Avv. Mukhtar Ahmed

Avv. Mukhtar Ahmed The Official Page of Avv. Mukhtar Ahmed Ali

15/09/2024

Marka aad wax barato oo sanado badan aad buugaag iyo qalimaan sidatey waxaa muhiim ah in aqoontaasi ay bedeshey hab fikirkaaga, qofnimadaada, hamigaaga, iyo akhlaaqdaada.

Aqoontu waa inay kaadhigtaa mid aragti dheer leh oo leh odoros fog taasoo aan dadku badankooda ujeedin ama aan maskaxdoooduba kujirin xiligaa.

Haddii aan intaasiba jirin oo adiga iyo midka waligiisa waxba xariiqan isku mid tihiin amaba wax yaabo badan kugu dhaamo.
walina aad sheeganeyso in aad wax baratey, waxba maadan barane dib isugu noqo.

The Official Page of Avv. Mukhtar Ahmed Ali

Hogaaminta Iyo Maamulka:----------------------------------------------------------------------------Hogaaminta iyo maamu...
21/08/2024

Hogaaminta Iyo Maamulka:
----------------------------------------------------------------------------Hogaaminta iyo maamulku waa ay isu egyihiin balse Waa laba shey oo kala duwan, Hogaamiye kastaa ma ahan maamule, maamule kastaana ma ahan Hogaamiye, sidaaso ay tahay hadana labadooduba hal meel ayey uwada socdaan taaso ah xaqiijinta Himilooyin iyo yoolal.

waxaana jira tilmaamo badan oo midkastaa uu leeyahay, waxaana kamid ah kuwan soosocda:

*Hogaamiyuhu waxaa uu abuuraa aragti fog
(far vision) wuxuuna kudedaalaa in uu Xaqiijiyo, inta badanna waa mid ka aragti dheer dadka kuhareereysan, waxaana uu kudadaalaa dhiiragelinta dadka lashaqeeya si shaqada loogu qabto qaabka ugu tayada sarreysa uguna Yer qarash ahaan iyo wakhti ahaanba.

Halka Maamuluhuna inta badan yahay mid Dejiya hadafyada wakhtiyada gaaban(short term goals), wuxuuna dejiyaa qorsha howleed lagu xaqiijiyo Ahdaaftaas, isagoo raaceya istiriraatiijiyad fulin, iyo Nidaam shaqo.

*Hogaamiyuhu inta badan waxaa uu raadiyaa isbedel iyo hal abuur inuu sookordhiyo, waxaa uuna dhisaa/keenaa afkaaro cusub oo lagushaqeeyo, wuxuuna kudhac uleeyahay galida Tijaabooyin cusub oo ay ka imaankarto khataro mana ahan mid kacabsada isbedel ka iyo tijaabooyinka.

Halka Maamuluhu oo kabaqo khataraha lagu fashilmikaro iyo tijaabooyinka aan la open waxaa kadhalankara, islamarkaasina waxaa Ku badan taxaddarka.

*Hogaamiyaashu waxaa ay leeyihiin amaba ay kasbadaan shacbiyad iyo taageerayaal badan, Halka maamuluhu uu leeyahay shaqaale ka amar qaata oo uu maamulo kuwaaasoo Mar waliba kudadaala sidii ay uraaligalin lahaayeen maamulahooda.

Haddii aan intaas fahamney Waxaa Muhiim ah in maamulayaashu ay akhriyaan buugaagta laga qorey arimaha maamulka islamarkaana dadka ay maamulaan siiyaan taba barro joogto ah iyo dhiiragalin.

Buugan Sawirkiisu hoos kamuuqdo oo ladhaho(Qofkasta wuxuu Uqalmaa inuu Noqdo maamule weyn) waxaa qorey Nin udhashey mareykanka oo ladhaho (Scott Miller) waxaa uu kamid yahay buugaagta kobcineya aqoonta iyo tayada maamulaha.

Q:Mukhtaar Ahmed Ali.

