04/07/2025
Shirkadda Adeegyada Sharci ee Gardhawr Law Firm waa shirkad sharci oo heer sare ah oo fadhi geedu yahay Muqdisho, Soomaaliya, una heellan bixinta adeegyo sharci oo tayo sare leh. Gardhawr Law Firm waxaa lagu yaqaannaa xirfado qoto dheer, daacadnimo, iyo u adeega macaamiisha si hufan oo sharciyeed.
Shirkadda Adeegyada Sharci ee Gardhawr Law Firm waa shirkad sharci oo heer sare ah oo fadhigeedu yahay Muqdisho, Soomaaliya, una heellan bixinta adeegyo sharci oo tayo sare leh.
Gardhawr Law Firm waxaa lagu yaqaannaa xirfado qoto dheer, daacadnimo, iyo u adeega macaamiisha si hufan oo sharciyeed.
Shaqada Shirkadda Gardhawr Law Firm waxay u kala baxdaa dhowr qaybood oo muhiim ah:
1. Sharciga Ganacsiga & Shirkadaha (Corporate & Commercial Law)
• Diiwaangelinta iyo aas-aaska shirkadaha
• Qandaraasyada ganacsiga iyo heshiisyada
• Midoobista shirkadaha (Mergers & Acquisitions)
• Maamulka iyo habraacyada sharciyeed ee shirkadaha
2. Dacwadaha & Xallinta Khilaafaadka (Litigation & Dispute Resolution)
• Dacwadaha madaniga (civil) iyo kuwa ganacsi
• Dacwadaha ciqaabta (criminal defense)
• Xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo dhexdhexaadin iyo garnaqsi (ADR)
3. Sharciga Dhulka & Hantida Ma-guurtada ah (Real Estate & Property Law)
• Heshiisyada iibka iyo kirada dhulka
• Xalinta khilaafaadka la xiriira lahaanshaha dhul ama guryo
• Diiwaangelinta hantida ma-guurtada ah
4. Sharciga Qoyska (Family Law)
• Furiinka iyo mas'uuliyadda carruurta
• Dhaxalka iyo qaybinta hanti wadaag ah
• Heshiisyada qoyska ee sharciyeed
5. Sharciga Hantida Maskaxeed. (Intellectual Property Law)
• Diiwaangelinta summadaha ganacsiga (trademarks) iyo xuquuqda daabacaadda (copyrights)
• Difaaca iyo ilaalinta xuquuqaha maskaxeed
6. Sharciga Socdaalka & Jinsiyadda (Immigration Law)
• Codsiyada fiisayaasha iyo deggenaanshaha
• Arrimaha la xiriira jinsiyadda
• Qareenimo iyo matalaad sharciyeed ee dadka ajaanibta ah
7. La-talin & Talooyin Sharciyeed (Legal Consultancy & Advisory)
• Maareynta khatarta sharciyeed
• Waafaqsanaanta sharciyada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah
• Talo-bixin joogto ah oo ku saabsan arrimaha sharciyeed ee ganacsiyada iyo hay’adaha
Aragtida & Hadafka Shirkadda Gardhawr:
• Aragtideedu: Inay noqoto shirkad sharci ee ugu hormarsan Soomaaliya oo ballaariya adeeggiisa guud ahaan Bariga Afrika.
• Hadafkeedu: Bixinta adeeg sharci oo tayo leh, loo heli karo si fudud, ku saleysan daacadnimo, xirfad, iyo mas’uuliyad bulsho.
Sababta Loo Doorto Gardhawr Law Firm:
• Xirfadlayaal sharci oo khibrad leh
• Xalka ku saleysan baahida gaarka ah ee macaamilka
• La xisaabtan iyo daahfurnaan
• Rikoodh guul leh oo la hubo
• Aqoon buuxda oo sharci maxalli ah iyo mid caalami ah
Ciwaanka:
Via Rome, Muqdisho, Soomaaliya
Telefoon: +252 61 5588639
Email: [email protected]
Maamulaha Guud: Qareen Maxamed Sheekh Cusmaan
Shirkadda Adeegyada Sharci ee Gardhawr Law Firm waa shirkad sharci oo heer sare ah oo fadhi geedu yahay Muqdisho, Soomaaliya, una heellan ...