Garaad Mukhtaar Garaad Cali

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Garaad Mukhaar Garaad Cali Buraale. Garad kamida ismada dhaqanka Soomaliyeed, gaar
Kuwa deganada SSC

Alx inaan maanta goobjoog u ahaado caleemo saarka Ugaaska beesha Murursade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdilaahi Ugaas Xaa...
25/04/2026

Alx inaan maanta goobjoog u ahaado caleemo saarka Ugaaska beesha Murursade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdilaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade. Ilaahey waxaan uga baryeynaa inuu xilka u fududeeyo, kuna asturo, sidey Soomaali ugu kulantey xafladiisa, in ilaahey ka dhigo kii Soomaali ku kulmin lahaa mustaqbalkeeda iyo midnimadeeda. Sidoo kale aad baan ugu mahadnaqayaa beesha Murursade iyo RW Khayre soo dhoweyntoodii iyo shaqada baaxada leh ee ay ka gaysteen qabanqaabada caleemo saarka Ugaaska.

20/03/2026

CIID Mubaarak 🌙✨ umada Soomaaliyeed meelkastooy joogto. From mall Nairobi.

Aad baan uga xumahay in rag siyaasad hoose isku haya ay saameyn ku yeelato shacab aan waxba kala socon, sida shacabkii m...
01/03/2026

Aad baan uga xumahay in rag siyaasad hoose isku haya ay saameyn ku yeelato shacab aan waxba kala socon, sida shacabkii maanta saarnaa Diyaarada Daalo oo Hooyadey ku jirtey, oo hawada dib looga ceshey.

Dadkaas shacabka ahaa oo bil Ramadaan ku jirey in kalifaada intaas le eg loola kaco runtii waa nasiib daro.

Waa uga mahadinayaa maamulka Diyaarada iney dadka la tacaalaan oo kii aan meel haysan dejiyaan, una arkaan in ay rakaabkan masuul ka yihiin.

Hooyo adiga iyo shacabkiinii kaleba Alle ha idin nabadkeeno.

25/02/2026

Xaaladda abaarta ee dalka guud ahaan, gaar ahaan deegaanada Waqooyi Bari, waa mid aad u adag oo saamayn ballaaran ku yeelatay bulshada iyo xoolaha.

Gobollada sida Sool, Togdheer iyo Sanaag ayaa ka mid ah meelaha ay abaartu si weyn u saameysay. Roob yari daba dheeraatay, ceelal biyo la’aan noqday, iyo daaq la’aan ayaa keentay in xoolihii badankood ay tabar dareeyaan, halka qaar kalena ay dabar go’aan.

Bulshada ku nool miyiga waxay la kulmayaan:

Biyo la’aan daran

Cunto yari iyo maciishad qaali noqotay

Barakac ku yimid qoysas badan

Xaaladdan adag waxay u baahan tahay:

Isku tiirsanaan bulsho (wadajir iyo is-caawin)

Isku war hayn joogto ah

Gurmad degdeg ah oo ka yimaada dowladda iyo hay’adaha samafalka

Qorshe waara oo lagula tacaalo isbeddelka cimilada

Waa waajib saaran dhammaan bulshada in la muujiyo midnimo iyo iskaashi si loo yareeyo saameynta abaarta loona badbaadiyo nolosha dadka iyo duunyada.

21/01/2026

ma baan ogayn

Farxad iyo sharaf bay ii aheyd inaan maanta ku soo dhoweeyo weftiga balaadhan ee dawlada Jibuuti oo uu hogaaminayey Wasi...
16/01/2026

Farxad iyo sharaf bay ii aheyd inaan maanta ku soo dhoweeyo weftiga balaadhan ee dawlada Jibuuti oo uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha Dibada ee dalkaas mudane Muumin Xassan Barre.

Dawladdu maanta ma muujinayso rabitaan dhab ah oo ku wajahan Waqooyi Bari iyo rabitaanka shacabkeeda. Halkii ay si cadda...
13/01/2026

Dawladdu maanta ma muujinayso rabitaan dhab ah oo ku wajahan Waqooyi Bari iyo rabitaanka shacabkeeda. Halkii ay si caddaalad ah ugu istaagi lahayd midnimada dalka iyo xuquuqda gobollada Waqooyi Bari, waxa muuqata in ay si dadban ama toos ah u dooranayso mashruuca Somaliland.
Waqooyi Bari mar walba waxay ahayd tiir ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, kana go’an midnimada, qarannimada, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, indha-tirka joogtada ah ee lagu hayo gobolladan wuxuu abuurayaa shaki ah in dawladda ay ka leexatay waajibaadkeedii dastuuriga ahaa.
Haddii dawladda ay dhab ka tahay midnimada dalka, waa in ay si siman ula macaamishaa dhammaan gobollada, gaar ahaan Waqooyi Bari oo si cad u diidan gooni-goosadka. Taageeridda ama u janjeeridda Somaliland waa dhaawac toos ah oo ku imanaya midnimada Soomaaliya.
Midnimadu ma aha hadal oo keliya—waa ficil, go’aan, iyo cadaalad. Waqooyi Bari waxay mudan tahay in la maqlo, la ixtiraamo, lana taageero

01/01/2026

Dagaalku hawiye iyo
Isaaq buu ka dhaxeeya Dhulbahantoow

28/12/2025

Shacabka reer Khaatumo waxaa la gudboon in ay isugu yimaadaan talo, wada-tashi iyo is-maqal, maadaama Jamhuuriyadda Somaliland ay heshay aqoonsi rasmi ah — guul taariikhi ah oo saameyn weyn ku yeelan doonta mustaqbalka gobolka iyo jiilasha soo socda.
Waa xilli u baahan xigmad, midnimo, iyo go’aan mas’uuliyadi ku dheehan tahay, si loo adkeeyo nabadda, wadajirka bulshada, iyo horumarka waara ee dadka.
Ugu dambayn, hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa guud ahaan ummadda Somaliland guushan weyn ee taariikhiga ah.
Guul iyo barwaaqo ha ku waaro, Ilaahayna ha idin garab galo. 🌍🤝

26/12/2025

Dalalka caalamka waxa ka soo yeedhaya war foolxumo iyo digniin leh

Odoyaashu maxay turjumaankoodii uga tageen, ma oga miyaa in shirku Af Faransiis yahay. 😂😂😂
28/10/2025

Odoyaashu maxay turjumaankoodii uga tageen, ma oga miyaa in shirku Af Faransiis yahay. 😂😂😂

Address

Laascaanood
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garaad Mukhtaar Garaad Cali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share