Garyaqan Abdulkarim Salah Ibrahim

Garyaqan Abdulkarim Salah Ibrahim justice products Affaris.

Maxaa ka qaldan Warbixinta Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya oo uu soosaaray Mac-hadka Heritage  Mac-hadka Heri...
12/01/2021

Maxaa ka qaldan Warbixinta Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya oo uu soosaaray Mac-hadka Heritage


Mac-hadka Heritage ayaa January-2021 waxa uu soo saaray Warbixin Cinwaankeedu yahay ( Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya ee Burburay)’ Warbixitaan sida muuqato waxay ka hadleysaa Nidaamka Cadaaladda Dalka laga soo bilaabo ka hor xurriyadii ilaa maanta sida uu yahay nidaamka cadaaladda dalku.

Warbixintu waxay mudan tahay in la amaano sababta oo ah waxa ay la xiriirta mawduuc muhiim u ah noloshada bulshada Soomaaliyeed’ sidoo kalane waa isku day bilaw ah oo mudan in la bogaadiyo’ hase ahaatee warxibinta waxaa ku jira khaladaad waaweyn oo marna aan laga aamusi Karin, khaladaadka muuqda waxa ay iskugu jiraan kuwa taariikheed, kuwa cilmi iyo kuwa khilaafsan xaqiiqooyinka jira.

Waxa kale oo mudan in hoosta laga calaameeyo in warbixintu ay ka gaabisay sheegidda arrimo muhiim ah oo ay tahay in ay tilmaanto cid kasta oo mawduucaan daraasad ama cilmi-baaris ka samaynaysa.

haddaba hadddii alle idmo waxa aan rabaa in aan si kooban u tilmaamo khaladaadka ugu waawayne ee warbixinta ku jira iyo sidoo kale arrimaha ugu muhimsan ee ay warbixintu ka gaabisay.

waa maxay khaladaadka waawayn ee ku jira warbixinta Heritage?

ugu horrayntii waxaan isku dayayaa in aan calaameeyo khaladaadka ugu waawayn eeku jira warbixinta Heritage’ khladaadkaas oo ay ugu muhimsan yihiin kuwa soo socda:

