Garyaqaan Maxamed M.Haashi Timo

Garyaqaan Maxamed M.Haashi Timo legal services, this pages will provide you more legal services such as litigation, trade mark regis

ABRAHAM ACCORDS Waa Maxay ujeedada uu Xambaarsanyahay Heshiikani  Horta si guud heshiiskani waa heshiis ujeedadiisa guud...
27/12/2025

ABRAHAM ACCORDS

Waa Maxay ujeedada uu Xambaarsanyahay Heshiikani
Horta si guud heshiiskani waa heshiis ujeedadiisa guud iyo aragtida ka danbaysaa ay tahay in wadamada bari dhexe kuwada noolaadaan nabad iyo saaxiibtinimo. gaar ahaana aan diimaha la isku cunsuriyadayn dadwayanaha Carabta iyo Israel yihiintaba ay ka soo wada jeedaan hal awoow oo la yidhaa IBRAAHIM ama Abraham.

Waxaana heshiiskan ujeedadiisu tahay in ay meesha ka baxdo in diimaha la isku cunsuriyadeeyo bariga dhexena nin walba diibtiisa ha haysto laakiin wada shaqaynta nabad galyo sxbtinimo, iskaashi dhaqaale la wadaago., waxaana ka mid ah dalalkan sxbtinimada iyo wada shaqaynta iyo wada noolaanshaha dalalka ee Heshiiskani sheego Dalka Palestine.
Ma jiro ujeeddo ka baxsan oo heshiiskan ku qorani.

Waxa halkan hoose aan soo dhigay qodobp ka mid ah heshiiska ahna kuwa ugu muhiimsan.

Qodobbada Muhiimka ah ee Heshiiska:
• Sameynta Nabad iyo Xiriir Diblomaasiyadeed:
Nabad, xiriir diblomaasiyadeed iyo meelmarin buuxda oo xiriirka laba geesoodka ah ayaa halkan looga dhex aas-aasay Imaaraadka Carabta iyo Dawladda Israa'iil.

2. Mabda'a Guud:

Dhinacyada waxaa xiriirkooda hagaya qodobbada Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi'da sharciga caalamiga ah. Waxay aqoonsan doonaan oo ixtiraami doonaan madax-bannaanida midba midka kale iyo xaqa uu u leeyahay inuu nabad iyo ammaan ku noolaado.

3. Furitaanka Safaaradaha:

Dhinacyadu waxay isweydaarsan doonaan danjireyaal deegaan ah sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah ka dib marka la saxiixo heshiiskan.

4. Iskaashiga Dhinacyada Kala Duwan:

Dhinacyadu waxay saxiixi doonaan heshiisyo laba geesood ah oo ku saabsan dhinacyada soo socda:

• Maaliyadda iyo Maalgashiga.
• Duulista Hawada ee Rayidka ah.
• Fiisaha iyo Adeegyada Qunsuliyada.
• Hal-abuurka, Ganacsiga iyo Xiriirka Dhaqaalaha.

* Caafimaadka.

• Sayniska, Teknolojiyadda iyo Isticmaalka Nabadeed ee Hawada Sare.

• Dalxiiska, Dhaqanka iyo Isboortiga

• Tamarta iyo Deegaanka.

• Waxbarashada.

• Arrimaha Badda.

• Isgaarsiinta iyo Boostada.

• Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada

• Biyaha iyo Iskaashiga Sharciga.

5. Ka Hortagga Xagjirnimada:

Dhinacyadu waxay ka wada shaqayn doonaan ka hortagga xagjirnimada dhiirrigelisa nacaybka iyo qaybinta, iyo argagixisada iyo marmarsiiyo dhabadeeda, oo ay ku jirto ka hortagga xagjirnimada iyo qorista dadka.

Falanqaynta Khudbadda Senator Ted Cruz iyo Istaraatiijiyadda Cusub ee SomalilandKhudbaddan uu Senator Ted Cruz ka jeediy...
18/12/2025

Falanqaynta Khudbadda Senator Ted Cruz iyo Istaraatiijiyadda Cusub ee Somaliland
Khudbaddan uu Senator Ted Cruz ka jeediyay Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Sare ee Maraykanka bishan Diseembar 2025, waxay calaamad u tahay isbeddel taariikhi ah oo ku yimid siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan Geeska Afrika. Waxay muujinaysaa in Somaliland aan hadda lagu eegayn indho bini-aadminimo oo keliya, bilse loo arko saaxiib istaraatiijiyadeed oo safka h**e kaga jira loolanka caalamiga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

Falanqaynta Khudbadda

Xildhibaan Cruz wuxuu xusay saddex "Tiir Istaraatiijiyadeed" oo Somaliland ka dhigaya mid aan lagama maarmaan u ah dalka Maraykanka:

• Amniga Badaha iyo Juquraafiga:

Maaddaama ay maamusho Marinka Cadmeed, Somaliland waxay ku fadhidaa "halbowlaha" ganacsiga caalamiga ah. Senator-ku wuxuu ku doodayaa in Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ay horay u qabteen shaqadii ay ku dhibtoodeen qaar ka mid ah waddamada la aqoonsan yahay sida la dagaallanka budhcad-baddeeda iyo argagixisada—taas oo ka dhigaysa saaxiib amni oo "diyaar ah inay la shaqeeyaan Maraykanka iyo Xulafadiisa, kana soo horjeeda waxaa uu ugu yeedhay China Agressive expanding.

