Ifiye law Firm

Ifiye law Firm Waa Xarunta Qareenimadda Iyo Latalinta Sharciyada Ee ifiye

𝐒𝐑𝐒𝐫-𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐀𝐚 πŸ–-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš πƒπšπ₯𝐀𝐚Shir-sanadeedka Garsoorka Dalka waa shir qaanuuni ah oo la qabto hal mar sannadk...
11/02/2026

𝐒𝐑𝐒𝐫-𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐀𝐚 πŸ–-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš πƒπšπ₯𝐀𝐚

Shir-sanadeedka Garsoorka Dalka waa shir qaanuuni ah oo la qabto hal mar sannadkii, wuxuuna badanaa qabsoomaa bisha Janaayo ee sanad kasta, sida uu qabo Qodobka 30aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Lr. 3 ee soo baxay
12-ka Juun 1962.

Garsoor Awood leh, Bulsho Aamin ah.

πŸ“ Muqdisho, Soomaaliya
πŸ—“ 11 Febraayo 2026

08/02/2026

Waxaa la joogaa waqtigii aan ku kulmi lahayn Shir-sanadeedka 8-aad ee Garsoorka Dalka oo sanadkan diiradda lagu saari doono Kaalinta Garsoorku ku leeyahay La Dagaallanka Dembiyada iyo Xaqiijinta Amniga.Garsoor Awood leh, Bulsho Aamin ah.πŸ“ Muqdisho, SoomaaliyaπŸ—“ 11 Febraayo 2026

06/01/2026

Xafiiska Qareennada Ifiye waa xafiis sharciyeed casri ah oo bixiya adeegyo qareenimo oo dhammaystiran, kuna dhisan aqoon, waayo-aragnimo iyo u heellanaan buuxda difaaca sharciga. Xafiisku wuxuu si gaar ah ugu takhasusay dacwooyinka ciqaabeed, madani, qoys iyo ganacsi, isaga oo u taagan garab sharciyeed oo lagu kalsoonaan karo.

Xafiiska Ifiye wuxuu qabtaa qorista, dib-u-eegista iyo hubinta dukumentiyada sharciyeed, bixinta talo-sharci oo xeel dheer, iyo matalaadda muwaadiniinta iyo shirkadaha hortooda maxkamadaha heerarkeeda kala duwan. Sidoo kale, xafiisku wuxuu door muhiim ah ka qaataa xalinta khilaafaadka si nabad ah, isaga oo mudnaan siinaya wada-xaajood, heshiis iyo ilaalinta xiriirka bulshada.

Ujeeddada Xafiiska Qareennada Ifiye waa ilaalinta cadaaladda, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta ku dhaqanka sharciga, iyadoo mar walba lagu shaqeynayo xirfad sare, daacadnimo, hufnaan iyo mas’uuliyad sharciyeed.

Xafiiska Ifiye β€” Meesha sharcigu ka helo cod, cadaaladna ka dhalato. βš–οΈ

10/10/2025

Sharciga lacag-dhaqista (Lr.01/2016) wuxuu masuuliyadda ugu weyn saaraya bangiyada iyo shirkadaha maaliyadeed.

07/10/2025

πŸ“œ Xafiiska Qareennada Ifiye –

Waxaa muuqata in tiknoolajiyaddu ay noqotay xoojinta mabaadi’da sharciyadeed ee ku dhisan:
β€’ Caddaalad siman (Equality before the Law),
β€’ Hufnaan iyo daah-furnaan (Transparency & Accountability),
β€’ Xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinta (Protection of Rights).

βš–οΈ Sida ku cad xeerarka iyo mabaa’diida sharciga Soomaaliyeed, helitaanka cadaaladda waa xaq dastuuri ah, halka tiknoolajiyaduna ay noqotay aaladda lagu hubiyo in xaqaas si dhab ah loo gaarsiiyo bulshada.

10/09/2025

Xafiiska Ifiye law Firm wuxuu si cad u muujinayaa go’aan-kiisa ah ilaalinta Xuquuqda Miwaadiniinta Soomaaliyeed in uu noqdo xafiis sharciyeed u taagan dhamaan xuquuqda muwaadiniinta, iyo Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed – hubinta in sharcigu si siman ugu adeego dadka oo dhan, lana difaaco xuquuqdooda dastuuriga ah iyo sharciyeed, xitaa xaaladaha ay la kulmaan cadaadis, xadgudub, ama sinaan la’aan.

✨ Aragtidayda Ka Qareen ahaan – Plea Bargaining Training ✨Ka qeybgalka Tababbarka ku saabsan Gorgortanka Qiraaal Fahamka...
10/09/2025

✨ Aragtidayda Ka Qareen ahaan – Plea Bargaining Training ✨

Ka qeybgalka Tababbarka ku saabsan Gorgortanka Qiraaal Fahamka Dacwadda Ciqaabta (Plea Bargaining Training) wuxuu ii ahaa fursad qiimo badan oo aan ku baranayo hab sharci oo casri ah oo dunida ka jira, isla markaana qayb muhiim ah ka qaata nidaamka garsoorka.