Warbixinta HIPS’ waxaa lagu sheegay in laba sannadood xurriyaddii kadib dawladdu magacawday guddiga midaynta shuruucda laba gobal (Consultative Committee for the Integration of Legal Systems) Arrintaas Waa khalad Sababta oo ah Guddigaan waxaa la magacaabay 11 October 1960, oo ah Saddax bil kadib Xurriyaddii Waxaana lagu magacaabay Wareegto Lr 19 ee 11/October 1960.[1]
Warbixinta HIPS’ waxaa lagu sheegay in Xeerka Nidaamka garsoorka ee 1962 uu jideynayey in Xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta saldhig looga dhigay Xeerka madaniga ee taliyaaniga iyo Xeerka Ciqaabta ee Taliyaaniga! Arrintaasina cilmi ahaan waa Qalad iyo gef weyn, maxaayeelay shuruucda la dabaqaayo waxaa qeexaaya qoddobada 23aad iyo 9aad ee Xeerka Nidaamka garsoorka sidoo kale mowduucaan waxaa nidaaminaaya qoddobka 1aad ee sharciga midowga labadii gobal ee ee Sharci Lam 5, soona baxay 31-January-1961, sharcigaas oo qeexaayaa in gobal kasta oo ku dhaqmaayo shuruucdii horay dhaqangalka ugu ahayd xurriyadda ka hor ilaa laga soo saaraayo shuruuc mideysan oo baddalaysa shuruucdii hore’ [2]’ Waxaa kale oo in la xusa mudan in Xeerka madaniga ee Taliyaanigu uu dhaqangal ka ahaa goballada koonfurta ilaa 1973-kii halka goballada waqooyi uu dhaqangal ka ahaa Xeerarka Madaniga ee India oo ka kooban qaybahaan (Indian) Contract Act 1872, the Limitation Act 1908, the Transfer of Property Act 1882 and the Land Acquisition Act 1894 .[3]
Warbixinta HIPS waxaa lagu sheegay in Guddigii midaynta shuruucdu markii ay qorayeen Xeerka Habka ciqaabta ay qaateen Xeerka Habka ciqaabta India oo meesha laga saaray Xeerka Habka Ciqaabta British oo asagu horay dhaqangal uga ahaa goballada waqooyi, warbixinta HIPS Waxay u qoran tahay sidan ((Si kale haddii loo dhigo, sharciga cusubi waxa uu meesha ka saaray sharcigii Ingiriiska, waxaana lagu beddelay ka Hindiya)) Arrintaas waxaa ka muuqdo macluumaad yari! Sababta oo ah Xeerarka India gaar ahaan Xeerka Habka Ciqaabtu wuxuu si toos ah dhaqangal uga ahaa goballada waqooyi, ka hor xurriyaddii Xeerakaan waxaa ka mid ahaa:
Indian Code of Criminal Procedure’
Indian Evidence Act 1872. [4]
Warbixinta HIPS waxay Sheekadaas mala-awaalka ah ku sii dartay sidaan (Waxa jiray dhawr arrimood oo loo aaneeyo sababta arrintaasi u dhacday. Tan ugu macquulsanina waxa ay ahayd in markii xorriyadda laqaatay guddoomiyihii koowaad ee maxak**adda sare laga dhigay Hindi Muslin ah, kaas oo loo keenay in uu dalka ka caawiyo sidii dhidibbada loogu taagi lahaa nidaamkii bilawga ahaa ee garsoorka Soomaaliya) Arrintaan intii horaba ka sii yaab iyo amakaag badan sababaha soo socda awgood:
Marka Koobaad guddoomihii ugu horeeyay ee Maxk**adda sare ee Dalka Xurriyadii Kadib Ma ahayn Hindi ee wuxuu ahaa taliyaani magaciisa waxaa la dhihi jiray Dr Guiseppe Papale, oo horay u haayay Xilka Guddoomiyihii Maxk**adda Cadaaladda ee goballadii koonfureed ee taliyaanigu gumaysan jiray, Waxaa xilka laga qaaday bilawgii 1965. Guddoomiya ku xigeenna waxaa ahaa nin kale oo taliyaani ah ooo magiciisa la yiraahdo Aldo Peronaci, oo asgu markii dambe badalay Dr Guiseppe Papale.
Ninka hindiga ah ee HIPS Warbixinteeda ku xustay waa Dr. Haji N. NOOR Muhamudoo loo magacaabay garsoore Maxk**adda sare ee dalka 1961 si loo fuliyo Axkaamta ku qoran Xeer Lr:18 ee 24-May soona baxay 1961 kaas oo faraayay in Racfaannada Goballada waqooyi laga soo qaatay ay dhagaystaan guddi uu ku jiro ugu yaraan hal garsoore oo yaqaanno Hannanka sharci ee Common law-ga isla markaana yaqaanno Afka Ingiriiska maadaama shuruucda goballada Waqooyi dhaqangalka ka ahayd ay ahayd common law, sidoo kalana Luuqadda maxk**adahu ay ahayd afka Engilish ka.[5]
Xaaji Noor Muhamuud Waligiis ma noqon Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka hase ahaatee wuxuuu ahaa garsoore Maxk**adda sare ee dalka sidoo kale 1965 ayaa loo magacaabay gudoomiye xigeenka Maxk**adda sare ee dalka.
Warbixinta HIPS waxaa lagu xusay in dawlad gobaleedyada uu ka jiro hanaan garsoor oo laga soo minguuriyay kii Milatariga, warbixinta waxa ay u qorantahay sidaan (Intooda ban, shanta dowladood ee xubnaha ka ah fadderaalka iyo Banaadir waxa ay adeegsadaan nidaam garsoor oo ka kooban saddex heer, kaas oo laga dhaxlay taliskii Siyaad Barre)Macluumaadkaasi kuma dhisna xaqiiqo, maxaa yeelay garsoorka dowlad-gobaleedydu iyo kan federaalkuba waxay ku dhaqmaan Xeerka Nidaamka garsoorka 1962, marka laga reebo dawlad gobaleedka Puntland oo iyadu leh Xeer nidaam garsoor oo u gaaar ah.
Warbixinta HIPS waxaa ka muuqdo in Maxk**adaha racfaannada dawlad gobaleedyada qaarkood ay leeyihiin ikhtisaas asalka ah (Original Jurisdiction) taas oo micnaheedu tahay in ay jiraan dacwo gaar ah oo ka bilawdo Maxk**adda racfaanka ‘ sidaan ayay u qorantahay warbixinta HIPS (Tan waxa ka sarreeya Maxak**adda Rafcaanka, oo sida caadiga ah ku taalla caasimadda gobalka (dowlad goboleedka. Maxak**addani waxa ay wax ka qabataa kiisaska culculus ee ay soo gudbiso Maxak**adda Darajada Koowaad- sababta ay u soo gudbisaana waa in ay awooddeeda ka baxsan yihiin miisaanka iyo baaxadda danbiyadu.)
Warbixinta HIPS waxaa lagu sheegay in markii ugu horeeysay Xafiiska Xeer-ilaalinta la dhisay 1962 laguna dhisay xeerkii nidaamka garsoorka ee xiligaas soo baxay! Waa arrin kale oo tilmaamaysa in HIPS aysan samayn Cilmibaaris dhab ah, sababta oo ah Xafiiska Xeer-ilaalintu xilligaas ka hor ayuu jiray waxaana lagu dhisay Sharci Lr 5/ee 2 February
Arrimaha ay ahayd in ay warbixinta ka muuqdaan oo aan la soo hadalqaadin