• Isbahaysiga Dimuqraadiga":

Markii uu soo hadal qaaday Taiwan iyo Israa’iil, Senator-ku wuxuu Somaliland ku daray naadi gaar ah oo ka kooban hay’ado dimuqraadi ah oo u janjeera dhanka Reer Galbeedka. Tani waa dood xooggan oo ku qotonta "qiyamka" taas oo saameyn ku leh madaxda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee Washington.

• Gaashaan ka dhan ah Shiinaha:

Khudbaddu waxay si cad Somaliland ugu soo bandhigtay in ay tahay jawaabta looga hortagayo "saamaynta xun" ee Shiinaha (sida salkhiga ay ku leeyihiin Jabuuti). Markii ay Somaliland soo bandhigtay saldhig ciidan iyo macdanno muhiim ah, waxay wax ka qabanaysaa labada cabsi ee ugu waaweyn ee Maraykanka xilligan: luminta marinka ciidanka iyo luminta tartanka macdanta tamarta cagaaran.

Adeegsiga Qalabka INL ee Xoojinta Iskaashiga
Xafiiska Arrimaha Caalamiga ah ee Maandooriyaha iyo Fulinta Sharciga (INL) waa qalab awood badan, sababtoo ah wuxuu bixin karaa gargaar amni isagoon u baahnayn heshiisyo milatari oo rasmi ah oo sharci ahaan murugsan. Waa kuwan sida ay ula shaqayn karaan Somaliland:

• Tababarka Fulinta Sharciga Badda:
INL waxay bixin kartaa barnaamijyada "Shiprider" halkaas oo saraakiisha Ilaalada Xeebaha Somaliland ay ku tababaranayaan maraakiibta Maraykanka si ay u bartaan farsamooyinka casriga ah ee dhex-galka, ururinta cadaymaha, iyo kormeerka maraakiibta.

• Kaabayaasha Amniga Dekedda:
Bixinta tiknoolajiyad aan dhimasho keenin sida qalabka lagu baaro aqoonsiga dadka (biometric scanners) ee Dekedda Berbera, raadaarrada casriga ah ee la socodka badda, iyo qalabka "caqliga leh" ee lagula socdo xamuulka si loo joojiyo kontarabaanka.

* Dhisidda Awoodda Garsoorka:

INL waxay inta badan maalgelisaa "Maxkamadaha dambiyada badda" (sida kuwa Seychelles ama Kenya). Tani waxay u oggolaanaysaa Somaliland inay si sharci ah u maxkamadayso budhcad-baddeeda ama tahriibiyeyaasha la qabto iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

• La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Maalgelinta Sharci-darrada ah:

Tababaridda qaybo gaar ah oo dabagal ku sameeya dhaq-dhaqaaqa lacagaha la dhaqay ee lagu maalgeliyo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.
Faa'iidooyinka Isbarbardhigga ah:

Casharrada laga bartay Heshiisyada Saldhigyada Maraykanka
Somaliland waxay eegi kartaa sida dalalka "aan NATO xubinta ka ahayn" ama kuwa yaryar ay uga faa'iideysteen joogitaanka milatariga Maraykanka si ay u helaan faa'iidooyin dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed:

• Jabuuti (Camp Lemonnier): Waxay heshaa qiyaastii $63 milyan oo doollar sannadkii oo kirada saldhigga ah, oo lagu daray maalgashi baaxad leh oo xagga kaabayaasha ah iyo dammaanad qaad amni.

• Filibiin (EDCA): Waxay u oggolaataa Maraykanka inuu ciidamo isku beddelo; beddelkeedana, Maraykanku wuxuu bixiyaa boqollaal milyan oo loogu talagalay casriyeynta milatariga iyo qalabka gargaarka masiibooyinka.

• Baxreyn (Saaxiibka Weyn ee aan NATO ahayn):
Waxay martigelisaa Filidka 5-aad ee Maraykanka; maqaamkani wuxuu siinayaa mudnaanta iibsashada hubka casriga ah ee Maraykanka (sida F-16) iyo wadaagista macluumaadka sirdoonka.
Talooyinka Somaliland:
Sida loo Maxmize-gareeyo Faa'iidooyinka
Si loogu beddelo "dalabka Senator-ka" xaqiiqo u adeegta shacabka Somaliland, dawladdu waa inay tixgelisaa qodobadan:

• Qaabka Kaabayaasha "Adeegga Laba-geesoodka ah
Markaad gorgortan ka galayso saldhig milatari, ha weydiin uun "kiro." Dalbo in Maraykanku dhiso kaabayaal laba-geesood ah. Tusaale ahaan, madaar milatari oo haddana loo isticmaali karo xamuulka ganacsiga caalamiga ah, ama ballaarinta dekedda oo u adeegta maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga rayidka ahba.

