12/01/2021
Maxaa ka qaldan Warbixinta Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya oo uu soosaaray Mac-hadka Heritage
Mac-hadka Heritage ayaa January-2021 waxa uu soo saaray Warbixin Cinwaankeedu yahay ( Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya ee Burburay)’ Warbixitaan sida muuqato waxay ka hadleysaa Nidaamka Cadaaladda Dalka laga soo bilaabo ka hor xurriyadii ilaa maanta sida uu yahay nidaamka cadaaladda dalku.
Warbixintu waxay mudan tahay in la amaano sababta oo ah waxa ay la xiriirta mawduuc muhiim u ah noloshada bulshada Soomaaliyeed’ sidoo kalane waa isku day bilaw ah oo mudan in la bogaadiyo’ hase ahaatee warxibinta waxaa ku jira khaladaad waaweyn oo marna aan laga aamusi Karin, khaladaadka muuqda waxa ay iskugu jiraan kuwa taariikheed, kuwa cilmi iyo kuwa khilaafsan xaqiiqooyinka jira.
Waxa kale oo mudan in hoosta laga calaameeyo in warbixintu ay ka gaabisay sheegidda arrimo muhiim ah oo ay tahay in ay tilmaanto cid kasta oo mawduucaan daraasad ama cilmi-baaris ka samaynaysa.
haddaba hadddii alle idmo waxa aan rabaa in aan si kooban u tilmaamo khaladaadka ugu waawayne ee warbixinta ku jira iyo sidoo kale arrimaha ugu muhimsan ee ay warbixintu ka gaabisay.
waa maxay khaladaadka waawayn ee ku jira warbixinta Heritage?
ugu horrayntii waxaan isku dayayaa in aan calaameeyo khaladaadka ugu waawayn eeku jira warbixinta Heritage’ khladaadkaas oo ay ugu muhimsan yihiin kuwa soo socda:
Warbixinta HIPS’ waxaa lagu sheegay in laba sannadood xurriyaddii kadib dawladdu magacawday guddiga midaynta shuruucda laba gobal (Consultative Committee for the Integration of Legal Systems) Arrintaas Waa khalad Sababta oo ah Guddigaan waxaa la magacaabay 11 October 1960, oo ah Saddax bil kadib Xurriyaddii Waxaana lagu magacaabay Wareegto Lr 19 ee 11/October 1960.[1]
Warbixinta HIPS’ waxaa lagu sheegay in Xeerka Nidaamka garsoorka ee 1962 uu jideynayey in Xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta saldhig looga dhigay Xeerka madaniga ee taliyaaniga iyo Xeerka Ciqaabta ee Taliyaaniga! Arrintaasina cilmi ahaan waa Qalad iyo gef weyn, maxaayeelay shuruucda la dabaqaayo waxaa qeexaaya qoddobada 23aad iyo 9aad ee Xeerka Nidaamka garsoorka sidoo kale mowduucaan waxaa nidaaminaaya qoddobka 1aad ee sharciga midowga labadii gobal ee ee Sharci Lam 5, soona baxay 31-January-1961, sharcigaas oo qeexaayaa in gobal kasta oo ku dhaqmaayo shuruucdii horay dhaqangalka ugu ahayd xurriyadda ka hor ilaa laga soo saaraayo shuruuc mideysan oo baddalaysa shuruucdii hore’ [2]’ Waxaa kale oo in la xusa mudan in Xeerka madaniga ee Taliyaanigu uu dhaqangal ka ahaa goballada koonfurta ilaa 1973-kii halka goballada waqooyi uu dhaqangal ka ahaa Xeerarka Madaniga ee India oo ka kooban qaybahaan (Indian) Contract Act 1872, the Limitation Act 1908, the Transfer of Property Act 1882 and the Land Acquisition Act 1894 .[3]
Warbixinta HIPS waxaa lagu sheegay in Guddigii midaynta shuruucdu markii ay qorayeen Xeerka Habka ciqaabta ay qaateen Xeerka Habka ciqaabta India oo meesha laga saaray Xeerka Habka Ciqaabta British oo asagu horay dhaqangal uga ahaa goballada waqooyi, warbixinta HIPS Waxay u qoran tahay sidan ((Si kale haddii loo dhigo, sharciga cusubi waxa uu meesha ka saaray sharcigii Ingiriiska, waxaana lagu beddelay ka Hindiya)) Arrintaas waxaa ka muuqdo macluumaad yari! Sababta oo ah Xeerarka India gaar ahaan Xeerka Habka Ciqaabtu wuxuu si toos ah dhaqangal uga ahaa goballada waqooyi, ka hor xurriyaddii Xeerakaan waxaa ka mid ahaa:
Indian Code of Criminal Procedure’
Indian Evidence Act 1872. [4]
Warbixinta HIPS waxay Sheekadaas mala-awaalka ah ku sii dartay sidaan (Waxa jiray dhawr arrimood oo loo aaneeyo sababta arrintaasi u dhacday. Tan ugu macquulsanina waxa ay ahayd in markii xorriyadda laqaatay guddoomiyihii koowaad ee maxak**adda sare laga dhigay Hindi Muslin ah, kaas oo loo keenay in uu dalka ka caawiyo sidii dhidibbada loogu taagi lahaa nidaamkii bilawga ahaa ee garsoorka Soomaaliya) Arrintaan intii horaba ka sii yaab iyo amakaag badan sababaha soo socda awgood:
Marka Koobaad guddoomihii ugu horeeyay ee Maxk**adda sare ee Dalka Xurriyadii Kadib Ma ahayn Hindi ee wuxuu ahaa taliyaani magaciisa waxaa la dhihi jiray Dr Guiseppe Papale, oo horay u haayay Xilka Guddoomiyihii Maxk**adda Cadaaladda ee goballadii koonfureed ee taliyaanigu gumaysan jiray, Waxaa xilka laga qaaday bilawgii 1965. Guddoomiya ku xigeenna waxaa ahaa nin kale oo taliyaani ah ooo magiciisa la yiraahdo Aldo Peronaci, oo asgu markii dambe badalay Dr Guiseppe Papale.
