11/05/2024
Dalkastaaba waxaa uu leeyahay calan ugaara oo uu dalalka kale kaga duwan yahay kuna qoran dastuurkiisa iyo xeerka dalkiisa lehna astaan iyo macno buuxa kana turjumaaya mabaadii ku salaysan aragti, kuna qotonta fasiraad micno leh tilmaan buuxdana bixinaysa.
Kala duwanaansha calamada dalalka waxaa ay udub dhexaad utahay kala garashada wadamadda iyo fahmida muhiimada calanka. Jamhuuriyadda somaliland calankeedu waa sidan.
Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle'eg oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa- llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.
Si xuska qaranka iyo astaanta calanka dalku kuugu fiicnaato calanka aad sidato kuna labisantahay waa inuu waafaqsanyahay qodobka 7aad (f)1aad dastuurka Jamhuuriyadda somaliland.Una samaysanyahay sida dastuurku tilmaamay.
Iska jir inaad 18 may ku xusto calan dalkale ama astaan kooxi leedahay ama ururba.