogno, ma helno guri ka fiican kan hadhka farxadda leh dul hoganaya.
Farxad iyo Guri waa laba eray oo macno ahaan isku macno sameyn karaya, waa haddii ay aabaha iyo hooyada is ogolaadaan, is ogaadaan, isna qaddariyaan, Xaqqa qoysnimadana ilaaliyaan, Waxaa markaa xaqiiq ah inay taa u horseedi doonto qoyskan nolol barakaysan oo sax ah.
Guri farxad leh waa guri aan laga dhex helin wax khilaaf ah ama isku dhac ah, oo aan laga maqal hadalada xanafta leh, ama dhaliil qadhaadh.
Waa guriga ay xubnaha qoysku ku hoydaan oo ay ka helaan raaxo, xasillooni iyo kalsooni.
Mas'uuliyadda helitaanka "farxadda guriga" waxay dusha ka saaran tahay waalidiinta.
Waxa badanaa Kharriba ama baabi'iya guriga, waa carrabka fiiqan ama dabeecadaha qallafsan oo soo dadajiya fitnada.
Inta badan waxaa burburiya tiirarka "farxadda guriga", jacaylka Kali talisnimada iyo daacad-darrada ka timaadda mid ka mid ah waalidiinta.
Carruurta waa kuwa daawanaya nolosha waalidiinta, waxayna ku koraan jacaylka kali-talisnimada, fitnada, hadalka qadhaadh iyo daacadnimo la’aanta; Marka xubnaha qoysku ku koraan sifooyinkaas iyo dabeecaddaas, raad kasta oo farxad ah oo gurigaas ka jira ayaa baaba'aya, khatar darran ayuuna hab dhaqankaas ku keeni karaa dadka iyo deegaankaba.
Taas beddelkeedana waa la sameyn karaa haddii uu waalidku si daacadnimo ah, kalgacal, naf hurnimo, daacadnimo iyo si farxad leh ula noolaadaan ubadkooda, caruurtooduna ay ku koriyaan isla sidaa, waxaa kordhaya tayada jiilka nabadda jecel, waxweynna kusoo kordhiya adduunka, farxadna u keenaya qoysaska iyo Guud ahaan bulshada.

08/09/2020

Machadka SAMADEEQ Ee Daraasaatka & Cilmibaarista Waxa uu si weyn uga qeyb qaadanayaa Horumarinta Dadka iyo Deegaanka.
Waxa uu qabanayaa Madalo lagu wacyi gelinayo bulshada qeybaheeda kala duwan, laguna soo bandhigo dood cilmiyeeydo mug leh, oo wax badan oo faa'ido ah kusoo kordhinaya dadka iyo deegaankaba.
Waxa uu Machadka SAMADEEQ sameeyaa Daarasado iyo Cilmi baarisyo isugu jira Diini iyo Maaddi intaba.

Ka qeyb qaado Horumarka Dadka iyo Deegaanka

.... Hormariyaha Dadka iyo Deegaanka

Al ustaad Muxammad C/qaadir C/laahi Xamza "Bagdaadi " Waa Adiib, Shaacir ama Gabyaa waxay soomaalida u yaqaanaan.Sidoo k...
27/08/2020

Al ustaad Muxammad C/qaadir C/laahi Xamza "Bagdaadi " Waa Adiib, Shaacir ama Gabyaa waxay soomaalida u yaqaanaan.
Sidoo kale waa Mu'allif wax ka qora Kutubo diini iyo buugaag caruurta da'da yar lagu soo dhisayo ee far baradka.
waxa uu ku nool yahay Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Afgooye.
Abwaan Al-ustaad Bagdaadi, Waxa uu si rasmi ah usoo bilaabay curinta gabayada iyo Maansooyinkaba, Sanadkii 2003 isagoo ahaa wiil da'yar.
Gabayada uu curiyay waxay isugu jiraan Carabi iyo Soomaali, waxa uu leeyahay Diiwaan koobaya dhammaan Gabayadiisa oo dhan muddadaa uu howshan ku jiray.
Hadda waa Maamulaha Schoolka "Alqalam School in somalia", waxa uu soo saaraa Arday isugu jira da'yar iyo da'weynba.
Sababta ugu weyn ee aannu ugu soo muuqan fagaarayaasha ayaa waxay tahay isagoo aad ugu mashquulsan howlihiisa Maalmeed iyo caawinta ardayda danta yar ee ku nool degmada Afgooye.
Abwaanka waxa uu leeyahay Bog facebook oo isaga u gaar ah, kuna soo bandhigo qeyb kamid ah Hal abuuradiisa.
Machadka Samadeeq ee Daraasaatka iyo Cilmi baarista ayaa si weyn isugu howlay soo bandhigga hal abuurada abwaankan ama Macallinkan da'da yar.
Haddaba adigaagan qormadayda kooban akhrinaya, Maxaad kula talin lahayd Abwaankan da'da yar ee muddadan 16ka sano Hal abuuradiisa qiimaha leh soo saarayay?
Maxaadse ku biirin lahayd howsha qiimaha leh ee uu bulshada soomaaliyeed u haayo, Mahadsanidiin.

26/08/2020

Machadka SAMADEEQ ee Daraasaatka iyo Cilmi baarista ,waa Machad madax banaan oo ka qeyb qaata samaynta cilmi baadhis qeybaha kala duwan ee Culuumta Maaddi iyo Diiniba.
Waxaa lagu aasaasay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose, Soomaaliya,bishii July
7-deeda, 2020, feker ka yimid koox
khubaro ah iyo cilmi baarayaal ka socda noocyada kala duwan ee Culuumta; iyadoo ujeedka ugu weyn ee Aasaasidda Machadka SAMADEEQ ay tahay:
● Horumarinta cilmi-baarista iyo daraasaatka lagu sameynayo qeybaha sayniska iyo cilmiga, gaar ahaan dhinacyada: Bani-aadannimada, Arrimaha bulshada,Sharciga, daraasaynta mustaqbalka, iyo qeybaha kala duwan ee waxqabadyada Aasaasiga ah.
● Taageeridda iyo dhiirro galinta baarayaasha kala duwan, sida: Ardayda, Aqoonyahanada iyo cilmi baadheyaasha kala duwan ee xiisaynaya horumarinta Mashruucyadooda cilmiga, tacliinta iyo cilmi baaristaba.

Address

Oktoobar Afgooye

Telephone

+252618536868

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Samadeeq Institute for Studies And Research posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share