• Sugidda Heshiis Ganacsi oo "Macdanta Istaraatiijiyadeed" ah:

Maaddaama uu Senator-ku xusay macdanta muhiimka ah, Somaliland waa inay riixdaa Heshiis Is-faham (MoU) oo rasmi ah oo ku saabsan sahminta macdanta. Tani waxay hubinaysaa in shirkadaha Maraykanku maalgashadaan miinooyinka Somaliland, iyagoo keenaya shaqooyin iyo halbeegyo deegaan oo reer galbeed ah.

• Diirad saarista "Aqoonsiga Dhabta ah" ka hor "Aqoonsiga Sharciga ah": Inkasta oo aqoonsi dublamaasiyadeed oo buuxa uu yahay hadafka, Somaliland waxay marka h**e gaari kartaa "Aqoonsi Shaqo (Functional Recognition). Tani waxay ka dhigan tahay in Maraykanka looga dhaadhiciyo inuu Somaliland ula macaamilo sidii dal jira iyadoo la siinayo gargaar toos ah, iskaashi amni oo toos ah, iyo ganacsi toos ah taas oo ka dhigaysa tallaabada ugu dambeysa ee aqoonsiga mid aan laga baxsan karin.

• Wacyigelinta Labada Xisbi (Bipartisan): In kasta oo Senator Cruz uu yahay Jamhuuri, amniga badaha waa arrin ay labada xisbi isku raacsan yihiin. Somaliland waa inay sii waddaa xiriirka ay la leedahay hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiga iyadoo muujinaysa xasilloonida dimuqraadiyadeed iyo doorka ay ka ciyaarto ilaalinta marinnada ganacsiga ee muhiimka u ah cimilada caalamka.

Ka hortaga Turkey heshiiska ee badda Somalia.Heshiiska isfahamka wareejinta badda ee Somalia iyo Turkey waxaa lagaga hor...
17/12/2025

Ka hortaga Turkey heshiiska ee badda Somalia.

Heshiiska isfahamka wareejinta badda ee Somalia iyo Turkey waxaa lagaga horyagi karaa in la sameeyo heshiis saddex geesood ah waxaanan halkan qoraal kooban ku eegaynaa qaabka aan u arko inay tahay ta ugu dhow ee Somaliland aqoonsi deg deg ahina ugu imanayo ,heshiiska bada ee Turkigana looga hortagi karo ,Somaliland u yeelan karto awood buuxda oo ay bada iyo cirkaba ku maamuli karto, sidoo kale u samayn karto Xulufo awood badan. Leh.

Saddex Xagalka Cadaadiska: Isku-xidhka Is-fahamka Itoobiya iyo Gorgortanka lala leeyahay Mareykanka

Is-fahamka (MoU) u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, ee Itoobiya u oggolaanaya marinka badda iyadoo beddelkeeduna yahay aqoonsi macquul ah, waa isbeddelka dibloomaasiyadeed ee ugu weyn Geeska Afrika muddo tobannaan sano ah.
Somaliland, tani waxay u adeegaysaa sidii qalab muhiim u ah gorgortanka ay kula jirto Mareykanka, iyadoo u adeegsanaysa cadaadis ka dhan ah heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya iyo siyaasadda muddada dheer ee Mareykanka ee aqoonsi la'aanta.

Aragtida 1-aad: Xasiloonida Gobolka iyo Xiisadda Siyaasadeed (Awoodda Gorgortan ee ugu Sarreysa)

Awoodda koowaad ee Somaliland ku gorgortamayso waa kartida ay u leedahay inay maamusho, ama si istiraatiiji ah u muujiso, xiisadda siyaasadeed ee uu abuuray heshiiska MoU, gaar ahaan tan khuseysa Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Turkiga.
In kasta oo bishii Diseembar 2024 la saxiixay Baaqii Ankara ee uu Turkigu garwadeenka ka ahaa kaas oo u muuqday mid lagu qaboojinayo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya haddana xaqiiqadu waxay tahay in Baaqu uusan si cad u tirtirin is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya.
Tani waxay Somaliland siinaysaa fursad ay Mareykanka ugu soo bandhigto inay tahay saaxiibka kaliya ee xasiloon oo laysku halayn karo, marka la barbar dhigo xiriirka aan fadhin ee Muqdisho iyo Addis Ababa.

Somaliland waxay Mareykanka ku qancin kartaa inay tahay marinka rasmiga ah ee xasiloonida, halkii ay ka ahaan lahaayeen isbahaysiyo aan dammaanad lahayn. Mareykanku wuxuu u baahan yahay saldhig badda ah oo ka madax-bannaan qalalaasaha siyaasadeed ee Geeska Afrika, heshiis toos ah oo lala galo Hargeisa ayaana siinaya dammaanaddaas. Sidoo kale, joogitaanka Mareykanka ee Berbera wuxuu miisaan ka dhowrayaa saameynta sii kordhaysa ee Turkiga ee gobolka.

