Tageeraha Gudomiyha Nugal

Tageeraha Gudomiyha Nugal Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Tageeraha Gudomiyha Nugal, Lawyer & Law Firm, 16, Garowe.

03/10/2017

S50: Hoggaamiye muxuu ka baran karaa hoggaaminta gorgorka?

J50: Culimada u kuur gashay dabciga gorgorku waxay yiraahdaan, 7 sifo ayaa laga baran karaa gorgorka oo hadda duusha ka mid ah.

1. In hoggaamiyuhu koox heer sare ah la shaqaysto oo uu ka fogaado wax ku darsashada dadka liita.

2. In himilada iyo aragtida uu higsanayo diiradda ku hayo caqabado kastoo jira ama yimaada.

3. In uu u dhaqaaqo jihada aragtida fiican ee gaarsiinaya mustaqbal ka fiican xaaladda ay ku suganyihiin isaga iyo dadkiisu.

4. In hoggaamiyuhu wajiga siiyo oo aqbalo dhibka iyo caraynta uu la kulmayo. Dhibku madaxda waa uu dhisaa, xaaladda ummadduna way ka fiicnaantaa sidii h**e haddii uu hoggaamiyuhu jid toosan ku taaganyahay.

5. In uu Hoggaamiyuhu tijaabiyo oo imtixaamo dadka uu wax la wadaagayo in ay ka go'antahay in ay u hagarbaxayaan hawsha ay qabanayaan.

6. In hoggaamiyuhu da'yarta u diyaariyo tababarro adadag oo raaxo iyo dhibyari lahayn.

7. In uu hoggaamiyuhu tuuro oo rido dhaqammada iyo caadooyinka aan qaymaha u la hayn dadka iyo dalka.
Tixgelin

Xaqiiq

27/09/2017

"He who cannot be a good follower cannot be a good leader."- Aristotle

We are the new leaders.

Thanks to everyone please like our page and share our thunderstorms post.

26/09/2017

Doorasho In la galo waxaa ka muhimsan horta yaa tahay adigu ?

Waxa kula socda waxay yihiin ma ogtahay?
Aqoonta siyasadeed intee le'gtahay?
Codka ma la baryaa?
Ruufiyaan talada ma laga qaadan karaan?
Mooryan ma kuu sacaba tumi kara?

Waan hubaa intaas ba in ay kugu dhanyihiin. Laakin ma is weydisay awooda ku garab taal?

Tan iyo markii xornimada la qaatay, tiirarkana loo taagay dawladdii daakhiliga ahayd ilaa haatan oo xalad aan baylah wax...
25/09/2017

Tan iyo markii xornimada la qaatay, tiirarkana loo taagay dawladdii daakhiliga ahayd ilaa haatan oo xalad aan baylah waxba dhaamin lagu suganyahay, maamulladii kala dambeeyey ee midba afkaartiisa u gaar ka ah watay ee ina soo maray, ma ahayn kuwa ka dhabeeya siyaasadaha iyo wax-qabadyada ay dadweynaha u sheegayeen. Waxa caado u noqotay intay k*maanaan dad ah soo hor istaagan yiraahdaan xaallad hebel afmeerkeedu wax quman nagu qaadan maayo, xaalad heblana waaba soo af-meerray, taasna raadkeedaan ku taagan nahay, mid kaloo tii h**e ka sii waxtar badan lehna dhaqso ayaan u bilaabi doonnaa. Madal joogta maqal raacda aan waxba dhaamina farxad bay la kala daadtaan, haddiiba aysan maryaha u dhigin oraahda la buunbuuniyey ee ay xuk*maddu fagaaraha ka sheegtay. Anigoo ka duulaya Oraahda sii ridan oo mawdca qoraalkayga ku soo carabaabay (FAL AAN LAABTA JIRIN FARO WAX UGA DARAN) iyo hordhac kooban anigoo ku soo koobaya qormadayda qiimaha dawlnimadda oo hordhac ah iyo qodobka laabaad oo ah kalmadda masuulka. Qiimaha dawlad Sideedaba dawlddnimo waxaa lagu hanan karaa kolkii umadd wada daggani ay u midowda dan guud ka dhexaysa horrumarinteeda ay isku dharsadaan. Sidoo kale waa in ay isku niyad noqdaan, daacad u ahadaan dalkooda, hoggaan siyasadeed oo ay islku waafaqsanyihiinna ay doortaan. Waxa lagama maarmaan ah in bulshadau ay ka dheregsan tahay:- waa maxay hawsha ay u igmadeen hogaanka la doortaysu? Ma mid hadal tirro been ah hadaaqeeda iyo afka buuxsaa mise waa fulinta wixii ay sheegan iyo dhowrista hantida dalkaa? Jawaabta akhristow adigaan kuu daayey

Hooggaan la magacaabo kaliya k*m filna wajahista daruufaha dalka haddii aanu garab , hiil iyo guubaabo ka helin dadweynaha iyo qaybaha bulshada wax ku oolka ah ee uu hawsha ka xigsanayo. Shacbka madaxda loo yahay wa in ay kaalintooda buuxiyaan, iska xilsaaran wax yabaha looga baahanyahay. Madaxduna waa in ay iyana ka dhawrsadaan wax yaabaha lidka ku ah dhaqanka hogaaminta suubban sidda: Qaraabakiilka, eexaysiga, iyo waxa haatan loo yaqaan musuq maasuqa. sidaan kor ku soo xusnay mar haddii dawladi ay ka dhabayso arrimahaas qiime iyo sharaf u haray iima muuqdaan.

