Kaalmo Legal Aid, Consultancy and Training Center

Kaalmo Legal Aid, Consultancy and Training Center Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kaalmo Legal Aid, Consultancy and Training Center, Legal Service, Kaah Hotel Road, Gaalkacyo.

Kaalmo Legal Aid Consultancy and Training Center is a nonprofit organization providing accessible legal services and skills-development training to empower underprivileged and vulnerable communities.

Allow dadkeena u gargaar naga dhig kuwo dadkooda u danqada oo garab istaaga xilika aadka u daran
29/01/2026

Allow dadkeena u gargaar naga dhig kuwo dadkooda u danqada oo garab istaaga xilika aadka u daran

28/01/2026

Gaalkacyo 28/01/2025

Ugu horrayn Abaartu waa Misuubo Rabaani ah waxaan Alle uga rajaynaynaa Dadka Reer Puntland oo dhan Gaar ahaan deegaanada Gobolka Mudug in Alle ka faydo dhibaatada Abaartu keentay oo Alle Madar khayar qaba oo degdeg ah siiyo deegaanada abaartu saamaysay oo ay ka mid yihiin deegaanada Jariiban oo ay hadda ilaa afar qof oo ay caruur u badan yihiin u geeriyooday biyo la’aan

Haddaba Waxaan Dawladda Puntland, Maamulka Gobolka iyo dhamaan sama falayaasha reer Puntland iyo inta samaha jecel ugu baaqayaa in dadkaas walaalaheena oo biyo la’aanta u dhimanaya loo istaago lana gaarsiiyo gargaar degdeg oo biyo dhaamin ah si loo badbaadsho noloshooda waana waajib fardo cayn nagu ah inteena All wax siiyay.

Nabi Maxamed NNKH waxa uu yiri:

مَن نفَّس عن مؤمنٍ كربةً من كُرَب الدنيا، نفَّس الله عنه كربةً من كُرَب يوم القيامة، ومن يسَّر على معسرٍ، يسَّر الله عليه في الدنيا والآخرة، ومن ستر مسلمًا ستره الله في الدنيا والآخرة، واللهُ في عون العبد ما كان العبد في عون أخيه،

Marka walaalayaal aynu isku gargaarno sidoo kalana caawino walaalaheena u baahan garabkeena maanta.

Wabilaahi Tawfiiq

Xaruunta Gargaarka Sharciga, Talo siinta iyo Tababarada ee Kaalmo

Kaalmo Legal Aid, Consultancy and Training Center
Galaakcyo- Puntland Soomalia

Fadlan Sharegaree

21/01/2026

Legal Training and Awareness is our new project for this year, aimed at strengthening legal knowledge, compliance, and rights awareness.

Bulshooy Nabada halaga shaqeeyo
21/01/2026

Bulshooy Nabada halaga shaqeeyo

Xarunta Gargaarka Sharciga, iyo talo bixinta iyo Tababarada ee Kaalmo ayaa baaq udirtay bulshada kudagalantay Degaanka roox.

Hoos ka akhriso Baaqa Xaruunta Kaalmo Legal Aid, Consultancy and training Center.

21/01/2026

Baaq Nabadeed oo laga diray Colaada Roox.

Baaq Nabadeed
21/01/2026

Baaq Nabadeed

20/01/2026

🕊🕊🕊Baaq Nabadeed 🕊🕊🕊

Waxaan ka xunnahay dagaalka sokeeya ee saaka ilaa galabata ka ka dhacay deegaanka Roox, una dhaxeeyey dadka ehelka ah ee wada dega.

Dagaal wiil baa ku dhinta, ee wiil kuma dhasho. Waxaan ka tacsiyaynaynaa dadkii ku naf waayay dirirtaas sokeeye, inta dhaawacanna waxaan Alle uga baryeynaa in uu u booga dhayo.