Aragtida 2-aad: Ka Hortagga Awoodda Ciidamada Badda ee Shiinaha (Gorgortanka Amniga)

Baahida Mareykanka ee ah inuu helo hanti ammaan oo kala duwan, gaar ahaan xilli ay jiraan khataraha Badda Cas iyo ballarinta Shiinaha, waxaa sii xoojiyay is-fahamka Itoobiya iyo Somaliland.
Khatarta ugu weyn ee Mareykanka ku riixaysa Berbera waa saldhigga ciidanka badda ee Shiinaha ee Jabuuti. Saldhiggaas oo u jira lix mayl oo kaliya xerada Mareykanka ee Camp Lemonnier, waa mid aad u qalabeysan oo qaadi kara maraakiibta waaweyn ee dagaalka. Mareykanku wuxuu u arkaa isu-dhawaanshahaas mid khatar ku ah amnigiisa iyo xogtiisa qarsoon.
Somaliland waxay halkan ka heli kartaa faa'iido weyn iyadoo bixisa madaarka Berbera oo leh mid ka mid ah dhababbaha diyaaraduhu ku ordaan ee ugu dhaadheer Afrika. Madaarkani wuxuu muhiim u yahay sahminta fog-fog iyo hawlgallada la dagaallanka argagixisada. Gorgortanka Somaliland waa inuu ku dhisnaadaa: "Waxaan idin siinaynaa meel ka ammaan badan Jabuuti, idinkuna beddelkeeda na siiya qalab casri ah oo ah kuwa lagu ilaaliyo badda iyo hawada (ISR) si aan isaga difaacno khatar kasta oo kaga timaadda badda."

Aragtida 3-aad: Waddada Dhaqaalaha iyo Maamulka Kaabayaasha

Is-fahamka Itoobiya wuxuu xaqiijiyay muhiimadda dhaqaale ee marinka Berbera, taas oo kor u qaadaysa xiisaha Mareykanka ee ku aaddan gobolka. In kasta oo Baaqii Ankara uu ka hadlay ganacsiga, haddana baahida Itoobiya ee Berbera waa mid aan laga maarmin.

Somaliland waa inay ku adkaysataa in iskaashiga amniga ee Mareykanka lala mataaneeyo horumar dhaqaale. Taas macnaheedu waa in Shirkadda Maalgelinta Horumarinta ee Mareykanka (DFC) ay maalgeliso jidka isku xira Berbera iyo Itoobiya, dhismaha bakhaarrada waaweyn, iyo kaabayaasha kale.
Tani waxay Somaliland u horseedaysaa inay hesho dakhli madax-bannaan iyo aqoonsi dhaqaale xitaa haddii aan la helin aqoonsi dibloomaasiyadeed oo buuxa. Intaas waxaa dheer, Somaliland waxay Mareykanka u ballan-qaadi kartaa fursado gaar ah oo ku aaddan macdanta dhifka ah iyo kheyraadka tamarta, taas oo Mareykanka ka caawinaysa inuu yareeyo ku tiirsanaanta waddamada ay xafiiltamaan.

Gunaanad:

Somaliland oo ah Saaxiibka aan laga Maarmayn karin
Markii la isku daro xasilooni-darrada ka dhalan karta is-fahamka Itoobiya iyo baahida degdegga ah ee Mareykanka ee ah inuu ka hortago saldhigga Shiinaha ee Jabuuti, Somaliland waxay abuurtay boos gorgortan oo aad u xooggan.
Guusha gorgortanka Somaliland waxay ku xiran tahay inay xaqiijiso qodobbada soo socda:

• Dhinaca Dibloomaasiyadda:

Heshiiska Maqaamka Ciidanka (SOFA) oo Mareykanka la galo, kaas oo si dadban u aqoonsanaya madax-bannaanida Somaliland, iskana hortaagaya sheegashada Soomaaliya ee aagga Berbera.

• Dhinaca Ciidanka:

Helitaanka qalabka casriga ah ee ilaalada badda iyo tababaro sare si loo dheellitiro awoodda ciidanka badda ee Soomaaliya ee Turkigu taageerayo.

• Dhinaca Dhaqaalaha:

Lacag sanadeed sugan oo laga kireeyo saldhigga iyo barnaamij maalgelin oo dhab ah oo ka yimaada Mareykanka (DFC/USAID) kaas oo lagu horumarinayo marinka BBerbera.

• Maalgelinta Shirkadaha Mareykanka oo maalgashada dalka JSL si gaar ah.
• Dhoofinta macdanaha qaaliga ah

By Mohamed Mohamoud Hashi

14/12/2025

Dadnimadu waxay ku faraysaa inaan ummadina aanay ummad kale u yeedhin karin xuquuqda iyo xoriyaadka aas aasiga ah ee Nolosha qofka ilaahay u abuuray.

Ma safri kartid aniga oo ogolaada mooyaane, mana soo noqon kaetid anoo ogolaado mooyaane meelna kuma qorna sharci Islaam iyo.mid gaaltoona.