Arrimaha hoos ku xusan waxay ka mid yihiin dhawr arrimood oo ay ahayd in warbixinta lagu xuso oo aan la soo hadal qaadin:

Marka la soo gaaro askariyeyntii nidaamka Garsoorka Warbixintu ma xusin Xeerka Nidaamka garsoorka 1974 oo ahaa Xeer saldhig u ahaa hannaankii garsoor ee Dawladdii milatariga sidoo kalana ma xusin dastuurkii 1990 oo iasgu xoogga saaray madaxbanaanida garsoorka iyo dhisidda hanaan garsoor ee ka duwan kii ay dhisaayeen xeerka 1974 iyo dastuurkii 1979.]
Dhinaca dib u habaynta garsoorka warbixintu ma xusin dib u habaynnadii ugu dambeeyay ee garsoorka lagu sameeyay gaar ahaan kuwii dhacay afartii sannadoo ee ugu dambaysay
Marka laga hadlaayo shirkii dib u habaynta garsoorka ee 2013 waxa ay ahayd in la tilmaamo khaladkii ugu waynaa ee la galay oo ahaa in aan xubnihii garsoorka qaybahooda kala duwan laga talo gelin shirka oo ay marti ka ahaayeen shirkana ay maamulayeen dad aan garsoorka iyo arrimihiisa waxba kala socon.
ugu dambayntii ceebaha kale ee ka muuqdo warbixinta waxaa ka mid ah warbixinta oo ay ku yaryihiin Maraajicda cilmiga ah iyo kuwa taarikheed oo leh micne ay cuskato

WQ: Qareen: Daahir Cali
Waxaa Tifaftiray Avv: Axmed Ciise Guutaale

12/01/2021

Cadaalad daradu waa Ceeb Aduun iyo Aaqiro!

Ali Abubakar Ahmed (kiimiko) oo an isku fasal ahayn mudadii wax barashada heerka 1aad ee Jaamacada iskuna keyn dambeysay...
11/01/2021

Ali Abubakar Ahmed (kiimiko) oo an isku fasal ahayn mudadii wax barashada heerka 1aad ee Jaamacada iskuna keyn dambeysay 11/june/2017 oo an wada galnay maadadii ugu dambeysay ee Imtixaanka ayaan galabta kawada shaaheynay Baar kamid ah baarasha Degmada Beledweyne, Ali iyo Asxbta kale hormar wacan insh Allah.
.

Gabadh baa waxay soo iibsatay Telefon qaali ah,ka dib Aabaheed ayaa ku arkay Talefonkii markaasuu ku yidhi!"Aabbo markaa...
10/01/2021

Gabadh baa waxay soo iibsatay Telefon qaali ah,ka dib Aabaheed ayaa ku arkay Talefonkii markaasuu ku yidhi!
"Aabbo markaad Talefonka soo iibsatay wixii ugu horeeyey ee aad samaysay muxuu ahaa?"

