10/10/2022
Yaa ka mas'uul ah hogaaminta, hagida iyo oogista dacwadaha ciqaabta ah?
Sida ku cad qodobka 8aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Soomaaliya dacwadaha ciqaabta waxaa mas'uuliyad ka saaran tahay dhaqaajinteeda' hagisdeeda iyo higaaminta dacwad kasta oo ciqaab ah Xafiiska xeer ilaalinta waana waajiibaad uu saaray xeerka Nidaamka Garsoorka Soomaaliya qodobkiisa 8aad iyo qodobka 12aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya.
Haddaba dacwadda ciqaabta aan ka soo bilaaban xafiiska Xeer ilaalintu ma dhaqaajin karaa Garsooraha gacanka ku haya kiiskaas?.
Maya sababtoo ah Xafiiska Xeer ilaalintu waa meesha ay soo bilaabanto oogista, dhaqaajinta dacwadaha ciqaabta fiiri qodobka 69aad XHCS waxayna uu mas'uul ka tahay dawladda iyo shacabkeeda. Dacwad aan daraf ka ahayn xafiiska Xeer ilaalintuna Garsooraha ma dhaqaajin karo haddii uu dhaqaajinaya waa sharci darro iyo ku xad gudub xuquuqeed.
Sidoo kale khaladaadka sharci ee jira waxaa ka mid ah Qareenka dhibanaha oo mararka qaarkood isku beddela Dembi ooge ama qabta shaqada Xafiiska Xeer ilaalinta, mararka qaarkoodna dacwadda ka dhiga seddex daraf oo iska soo hor jeeda halka la rabay in asaga iyo Xafiiska Xeer ilaalintu isku daraf noqdaan badanaana waxay daliil u keensadaan qodobka 15aad faqadiisa 6aad oo oranaysa " Dhinaca Dhibanaha waxa uu wakiilan karaa hal qareen" waa sax oraadaha farqadaas laakiin muxuu dhibanahu ku wakiishay Qareenku, jawaabta su'aasha waxa ay noqonaysaa, maadaaama Xafiiska Xeer ilaalintu tahay waajibaadeedka oogista dacwadda ciqaabta oo kaliya qareenkuna waxa uu dhibanaha ku kaalmeeya helista magdhawgiisa madani oo kaliya ee ma ahan in uu asaguna soo oogo daceo ciqaabeed kale sida Xafiiska Xeer ilaalinta oo kale. Inta badana Qareennadu waa ku arkaa qodobkaas.
Yaa mas'uul ka ah soo gudbinta Cadaymaha iyo markhaatiyaasha dacwadaha ciqaabta marka lagu guda jiro waxaa iska leh Xafiisks Xeer ilaalinta fiiri qodobada kala ah 110' 163 XHCS.
Waa aniga iyo fikirkeyga ciddii igu diidan fadlan waa ila soo wadaagi kartaa.
Avv. Mohamed Jama Isse