E Visa ilaa aan ku siiyo oo aan lacag kaa qaado kaliya uun baad ku safri kartaa ama aad diyaarad ku raaci kartaa macnaheedu waa ma socon kartid, ma ganacsan kartid, meelna uma bixi kartid ilaa aan anigu ogolaado taasi dadnimada iyo bili aadantinimo ayey ka baxsantahay cid qaadan karta iyo sharc kugu waajibiyey midna ma jiro laakiin dhibtan dadka lagu hayo ee E Visahu waxay u eegtahay inaynu dowlad ahaan ogolaanay ?

Waxaan leeyahay ilaa ay inala gaadhaysp inaynu Airport dada iskaba Xidhno in ay Xukumadu diido oo ay sharafta iyo karaamada shacabka reer Somaliland ee ay matasho ilaaliso ayey ahayd xataa haddii ay gaadhayso in Airport dada oo dhan la xidho?

Concern Regarding Somaliland's Foreign Policy Alignment​Warning:​There appears to be a perception that the Somaliland go...
12/12/2025

Concern Regarding Somaliland's Foreign Policy Alignment

​Warning:

​There appears to be a perception that the Somaliland government is pursuing a direction divergent from the mandate for which it was elected. This concern stems from observations that the government is engaging politically with countries historically and currently viewed as adversaries to Somaliland's core national aspirations and independence.

​These specific nations, including Qatar, Djibouti, and Turkey, are viewed by some as having long opposed and actively worked (and continue to work) towards the fragmentation and undermining of Somaliland's sovereignty.

​The current establishment of political dealings and engagement with these states is seen as a development that poses a significant risk to the national security and long-term stability of Somaliland.

1911/2025 waxa dalka Qadar ku kulmay wasiirka arimaha dibada ee dalka eithiopia iyo state ministerka Qadar waxaanay gale...
12/12/2025

1911/2025 waxa dalka Qadar ku kulmay wasiirka arimaha dibada ee dalka eithiopia iyo state ministerka Qadar waxaanay galeen heshiis maalgashi iyo adkaynta kawada shaqahnta siyaasadda Geeska iyo bada Cas.

Isla dhowr cisho ka dib oo ku beegan 26 iyo 25 bisha waxa dalka Qatar ku kulmay wasiirka arimaha dibada ee dalka Djibouti iyo state ministerka Qadar waxaanay kala saxeexdeen laba heshiis oo kala ah heshiis Maalgashi wax barasho iyo humanterian ah iyo heshiis diplomaasiyad oo ku saabsan ka wada shaqaynta Xalinta arimaha khilaafyada geeska iyo Xoojinta sidii ay Djibouti uga faaiidaysan lahayd Marinka bada cas oo ay dalka Qatar balan qaaday inay kala shaqaynayso .

Qadar waxay h**e uga shaqayn jirtay arimaha nabadaynta wada hadalada Somalia waxaanay si Xoog ah ugu ololaysaa taageerida dowlada jilicdasan ee Somalia, sidoo kale Djibouti waxay iyana caan ku tahay taageerada Somalia. Qadar waxay sii Xoojinaysaa sidii ay Djibouti iyo Qadar uga wada dhaqayn lahaayeen Xoojinta dalka Somalia, Somaliland dib loogu celin lahaa dowlada Federaalka Soomaaliya loogana dhigi lahaa maamul goboleed ka tirsan Somalia.

Sidoo kale dalka eithiopia wuxuu hadda taageersanyahay oo ay kala saxeexdeen heshiis ixtiraamka Xuduudaaha Somalia oo ay h**e dalka turkiga ku kala saxeexdeen taasi oo ay eithiopia bada cas rabitaankeeda ka doonayso in ay dowlada Somalia u saxeeexdo una ogolaato.

Sidoo kale 8/12/2025 waxa heshiis ku kala saxeexday dalka Qatar dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dalka Qatar waxaana heshiis galay wasiirka arimaha dibada ee dalka Somalia iyo state ministerka dala Qadar waxaana heshiikan lagu abuuray guddi ka kooban labada dal oo ka shaqaynaysa dib u dhiska siyaasadeed ee Somalia kuwaasi taasi loogu ololaynayo taageerada isku haynta dalka taagta daran ee Somalia wax kasta oo ay Somalia dowlada lagaga dhigi karaana ay Qadar diyaar u tahay guddidana loo abuuray.

Sidoo kale 4/12/2025 waxaa Dalka Somaliland yimid safiir Somalia ee dalka Qatar waxaanu kula kulmay Hargeisa Madaxwaynaha Qaranka JSL oo uu la qaatay kulano waqti qaatay.

Intaas ka dib safiirka Qadar wuxuu warbaahinta ka sheegay isaga oo jooga Somaliland in ay dalka Qatar ay bixinayaan maalgalin ay maalgalinyaaan Magaalada Saylac oo ay biyaha badda Saylac macaanaynayaan oo ay lacag maalaayiin ah galinayaan.