Gabadhii baa ku jawaabtay;
"Waxaan soo galiyay Qolof (cover) sarre oo Talefonka difaac u noqonaya, kana ilaalinaya in uu jabo.

Aabbihii baa ku yidhi; "Cid kugu qasabtay miyaa jirta in aad sidaa samayso?

Gabadhii; "Maya Aabbe, layguma qasbin, laakiin aniga ayay i anfacaysaa in aan sidaas sameeyo si Talefonku uusan iiga jabin.

Aabbihii; "Ma kula tahay in aad ceebaysay Shirkadii Talefonka soo saartay?

Gabadhii; "Maya Aabbe, Shirkadu ayadaaba nagula talinaysa in aan Talefonka Qolof sarre galino, si uusan Talefonka nooga jabin.

Aabbihii; "Waa tahay, Qolofku miyuu qiima tirayaa Talefonka?

Gabadhii; "Maya Aabbbe, lkn Difaac ayuuba u yahay Talefonka, in uu jabo buu ka ilaalinayaa, ilayn haddii uu jabo waa uu qiima beelayaaye.

Aabbihii; "Miyuu foolxumo usoo kordhiyay Qolofkaasi Talefonka?

Gabadhii; "Aragtidayda maya qurux mooyee, fool xumo uma soo kordhinayo.

Intuu si fiican u soo eegay buu ku yidhi, "Aabbo macaan Xijaabkuna waa sidaa oo kale ee ku dhaganow had iyo goorba!!! Haddaad Akhrisay Soo Qor Masha Allah.

Haddaa ka heshay sheekadaan Like-saar siina faafi si ay dadkale u aqristaan.

Hambalyo Bahda Jaamacada Hiiraan.Qaasatay Saxibadey Dr. Omar Aadan Abdi iyo Dr. Hassan Hussein Yahye Muuqaal.           ...
07/01/2021

Hambalyo Bahda Jaamacada Hiiraan.
Qaasatay Saxibadey Dr. Omar Aadan Abdi iyo Dr. Hassan Hussein Yahye Muuqaal.
Hambalyo Hambalyo.

04/01/2021

Caawi walalkaa.
Telfon:-0618420568

04/01/2021

Caawi walalkaa oo ku xanuunsan Degmada Beledweyn gaar ahaan Xaafada Buunda-weyn laanta Buula-yaaquub.
Telfon:-0618420568

Saaxibkaa hal fursad sii si'uu cadawgaaga u noqon laakin Cadawgaaga laba fursad sii si'uu Saaxibkaa u noqdo!            ...
02/01/2021

Saaxibkaa hal fursad sii si'uu cadawgaaga u noqon laakin Cadawgaaga laba fursad sii si'uu Saaxibkaa u noqdo!
Barqa suuban.

01/01/2021
Hal Ku Dhigyada Cajiibka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah hoos ka akhriso:- " Luuqada Soomaaligu...
28/12/2020

Hal Ku Dhigyada Cajiibka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah hoos ka akhriso:-

" Luuqada Soomaaligu Waa Af Muslim, Waa Af-diin iyo Dadnimo-ba Xambaarsan ".

1-| " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. "

2-| " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. "

3-| " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan."

4-| " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha ."

5-| " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan? "

6-| " Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto, dawladuhuna laaluushi karan aqoonyahan ma-aha " .

7-| " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- | " In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad " .

9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay, laakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen."

10-| " Quraanka haddii aad akhrido ; qof Rabigii u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya."

11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- | " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi garaysid ; qalbigana waxa lagu furaa jacayl , naxariis iyo hadal wanagsan " .

14-| " Waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka, yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin. "

15-| " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya aah kuwa ugu hurdada yar ".

16-| " Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo " .

17-| " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo."

18- |" Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oodhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka."

Dadka kale sii gaarsii.

Xigasho:- Mustafe Janaale.