Waa nasiib darro wayn in ay dirirtaas ka dhax qaraxdo, beelahaas Ood wadaagta ah isla markaanna ay ka dhashaan khasaaro isugu jira; dhimasho iyo dhaawac.

Dirirta sokeeyaha waa Aafo dadka ehelka ah, ku dhex reebta mahadho fool xun oo aan cidina ku libin-gaadhin, dhibaatada uu leeyahayna aynu soo wada aragnay. Waxaana cod dheer ugu sheegeynaa beelahaas walaalaha in dagaal sokeeyo iyo colaad ehelo Ba’ mooye aan lagu badhaadhin, waxaana faraynaa in ay Nabadoodda Ilaashadaan kuna heshiyaan xasillooni wada degenaansho ah sidii ay u abuuri lahaayen si aaney mar kale u soo noqon.

Waxaan ugu danbayntii, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaakacyo, Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac iyo dhammaan wax garadka, in loo istaago xal u helidda sidii uusan dagaalkaasu u sii socon, laguna soo celiyo deegaankaas Nabad, lana xakmeeyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta.

NABAD BAA NAAS LA NUUGO LEH
NABAD WAA LAMA HURAAN
INTA AY NABAD JIRTUU, NINBA LABDIIS LE’EGYAHAY
RAG GOGOSHII WAA NABAD

Kaalmo Legal Aid, Consultancy and Training Center

Kaalmo Legal Aid, Consultancy and Training CenterSanadkan 2026 waxaan ku soo kordhinay xaruunta Training “Tababaro” oo u...
19/01/2026

Kaalmo Legal Aid, Consultancy and Training Center

Sanadkan 2026 waxaan ku soo kordhinay xaruunta Training “Tababaro” oo uu xafiisku si joogta ah u bixin doono si kor loogu qaado wacyiga bulshada dhanka Nabadda, Hormarka iyo xoojinta cadaaladda.

Xaruunta Gargaarka Sharciga, talo bixinta iyo tababarada ee Kaalmo
#2026

11/12/2025

Barnaamijka Bulsho Nabad Ah waxaa inooga qayb galay Qareen Avv Mohamed J. Isse oo ah khabiir u ololeeya arrimaha Xuquuqul Insaanka ahana Qareen u dooda dadka dan yarta ah iyo dadka Nugul sida haweenka iyo Caruurta si ay u helaan cadaalad

11/12/2025

Abuukate Avv Mohamed J. Isse oo ah Qareen u dhaqdhaqaaqa arrimaha Xuquul isnaanka ayaa marti ku ah Barnaamij looga hadlayo arrimaha Xuquuda Hadalka iyo xoriyatul qawalka

Xaruunta Gargaarka Sharciga ee Kaalmo Kaalmo Legal Aid And Consultancy Service ayaa  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobo...
11/12/2025

Xaruunta Gargaarka Sharciga ee Kaalmo Kaalmo Legal Aid And Consultancy Service ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uga qayb gashay kulanka xoojinta kalsoonida bulshada ee arrimaha cadaaladda, garsoorka iyo amniga oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Puntland

Ujeeddada kulanku ayaa ahaaa in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha dawliga ah, lana xoojiyo kalsoonida guud ee ku aaddan adeegyada cadaaladda iyo amniga.

06/12/2025

GAROWE 06/12/2025

Saaka waxaan booqanay Xafiiska Ururka Qareennada Dawladda Puntland maadaama aan nahalay Shaqo wadaag (parnership) dhan Legal Aidka ama Gargaarka sharciga dadka Nugul iyo dafkanu baahan gacan siin iyo Kaalmo sharci

Haddii Rabbi idmo muqaalkan oo dhammaystiran dib ayaan idinkula soo wadaagi doonaa haddii Rabbi idmo wixii aan kala hafalay Gudoonka Ururka

Kaalmo Legal Aid And Consultancy Service

Address

Kaah Hotel Road
Gaalkacyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaalmo Legal Aid, Consultancy and Training Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category