Kulankaasj Madaxwaynaha iyo safiirka Qadar waxa laba cisho ka dib uu Madaxwaynaha Qaranka JSL soo saaray go'aan uu Xeerka ciise ku ogolaanayo isaga oo Madaxwaynaha Qaranka markii h**e soo saaray go'aan lagu diidayo qabashada xeer ciise ee Saylac.
B

Bal haddaba marka arintan iyo siday wax u socdaan aynu fahanka siyaasiga ah ku eegno waxa jira shaki badan oo ku hareeraysan Xukumadu JSL oo aad moodo inay ka leexatay jidkii Madax banaanida Somaliland islamarkana ay dowladu la shaqaynayso oo sxbo ka dhigatay wadamadii ka soo horjeeday qadiyada Madaxbaanida JSL taasi oo ah mid cad marka aad eegto ficilada siyaasadeed ee dhacayey labadii bilood ee u danbaysay.

Go'aanka uu Madaxwaynaha Qaranka JSL soo saaray iyo safiirka Qadar hadalkiisii ahaa maalingalinta Saylac maxaa ka dhexeeya, Qadar may badalin mowqifkeedii ahaa taageerida iyo dhisida dowlada Somalia waxaana caddayn u ah isla safiirkan Qatar ee yimid Somaliland wuxuu markiiba soo saaray qoraal ay ku baahiyeen bartooda X ta oo ay ku sheegeen inay buuqdeen maamul goboleedka Somaliland taasi oo aanay dowladeenuna aanay wax jawab ah oo ma nihin maamul goboleed ee dowlad Madaxbaan baanu nahay aanay odhan taasi oo aamusnaanta lagu macneeyo xaga sharciga ogolaansho..

Sidoo kale waxaad moodaa inaanay dowlada Somaliland aanay wax dhaqdhaqaan ah oo ku saabsan arintii ictiraaf raadinta oo suurto galinta Madax banaanidii Somaliland aanay kaba shaqayn oo kaliya gudaha uun ku mashquulsantahay halkii Qadiyad raadinta JSL na ay kaliya dhaqaale iyo caawimo uun ka dhigtay oo aanay kuba adkayn macno badana u samaynayn hadalada lagu leeyahay ee ah Maamul goboleed baad tihiin tani waxay abuuraysaa shaki badan oo laga shakiyo karo in waxyaabo hoose oo badana ay jiri karaan.

Qatar waxay buuqashadii Somaliland ku sheegtay inay huuqatay Gobol ka mid ah Somalia. Markaa su"aashu waxa weeyi Xukumad...
11/12/2025

Qatar waxay buuqashadii Somaliland ku sheegtay inay huuqatay Gobol ka mid ah Somalia. Markaa su"aashu waxa weeyi Xukumadu miyaanay ka bixin shuruud lagu doortay ee ahayd in Madaxbaanida Somaliland qaadatay lagu hogaamiyo ?

Takale Xukumadan Somaliland waxay dadka reer Somaliland u sheegtay in bishan aynu jirno ee December 2025 ka Somaliland la aqoonsanayo oo ay hubaan haddana in maamul goboleed lagu sheego way ogolaatay waatan Qatar oo laba jeer ay Xidhiidh la samaysay Somaliland labadiiba iyaga Xaadir ahbay Hortooda ka sheegeen Qatar inay ka shaqaynayso hirgelinta dowlada Somalia, Somaliland ay ka mid tahay marka bal dadweynaha reer Somaliland haka jawaabaan sida ay isu qabanayaan labadan kalmadood ?

Eeg qoraalkan hoose ee carabiga ah ay Qatar ka tidhi booqashadii Somaliland

see how the geopolitical landscape is shifting daily and as you aware previously Israel was interested to deal with Soma...
11/12/2025

see how the geopolitical landscape is shifting daily and as you aware previously Israel was interested to deal with Somaliland but now you see below

Xukumadu Somaliland waxaan leeyahay haka noqoto Go'aankan waayo wax ka khasaare badani yaanu ina soo gaadhin shacabkeena...
04/12/2025

Xukumadu Somaliland waxaan leeyahay haka noqoto Go'aankan waayo wax ka khasaare badani yaanu ina soo gaadhin shacabkeena reer Awdal.

Dadka reer Somaliland ee ku nool Gobolka Awdal 100% way ka soo horjeedaan in Saylac lagu qabto Xeerkan waxay u arkaan in dhul lagu qaadanayo waar dadka reer Awdal Codkooda hala tixgaliyo oo yaan balaayo meel kale laga keenay la inagu gubin oo aan dadkeena iyo nabad galyadeena lagu Xumayn waana ceeb iyo masuuliyadda darro wayn inaynu intaas fahmi wayno, go'aankan maanta way
Deg deg tay waayo go'aan kasta oo ummada saamaynaya waxa la eegaa khasaaraha iyo faa'iidada fulinta go'aanka Iyo maxsuulka ka dhalanaya.

Xukumada waxa waajib ku ah inay ilaaliso bad-baadiso khasaaraha nafeed oo soo gaadhi karo shacabkeeda wax kasta oo dhib iyo khalkhal amni u keenayana ay ka hortagto markaa Xukumadu talaabo ha qaado intaanu khasaaruhu halkaas sii dhaafin oo ha dajiso shacabka reer Awdal hana ka noqoto xeerkan ugu yaraan horta 8 8bilood dib haloo dhigo.