Haddaba si kastoo arar loo dhigto marna hadalku gunta hoose in uu gaaro k**a hakado. Dalkeena oo ku dhawaad 30 sano muddo ku dhaw ku sugnaa burbur iyo dowlad la’aan waagi baryana la yiraah dowlad ba la aastaynaya ama dadweynuhu meelaha uu ku kala warqaato ha ahaadan Idaacadaha ama fadhi ku dirirada la isgu jalbeebiyo arrimo lagu tilmaamo inay ugub yihiin ruwaaydana aan ka marnayn. Allaha u naxaristee aqoonyahankii cilmi baarahana aha Xirsi magan ciise lagu magacaabi jiray ayaa isaga oo ka hadlaya xaalka soomaliyeed yiri aftahamo lala afjabay kuwaas oo ahaa ‘’Soomaalida gumaysiga madawga ah wax uga daran lama arko’’ Oo uu ula jeeday markii macna guud loo macneeyo. Soomalida in ay iyadu isku taliso waxaa u dhama in qolya kale ku amar taagleeyan. Maxaa yeelay waanu aragnay xukuumad kasta markay xukunka la wareegto iyadoo markaa ugub, huq iyo taah hoose habaarkuna uu san ka marnayn ay dhanka shacbaka durbaddiiba ka soo yeeraan. Su’áasha is weydinta mudan waxaa weeye: - Ma shacbkaa gumayn iyo jajuub dareema markay maamul maqlaan, mise raga xukunka haya ayaa shacabka rabitaaankooda dhagaha ka awta, halkee iska qabsan la’dahay akhristow adaan ku weydiiyaye? Su’áalahas waxaa jawaabtooda ka daliishanayna gabay uu tiriyey Faylasufkii aqoonyahankii gola kafuulkana ku badiyey Sheekh\Gabyaa Cismaan Yusuf Keenadiid wuxuu yiri:

*Muquunay ku joogaan, sidii maal la leeyahayé

*Raggii madaxdu ka xumaato, way marin habaabaane

* Kuwii maqaddimmada looga dhigay, waa manfaco raace

* Mar maxaad cuntaa kaliya, buu yahay maqsuudkoode ‘

*Nin mushaharo eexaynayaa, waa miskiin dhabahe

* Wax maqsuud ka dhigay, waa inuu maarmi waa yahay e

* Mudaafacana seeg, iyo inuu maya yiraahdaa

Madax wareenka joogtada ah maatada waxa u sabab ah waa madaxdooda oo falkasta mudaac u ah. Waxayna uga bixi kartaa iyadoo midnimada xoojisa xumaha iyo dib u dhacana xayn daab ka wareegsata. Kelmadda Mas’uulka In dadweyne fagaare laísugu keeno oo la mihiyo ma ahan aftahamada dhabta ah. Maxaa yeelay ujeeda kalifta in dadweynaha dawladdu fagaare maalin hebel ku balamiso waa inay noqdaan dano Kuuseeya labada dhinac isuna soo dhoweeya xirriirka iyo iska warqabka shacbka iyo maamulkaba Dhinaca shacbka waxa la soo xula kuwa hilimada hadalka heli og uguna aqoon dheer markaas oo iyagana khudbadaha qaybtooda laga siiyo taasina waa sidda saxda ah, laakin soomaliya maamulada ka jira sidaan uga baranay waa kuwa tallaaba kasta oo ay qadayaan ka dheehan tahay saamaynta awoodo kale iyo rabitaan ka baxsan kan shacabka ay madaxda u yihiin. Waxaa Iyana aan meesha ka maqnayn in abaabulista iyo dumista isu-soo baxyada noocaas looga gol leeyahay qaab masruucaysan (project creation) oo lacag badan lagu soo uruursado iyagoo ku marmarsiiyoonaya baahi iyo dano shacab bale marka ay lacagahaas soo helaan ay u adeegsadaan danahooda gaarka ah

Badanaaba madaxda noocaas ahi, markii ay lacagaha soo helaaan ayeey abaabulaan shirar ay isugu yeeran saxaafad iyo aalad kasta oo war-baahineed iyagoo carabka ku adkeeya wax allaale iyo waxii shacbku ay gocanyeen iyagoo kollkaa ku celceliya ballanqaadyo been ah barnaamijyo ay sheegaan in ay qaban doonaan. Malahaygana xaalladda shacbka soomaliyeed waxba ma dhaanto tii la yiri “Dibigii wardheer”! Dibiga wardheer waa oraahdii ahayd Dibaga doolood dhagihiisu wax san bay maqlaan indhihiisuse ma arkan. Aan soo xigto gabay uu tiriyey gabyaagi weynaa Cabduqaadir xirsi siyaad Yam Yam. Gabay uu uga hadlayey arimaha dawladdii wakhtigaa jirtay iyo qaabab- ruwaayadeedkii ay shacbaka u qancin jirtay wuxuu yiri:

*Dibigiii wardheer wali wuu maqlaa wanaagiiyee

*Wax yeelada darkana wuu arkaa tan iyo waaqiise

*Waylaha lo’dii uma diignoo waa Allaw maqané

*Waxaruhu mareegtii qabkay kula dhex waasheene

*Faras wagaradkiisii go’áy yaan wali ku joognaaye

*Gogoshii wariirga badnayd waa ku hurudnaaye

*Daaraha wirwiraya iyo dhulkaa quruxda loo weelay

*Haddii aanay dad weheshada lahayn waa wax k*ma taale

*Sacabkaan idiin wada tunnay yaad waliya mooddeene

*In walagada barkeed naga dhab yahay balaan is weydiino

Ilaahow soomali dawladnimadeedi u soo celi shisheeye kalkaalka iyo tantood moogganayaashana ka qabo. Qoraha maqaalka: Maxamed Siciid maxamed

23/09/2017

Asc Dhaman ardyda iskuulka nugal

Address

16
Garowe
1234

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tageeraha Gudomiyha Nugal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share