08/10/2020
Qareenku xaq ma u leeyahay in uu goobjoog ka noqdo baarista iyo Hawlaha ka horreeya dhagaysiga dacwadda Eedaysanaha uu qareenka u yahay ?
Dad badan siiba hayโadaha baarista danbiyada waxa ay Aaminsanyihiin in kaalinta qareenka ee dacwaddaha ciqaabtu ay ka bilaabato kadib dhamaadka barista iyo biloowga dhagaysiga dacwadda.
Haddaba qormadaan gaaban waxa aan ku faaqidi doonnaa haddii alle idmo ilaa inta qareenku xaq u leeyahay ka qaybgalka hawlaha ka horreeya dhagaysiga dacwadda Eedaysanaha uu qareenka u yahay sida arrimaha la xariira baarista , horgaynta iyo dhammaan hawlaha kale ee ka horreeya dhagaysiga dacwadda .
haddaba si aan uga jawaabno Suโaasha ah :( Qareenku xaq ma u leeyahay in uu goobjoog ka noqdo baarista iyo Hawlaha ka horreeya dhagaysiga dacwadda eedaysanaha uu qareenka u yahay ?) waxaa lama huraan ah in aan eegno dhawr Arimood oo kala ah :
A. Maxay shuruucda dalku ka qabtaa in qareenku ka qaybgalo hawlaha ka horreeya dhagaysiga dacwadda .
B. Saldhiga arigtida qabta in kaalinta qareenku bilaabanayso kadib dhamaadka baarista .
Haddaba labadaan arrimood ayaan si kooban u falaanqayn doonnaa si aan jawaab uga helno Suโaasha ku qoran Ciwaanka .
Maxay shuruucda dalku ka qabtaa in qareenku ka qaybgalo hawlaha ka horreeya dhagaysiga dacwadda ?
DFKS Qodobkiisa 34aad f/1aad waxay qeexaysaa in qof kasta uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco dacwadda uu daneeynaayo oo isaga quseeysa heer iyo darajo kasta oo ay taagantahay taas oo la micna ah in eedaysanuhu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaac oo ka difaaca Eedaha loo haysto marxalad kasta oo dacwaddu marayso oo ay ku jirto marxaladda qabashada eedaysanaha , marxaladda baarista ,horgaynta iyo wixii lamid ah . si taas lamid ah F/5aad ee Qod:15aad ee XHCS waxay jidaynaysaa in Eedaysanuhu si madax banaan ula kulmi karo qareenkiisa dhammaan inta dacwaddu socoto oo ay ku jiraan in uu qareenku muwakilkiisu la joogo xiliga Suโaalla weeydiinta , xiliga caddaymaha laga qoraayo; xiliga baarista iyo horgaynta intaba .
Hawlaha qareenka ee marxaladaan waxaa kamid ah in uu muwakilkiisa siiyo tala sharci oo meel mar ah una sheego wax alla wixi xuquuqdiisa ah asiga oo u fasiraaya una micneynaaya sharciga fiiri Qod:3aad Ee XQS sharci lr:85 TR 21/10/1975 .
Dhammaan qodobada aan soo tilmaamnay waxay caddaynayaan in qareenku xaq u leeyahay in uu muwakilkiisa difaaco marxalad kasta oo ay dacwaddu marayso ha ahaato marxaladda qabashada , baarista , horgaynta iyo dhammaan hawlaha ka h**eeya dhagaysiga dacwadda .
Saldhiga arigtida qabta in kaalinta qareenku bilaabanayso kadib dhamaadka baarista .
Waxaa jira Xeer lr: 17 ee 7/4/1970โ oo wax looga badalay qaar ka mid ah qoddobada XHCS gaar ahaan arrimaha khuseeya dacwadahii ay galaysay Maxkamaddii badbaadada, qoddobada wax laga badalay waxaa ku jiray F/5aad Ee Qod:15aad Ee XHCS wax ka badalkaan oo gaar u ahaa qareennada ka doodaaya Maxkamadda Badbaadada Horteeda , isla markaana qeexaayay in kaalinta qareenku ka bilaabanayso kadib marka ay dhamaato baarista danbiga oo uu bilaabanaayo dhagaysiga dacwadda marka laga hadlaayo dacwadaha la xiriira danbiyada hoos imaanaayay awoodda maxkamadda badbaadada . waxaa mudan in la xuso in wax ka badalkaas uu quseeyay kaliya maxkamaddii badbaada ee jirtay xiligaas oo uusan quseeynin Maxkamaddaha Caadiga ah .
Dadka ilaa iyo hadda qaba in kaalinta qareenku ay ka bilaabanayso kadib baarista aragtidoodu waxay khilaafsan tahay dastuurka iyo shuruucda kale ee khuseysa hannaanka qaadista dacwadaha ciqaabta.
dadka qaba aragtidaas waxay isugu jiraan laba nooc oo kala ah :
1. Shaqsiyaad baarayaal ka ahaa ama si uun ula shaqeey jiray Maxkamaddii badbaadada oo ilaa iyo hadda u dhaqma sidii ay u dhaqmi jirayn markii ay jirtay maxkamaddii badbaadada dalka oo ay la shaqeey jirayn .
2. Shaqsiyaad ay tababarayn ama ay macalimiin u yihiin nooca h**e oo haysta arigtidii Macalimiintooda .
Ugu danbayntii si loo ilaaliyo xuquuqda Eedaysanaha loona hirgaliyo qodobada sharci ee aan soo timaamnay waxaan soo jeedinayaa in Heyโadaha danbi baarista lagu tababaro shuruucda dalka ee dhaqangalka ah oo uu ugu horreeyo Dastuurku.
โQareen Dahir Ali