Mararka qaar xataa sharciga lama fuliyo ee maslaxada ayaa la qaataa waayo waxa khasbaya duruufta iyo xaaladaha waqtigaas taagan oo go'aankaaga saamayn ku yeelanaya .

Haddii ay Xukuumadu markii h**e qiimayn kari wayday dhibta ka dhalanaysa hadda ha qiimayso oo yaanay ku sii adkaysan Xeerka Hargeisa iyo Gabilay baa waa lagu qaban karaaye.

12/10/2025

Faalo ku saabsan democracy siga dunida.

Kor-u-kaca xisbiyada iyo siyaasadaha xagjirka ah, dhaqdhaqaaqa dadweynaha (populism), bannaanbaxyada, waxqabadka dhaqaale ee liita ee qaar ka mid ah dimoqraadiyadaha, iyo khalkhalka siyaasadda dimoqraadiga ah ayaa si cad u muuqda, marka la barbar dhigo nidaamka iyo waxqabadka dhaqaale ee wanaagsan ee laga arko qaar ka mid ah dalalka aan dimoqraadiga ahayn.
Dhacdooyinkan caalamiga ah ee dhowaan dhacay ayaa bulshooyinka dimoqraadiga ah ka dhigay kuwo niyad-jabsan, iyada oo la isweydiinayo su'aalo ah: "Ma ku guul-darraysatay dimoqraadiyaddu inay bixiso waxyaabihii laga sugayay? Dimoqraadiyaddu ma ku jirtaa dhibaato? Dimoqraadiyaddu ma gaartay meeshii ay ka laaban lahayd (tipping point)

Cabsida ah in laga rajo-beelay xaaladda noocaas ah waa mid aan loo adkaysan karin.
Haa, siyaasadda dimoqraadiga ahi waa khalkhal badan tahay, dalabkeennu waa badan yahay waana buuq badan nahay, waxqabadkeenna dhaqaale si gaar ah uma fiicna.

Laakiin dimoqraadiyaddu wali waa nidaamka ugu wanaagsan ee lagu maamulo bulshooyin waaweyn meel kasta oo ay tahay. Sahanno caalami ah ayaa noo muujiyay in muwaadiniinta dimoqraadiyadu ay taageersan yihiin dimoqraadiyadooda.

Xitaa Taiwan, oo ah dimoqraadiyad dhalinyaro ah oo aan aragnay waxyaabo aad u xiiso badan:
Sahan ay sameeyeen asxaabtayda ka tirsan Xarunta Daraasaadka Doorashada ee Taiwan (Taiwan's Election Study Centre) ayaa muujinaya in muwaadiniinta Taiwan ay si weyn u taageersan yihiin dimoqraadiyadooda.

Sahan caalami ah oo ay sameysay Xarunta Cilmi-baarista ee Pew (Pew Research Centre) sanadkii 2017 ayaa sidoo kale muujinaya in inta badan muwaadiniinta dimoqraadiyada ay taageersan yihiin dimoqraadiyadda. Dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Kanada, Ingiriiska, Jarmalka, Australia, inta badan muwaadiniintooda, iyo sidoo kale muwaadiniin kale oo adduunka ah, ayaa si weyn u aqbalay oo u taageeray dimoqraadiyaddooda.

Runtii, taageeradan loo hayo dimoqraadiyadda waa mid la xaqiijin karo sababtoo ah dimoqraadiyadda ayaa bixisa waxyaabihii laga sugayay. Marka la isbarbar dhigo dimoqraadiyadaha iyo kuwa aan dimoqraadiga ahayn, celcelis ahaan, dimoqraadiyadu way ka sii barwaaqo badan yihiin, waxay leeyihiin heer sare oo horumarin bani'aadamnimo ah, dimoqraadiyadu way ka musuqmaasuq yar yihiin, muwaadiniinta dimoqraadiyaddu way ka faraxsan yihiin oo ka caafimaad badan yihiin, sidoo kale muwaadiniinta dimoqraadiyaddu waxay ku raaxaystaan xuquuqda aadanaha oo badan.

Markaa, muxuu yahay sababta ay u jiraan dhammaan cabashooyinka iyo gunuunaca ku saabsan guul-darrooyinka dimoqraadiyadda?
Niyad-jabka ku saabsan dimoqraadiyadda qayb ahaan wuxuu ka dhashay aragti ah is-mari-waaga iyo cidhiidhiga siyaasadda dimoqraadiga ah; siyaasadaha dadweynaha oo aan wax ka qaban baahida dadweynaha; iyo siyaasiyiin u muuqda inay ka go'an yihiin nolosha maalinlaha ah oo aan dhegaysan dadka caadiga ah.

Tani waxay keentaa khiyaano siyaasadeed (political alienation). Hababka looga jawaabay tan waxaa ka mid ah kor-u-kaca dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo xagjirnimada, taasoo horseedda niyad-jab iyo cabsi dheeraad ah oo ah in dimoqraadiyaddu ay xumaanayso. Haa, dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo xagjirnimadu waxay hoos u dhigi karaan dimoqraadiyadda.

