01/11/2025
CARTA IYO FARIINTA DJIBOUTI: Fariinta Ismaaciil Cumar Geele iyo Casharka Umadda Soomaaliyeed
W/Q: Yusuf Habiib Hussein – Qareen & Falanqeeye Siyaasadeed
Markii ay Soomaaliya burburtay dabayaaqadii sagaashamaadkii, dunidu waxay daawatay ummad halgan dheer ku jirta oo ay kala qaybiyeen dagaallo sokeeye, hogaamiye kooxeedyo iyo dano shisheeye oo is-dul-saarmay. Xilligaa madow, marka la eego xaaladda dowlad la’aanta iyo burburka hay’adaha, waxa jiray hal dawlad oo si dhab ah u rumaysnayd in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda dib ugu istaagi karto waxanu ahaa dalka Djibouti oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
Shirkii Carta 2000: Geedi-socodkii Rajada iyo Dib-u-dhalasho.
Sannadkii 2000, magaalada Carta ee Djibouti ayaa martigelisay shirkii taariikhiga ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo indheer-garad Soomaaliyeed oo ka kala yimid dhamaan gobollada dalka, waxa qorshihiisa lahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Haji Ibrahim Cigaal madaxweynihii Somaliland.
Cigaal, inkasta oo uu hoggaaminayay Somaliland oo waqtigaaba si madax-bannaan u dhisayay nidaamkeeda dawladnimo haddana wuxuu fahamsanaa in aanay suurtagal ahayn in Geeska Afrika uu deganaado ilaa ay Soomaaliya dib u soo kabato. Fikirkaa siyaasadeed ee qotada dheer wuxuu ka tarjumayay aragti guud oo ahayd in amniga iyo xasiloonida gobolka ay ku xidhan tahay mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isagoo furitaanka shirkaa la hadlaya, wuxuu yidhi: “Soomaaliya dal weyn bay ahayd laakiin way kuftay. Maanta waxaan idinka codsanayaa inaad hiilisaan oo aad iigu hiilisaan sidii ay Soomaaliya dib ugu kici lahayd, cagaheeda dib ugu istaagi lahayd.”
Hadalkani wuxuu noqday bilowgii dawladnimada Soomaaliya ee maanta jirta. Carta waa halkii lagu dhisay Axdigii Qaran ee 2000 ee dhidibada u taagay dowladda Somaliya ee maanta jirta. Waa taariikh aan la dafiri karin.
Djibouti 2025: 25 Sano Kadib. Fariin Cusub oo Taabanaysa Quluubta Soomaalida
Sannadka 2025, Madaxweyne Geele ayaa mar kale isugu yeedhay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ee hadda jira iyo kuwii h**e, salaadiin iyo siyaasiyiin si uu u xuso 25 guuradii shirkii Carta. Shirkan cusubi ma ahayn mid xaflad keliya laakiin wuxuu ahaa dib-u-milicsi siyaasadeed iyo fariin waqtiyaysan oo si qoto dheer u taabanaysa xaaladda maanta taagan ee gobolka.
Madaxweyne Geele isagoo hadalkiisa jeedinaya wuxuu yiri: “Haddii aan shalay idhi i hiiliya, maanta waxaan idin leeyahay isku hiiliya.”
Ereyadan kooban balse miisaankoodu culus yahay waxay ka tarjumayaan laba arrimood oo muhiim ah:
1. In Geeska Afrika maanta wajahayo khataro siyaasadeed iyo istaraatiiji ah oo ka weyn kuwii 2000.
2. In badbaadada iyo mustaqbalka Soomaaliya ay ku xidhan yihiin midnimada dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Fariinta Siyaasadeed ee Ku Jirta Erayada Geele
Marka la eego xaaladda maanta ee gobolka, damaca Itoobiya ee badda, faragelinta Kenya ee xadka iyo siyaasadda iyo xasilooni darrada guud ee Geeska, fariinta Madaxweyne Geele waa mid waqtiyeysan, xeel dheer, isla markaana daacad ah. Wuxuu ku boorinayaa in Soomaalidu ay joojiso kala-qaybsanaanta iyo is-aaminaad la’aanta, oo ay isku xidhmaan dan guud oo ka wada dhaxaysa.
Fariintiisu waa digniin iyo dardaaran isku dhafan: haddii la isku hiilin waayo, danaha shisheeye ayaa mar kale kala jebin doona Soomaalida.
Somaliland iyo Aragtiyaha Fariinta
Inkasta oo Somaliland aanay ka qaybgelin shirarkaa haday tahay kii 2000 ama kii 2025 hadana fariinta Geele waa mid taabanaysa dhammaan dadka Soomaaliyeed. Somaliland oo ku faanta nidaamkeeda dawladnimo iyo xasiloonideeda, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulka iyo dadka Soomaaliyeed. Fariinta “isku hiiliya” waxay ku saabsan tahay ilaalinta danaha guud ee Soomaalida gaar ahaan marka ay timaado difaaca dhulka, dhaqaalaha iyo karaamada guud ee ummadda.
Waxaa la gudboon shacabka iyo xukuumadda Somaliland in ay fahmaan fariintaas qotada dheer: in hiilinta iyo isgarabka Soomaalida aan loola jeedin siyaasadda Muqdisho balse loola jeedo xasiloonida guud ee Geeska iyo difaaca danaha Soomaalida oo dhan.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu taariikhda dheer ee Geeska Africa oo ah hoggaamiye si joogto ah uga shaqeeya isu soo dhowaanshaha Soomaalida. Fariintiisa 2000 waxay ahayd “u hiiliya Soomaaliya,” halka fariintiisa 2025 ay tahay “isku hiiliya.”
Labadaas eray waxay ka turjumayaan laba marxaladood oo kala duwan mid dib u dhis ah iyo mid badbaado ah.
Marka la eego duruufaha maanta taagan, fariintaas waa in aan loo arkin oo keliya mid siyaasadeed oo loo arkaa mid walaaltinimo oo waaqici ah. Geeska Afrika wuxuu marayaa meel xasaasi ah waxaana loo baahan yahay in la helo cod midaysan oo ka baxsan xuduudaha siyaasadeed oo ah mid umadeed iyo somalinimo.
Sidaa darteed, fariinta Geele waa in lagu garto qiimaha ay leedahay: wacyigelin, dardaaran iyo digniin ku saabsan jiritaanka Soomaalida guud ahaan.
“Isku hiiliya” waa weedh ka badan hadal, waa fariin taariikhi ah oo loo baahan yahay in ay ku dhaliso walaalnimo, faham iyo xoojinta danaha guud ee Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.