Seemaal Think Tank Centre

Seemaal Think Tank Centre Enter as strangers, leave as friends [email protected]

05/01/2026

Ka-Bixitaanka Imaaraadka Carabta ee Goobaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa Socda
The Maritime Executive
Turjumay: Garyaqaan Yusuf Habiib

Ciidamada Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa bilaabay ka-bixitaan ballaadhan oo ay kaga baxayaan goobo ay ku lahaayeen koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadan, gaar ahaan meelaha u dhow Marin-Amniyeedka Maraakiibta (MSTC). Ka-bixitaankani weli wuu socdaa, mana cadda inta ay le’eg tahay joogitaanka Imaaraadka marka uu dhammaado.

Ka-bixitaanku wuxuu yimid kaddib markii Imaaraadku ballaadhiyay saameyntiisa Yemen, isaga oo adeegsanaya STC (YEMEN'S SOUTHERN TRANSITIONAL COUNCIL), kana qabsaday Hadramawt iyo Mahra, taas oo keentay diidmo ka timid Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay (IRG) (Internationally Recognized Government), Sacuudiga iyo Cumaan. Iska-horimaadkan waxaa sii xoojiyay aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland, oo dad badan u arkayeen inuu la xidhiidho istiraatiijiyadda Imaaraadka, inkasta oo aanu si toos ah ugu lug lahayn.

30-kii Diseembar, IRG waxay la noqotay oggolaanshihii joogitaanka ciidamada Imaaraadka ee Yemen, kuna amartay inay 24 saac gudahood baxaan, taas oo dhalisay hawl-gal ka-bixitaan si fiican loo diyaariyay. Diyaarado militari iyo kuwo rayid ah oo culus iyo sidoo kale maraakiib xamuul ayaa loo adeegsaday daad-gureynta qalabka iyo gaadiidka militariga.

Weli lama hubo in wax ciidan ama hanti militari oo Imaaraad ah ay ku hadhsan yihiin Yemen iyo in hay’adaha gargaarka ama kooxaha Imaaraadku taageero—sida ciidamada Tareq Saleh iyo Southern Giants Brigade—ay sii heli doonaan taageeradaa. Haddii taageeradu istaagto, awooddooda militari way daciifi kartaa, taa oo saameyn ku yeelan karta dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta, isla markaana keeni karta isbahaysiyo cusub.

Inkastoo Imaaraadku si weyn u maalgeliyay saldhigyo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan, saldhigyadan badankood looma adeegsan weerarro toos ah, balse waxaa ujeeddadoodu ahayd kormeer iyo ururin sirdoon. Si kastaba, tani faa’iido muuqata uguma keenin amniga maraakiibta, maadaama weerarrada Xuutiyiinta ay socdeen ilaa xabbad-joojin siyaasadeed la gaadhayo.

Ugu dambayn, ka-bixitaanka Imaaraadka wuxuu saamayn ku yeelan karaa taageeradii uu siin jiray xulafadiisa Bariga Liibiya iyo Suudaan, maadaama garoomadan Badda Cas iyo Gacanka Cadan ay ahaayeen marinnada ugu muhiimsan ee taageeradaa.

Hambalyo Somaliland. Congratulations 🎊 👏
26/12/2025

Hambalyo Somaliland. Congratulations 🎊 👏

01/12/2025

Dawladnimadu waxay ku dhisan tahay tanaasul, is-qaddarin iyo in aan la buunbuunin wax kasta oo dhacaya.

Qamaan Bulxan.
29/11/2025

Qamaan Bulxan.

Muhiimadda Dhaqaalaha iyo Madaxbannaanida Badda SomalilandBy Yusuf Habiib Hussein Xeebta Somaliland waa mid ka mid ah ha...
27/11/2025

Muhiimadda Dhaqaalaha iyo Madaxbannaanida Badda Somaliland

By Yusuf Habiib Hussein

Xeebta Somaliland waa mid ka mid ah hantida ugu weyn ee uu qaranku leeyahay hase yeeshee weli si buuxda looma adeegsan, looma ilaashin, loona diyaarin mustaqbalkeeda. Adduunku waxa uu galay xilli badaha loo arko il dhaqaale, amni iyo geopolitics oo aad u muhiim ah. Somaliland-na waxa ay taagan tahay waqti ay fursado waaweyn ku jiraan, halka khataro la mid ah oo soo kordhaya ay sidoo kale ag yaalaan.

Dhaqaalaha Buluuga ah waxa uu ka koobanyahay kalluumeysiga, dekedaha iyo ganacsiga badda, tamarta badda, dalxiiska xeebaha iyo ilaalinta deegaanka badda. Haddii si qorsheysan loo maamulo wuxuu noqonkaraa laf-dhabarka koboca dhaqaalaha Somaliland. Xeebaha Somaliland waxay awood u leeyihiin inay abuuraan tobanaan kun oo shaqo, kordhiyaan dakhliga qaranka oo ay soo jiitaan maalgelin iyo dalxiis caalami ah.

