05/09/2022
W/Q. Jibril Jirde
===============================
Go'aanka Maxkamadda Sare ee Kenya!
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa taageertay doorashadii William Samoei Ruto oo loo doortay madaxweynaha shanaad ee Kenya, iyadoo meesha ka saartay sheegashadii ninkii la tartamayey ee Raila Odinga ee ahayd in codbixinta ay hadheeyeen musuq iyo wax isdaba-marin. Garsoore Koome ayaa sheegtay in marka h**e ay maxkamaddu soo saari doonto warbixin kooban, ka dibna ay si buuxda u soo saari doonto xukunka oo dhammaystiran 21 maalmood ka dib.
Maxkamadda oo ka kooban 7 xubnood, isla markaasna ay hoggaaminaysay Guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome ayaa si wadajir ah iskugu raacay qodobadan:
1. Waxa la waayay wax farqi ah oo ku saabsan tirada codadka iyo wax caddayn ah oo lagu kalsoonaan karo oo muujinaysa in nidaamka kombuyuutarrada iyo isku xidhka guddiga doorashada ay fashilmeen ama la jabiyay.
2. Ma jirto caddayn la aqbali karo oo la soo bandhigay oo muujinaysa in foomamka 34A lagu takri-falay.
3. Waxa kale oo ay maxkamaddu sheegtay in aan guddoomiyaha doorashooyinku keligii awood u lahayn in uu tiro-koob iyo baadhis ku sameeyo natiijada doorashada, laakiin waxa maxkamadda u caddaatay in afarta xubnood ee Komishanku bilowgii ilaa dhammaadkii si firfircoon uga qaybqaateen tirakoobka iyo hubinta natiijada doorashada, isla markaana aannu guddoomiyuhu keli ku ahayn hawsha tirokoobta iyo hubintaba, balse wax yar ka hor ku dhawaaqista natiijada ay dibedda uga baxeen afarta xubnood. Sidoo kale, afarta xubnood ee guddiga doorashooyinka ka tirsani ma aanay hor keenin Maxkamadda, wax dukumeenti ah oo muujinaya in natiijada doorashada wax laga beddelay.
4. Maxkamaddu waxay ogaatay in aan la soo gudbin wax caddayn ah oo muujinaya in William Ruto uusan helin 50 boqolkiiba iyo wax ka badan, isla markaana Raila iyo qareenadiisu ku guuldarraysteen inay caddeeyaan.
5. Ugu dambayn natiijada rasmiga ah ee doorashadu waa in William Ruto si sax ah ayaa loo doortay, taasina ay tahay go’aanka loo dhan yahay ee maxkamadda.
Sida ku cad xukunka ay maxkamadda sare ee Kenya soo saartay dhammaan 9kii qodob ee la isku haystay, isla markaana muranku ka taagnaa waa looga guulaystay Raila Odinga iyo qareenadiisa, waxaanay maxkamadda horkeeneen caddeyn aan ku filnayn oo gaadhay mararka qaar in lagu sheego been-abuur ama wax la soo dhoobdhoobay. Arrinta kale ee xiisaha lihi waa in 90% qareenada matelayay Raila ay ahaayeen qabiilkiisa Luo, halka keliya 5% qareenada metelayay Ruto ay ka soo jeedeen qabiilkiisa/qoomiyaddiisa Kalenjin, sida uu sheegay qareen Axmednasir. Qareenada metelayay Ruto waxaa ku jiray qareeno Soomaali ah sida Mahad Soomane oo aad looga helay markii uu jeedinayay in foomamka 34A aan lagu tagri-falin, taas oo hadal-hayn badan ka dhex abuurtay bulshada Kenyanka ah qaabka aqoonta iyo kartida leh ee qareenkan Soomaaliga ahi doodiisa u soo bandhigay.
Ugu dambayn, maxkamadda sare iyo maxkamadaha kale ee dalku waxay ka baran karaan xukunkan in muddada xukunku ku soo baxayo koobnaato si aan looga caajisin sugista xukunka ama aanay caddaaladdu dib ugu dhicin (Justice delayed is justice denied), sidoo kalena asbaabta xukunka la xoojiyo oo si cad loo sababeeyo dhammaan qodobada la isku haysto ee loo baahan yahay in maxkamaddu go’aanka ka gaadho.