30/12/2025
Abuukaate Maqsuud Mohamed ayaa ka qayb gashay tartan kubbadeed ay soo agaasintay Kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo matalaysay Xafiiska Qareennada ee Arif Law Firm.
Tartankaas oo u dhexeeyay ardayda Kulliyadda Qaanuunka, final-kiisana ay isugu soo hareen fasallada B12Law oo matalayay Arif Law Firm iyo B10Law oo matalayay Xafiiska Qareenadda ee E-Som, ayaa ku qabsoomay jawi hufan oo ay ka muuqatay xirfad, anshax iyo tartan caafimaad qaba.
Kadib ciyaar adag oo xiiso leh, guusha waxaa ku guuleystay fasalka B12 oo matalayay Xafiiska Qareennada ee Arif Law Firm.
Xafiiska Arif Law Firm wuxuu si weyn u bogaadinayaa dhammaan ka-qaybgalayaasha, gaar ahaan labada fasal ee final-ka gaaray, isagoo mar walba diyaar u ah taageeridda iyo dhiirrigelinta horumarka ardayda iyo xirfadlayaasha sharciga.
Hambalyo dhammaan ka-qaybgalayaasha. ⚖️⚽.