14/08/2024
Sharaf ayey ii ahayd Xaley in aan kamid noqdo marti Sharaf lagu casuumey  xaflad heerkeedu Sareeyey oo Daarneyd xilwarej...
12/08/2024

Sharaf ayey ii ahayd Xaley in aan kamid noqdo marti Sharaf lagu casuumey xaflad heerkeedu Sareeyey oo Daarneyd xilwarejinta Gudoomiyahii H**e Gudoonka Cusub Ee jaamacadda University, taaso lagu qabtey gudaha jaamacadda Ee magalada Garoowe.

Gudoomiyaha Cusub Ee Jaamacadda Dr Abdinaasir Jaamac Warsame oo ah Nin Sheikh ah waxaan leeyahay mas'uuliyadda alle hakulaqaado.

Mahadcelin iyo Codsi:------------------------------------------------------------Waxaan mahad ballaadhan u celineyaa Gud...
11/08/2024

Mahadcelin iyo Codsi:
------------------------------------------------------------
Waxaan mahad ballaadhan u celineyaa Gudoomiyaha Xisbiga Horseed ahna Waziirka Wazaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada Mudane Mohamed Abdirahman Mohamad faroole oo ii magacaabey Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga. Waxaan alle Kabaryeyaa in uu fududeeyo mas'uuliyaas.

Waxaan dhammaan bulsho weynta reer puntland meel waliba oo ay joogaan miyi iyo magaaloba, leeyahay"waxaan kashaqeyndoonaa danihiina waxaan toosha ku ifindoonnaa wax kaqabashada baayihiinna, waxaan utaagnaandoonaa kadalka iyo uqareemida danihiina gaar ahaan dad ka jilicsan, sidaa darteed waxaan idinka Codsaneynaa in aad nagu garab siisaan howshaas balaadhan ee inootaala.

Mahadsanidiin.

09/08/2024

Taba barada ugu adag dunida ee askarta lamariyo!

Aduunyadan Mushkilad aan xal lahayn majirto Beeralayda dalka Japan ayaa bilaabay inay beeraan qaraha oo qaab cusub ah 🍉 ...
06/08/2024

Aduunyadan Mushkilad aan xal lahayn majirto Beeralayda dalka Japan ayaa bilaabay inay beeraan qaraha oo qaab cusub ah 🍉 inta uu Curdinka yahay oo uu Geedka kuyaalo ayey dhexgaliyaan dhalooyin 4 gees ah, taasoo keentey in qaraha uu si toos ah ugu dhexkoro
Isagoo yeelaneya Cabirkii dhalada.

Sababta ay arintani u sameeyaan waxaa weeye maadama ay qaraha dibadda udhoofiyaan iyago kugureya konteenaro kadibna kurareya Maraakiibta waxaa ay rabaan in qaab rarista usahlanaato oo sidii kartoonadii la isu dulsaqro qaraha.

03/08/2024

Wakhtiga qofna mabedelo balse waxaa uu faydeyaa qofkasta Xaqiiqdiisa iyo shakhsiyadiisa Nooca ay tahay.

01/08/2024

Caddaaladu waa aasaaska Nolosha Ibnu aadamka iyo guud ahaan tan noolaha koonka saaran.
haddii dal caddaalad laga waayo oo dulmigu wada gaaro Daan ilaa Daan, markaa Alle Dan k**a lahan mana bedelayo xaaladda ilaa dadku ay isbedel layimaadaan oo ay dib isugu laabtaan.

khaliifkii muslimiinta Ee Cumar ibnu Cabdulcaziiz ayaa waxaa farriin usoodirey nin la odhanjirey Jarraax ibnu Cabdullahi al-xakamiyi oo barasaabkiisa ahaa waxaana ku yidhi:(reer khuraasaan waa ay xumaadeen wayna madax adeegeen, waxaan ciqaab ahayna kuma tooseyaan ee iifasax inaan ciqaabo)! Waxuu ugu jawaabey: warkaaga waa isoo gaarey haseyeeshee been baad sheegtey ee dadka Cadaalad baa deeqda oo toosisa ee ucadaalad fala.

أخرجه الخطيب البغدادي في كتابه المتفق والمفترق،وإن كان في سنده طعن.

31/07/2024

Duni waxaan joognaa Mar dhow laga maarmidooni Basharka, Shaqadii badan oo ay qabanjireena loo weeciya Artificial intelligent men.

Address

Global Road, First August
Garowe
20000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Avv. Mukhtar Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share