W/Q Avv Daahir ArabKaalinta Qareenka: Qareenka ma waxaa laga rabaa Natiijo mise dadaal?Waxaa jirto aragti qaldan oo dad ...
28/12/2020

W/Q Avv Daahir Arab

Kaalinta Qareenka: Qareenka ma waxaa laga rabaa Natiijo mise dadaal?
Waxaa jirto aragti qaldan oo dad badan ay qabaan oo ah in Qareenka laga rabo natiijo oo micnaheedo yahay in uu muwakilkiisu ka sugaayo in uu xaqiijiyo natiijada uu isagu rabo, kuna guuleysto dacwadda uu u haayo maadaamaa uu qareenku ka qaatay xushmad qareen, aragtida noocani ah waa aragti qaldan oo aan ka tarjumeyn kaalinta Qareenka, qareenku ma aha cida go’aanka gaaraysa hese yeeshee wuxuu kaalin ka qaataa in garsooruhu uu qaato go’aan muwakilkiisa dan u ah, waajibka qareenku waa inuu dadaal xoogan ku bixiyaa sidii muwakilkiisu uu ugu guulaysan lahaa dacwadda uu u haayo.
Qareenno badan waxay muwakilintooda u balan qaadaan in ay ku guulaysanayaan qadiyada ama dacwadda ay u hayaan, marka ay guulaysan kari waayaan ama laga xukumo ruuxa ay dacwadda u hayeen ayaa dadka u sheego in qareennaadu ay mar walbo been sheegaan, balan qaad beene ay sameeyaan, sidaa awgeed qareenku waa in uusan balan qaadin in uu hubo in uu ku guulaysanayo dacwadda uu haayo, waana in uu muwakilkiisa u sharaxaa kaalinta Qareenka in ay tahay in qareenku uu gacan ka geysto sida garsooruhu ku gaari lahaa go’aan muwakilkiisa u wanaagsan iyo in uu bixiyo dadaal intii suurtagal ah.
Qareenku muwakilkiisa wuu u sheegi karaa in uu ku qanacsan yahay in uu ku guuleysan karo dacwadan, laakin uusan balan qaadi Karin mar walbo in ay isaga guushu raaceyso, Qareenka muwakilkiisa u balan qaadayo in uu dacwadda ku guuleysan doono waa qareen aan kaalintiisa aqoon,
Qareen: Daahir maxamed Cali
Waa Qayb Ka mid Ah Buugga Mihnadda Qareennimada iyo Tabotuska Guusha.

Racfaanka iyo Arimihiisa.Racfaan waxa qaadan karo Eedeysane, Xeer-ilaaliye iyo dhinacyada kale. Racfaanka waa laga noqon...
27/12/2020

Racfaanka iyo Arimihiisa.

Racfaan waxa qaadan karo Eedeysane, Xeer-ilaaliye iyo dhinacyada kale. Racfaanka waa laga noqonkaraa fiiri (Qodobka 209 221aad).
Cadeynta racfaan qaadashada waa in laga horqaataa kaaliyaha Maxk**ada soo saartay Xukunka.
Mudada racfaan qaadashada waa 30 maalmood marka Xukunka laga qaadanayo 15 maalmood marka Go'aan laga qaadanayo.
Habka loo qaato racfaanka waxa uu noqonkaraa afka-sheeg ama qoraal arjiga qoraalka waa in laha helaa:-
B. Xukunkii, Go'aankii, amarkii ama qaraarkii laga qaatay racfaanka.
T. Taariikhda Xukunka la soo saaray.
J. Xafiiska soo saaray.
X. Asbaabta racfaanka.
Markii ay soo uruuriyaan shuruudaha racfaan qaadashada, kaaliyaha Maxk**ada soo saartay Xukunka waa in uu si deg deg ah ugu diraa galka kaalinta racfaanka loo qaatay ayadoo asbaabti iyo waxii laxiriira ku lifaaqanyihiin.
Kaalinta racfaanka loo keenay waa inuu si deg deg ah ugu gudbiyaa Garsooraha ku shaqada leh diiwaan gelinta galkaas.
Fiiri (Qodobada 216, 218, 230 iyo 231aad).
F.G. Eedeysaha racfaan k**a qaadankaro fal dembiyeed uu qirtay.

W/Q. Garyaqaan C/kariin Saalah Ibraahim (Kuuloow).

Address

Buundawyn Street
Beledweyne

Opening Hours

11:00 - 13:00

Telephone

+252615705930

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garyaqan Abdulkarim Salah Ibrahim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Garyaqan Abdulkarim Salah Ibrahim:

Share