Aniga oo ah qareen Soomaaliyeed, waxaan u arkaa Plea Bargaining inuu yahay hab sharci oo leh faa’iidooyin muuqda:
βš–οΈ wuxuu dardar gelinayaa dacwadaha ciqaabta,
βš–οΈ wuxuu yareynayaa culayska maxkamadaha,
βš–οΈ wuxuu dhibbanayaasha siinayaa xal degdeg ah,
βš–οΈ wuxuu eedeysanaha siinayaa fursad uu ku helo ciqaab fudud haddii uu qirto dambiga.

Si kastaba ha ahaatee, nidaamkani wuxuu leeyahay caqabado aan la iska indho tiri karin. Waxaa dhici karta in eedeysanaha qaarkood lagu cadaadiyo inay qirtaan dambiyo aysan gelin, ama in dhibbanaha uu dareemo in cadaaladdu la yareeyay haddii dambi culus loo beddelo mid fudud. Sidaa darteed, muhiim ayay tahay in plea bargaining lagu saleeyo xeer cad, dammaanad sharci, iyo ilaalinta xuquuqaha labada dhinac.

Haddii si sharci iyo hufnaan leh loo habeeyo, waxaan aaminsanahay in Plea Bargaining uu noqon karo aalad wax ku ool ah oo isku dheellitira hufnaanta (efficiency) iyo cadaaladda (justice). Waxaana oran karaa waa dhaqankii Soomaalida oo la casriyey – maxaa yeelay, dhaqankeena waxaa h**e loogu yaqaanay in murannada iyo khilaafaadka lagu xalliyo gorgortan iyo wada hadal geed hoostiis halkii dagaal iyo dacwo dheer la geli lahaa.

Mahadsanidiin πŸ™

Mudane Salmaan Aakhwaan, ku xigeenka Golaha Dhalinyarada Qaranka, ayaa maanta iigu yimid xafiiskayga booqasho dhiirrigel...
06/08/2025

Mudane Salmaan Aakhwaan, ku xigeenka Golaha Dhalinyarada Qaranka, ayaa maanta iigu yimid xafiiskayga booqasho dhiirrigelin xambaarsan.

Waa astaan dhalinyarnimo iyo hoggaan hufan. Waxaan bogaadinayaa dadaalkiisa iyo garab istaagga uu u muujinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa sharaf iyo qaddarin weyn ii ah in aan ka mid ahaa marti-sharafta si rasmi ah loogu casuumay una ka qeybgalay munaa...
29/07/2025

Waxaa sharaf iyo qaddarin weyn ii ah in aan ka mid ahaa marti-sharafta si rasmi ah loogu casuumay una ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, oo si rasmi ah loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Maxamed Xuseen (Muungaab).

Munaasabaddan qiimaha leh oo lagu qabtay jawi ay ka muuqatay farxad, niyad-wanaag iyo isu-tanaasul bulsho, waxay ahayd mid si cad u muujisay taageerada shacabka iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo qaran u hayaan horumarinta waxbarashada caasimadda.

Intii aan hadalka hayay, waxaan diiradda saaray:
β€’ Muhiimadda ay leedahay tayeynta adeegyada waxbarasho,
β€’ Kobcinta xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo beddela baahida loo qabo ajaanibta aan xirfadda iyo waayo-aragnimada ku filnayn,
β€’ Iyo ka qaybqaadashada Agaasinka Waxbarashada ee kobcinta jiil aqoonyahan ah oo dalka hagi kara.

Waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay munaasabadda:
β€’ Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Mudane Yuusuf Axmed Dabageed,
β€’ Wasiirro h**e, oo ay ka mid yihiin Wasiirkii h**e ee Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta,
β€’ Xildhibaanno, mas’uuliyiin sare, iyo bahda waxbarashada dalka,
β€’ Wakiillo matalaya dadka naafada ah,
β€’ Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir,
β€’ Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir,
β€’ Iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Gabagabadii, waxaan hoosta ka xariiqayaa in magacaabista Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed ay tahay tallaabo sharciyeysan oo waafaqsan awoodaha uu xeerku siiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo laga rajeynayo in Agaasimaha cusub uu noqon doono haldoor horumar u horseeda waxbarashada gobolka, isla markaana uu si dhab ah uga jawaabi doono baahiyaha shacabka iyo hiigsiga dowladda hoose ee horumarinta adeegyada bulshada.

Ifiye law Firm

Dunida maanta, helitaanka aqoon tayo leh oo la jaanqaadaysa baahiyaha nolosha casriga ah waxay noqotay mid qof walba u f...
16/07/2025

Dunida maanta, helitaanka aqoon tayo leh oo la jaanqaadaysa baahiyaha nolosha casriga ah waxay noqotay mid qof walba u furan.

Madasha OgaalX waxay si gaar ah diiradda u saartay baridda sharciga iyadoo la adeegsanayo habka fogaan-aragga (online learning), taas oo fursad weyn u ah dhalinyarada, qareennada mustaqbalka, iyo cid walba oo danaynaysa fahamka nidaamka sharciga Soomaaliyeed.

Ku biir Madasha OgaalX maanta, kana dhigo sharciga wehelkaaga nololeed, adigoo si fogaan-arag ah uga faa’iidaysanaya waxbarasho casri ah oo tayo leh. πŸ‡ΈπŸ‡΄βš–οΈπŸ“š

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ifiye law Firm posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Ifiye law Firm:

Share