Hase yeeshee, fursadahan waxaa hortaagan caqabado ay ka mid yihiin kalluumaysiga sharci-darrada ah, wasakhaynta badda, tahriibka, iyo adeegsi aan nidaamsanayn. Amniga badda iyo ilaalinta deegaanka waxay noqdeen arrimo amni qaran oo buuxa. Sidoo kale, isbeddellada cimiladu waxay kordhiyeen halista ku wajahan xeebaha sida dumin, hirar xooggan iyo dhaawaca deegaanada badeed.

Somaliland waxa ay ku taallaa marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed taas oo ka dhigaysa meel ay indhaha dalal badan oo awood leh ku jeedaan. Sidaas darteed in laga faa’iidaysto xeebta isla markaana si adag loo ilaaliyo waa arrin siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo muhiim ah.

Haddaan soo koobo: baddu waa fursad weyn, waa mas’uuliyad, waana difaac. Mustaqbalka Somaliland wuxuu ku jiraa awoodda ay u leedahay inay ilaaliso, u qorshayso, ugana faa’iidaysato xeebteeda si cilmiyeysan oo mideysan.

Haddii la helo aragti qaran oo u jeedda badda dhaqaaleheeda, amni iyo deegaanba. Somaliland waxay noqon kartaa dawlad xeebeed awood leh, doorna ka qaadata horumarinta gobolka iyo dunida.

CARTA IYO FARIINTA DJIBOUTI: Fariinta Ismaaciil Cumar Geele iyo Casharka Umadda SoomaaliyeedW/Q: Yusuf Habiib Hussein – ...
01/11/2025

CARTA IYO FARIINTA DJIBOUTI: Fariinta Ismaaciil Cumar Geele iyo Casharka Umadda Soomaaliyeed

W/Q: Yusuf Habiib Hussein – Qareen & Falanqeeye Siyaasadeed

Markii ay Soomaaliya burburtay dabayaaqadii sagaashamaadkii, dunidu waxay daawatay ummad halgan dheer ku jirta oo ay kala qaybiyeen dagaallo sokeeye, hogaamiye kooxeedyo iyo dano shisheeye oo is-dul-saarmay. Xilligaa madow, marka la eego xaaladda dowlad la’aanta iyo burburka hay’adaha, waxa jiray hal dawlad oo si dhab ah u rumaysnayd in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda dib ugu istaagi karto waxanu ahaa dalka Djibouti oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Shirkii Carta 2000: Geedi-socodkii Rajada iyo Dib-u-dhalasho.

Sannadkii 2000, magaalada Carta ee Djibouti ayaa martigelisay shirkii taariikhiga ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo indheer-garad Soomaaliyeed oo ka kala yimid dhamaan gobollada dalka, waxa qorshihiisa lahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Haji Ibrahim Cigaal madaxweynihii Somaliland.

Cigaal, inkasta oo uu hoggaaminayay Somaliland oo waqtigaaba si madax-bannaan u dhisayay nidaamkeeda dawladnimo haddana wuxuu fahamsanaa in aanay suurtagal ahayn in Geeska Afrika uu deganaado ilaa ay Soomaaliya dib u soo kabato. Fikirkaa siyaasadeed ee qotada dheer wuxuu ka tarjumayay aragti guud oo ahayd in amniga iyo xasiloonida gobolka ay ku xidhan tahay mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isagoo furitaanka shirkaa la hadlaya, wuxuu yidhi: “Soomaaliya dal weyn bay ahayd laakiin way kuftay. Maanta waxaan idinka codsanayaa inaad hiilisaan oo aad iigu hiilisaan sidii ay Soomaaliya dib ugu kici lahayd, cagaheeda dib ugu istaagi lahayd.”

Hadalkani wuxuu noqday bilowgii dawladnimada Soomaaliya ee maanta jirta. Carta waa halkii lagu dhisay Axdigii Qaran ee 2000 ee dhidibada u taagay dowladda Somaliya ee maanta jirta. Waa taariikh aan la dafiri karin.

Djibouti 2025: 25 Sano Kadib. Fariin Cusub oo Taabanaysa Quluubta Soomaalida

Sannadka 2025, Madaxweyne Geele ayaa mar kale isugu yeedhay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ee hadda jira iyo kuwii h**e, salaadiin iyo siyaasiyiin si uu u xuso 25 guuradii shirkii Carta. Shirkan cusubi ma ahayn mid xaflad keliya laakiin wuxuu ahaa dib-u-milicsi siyaasadeed iyo fariin waqtiyaysan oo si qoto dheer u taabanaysa xaaladda maanta taagan ee gobolka.