Shacabka reer Somaliland siday u arkaan nidaa.kan democracy ga ee aynu isticmaalno, ma yahay mid wax ka khaldanyihiin oo aan baahiyadahooda nolosha, caddaalada, maamul wanaaga, waxba ka taraynin ?

Ma ku qanacsanyihiin nidaamkan hadda oo ma yahay mid anfacaya? Mise wax ka badal ayeynu u baahanahay?

Ramadaan Mubaarak dhamaan ummada reer Somaliland ilaahay fadliga iyo danbi dhaafo bishan barakaysan ee Ramadaan ha ina s...
01/03/2025

Ramadaan Mubaarak dhamaan ummada reer Somaliland ilaahay fadliga iyo danbi dhaafo bishan barakaysan ee Ramadaan ha ina siiyo bi idnilaahi kariim

Inaa lilaahi wa inaa ilaynaa raajicuun, waa geeri xanuun badan oo naxdin leh ilaahay ha naxariisto walaalkay taliye Abdi...
18/02/2025

Inaa lilaahi wa inaa ilaynaa raajicuun, waa geeri xanuun badan oo naxdin leh ilaahay ha naxariisto walaalkay taliye Abdi Cali nuur oo manta gacan ka xaq darrani si gaadmo ah ugu dishay saldhigii uu Taliyaha ka ahaa ee Maxamed Mooge ilaahay ha u danbi dhaafo oo janatul fardawsa haka waraabiyo bi idnilaahi kariim.
Taliye Abdi Cali nuur 4 sannadood oo halgankii dalka lagu xoreeyey wuxuu ka qaatay kaalin muhiim wuxuuna ka mid ahaa Mujaahidiintii naftooda u horay halgankii dalka ee maal iyo muruq iyo maskaxba galiyey isaga oo dhalinyaro ah da"diisu aad u yartahay wuxuu ahaa Mujaahidiintii laf dhabarta u ahaaa halgankii dalkan lagu xoreeyey.
Waxaa kalae uu taliye Abdi Cali nuur uu Xorayntii dalka ka dib uu halgan dheer u galay dhismaha dalkan JSL gaar ahaan nabadgalyada guud ee dalkan JSL waxaanu ka mid ahaa dadkii Aas-aasay guddidii nabad galyada xiliyadii ay sugida amniga dalku adkayd laga soo bilaabo 1991 waxaanu ka mid noqday police ugu h**eeyeh ee dalkan JSL laga aas-aaso wuxuu ku soo shaqeeyey duruufo adag oo bilaa mushahar iyo bilaa gaadiid ah isaga oo nabad galyada dadkiisii iyo dalkisaba waxaas oo duruuf ah madaxa u dhigtay.
Wuxuu ka mid ahaa baadheyaashii dalka ugu h**eeyey uguna aqoonta badnaa taasi oo muddo ku soo shaqaynayey allah u naxariisto eh.

Waxaa kale uu ku soo shaqeegey taliye Saldhig oo ilaa manta ahaa waxaanu qarankan tabac badan oo naf hurid iyo maal, maskax iyo muruq ba soo galiyey muddadii 32 sanno ahayd ee dalkani jiray iyo 4 sanno ee halgankii dib u Xorayntii dalku socday sidaana Marxuum Abdi Cali nuur wuxuu ka mid ahaa dadka noloshiisa dhamaanteen u horay qarankan JSL iyo nabad galyada maanta shacabka reer Somaliland ku naaloonayo.

Waxa nasiib daro ah in dadkii qaramkan dhismihiisii iyo halgankiisaba naftooda u horay ee milgalaha iyo karaamada ku lahaa in mid aan maalin qarankan iyo dalkan irbad dhuub u galinini uu aayar midi ku dilo waa arin nasiib daro ah oo aan la qaadan karin oo ay adagtahay in la aqbalaa, qarankana JSL lafjab ku ah.

Ugu danbayn waxaan dowlada Somaliland u soo jeedinayaa in dadka qaranka JSL naftooda u horay ee sidan dhibta yar loo dilaa ay sababayso in daacadnimada qarankani yaraato oo aan cid danbe isku howlin adkaynta nabadgalyada ummadan.

Waxaana ku waajib ah Xukumada in deg deg loo horgeeyo gacan ku dhiglihii dilay Taliyaha Abdi Cali nuur si dhakhso ahna loo toogto.

Waxa kale Xukumada waajib ka saaran yahay sidii taliye Abdi Cali nuur aas-qaran loogu samayn lahaa lana xusi lahaa juhdii iyo dadaalkii uu galiyey muddadii 38 sannadood ahayd ee uu Marxuum qaranka JSL uu ugu adeegayey iyo duruufihii adkaa ee uu qarankan ugu soo shaqeeyey taasi oo haddii aan la xusin qof danbe aanu duruufaha noocan oo kale ah dalkiisa ugu shaqayn doonin, waa arin qaranka JSL dan u ah.

Address

150 Street 26 June District Hargeisa
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garyaqaan Maxamed M.Haashi Timo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Garyaqaan Maxamed M.Haashi Timo:

Share