Ururka Qareennada Puntland - PBA

Ururka Qareennada Puntland - PBA Page ka rasmiga ah ee ururka Qareennada Puntland.

War saxaafadeedka Midowga ururrada qareennada dawlad goboleedyada Soomaaliya.
17/08/2025

War saxaafadeedka Midowga ururrada qareennada dawlad goboleedyada Soomaaliya.

Ururka qareemmada Puntland, Xafiiskiisa Kaalamada sharciga ah.Waxa uu mar walba u taaganyahay in uu ku caawiyo, kaana ca...
23/06/2025

Ururka qareemmada Puntland, Xafiiskiisa Kaalamada sharciga ah.

Waxa uu mar walba u taaganyahay in uu ku caawiyo, kaana caawiyo baahi walba oo aad ka qabto dhanka sharciga.

WAXAANU KUU NAHAY HIIL.


Ururka qareemmada Puntland, Xafiiskiisa Kaalamada sharciga ah waxa uu diyaar u yahay in uu u shaqeeyo qof kasta aan awoo...
23/06/2025

Ururka qareemmada Puntland, Xafiiskiisa Kaalamada sharciga ah waxa uu diyaar u yahay in uu u shaqeeyo qof kasta aan awoodin Kharashaadka, si loo xaqiijiyo caddaalad loo simanyahay.


18/06/2025

"Lacagta $200 ay Maxkamadda sare ku soo rogtay shacabka waa Lacag sharci daro ah" Gudoomiyaha Gudiga Sharuucda iyo Caddaaladda ee Golaha wakiilada Puntland.

Ururka Qareenadda Puntland wuxuu maanta oo ay taarikhdu tahay 16/06/2025 shir la qaatay Wasaaradda Maaliyada Puntland.Wa...
16/06/2025

Ururka Qareenadda Puntland wuxuu maanta oo ay taarikhdu tahay 16/06/2025 shir la qaatay Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Waxaa mudadii uu shirku sacday la isla qaatay Xoojinta Kaalmada sharci ee Ururka Qareenaddu bixiyo, kor u qaadida Wacyigalinada sharciga iyo Xaqiijinta Cadaalada. In si wadajir ah ay u qabtaan Tababaro kor loogu qaadayo Fahamka Bulshada ee Caanshuuraha Dowladda.

Waxay Wasaaradda iyo Ururku magaacbeen Gudi farsamo oo xaqiijinaya hirgalinta Qodobada lagu heshiiyay.

𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬 Agaasime WaaxGarowe, 14 June 2025: Guddoomiya ururka qareennada Puntland Avv. Mohamud Said Abdirihman  (Horee...
14/06/2025

𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬 Agaasime Waax

Garowe, 14 June 2025: Guddoomiya ururka qareennada Puntland Avv. Mohamud Said Abdirihman (Horeeye) ayaa qareen Mustafe Maxamed Jama u magacaabay Agaasimaha waaxda kaalmada sharciga ee gobolka Nugaal.

Guddoomiya ururka qareennada Puntland Avv. Mohamud Said Abdirihman (Horeeye) ayaa kula dardaarmay agaasimaha cusub in ay bulshada ugu shaqeeyaan si hufan,daacadnimo iyo xilkasnimo ku jirto.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

14/06/2025



Xoghayaga ururka qareennada Puntland oo ka qaybgalay shirka daah-furka nidaamka nootaayada danabaysan (E-notary) kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta.

Fulinta iyo dhaqan galinta barnaamijka Nootayada Danabeysan ee E-Notary oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan labada Wasaaradood ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland, Nootayada Danabeysan ee E-Notary ee dhaqan-galinta iyo kor u qaadista Arrimaha Cadaaladda iyo ilaalinta hantida Bulshada Puntland iyo doorka Wasaaradda Maaliyadda ee ah kor u qaadista dakhliga Dowladda Puntland.

Shirkan waxaa daah-furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta, iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Abdiwahaab Axmed.

.

08/06/2025

Ururka Qareenada Puntland ayaa sameeyay Waaxda Gargaarka Sharciga si ay u helaan adeegyada sharciga ah ee lagama maarmaanka u ah dadka aan awoodin qareenka gaar ahaan haweenka, caruurta, qaxootiga iyo barakacayaasha.

Helitaanka kaalmo sharci waa xuquuq dastuuri ah sida uu dhigayo dastuurka Puntland. ⚖️



Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Qareennada Puntland - PBA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category