Madaxweyne Geele isagoo hadalkiisa jeedinaya wuxuu yiri: “Haddii aan shalay idhi i hiiliya, maanta waxaan idin leeyahay isku hiiliya.”

Ereyadan kooban balse miisaankoodu culus yahay waxay ka tarjumayaan laba arrimood oo muhiim ah:

1. In Geeska Afrika maanta wajahayo khataro siyaasadeed iyo istaraatiiji ah oo ka weyn kuwii 2000.
2. In badbaadada iyo mustaqbalka Soomaaliya ay ku xidhan yihiin midnimada dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Fariinta Siyaasadeed ee Ku Jirta Erayada Geele

Marka la eego xaaladda maanta ee gobolka, damaca Itoobiya ee badda, faragelinta Kenya ee xadka iyo siyaasadda iyo xasilooni darrada guud ee Geeska, fariinta Madaxweyne Geele waa mid waqtiyeysan, xeel dheer, isla markaana daacad ah. Wuxuu ku boorinayaa in Soomaalidu ay joojiso kala-qaybsanaanta iyo is-aaminaad la’aanta, oo ay isku xidhmaan dan guud oo ka wada dhaxaysa.

Fariintiisu waa digniin iyo dardaaran isku dhafan: haddii la isku hiilin waayo, danaha shisheeye ayaa mar kale kala jebin doona Soomaalida.

Somaliland iyo Aragtiyaha Fariinta

Inkasta oo Somaliland aanay ka qaybgelin shirarkaa haday tahay kii 2000 ama kii 2025 hadana fariinta Geele waa mid taabanaysa dhammaan dadka Soomaaliyeed. Somaliland oo ku faanta nidaamkeeda dawladnimo iyo xasiloonideeda, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulka iyo dadka Soomaaliyeed. Fariinta “isku hiiliya” waxay ku saabsan tahay ilaalinta danaha guud ee Soomaalida gaar ahaan marka ay timaado difaaca dhulka, dhaqaalaha iyo karaamada guud ee ummadda.

Waxaa la gudboon shacabka iyo xukuumadda Somaliland in ay fahmaan fariintaas qotada dheer: in hiilinta iyo isgarabka Soomaalida aan loola jeedin siyaasadda Muqdisho balse loola jeedo xasiloonida guud ee Geeska iyo difaaca danaha Soomaalida oo dhan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu taariikhda dheer ee Geeska Africa oo ah hoggaamiye si joogto ah uga shaqeeya isu soo dhowaanshaha Soomaalida. Fariintiisa 2000 waxay ahayd “u hiiliya Soomaaliya,” halka fariintiisa 2025 ay tahay “isku hiiliya.”

Labadaas eray waxay ka turjumayaan laba marxaladood oo kala duwan mid dib u dhis ah iyo mid badbaado ah.

Marka la eego duruufaha maanta taagan, fariintaas waa in aan loo arkin oo keliya mid siyaasadeed oo loo arkaa mid walaaltinimo oo waaqici ah. Geeska Afrika wuxuu marayaa meel xasaasi ah waxaana loo baahan yahay in la helo cod midaysan oo ka baxsan xuduudaha siyaasadeed oo ah mid umadeed iyo somalinimo.

Sidaa darteed, fariinta Geele waa in lagu garto qiimaha ay leedahay: wacyigelin, dardaaran iyo digniin ku saabsan jiritaanka Soomaalida guud ahaan.

“Isku hiiliya” waa weedh ka badan hadal, waa fariin taariikhi ah oo loo baahan yahay in ay ku dhaliso walaalnimo, faham iyo xoojinta danaha guud ee Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

25/10/2025

The Horn of Africa is increasingly becoming a focal point in China’s maritime strategy, particularly with Djibouti at its northern edge. This tiny nation is

Madaxweynuhu kalgacalka iyo ixtiraamka uu u hayo Ugaaska Samaroon waxa uu si weyn u xoojinayaa walaaltinimada, midnimada...
24/10/2025

Madaxweynuhu kalgacalka iyo ixtiraamka uu u hayo Ugaaska Samaroon waxa uu si weyn u xoojinayaa walaaltinimada, midnimada iyo wax-isku-ahaanshaha umadda Somaliland. Umad aan si kasta loo kala fogeyn karin.

Faysal Cali Waraabe: “Suldaan Siciid ha is caddeeyo in uu yahay Somaliland, ciidamadii & hubkii ay na gala  baxsadeena h...
24/10/2025

Faysal Cali Waraabe: “Suldaan Siciid ha is caddeeyo in uu yahay Somaliland, ciidamadii & hubkii ay na gala baxsadeena ha soo celiyo….Deni-na markii uu sharcigiisa ka saaro Sool & Sanaag ayaan ammaanaynaa hadda ammaan nagama mudna.”

21/10/2025

fans

Address

Hargeisa

Telephone

+252636085993

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Seemaal Think Tank Centre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Seemaal Think Tank Centre:

Share