Ninka hindiga ah ee HIPS Warbixinteeda ku xustay waa Dr. Haji N. NOOR Muhamudoo loo magacaabay garsoore Maxk**adda sare ee dalka 1961 si loo fuliyo Axkaamta ku qoran Xeer Lr:18 ee 24-May soona baxay 1961 kaas oo faraayay in Racfaannada Goballada waqooyi laga soo qaatay ay dhagaystaan guddi uu ku jiro ugu yaraan hal garsoore oo yaqaanno Hannanka sharci ee Common law-ga isla markaana yaqaanno Afka Ingiriiska maadaama shuruucda goballada Waqooyi dhaqangalka ka ahayd ay ahayd common law, sidoo kalana Luuqadda maxk**adahu ay ahayd afka Engilish ka.[5]
Xaaji Noor Muhamuud Waligiis ma noqon Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka hase ahaatee wuxuuu ahaa garsoore Maxk**adda sare ee dalka sidoo kale 1965 ayaa loo magacaabay gudoomiye xigeenka Maxk**adda sare ee dalka.
Warbixinta HIPS waxaa lagu xusay in dawlad gobaleedyada uu ka jiro hanaan garsoor oo laga soo minguuriyay kii Milatariga, warbixinta waxa ay u qorantahay sidaan (Intooda ban, shanta dowladood ee xubnaha ka ah fadderaalka iyo Banaadir waxa ay adeegsadaan nidaam garsoor oo ka kooban saddex heer, kaas oo laga dhaxlay taliskii Siyaad Barre)Macluumaadkaasi kuma dhisna xaqiiqo, maxaa yeelay garsoorka dowlad-gobaleedydu iyo kan federaalkuba waxay ku dhaqmaan Xeerka Nidaamka garsoorka 1962, marka laga reebo dawlad gobaleedka Puntland oo iyadu leh Xeer nidaam garsoor oo u gaaar ah.
Warbixinta HIPS waxaa ka muuqdo in Maxk**adaha racfaannada dawlad gobaleedyada qaarkood ay leeyihiin ikhtisaas asalka ah (Original Jurisdiction) taas oo micnaheedu tahay in ay jiraan dacwo gaar ah oo ka bilawdo Maxk**adda racfaanka ‘ sidaan ayay u qorantahay warbixinta HIPS (Tan waxa ka sarreeya Maxak**adda Rafcaanka, oo sida caadiga ah ku taalla caasimadda gobalka (dowlad goboleedka. Maxak**addani waxa ay wax ka qabataa kiisaska culculus ee ay soo gudbiso Maxak**adda Darajada Koowaad- sababta ay u soo gudbisaana waa in ay awooddeeda ka baxsan yihiin miisaanka iyo baaxadda danbiyadu.)
Warbixinta HIPS waxaa lagu sheegay in markii ugu horeeysay Xafiiska Xeer-ilaalinta la dhisay 1962 laguna dhisay xeerkii nidaamka garsoorka ee xiligaas soo baxay! Waa arrin kale oo tilmaamaysa in HIPS aysan samayn Cilmibaaris dhab ah, sababta oo ah Xafiiska Xeer-ilaalintu xilligaas ka hor ayuu jiray waxaana lagu dhisay Sharci Lr 5/ee 2 February
Arrimaha ay ahayd in ay warbixinta ka muuqdaan oo aan la soo hadalqaadin
Arrimaha hoos ku xusan waxay ka mid yihiin dhawr arrimood oo ay ahayd in warbixinta lagu xuso oo aan la soo hadal qaadin:
Marka la soo gaaro askariyeyntii nidaamka Garsoorka Warbixintu ma xusin Xeerka Nidaamka garsoorka 1974 oo ahaa Xeer saldhig u ahaa hannaankii garsoor ee Dawladdii milatariga sidoo kalana ma xusin dastuurkii 1990 oo iasgu xoogga saaray madaxbanaanida garsoorka iyo dhisidda hanaan garsoor ee ka duwan kii ay dhisaayeen xeerka 1974 iyo dastuurkii 1979.]
Dhinaca dib u habaynta garsoorka warbixintu ma xusin dib u habaynnadii ugu dambeeyay ee garsoorka lagu sameeyay gaar ahaan kuwii dhacay afartii sannadoo ee ugu dambaysay
Marka laga hadlaayo shirkii dib u habaynta garsoorka ee 2013 waxa ay ahayd in la tilmaamo khaladkii ugu waynaa ee la galay oo ahaa in aan xubnihii garsoorka qaybahooda kala duwan laga talo gelin shirka oo ay marti ka ahaayeen shirkana ay maamulayeen dad aan garsoorka iyo arrimihiisa waxba kala socon.
ugu dambayntii ceebaha kale ee ka muuqdo warbixinta waxaa ka mid ah warbixinta oo ay ku yaryihiin Maraajicda cilmiga ah iyo kuwa taarikheed oo leh micne ay cuskato
WQ: Qareen: Daahir Cali
Waxaa Tifaftiray Avv: Axmed Ciise Guutaale